Home / Tag Archives: sheeko

Tag Archives: sheeko

Mamuu iyo Seyn 18: Dhammaad iyo Gunaanad

Qaybtii Hore Habeenkaa uu Mamuu dadka aakhiro ku biirayo ee dabadeedna arrimaha tiro beelka ahi is dhalan rogayaan ha dhammaado. Maalinkii xigay qorraxdiisu ha soo baxdo. Jasiiradda Buudaan oo gabigeeduba kaydka murugada iyo oohinta noqotay ha soo dul istaagto. Dadkii jasiiradda ku noolaa oo geerida dhacday darteeda wada hoganaya [qorraxdu] ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 17: Kulankii u Dambeeyay

Qaybtii Hore Xaaladda Seyn hamaynkaa way ka sii dartay. Dhiiggii badnaa ee ay uur-ku-jirteeda ka soo butaacay iyo muddadii dheerayd ee ay suuxsanayd ayaa wax weyn u dhimay. Awooddii iyo xooggii yaraa ee jidhkeeda ku harsanaa ayay labadaas xaaladoodi dhidibtireen. Si xooggan ayay u tabardarraysay. Iyada oo xaalkeedu sidaa yahay ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah maaminaya. Kaahii oo aan si fiican u soo wada caddaan ayuu taladii soo gunaanaday. Qayb ka mid ah soo jeedintii Bakar ayuu ku qancay, fulinteedana go’aansaday. Talo dhaanta ayuu waayey, dabadeedna isaga oo isku qancinaya ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, Amiirad Seyn, iyana kurbo, jirro iyo oohin nafsaddeedii iyo hilibkeediiba idleeyay ayay ku dhammaysatay sannadkaa. Dhammaan labadaa mucaashaq saaxiibbadood, gaar ahaan Taajuddiin iyo Sitti, iyaguna murugo iyo tiiraanyo ayay sannadkaa dhammaaday la noolaayeen. Taajuddiin saacad ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. Ad-adeygga sebanku, isaguna, waa qaddar aan ka noqosho lahayn, amarka Ilaahayna waa mid jaango’an oo cid fulitaankiisa hor istaagi kartaa aanay jirin. Mar haddii ay sadarrada maqaadiirtu kugu xukumaan guuldarro, xabsi iyo hoog; umalka iyo ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 13: Laba-kacleyntii Fitnada

Qaybtii Hore Laba-kacleyntii Fitnada Awoodda xoogga badan ee jaceylku waligeed ma ay noqon mid carshi qalbi dhexyaalla inta korta isaga nagaata, iyada oo ku dhuumaalaysanaysa doohyo gadaashood. Si kasta oo ay u dheeraato muddada awooddaasi ka dahsoon tahay indhaha iyo dhagaha bulshada ku xeeran axadka ay qalbigiisa dhex gashay, haddana ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 12: Oofintii iyo Barjoogsi Kooban

Qaybtii Hore B: Oofintii Qorraxdii ayaa godkeedii haluulatay, gabbalkiina wuu ka daba haluushay. Ummaddii maalin-weynta taagagga iyo keymaha jasiiradda ugaarsashada ugu baxay ayaa soo noqday. Si doqoni-ma-garatay ah ayay magaaladii u cammirantay. Arsaaqaddii maanta laga bayhoofay ayaa hamaynnimadii raadin loogu dhaqaaqay. Labadii mucaashaq, Mamuu iyo Seyn, wali way maqan yihiin. ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 11: Ugaarsigii iyo Kulankii Mucaashiqiinta

Qaybtii Hore Ugaarsigii Waxa ay ahayd maalin cirka iyo qorraxdu ba saafi yihiin oo caad iyo daruur aanay saarnayn. Bii’addii ayaa lebbis kan ugu qurxoon ee ugu xardhan gashatay. Waxaa kulmay oo isla falgalay dhalaalkii xilligu keenay iyo dhoollacadeyntii beeraha iyo ubaxyadooda. Sundus cagaaran ayaa beeraha ka wirqaya. Neecaaw udgoon ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 10: Rafaadkii Mamuu

Qaybtii Hore Mamuu awal horeba, intii aanu waayin weheshigii saaxiibkii Taajuddiin, waxa uu ahaa nin aan sabir iyo degganaan badan toonna lahayn. Marka uu saaxiibkii Taajuddiin la wadaagayo sheekada jacaylkiisa iyo wixii uu dhib baday ayay si weyn uga muuqan jirtay in aanu ahayn nin dareen ahaan fadhiya. Maxaad u ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 9: Mawlicii Murugada

Qaybtii Hore Sitti iyo Taajuddiin waxa ay dhex mushaaxayaan maalmo saafi ah oo if iyo midabyo saafiya ah. Farxad ayuu sannadku ugu dhoolla-bireynayaa, hareeraha noloshooda cusubna wuxuu ku buuxinayaa har weyn oo barwaaqo ah. Wuxuu siinayaa koobab laga buuxiyay farxad iyo guulo illowsiiyay maalmihii cishqiga iyo kala maqnaanta. Labadii mucaashaq ...

Read More »