Home / Tag Archives: shaafici

Tag Archives: shaafici

Imaam Axmad

Imaam Axmad Ibnu Xanbal (164H-241H, Baqdaad, 88 jir): Abuu Cabdallah, Axmad ibnu Muxammad ibnu Xanbal. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Xanaabilada oo xilligeennan ku badan Sucuudiga. Waxa uu ku dhashay magaalada Baqdaad sannadkii 164H, aabbihiina waxa uu geeriyooday isaga oo saddex jir ah, waxaana korisay hooyadii. Barashada xadiiska waxa uu ...

Read More »

Imaam Shaafici

Imaam Shaafici (150H-204H, Qassah/زّ-Qaahira, 54 jir): Abuu Cabdallaah, Muxammad ibnu Idriis, ash-Shaaficii. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Shaaficiyada, oo ku badan Yaman, Shaam, Indunuusiya, Malaysiya, Bariga Afrika, iyo waddamo kale oo tira badan, ahna mad-habka ummada Soomaaliyeed inteeda badani haystaan. Imaam Shaafici waxa uu ku dhashay Qassah (Falasdiin) sannadkii ...

Read More »

Imaam Maalik

Imaam Maalik (93H-179H, Madiinah, 86 jir): Abuu Cabdallaah, Maalik ibnu Anas ibnu Maalik. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Maalikiyada oo ku badan Galbeedka, laga bilaabo Suudaan ilaa Marooko. Waxa uu ku dhashay Madiinah taariikhdu markii ay ahayd 93H, waana sannadkii uu geeriyooday saxaabigii weynaa ee Anas ibnu Maalik. Imaamku ...

Read More »

Abuu Xaniifah

Abuu Xaniifah (80H-150H, Kuufah-Baqdaad, 70 jir), Nucmaan ibnu Saabit/ ث. Asalkiisu wuxuu ka soo jeeday Kaabul, Afqaanistaan. Waa imaamkii aasaasay mad-habka Xanafiyada oo ku badan dalalka Aasiya iyo Turkiga. Imaam Abuu Xaniifah aad ayaa uu u caqli iyo cilmi badnaa, waxaana lagu tiriyaa dadkii adduunka ugu caqliga badnaa. Waxa uu ...

Read More »

Hubinta Sugnaanta Xadiiska

Waxyiga Ilaahay noo soo dhiibay waa quraanka iyo xadiiska oo ah hadalkii iyo dhaqankii Rasuulka NNKH. Quraanka si gaar ah ayaa Ilaahay u ilaaliyey oo quraanka aan hadda haysanno waa hubaal. Laakiin waxaa ilaa qarniyadii ugu horreeyey Islaamka jirey in si xad dhaaf ah la isugu dayey in la abuuro ...

Read More »

Diinta iyo Sayniska

Alle- kor ahaaye– markii uu uunkan sameeyey waxa ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. Markii Aadan- calayhis salaam– la abuurayna waxaa la baray dhammaan magacyadii waxyaalihii jirey. Isaga iyo Xaawo ba- calayhas salaam– waxaa loo kala sheegay dhirtii ku hareeraysneed kuwa dheefta u leh iyo kuwa dhibta u keeni ...

Read More »