Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In kasta oo uu aad u weyn yahay, cuf badan ma laha oo dhulkaa 8 jeer ka cuf weyn. Biyahaa ka cuf weyn, sidaas awgeedna waxaa la yidhaahdaa haddii la sameeyo baaf biyo oo meerahan qaadi ...
Read More »Gud-Yicib
“Adaa karis iyo kulayl ku cunee Kalmoon Yicib kayd ma leeyahay?” Magacyada Af soomaali: Yicib. dad Jicib u qorayana waan arkay. Af ingiriisi: Yeheb. Saynis: Cordeauxia edulis. Yicibku geed ma aha ee waa miro. Geedka ay mirahaasi ka baxaan waxa la yidhaahdaa “Gud”. Waa geed xor ah (wild) oo cid ...
Read More »Surud Cad/ Surad Cad
Waa buurta ugu dheer Soomaaliya, waxa ayna ka tirsan tahay buuraha Calmadow. Waxa ay badda ka korraysaa ilaa 2,408 mitir. Waa dhul qaboow oo roob badan. Surud Cad waxay u dhowdahay magaalada Ceerigaabo, Sanaag. Xaaji Aadan Af-qallooc ayaa gabaygiisi Ceerigaabo waxa uu ku yidhi: Mandartiyo25 kamaalkaad26 Lubnaan ugu malaysaaye Manaakh27 iyo hawaba ...
Read More »Cirjiidh (Jupiter)
Waa meeraha shanaad, uguna weyn bah qorraxeedka. Toddobada meere ee kale oo la isku daray ayaa uu 2.5 jeer ka cuf weyn yahay. Toddobada kaleba gudihiisa ayaa ay geli karaan. Dhulka haddii la barbardhigo, waxa uu qaadi karaa 1300 oo dhul! Dayaxa iyo Waxaraxir (Venus) marka laga reebo, waa jirka ...
Read More »Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)
Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa uu kasoo jeedaa laba eray oo af-Giriig ah oo la israaciyey; bios “nolol”, iyo, ,-logos “barashada”. Maanta laamaha saynisku aad baa ay isugu darsameen, soohdimihii u dhaxayn jireyna waa ay sii baaba’ayaan. Sidaas awgeed, laan ...
Read More »Unug (Cell; الخلية)
Waa Maxay Unuggu? U fiirso sawirka gidaarkan. Waxaa innoo muuqata in uu ka dhisan yahay bulukeeti la isdulsaaray oo isku dheggan. Haddiise aad ka fog tahay ma arki kartid in uu ka samaysan yahay bulukeetiyadan yaryar’e, waxaa kuu muuqanaya gidaar taagan. Sidaa si la mid ah, ayeynaan u arkin waxa ...
Read More »Atam (Atom, الذرة)
Maatar–ku waxa uu ka samaysan yahay saxarro aad u yaryar oo lagu magacaabo Atam. Hal tin ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ballaadhkeedu yahay hal milyan oo atam. Atamka qudhiisu waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood: borotoon, niyutroon iyo elektoroon. Atamku waxa uu leeyahay badhtame ama bu’ halkaas oo ay ...
Read More »Maatar (matter/المادة)
Aqoonteennu inta ay gaadhsiisan tahay uunku waxa uu ka samaysan yahay maatar iyo tamar. “Wax kasta oo cuf iyo culays leh oo meel bannaan buuxin kara”[1] ayaa maatar lagu magacaabaa. Si kale haddii aan u dhigno, wax kasta oo aad taaban kartid waxaa la dhihi karaa waa maatar. Sidaas awgeed, dhagaxa, ciidda, geedka, ...
Read More »Adaan (الأذان) [aadaan, eedaan, addin] iyo Iqaamah
Adaanku waa “dhawaaq iyo baaq dadka loogu sheego in salaadda wakhtigeedi galay”[1], waxa uuna ka kooban yahay “Erayo la isla ogyahay oo kooban oo ay Diinta Islaamku goysay in dadka loogu sheego in salaadda wakhtigeedii galay.”[2] Eray bixinnadaas aan ka soo xigannay qaamuuska Afsoomaaliga ee Soo Maal, waxa ay ta ...
Read More »Udxiyah (الأضحية)
Udxiyadu waa Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– oo dartiis xoolo (geel, adhi, lo’) loo qalo maalinta Ciidul Adxaa iyo maalmaha ka dambeeya. Udxiyadu waa astaan ka mid ah astaamaha Islaamka, diintuna innagu boorrisay in aan ku dedaalno, waana halka Ciidul Adxaa ay ka qaatay magaceeda, oo waa Ciiddii Udxiyada. In kasta ...
Read More »