Qoraallo

Mamuu iyo Seyn 5: Dhaqtarad Socdaal ah

Qaybtii Hore Duqdii, Haylaano, markii ay sheekha ka tagtay kuma laaban qasrigii amiirka. Waxa ay diyaar garow u gashay sidii ay ku noqon lahayd dhaqtarad. Maalmo badan ayay howlo xagga iyo xaggaba u kala wadday. Muuqaalkeeda guud iyo dhaqankeeda ayay wax badan ka doorrisay. Shaqo adag dabadeed waxa ay yeelatay …

Read More »

Rejada Ummadda Soomaaliyeed

Laga soo bilaabo burburkii dawladnimo ee 1991dii, dadka Soomaaliyeed markasta oo la yiraahdo doorasho ayaa jirta waxaa gasha rejo, waxa ayna u hanqaltaagaan in isbeddel imaan doono. Waa sax oo rejada lagama quusto laakiin waxa aad mooddaa in aysan weli helin hoggaamiyihii ay ku taamayeen ama xaqiijin lahaa rabitaannada ugu …

Read More »

Mamuu iyo Seyn 4: Duqdii Qasriga

Qaybtii Hore Inyar ayaan ka durkaynnaa wada sheekaysigii Mamuu iyo Taajuddiin. Qasrigii amiirka ayaan dib ugu noqonaynnaa. Xaalka Sitti iyo Seyn halka uu ku danbeeyay ayaan xog ka raadinaynnaa. Waa kuwii dib ugu noqday qasrigoodii. [Nasiibwanaag] waa tii ay u suurogashay iyaga oo aan la aqoonsan in ay qasriga gudaha …

Read More »

Mamuu iyo Seyn 3: Sirta Labada Gabdhood

Qaybtii Hore Labadii gabdhood ee xaalkoodu yaabka lahaa sidii ay u muuqdeen ma ahayn gabdho! Laba wiil oo dhallinyaro ah oo labadooduba ka tirsanaa dadka ugu firfircoon shaqaalaha madaxtooyada Amiirka ayay ahaayeen. Midkood waxa uu ahaa Taajuddiin. Waa mid ka mid ah saddex wiil oo uu dhalay wasiirka koowaad ee …

Read More »

Mamuu iyo Seyn 2: Ciidda Guga

Qaybtii hore Waa gabbaldhac, xilli ay dadku sii sagootinayaan 20kii Maarso ee ugu dambaysay diraacdii hore, si ay u soo dhaweeyaan guga cusub. Dhaqdhaqaaq kasta iyo shaqo walba oo ay dadku hayeen waxa ay yeelatay firfircooni aan hore u jirin; waayo? dadka oo dhammi waxa ay u diyaar garoobayaan sidii …

Read More »

Falanqaynta Miisaanka Maansada

Kun sagaal-boqol lixiyo-toddobaatankii waxaa lagu tilmaami karaa sanadkii laga niib keenay dhawr faa’iidooyin oo ku ladhnaa qorista af-Soomaaliga. Ka sokow in uu qeexay shaniyo-toban kun oo erey, waxaa sanadkaas soo baxay qaamuuskii ugu horreeyay ee sida cilmiyaysan u faaqiday arrinta uu qorahiisu, buuni Yaasiin Cismaan Keenadiid, ku tilmaamay “xasilid la’aanta …

Read More »

Mamuu iyo Seyn 1

Qalbi kasta oo uu calafkiisu kabbisiiyay xinjiraha jaceylka halkii isaga oo biyo qaboow ah uu dhadhamin lahaa; qalbi kasta oo nasiib-xumadiisu gayaysiisay in uu ku gubto dabka jacaylka oo aan mar kaliyana goosan dheefta mirihiisa ayaan u hadiyeynayaa sheekadan oo laga qoray xaqiiqo dhacday, isla markaan ka tagtay taariikh xanuun …

Read More »

Guudmar iyo Gorfayn Buug: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus

Magaca: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus (الأخلاق والسير في مداواة النفوس) Qoraaga: Ibnu Xasm ad Daahirii. Tifaftir: Muxammad al Kacbii, Daarul Qalam. Akhlaaqada wanaagsani meel sare ayaa ay kaga jirtaa diinta Islaamka, Ilaahayna markii uu ammaanayey Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ku tilmaamay in uu ku sugan …

Read More »

Waxbarasho xer-u-dhalad ah ma loo baahan yahay?!

Waxbarashada casriga ahi waxa ay la kowsatey soo gelitaankii gumaystayaasha reer Yurub ee arlada soomaalida, waxaana bilowgii laga lahaa ujeeddo iyo qarad diin fidin salka ku haya. Wadaad masiixi ah ama baaderi, ayaa waxbarashadaas hor kuutinayey. 1891-kii ayaa dugsiyadii ugu horreeyey ee noocaas ahaa laga kala furay magaalooyinka xeebta kulaalaya …

Read More »

Sababaha Baaba’a Dawladnimo

Maxaa ay dawladuhu u dhintaan, xaddaaraduhu u burburaan ama ummaduhu u baaba’aan? Waa su’aal da’ weyn oo aqoonyahano badani, waqtiyo kala duwan doodo ka dhiibteen. Aqoonyahannada ka hadlay arrintan ee wax ka taabtay waxaa ka mid ahaa caalimkii taariikhyahanka ahaa ee Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun (1332 –1406M). Ibnu Khalduun waxa uu …

Read More »

Qoritaanka Curiska- Guudmar

Waa Maxay Curisku? Curisku waa qoraal habaysan oo ku saabsan hal mawduuc. Curisku waa uu ka geddisan yahay maqaalka, inkasta oo ay aad isugu macno dhowyihiin, mararka qaarna isku si loo adeegsado. Sida maqaalka oo kale, curisku waxa uu yeeshaa gundhig (thesis), taas oo lagu soo bandhigo, si toos ah ama …

Read More »

Aw Jaamac Cumar Ciise

Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uu ka mid ahaa hormuudka taariikhyahannada Soomaaliyeed, waxa uuna caan ku ahaa uruurintii iyo qoristii taariikhdii iyo suugaantii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Daraawiishtiisi. Dadkii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Cali Dhuux, Cabdi Gahaydh, Cadnaan Qamaan Bulxan, iyo boqollaal kale. Isaga oo ka …

Read More »

Waraabaha ku Carar!

Seben barwaaqo ahaa ayaa aanu geel ku haynay meel hawd sare ah oo doog iyo ugbaad badan. Hadda geeljire ayaa aanu ahayn oo reero lama aanu joogin. Beentu waa shay xaaraan ahe, anigu lix gu’ ayaa aan kolkaa jirey. Meeshu waa dhul shareeran oo hinni ah. Roobka gu’ga oo kolkaa …

Read More »

Suufinimo : Sooyaal iyo Saamayn

Hordhac Dugsiyada fikir ee sameysmay boqolguuradii labaad ee tirsiga Hijrada waxaa ka mid ah fikirka Suufiga ah, oo aad u faafay saamayn badanna ku yeeshay dadka Musliminta ah dhexdooda. Suufinimadu waxa ay qayb ka noqotay fidinta iyo barashada diinta oo culumo badan oo suufiyo ah, ayaa dhulal badan ugu socodaalay …

Read More »

Baalkii Madoobaa ee Noloshayda- Buugga Sannadka 2016

Buuggani waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Buugga Sannadka. “Baalkii Madoobaa ee Noloshayda” waa magaca sheeko dhab ahaan uga dhacday Magaalada Muqdisho oo la buugeeyay. Gugan sii dhammaanaya ee 2016 ayaa la faafiyay dabcaddii ugu horreysay ee buuggan. Carwadii buugaagta ee Muqdisho 2016 ayay ahayd meeshii ugu horreysay ee lagu soo …

Read More »