Home / Tartan / Tartan Curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda 2018

Tartan Curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda 2018

Waa Maxay?

Tartankan waxaa loogu magacdaray taariikhyahankii weynaa ee Aw Jaamac Cumar Ciise- Alle ha u naxariisto e-, oo geeriyooday 6dii Janaayo 2014. Waa tartan sannadle ah, waxaana lagu tartamayaa curis taariikhda Soomaalida ku saabsan. Ka qaybqaadashadu waxa ay u furan tahay qof kasta oo Soomaali ah meel kasta ha joogo e.

Taariikh-nololeedka Aw Jamaac Cumar Ciise halkan ka akhriso.

Ujeeddooyinka

  1. Maamuusidda haldoorkeenna.
  2. Dhiirrigelinta barashada taariikhdeenna.
  3. Dhiirrigelinta adeegsiga afkeenna.
  4. Dhiirrigelinta in la qoro qoraallo tayo fiican leh.

Hagid iyo Hannaanka Soogudbinta

  1. Kasooqaybgale kastaa hal curis oo uu qoray ayaa uu soo gudbinayaa.
  2. Laba qof waa ay iska kaashan karaan qoritaanka hal curis.
  3. Curisku waa in uu u dhexeeyo 2000 ilaa 4000 oo erey oo ku saabsan mawduuc la xidhiidha taariikh Soomaaliyeed (eeg hoos).
  4. Curisku waa in uu gudbinayaa farriin waayo-aragnimo iyo aqoon laga qaadan karo oo ku saabsan mawduuca uu ka hadlayo, sidii iyo intii ay doonto farriintaasi ha le’ekaato e.
  5. Qoraalku waa in uu dheellitiran yahay oo uusan hal dhinac oo keli ah wax ka eegin, qaab anshax wanaagsanna u qoran yahay.
  6. Curiska waa in la soo gudbiyo ugu dambayn Axad, 30’ka Sibtambar 2018.
  7. Curiska waa in lagu soo diro: tartan@garanuug.com.
  8. Fadlan soo raaci: magacaaga oo saddexan, magaalada iyo dalka aad ku sugan tahay, iyo telefoonkaaga.

Mawduucyo tusaale ah

Mawduucyadani waa tusaale ee khasab ma aha in iyaga lagu koobnaado:

  1. Taariikhdii Islaamka ee Carriga Soomaalida.
  2. Soomaalida iyo Imbaraadooriyadihii Adduunka— Dhaqan iyo Dhaqaalo.
  3. Axmed Guray iyo Halgankiisi: Kumuu ahaa?
    1. Saansaankii ka jiray gobolka ee sabab u ahaa kacdoonkii iyo jihaadkii Imaamka
    2. Abaabulkiisii, Howlgalladiisii, guulihiisii iyo waayihii soo gebagebeeyay halgankiisii
    3. Haddii uu Axmed Guray mar ku suntanaa astaan halgan oo Soomaalinimo iyo Muslimnimo, maxaa geyiga Soomaalida maanta aragtidaas iska beddelay?
  4. Taariikhdii Xisbiga Somali Youth League (SYL)
    1. Goorma ayaa la aasaasay?
    2. Yaa aasaasay?
    3. Ulajeeddooyinkii loo aasaasay?
    4. Maxaa musdambeed u ahaa curashada ururka?
    5. Maxay ahaayeen istaraatiijiyaddii ay rabeen in ay ku xaqiijiyaan himilooyinkii ay astaysteen?
  5. Taariikhdii la dirirka gumeystaha ee Koonfurta (tusaale: Biyamaal, Sheekh Aweys…)
  6. Taariikhda magaalooyinkeenna xeeb iyo berriba.

Abaalmarin

$1000 (kun doollar).

Xidhiidh

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh tartan@garanuug.com.

FG: curisyada naloo soo gudbiyo dhammaantood waa aanu kaydinayaa, waxaana suuragal ah in aanu u adeegsanno dano waxbarasho, iyo inaan faafinno . Ka qaybqaadashada tartanku waxa ay ka dhigan tahay oggolaansho aad noo siisay adeegsiga curiska.

 

Beddelid (18 Ogos 2018)

Muddada oo ku koobnayd 31’ka Ogos 2018 ayaa la kordhiyey ilaa 30 Sibtambar 2018.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka

Waa Maxay? Tartankan waxaa loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee Muuse Galaal- Alle ha u naxariisto ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *