Home / Tag Archives: meere

Tag Archives: meere

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In kasta oo uu aad u weyn yahay, cuf badan ma laha oo dhulkaa 8 jeer ka cuf weyn. Biyahaa ka cuf weyn, sidaas awgeedna waxaa la yidhaahdaa haddii la sameeyo baaf biyo oo meerahan qaadi ...

Read More »

Cirjiidh (Jupiter)

Waa meeraha shanaad, uguna weyn bah qorraxeedka. Toddobada meere ee kale oo la isku daray ayaa uu 2.5 jeer ka cuf weyn yahay. Toddobada kaleba gudihiisa ayaa ay geli karaan. Dhulka haddii la barbardhigo, waxa uu qaadi karaa 1300 oo dhul! Dayaxa iyo Waxaraxir (Venus) marka laga reebo, waa jirka ...

Read More »

Farraarre (Mars)

Farraarre waa meeraha afraad ee bah-qorraxeedka, waana meeraha dhulka ugu dhow, baaxad ahaanna waxa uu le’eg yahay qiyaastii dhulka badhkii, oo dhexroorka Dhulku waa 12,756 km, ka Farraarrena waa 6,787 km. Oogadiisu waxay leedahay midab casuus ah sida dhulka hawdka ah, waxaana lagu naanaysaa Meeraha Cas. Gibilka hawo ee ku hareeraysani ...

Read More »

Waxaraxir/ Xiddig Waaberi/ Maqala Xidhxidh/ Sahra (Venus)

Waa meeraha labaad ee bah-qorraxeedka marka dhanka qorraxda laga soo tiriyo. Meerahani waxa uu muuqdaa qorraxdu marka ay dhacdo ama sii dhacayso, waana walaxda ugu iftiinka badan ee cirka ka muuqata. Meerahani waxaa kale oo la arkaa marka waagu dillaaco, oo waxa aynu u naqaannaa xiddigta waaberi. Meerahan iyo dhulku ...

Read More »

Dusaa/ Cudaarid (Mercury)

Waa meeraha ugu dhow qorraxda, uguna yar siddeedda meere ee bah-qorraxeedka. Xilliga la arki karaa waa uu kooban yahay oo badanaa qorraxdhaca wax yar kaddib ayaa uu isaguna dhacaa. Waxyar ayaa uu ka weyn yahay dayaxeenna, laakiin oogada waa ay isaga egyihiin. Dusaa ma laha gibil hawo (atmosphere) oo ku ...

Read More »