Home / Aragti / Rejada Ummadda Soomaaliyeed

Rejada Ummadda Soomaaliyeed

Laga soo bilaabo burburkii dawladnimo ee 1991dii, dadka Soomaaliyeed markasta oo la yiraahdo doorasho ayaa jirta waxaa gasha rejo, waxa ayna u hanqaltaagaan in isbeddel imaan doono. Waa sax oo rejada lagama quusto laakiin waxa aad mooddaa in aysan weli helin hoggaamiyihii ay ku taamayeen ama xaqiijin lahaa rabitaannada ugu yar ee bulsho leedahay.

Xilligan aan hadda joogno waxa innagu soo fool leh doorasho madaxwayne. Bulshada inteeda fahamsan dhinaca wax u socdaan marka aad waraysatid, waxa aad arkaysaa in aysan isbeddel weyn malaynayn. Waayo dadka xilka ugu sarreeya dalka u taagan intooda ugu cadcad ama la saadaalinayo in ay hantaan kursiga dalka ugu sarreeyaa waa labo mid: dad horay loo soo tijaabshay oo loo arko in aysan waxba ka bilaabin isbeddelkii dadkoodu ka sugayey, iyo dad cusub oo loo arko in aysan la jaanqaadi karin xaaladaha adag ee meesha yaal.

Madaxwayne noocee ah baa ay Soomaalidu u baahan tahay xilligan adag ee lagu jiro?

Aniga oo aan u araran haddii aan ka jawaabo su’aashaas, waxa ay Soomaalidu u baahan tahay madaxwayne adag oo haddana jilicsan; madaxwayne leh aqoon hoggaamineed samaynna kara aragti la hiigsado iyo hilinkii loo mari lahaa; madaxwayne yaqaan dadka uu u talinayo, dhaqankooda afkooda iyo baahidooda dhabta ah; madaxwayne fahmi kara sida baahiyaha aan la soo koobi karin ee ummaddiisu qabtaa u kala muhimsan yihiin una kala horeeyaan; madaxwayne aan ka coodanayn ee cayminaya.

Maxaan uga jeedaa “madaxwayne adag oo haddana jilicsan”?

Waa madaxwayne go’aan-qaadasho leh, ku adag oo aan yeelin rabitaanka koox gaar ah, saamaynta reerkiisa iyo faragalintoodana  ka adag. Waa mid u jilicsan isbeddellada ay keensanayso siyaasaddu lana jaanqaadi kara, awoodna u leh in uu kala saaro cidda uu hadda xiriirkeeda u baahan yahay iyo cidda uu ka maarmi karo.

Waa hubaal in qayb badan oo idin ka mid ah oranayso waxa aad ka sheekaynaysaa waa wax qurxoon laakiin aan hadalka dhaafi karin, kana fog waaqica iyo xaaladda dhabta ah ee jirta. Waa sax, waayo 30 sano wax ku dhow baa laga yaabaa in aad niyadda ku haysay waxan wax la mid ah laakiin aad hadda quusatay oo aad isleedahay dadkaba wax wanaagsan kuma harin, haddii ay ku hareenna waxa aysan ka dhaqaaqi karin inta xun ee aan oggolayn horusocodka.

Haddaba, maxaa rejo ah?

Waxa aan u arkaa aragti gaabni in la isu dhiibo xaaladda hadba markaa jirta. Waxaa kale oo layaab leh haddii aad aaminsantahay in aan isbeddel imaan karin, ama aad sugaysid cid inta ay kuu timaaddo wax kuu xallisa, bal aan taariikhda dib u eegno. Ma jiraa dal inta dadkiisu dhinacna wax u dhaqaajin waayeen loo yimid oo wax loo dhisay, ayna ka soo baxeen wax dhaama wixii ay markii hore ku sugnaayeen?

Waxaa jira dhalin wax bartay intii dalku burbursanaa ama xilliyadii uu soo burburayey, oo fursado waxbarasho oo gudaha iyo dibaddaba ah helay. Dhalintaasi waxa ay la kulmeen ama dhadhamiyeen dhibka dawlad la’aan ama dawlad xumo leedahay. Waayo waxa ay arkayeen asaaggood waxa ay haminayeen in aysan hiigsan karin, oo ay wax ku barteen ama u barteen waddan ku calaamadaysan  dibdhac iyo nidaam la’aan, horayna uma ay soo arag macaan dawladeed ugamana soo faa’iidaysan dhinacna.

Dhalintaas waxa an u kala saarayaa afar kooxood, aniga oo ku salaynaya isbeddel raadinta.

Kooxda 1aad: waa dhalin wax baratay, laakiin ku milmay si fiicanna u dhex galay nidaamdarrada iyo dhawrid la’aanta sharciga dalka ka jira. Kuwaas oo aad mooddid in ay aqoontoodii u isticmaaleen sidii loo baahnaa si aan ahayn, oo aad arkaysid iyaga oo horboodaya, taageeraya, una ololaynaya aragtiyo ama falal qabiil salka ku haya; aad arkaysid in horjoogaha reerkoodu hadalka uu yiraahdaa uu yahay biyo-kama-dhibcaan agtooda, oo uusan jirin  wax hor istaagi karaa, haddii ay dhacdana ay diyaar u yihiin in ay u bixiyaan wax qaali ah sidii ay u socodsiin lahaayeen sax iyo qalad kuu doono ha ahaado e, iyada oo ay kala weyntahay maslaxadda reerkoodu wax kasta oo burburaya.

Kooxdani waxa ay caqabad weyn ku noqon karaan isbeddellada horumarka iyo dad isukeenidda, iyaga oo adeegsanaya aqoontoodii.

Kooxda 2aad: waa koox iyaduna wax baratay, laakiin iska qunyarsocod ah oo aan ku dhex milmin nidaamka beelaysiga iyo qunjuraafka ka dhex jira dadka xigtada iyo ehelka ah ee Soomaaliyeed. Sidaas oo ay tahayna aan rabin in ay bulshada dhex galaan oo ay isbeddel raadiyaan, ee iskaga qanacsan in ay iska shaqaystaan inta ay jirto fursad lagu shaqayn karo oo amni. Markii xaal xumaadana ay dadkoodaa iskala mid ahaadaan. Waa koox aan diyaar u ahayn in ay qayb ka noqdaan shar iyo khayr midna, laakiin fahamsan waxa ka maqan oo ah dawladnimada. Kooxdani caqabad kuma noqon doonto isbeddelka, qaybna kama qaadan doonaan, waxa ayse sugayaan in wax isbeddelaan.

Kooxda 3aad: waa koox wax baratay, ugana faa’iidaysatay waxbarashadoodii dhanka wanaagsan oo ka miradhaliyay, oo ku jira dadaal aan kalago’ lahayn, oo ay ku hormarinayaan naftooda, iyaga oo hadafkoodu yahay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen isbeddelka, diyaarna u ah in ay wax beddelaan, isuna diyaariya arrinkaas oo naftooda tababara, ka fog arrimaha qabiil iyo qunjuraafkooda, ku sifaysan dhaqammada wanwanaagsan oo ay ka mid tahay ammaanada, runta iyo hawlkarnimadu.

Waxaa jirta hal cillad oo dadaalkooda ka dhigaysa mid aan gaari karin meeshii ugu dambaysay oo ahayd in ay sabab u noqdaan isbeddel yimaadda. Waana in ay u shaqeeyaan qaab kelinimo iyo qof-qof ah, ayna isleeyihiin keena isbeddel aan libtiisa cidna idin la sheegan. Waa middaas tan banjarinaysa. Waayo qofkii dhalinyarada ahaa ee xamaasadaysnaa ee islahaa wax hagaaji markii uu fursad yar helo, waxa uu dhex gelayaa  shabakad xiran oo aan qof iyo labo ka guulaysan karin rabana in ay fashiliyaan, kana xajiimoonaya hufnaanta iyo horusocodka.

Halkaas markii la joogo qofkii wanaagdoonaha ahaa labo mid baa uu noqon: in uu joojiyo hawshii oo uu ka dhex baxo gebi ahaanba, oo uu naftiisa la baxsado iskana dhaadhiciyo waxba lama qaban karo, ama in uu ku dhex milmo oo uu noqdo mid iyagii fara dheeraysta. Kooxdani waa koox isla markiiba la jaanqaadi karta haddii la tuso waddada saxda ah ee loo mari karo isbeddelka, waxa ayna weliba gacan weyn ka geysan karaan isbeddelka la doonayo.

Kooxda 4aad:  waa koox u dadaal badan sida kooxda 3aad, diyaarna u ah in ay si dhab ah u waajahdo waaqica jira, leh geesinimo iyo dhiirranaan doonitaan oo ah in wax la dhaqaajiyo. Waa koox ku jirta isdiyaarin joogto ah, wax baarta la socota adduunka ku xeeran, isbeddellada ka dhacaya iyo kuwii horay uga dhacay, iskuna daya isbeddellada mustaqbalka in ay saadaaliyaan si ay ugu wax qaybsadaan. Qofka kooxdan ka tirsani ma aha keligii-lib-doone, ee waa qof yaqaan waddada saxda ah ee isbeddel lagu samayn karaa in ay tahay iskaashi awoodeed oo lagaga hor tegi karo awoodda hortaagan horumarka ee rabta in ay dadka ku dul noolaato.

Waa koox aaminsan in la isu diyaariyo koox ahaan ee aan la isu diyaarin keli ahaan, iyo in la sameeyo iskuxir lagu sii darsayo qofka iyo awoodihiisa, in ay dhexdooda ku tababartaan sida la isu maamulo, sida caqabad looga gudbo, sida khilaafaad loo xalliyo, sida hiraal loo sameeyo ka dibna loo gudbiyo, sida xog iyo xaqiiqo loo raadiyo, iwm.

Inta fikirkan aaminsan amaba ku dhaqaaqdaa waa koox aad u yar, laakiin adduunkaba waxa hagaa waa in yar oo dadaal ka badan bixiya inta ay dadka la midka ahi bixiyaan.

Haddaba, haddii aan ka jawaabo su’aashii ahayd “maxaa rejo ah?”, waxaa rejo ah kooxda 4aad, waayo markii shaqsi iyaga ka mid ahi uu bilaabo isbeddelka waxa uu garanayaa cidda caawin karta iyo cid walba oo uu u baahan yahay iyo awooddeeda. Taasi waxa ay sahlaysaa in uu ka guulaysto qolyihii fashiliyey kooxda 3aad, ee diiddanaa horumarka. Waxa uu awoodi karaa in uu socodsiiyo himilooyinkiisii ahaa in uu bulshadan dacdaraysan wax u qabto ama u bilaabo waddadii wax loogu qaban lahaa.

Haddaba, cid kasta oo aaminsan fikirka ah in la garnaqsado inta aan geedka la tegin, oo inta siyaasadda bannaanka laga joogo la diyaarsado difaac adag oo lagaga hor tegi karo dadka wanaagga neceb ee musuqa iyo eexda iyo qurunka ka shaaheeya- waa in ay bilowdaa sidii ay xubin uga noqon lahayd dad nadiif ah oo hadafkoodu yahay in ay naftooda iyo dadkoodaba la baadi goobaan noloshan mid dhaanta. Waa in aan laga cabsan caqabadaha jira nooca ay doonaanba ha ahaadeen e, lana waajaho, ayna u caddahay qof walba marka uu heer gaaro- ha hooseeyo ama ha sareeyo e- maxaa kuu kow ah maxaase ku labo ah?

Marka aan leeyahay xubin ka noqo koox, waa in ay tahay kooxdaasi kuwo leh hadafyo cadcad oo ay rabaan in ay  ku waajahaan xaaladaha taagan, mustaqbalka dhow iyo kan fogba, ee aysan ahayn koox wax qabadkoodu ku egyahay hadal keli ah.

Ilaahay ha inna waafajiyo sida khayrku inoogu jiro. Aamiin.


Inj. Maxamed Cabdisalaam Maxamed

Email: mjalaal114@gmail.com


Aragtiyaha ku sheeggan qoraalkan waxaa iska leh qoraha oo daruuri ma aha in ay ka afceliyaan siyaaso-tifaftireedda Garanuug.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Xalku Waa Isbeddel Shacab

Soomaali baynu nahay. Doorashada 2016 baynu hadal heynaa. Sannadku wuu isbeddelay. Fikirkaayaguse isma uusan beddelin. ...

Guulihii Kacaankii 21 kii Oktoobar 1969

Saraakiishii afgembiga ka dambeeyey waxay ahaayeen 25 nin oo 20 ka tirsanaayeen Ciidamada Qalabka Sida ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *