Home / Tartan / Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018.

Hordhac

  • Sinji aw ka soo jeeda iyo sumad ma guuraana
  • Sowraca gobeed culimadiyo niman salaadiina
  • Sifa gaara baan leenohoo nalagu soocaaye.
  • Intaan seben xumaadkiyo na helin saxal wax duugaaya
  • Oo aan siyaasadu murkacan oo dhib ina saaqin
  • Oon laga saqlayn oo hiddaha eeyar laga siiban
  • Sanca jayna iyo lama aqoon waxay sameeyeene
  • Sandal iyo xasiig iyo ma jirin suufka manta ahe
  • Kaba saan ah dhidid dhawr saroo suuman lagu giijay
  • Salladaale caws qaaliyoo daabac wada saran
  • Dermadii sibbaaqiyo lahayd midabba soocsoocan
  • Kebda maydhaxdii soohanayd laga samaynaayo
  • Selled qoriya saab xididahiyo saama wada dhiina
  • Sibraar haraga oo caanihiyo saadka lagu qaato
  • Sati caw ah xeedhiyo fandhaal soorta lagu quuto
  • Baarrahadi sixintiyo quddaha subagga soo saara
  • Salsalka iyo jinawgaw ahaa soor dadkii hore‟e
  • Solay hiliba bay cuni jireen saaftin geedalehe
  • Sabar liica malahayne way socod badnaayeene
  • Sagaal boqol ka badan qalabka aan sadarku koobayne
  • Aadane inala siman ma jiroo saran dunideere
  • Sifahaa ilaashada dad waa kaga sarraynaaye.

Qowmiyad ahaan soomaalideennii hore waxay lahaayeen dhaqan iyo hidde ay soo kala dhaxlayeen in badan kaas oo aynnu ab iyo sinjiba u lahayn lafta iyo ruugga kaga wada jiray oo ay in badan ku soo caano maali jireen. Dhaqankaa, wuxu bud-dhiggiisu ahaa hawlkarnimo, xilkasnimo, adkaysan, sarriig, murti hadal, martisoor, maganbarin, geesinimo, muhanninimo, waracnimo, garyigil iwm. Bulshadeenaasi Waxay ahayd bulsho rag iyo dumar iyo yar iyo waynba u darban ebyidda iyo dhaqarya tirka hawlaha la gudbood oo uu qofkastiiba ku leeyahay qoys iyo bulsho ka dhexow door muuqdana ku leeyahay. Waxa jirtay qiimayn ey da‟ aadda qofka ku qiimeeyeen oo marba heerka uu qofku joogo haddii laga waayo ay muujinayso inaanu qofkaasi suun caqiibo lahaynwaxayna oran jireen „qofka 7 ilaa 10 jirka ah aad dhabqalalo ka waydo, 20 ilaa 30 jirka aad xarrago ka waydo, 40 ilaa 50 jir aad xoog ka waydo, 60 jir ilaa 70 jir aad talo ka waydo, 80 ilaa 90 aad tuxbas ka waydo midna caqiibo male‟. Taasoo qofku maantuu dabka baydho ilaa iyo maantuu itaal qabo ka dhigaysay qof xilkas ah oo masuuliyadi iska saaran tahay haddii uu la soo bixi waayo firfircoonidii iyo hawl karnimadii lagu yiqiin dadkiisana uu ku mudan jiray culays iyo cambaarayn taas oo wiilkana ka yeeli jirtay in loo arko laga roone aan nin karmeed ahayn kalana kulma dadkiisa eedayn iyo canaan joogta ah mararka qaarna looba sameeyo naanayso inantana ka dhigi jirtay habas uu filkeed dhaafay geyaankuna ka urursado faceeduna ka maadsado ficil darrideeda halka taa lidkeedana wiilka dardarta la soo kaca uu ahaa bulshadaa ad adag dhexdeeda wiil aabbihii ku dhaato aadna loogu duceeyo loona sii dhiirriyo. Inanta iyana doorkeeda durba ka soo dhalaasha oo feeyigada iyo qiimiyoodda la soo naaq tiraahda hooyadeed iyo xigtadeeduba u bogi jireen durbana la ilaalaysan jiray looguna ducayn jiray: laba reer kugu raysay iyo meel roon mar. Waa loo ildheeraa qofka xoola seegga ah kan qannaaca ah, fulayga, inanta baalida ah ama aan aqoon galeebaanka xoolaha sida karriimada, suuradinta, qalliinka, saafidda, sumadda iwm waxayna ahaan jireen kuwa sheegga oo naanaysa ku yeesha bulshadaa dhexdeeda ama farta laysugu fiiqqo oo qayrkood ku maadsadaan.

Inkastoo qofwalbaahi uu noloshaa dhacan iskaga lahaa oo aanay jirin cid macna la’aan isaga noolayd misna waxa kaalmaha ugu adadg bulshadaa kaga jiray haweenka. Haween keennu waxay ahaayeen kuwa qayb libaax ku leh dhaqankeenii hore waxay u darbanaayeen hawl kasta oo karaankooda ah. Gabadha soomaaliyeed intay yartahayba waxay ahayeen kuwa lagu ababiyo hiddaha iyo dhaqanka bulshadooda. Waxay ahayeen kuwa hiigsata hooyadood ama walaalo hood ka waawayn oo waataynu oran jirnay “gabari waa hooyadeed” mar kalena “gabadhii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay taqaannaa” markaba waxay baran jireen xoolaha galeebaankood, laan mullaaxeed ay maydhaxda rara iyo xadhkaha ka diirato, sida xoolaha loo qalo, loo qanja tiri loo saafo, cad magoolka iyo wixii la halmaala.

Halkaa waxan ka iri:

  • Hablii dhuudhuubana
  • Hablii dhererka u badnaa
  • Hablii dhexdu madag ahayd
  • Afkuna uu dhuxul ahaa
  • Hablii maarriin dhalaal
  • Hablii madow dhuxula iyo
  • Casaan dhiinaba lahaa
  • Xarrago dhalanka u lahaa
  • Asluub dhaqanka u lahaa
  • Adkaysan u dhaqan ahaa
  • Xishoodka ku dhaadan jiray
  • Xumaanta ka dhawrsan jiray
  • Wanaag isu dhiibi jiray
  • Dhegtooda ilaashan jiray
  • Dhallaanka barbaarian jiray
  • Ilmaha dhooldhoolin jiray
  • Xambaara ku dhuujin jiray
  • Hiddiyo dhaqankii wacnaa
  • Hablii ka dhex muuqan jiray
  • Hablii dhirta diiran jiray
  • Hablii dhuub soohan jiray
  • Hablii xadhig laba dhan rara
  • Dhakhsaba ka samaysan jiray
  • Hablii dhigihiyo udbaha
  • Dhismaha ka yagleeli jiray
  • Hablii dhoontiyo ubbada
  • Dhigaalka ku kaydsan jiray
  • Hablii dhiilaha la culo
  • Dhitada ku adkaysan jiray
  • Hablii dhalan dhool biyaha
  • Qaraabta ku dhaamin jiray
  • Hablii dhiig joojintoo
  • Markii dhagar uu nin galo
  • iyaga godob reeb dhaxdina
  • markaa loo dhiibi jiray
  • hablii wiilkay dhal
  • barbaarta dhiggiisa iyo
  • faciisaba dhaafi jiray
  • hablii madhaxiyo dhitada
  • Samaantaa ay dhidbaan
  • Xigaalku ku dhacaran jiray
  • Hablaha dhaxalkoodu yahay
  • Mid aan qalin lagu dhammayn
  • Dhawaaq lagu koobi Karin
  • Xiisana aan laga dhergayn
  • Dhabtii soomaalidiyo
  • Dhulkeenuun baa lahaa.

Gabadha soomaaliyeed waxay hawleheeda ku ebyi jirtay adkaysan, afgaabni, asturnaan iyo indheer garadnimo. Hawlaha dumarka goonnida isaga ahaa waa fara badanyihiin waxana ka mid ah guriga la degi jiray ama aqal soomaaliga oo ay kor iyo hoosba iyagu farsamadiisa lahaayeen. Soomaalidu waxay u badnayd reer guuraa raacato ah. In yar oo degaan aan guur guurin ah mooyee badidoodu waxay ahaayeen hoggaan ku daaq u hayaama hadba meeshii uu hillaa ka bilig yari ama qadhin iyo biya ku dambeeyaan. Soomaalidu waxay ahayd dad mar ka guura abaar, marna colaad, marna shilin iyo qaniin ku dillaacay oo ay ka diga rogtaan marna saxal iyo cudur deegaankooda lagu sheegay. Haddaba maadaama aan meelna rigli lagu ahayn waxay samaysan jireen aqalkaa ay farsamadiisa haweenku lahaayeen kaas oo u sahlanaa inay si fudud marna u rartaan marna u dhistaan gaadiidkooduna u qaadi karayey. Aqal soomaaligu waa guri aah ka dhicin daaraha aynnu maata ku jirno marka laga eego xagga dugsiga iyo roob celiska dhanka quruxdana wuxuba ahaa ashqaraar aan indhaha lagu ahayn Karin.

Aqal soomaaligu waxa uu ka koobnaa agab kala duwan siyaaba kala duduwanna ay haweenku u farsameeyeen mid ay dhirta ka gooyaan, mid ay soo diiraan, mid ay xidid ka soo siibaan, mid ay hargaha xoolaha oo la caayeeyey ama la aslay ka keenaanba. Aqalku waxa uu ka koobanyahay qaybahan soo socda:

  1. Qori: Qorigu waa kan haya guriga dhulkana loogu qotomiyo.
  2. Xadhig: xadhkaha lagu xidhxidho dhisme iyo rarba.
  3. Raro: raradu waa dugsiga, qurxinta iyo asturaadda aqalka. Dhammaanteedna waa dadab kor iyo hoosba.
  4. Gogol.
  5. Gurgur: gurgurku waa qalabka guriga hoostiisa lagu isticmaalo oo jaadad badan leh.

1- Qorigu waa saddex nooc oo kala ah udbo, dhigo iyo lool. Udbaha iyo dhiguhu waa qorya xoogaa dhumuca leh waxaana laga gooyaa dhir ay ka mid yihiin deyibka, dhebiga, dhosoqda, xayramadka ikk.

Loolku isagu waa duur lagu maray harag la dareeriyey.

2- Xadhkaha: xadhkuhu waa laba jaad oo kala ah yeel iyo maydhax, yeeshu waa xadhig caqiibale oo aad u adag kana samaysan harag geel ama adhi xadhkahaa yeesha ah waxa laga dhigtaa cayn, bayd, gibilxidhe iyo dhafar. Xadhkaha maydhaxda ah waxa laga diirtaa dhir ay ka mid yihiin galool, qudhac, bawbawlaho, biyays, yubbe ikk. Xadhkahaa maydhax waxa laga samaystaa waa laba dhan rare iyo garraar.

3- Rarada: radadu waa aqalka inta sare oo labaysa qoriga waa duldhis, dadab iyo dugsi ka dhexow. Radadu waa dhawr shay oo kala ah: cawska, kebedda, lammada ama jarcada, aloolka, abjedka iyo dermada.

Cawska ama hararku waa shay ka samaysan geedaha waxana ugu mudan geedaha laga sameeyo maadha, bilingada, caws guduudka, denyada, maydhada iyo gargoorta. Cawsku waa noocya badanyahay, kala waawayn yahay, kalana qurux badan yahay. Noocyada cawska waxa ka mid ah isku joog, caws cad, haldhaafyaale, waaxyaale, salldaale, sinjab iyo irkig.

Kebedda: kebdaha waxa laga sameeyaa maydhaxda galoolka marka laga reebo dhaan raacda oo iyadu suuf ah. Kebbedda muunaddeedu waa dun cas iyo dun madow. Miiddeedana waxa laga sameeyaa geedka mooliga. Kebeddu waxay ka koobantahay miid, maleeg, beeg, badhookh, iyo dun. Noocyada kebduhu waa: bar iyo muusaley, bawda wayn, hohob, halcad, iyo dhaan raac.

Dermada: dermadu gogosha iyo rarada labadaba waa ay gashaawaxana laga sameeyaa maydhada iyo cawda gadhyarta ah. Maydhada ama cawda inta aan la falkin ka hor waa la midabeeyaa iyada oo loo adeegsanayo dhir ay dacartu ka mid tahay. Dermada kuweeda dhismaha gala waxa ka mid ah layddi iyo derma cad.

Aloolka inta badan aloolku waxa keliya oo uu kordhiyaa waa dugsi waxana laga sameeyaa duurka iyo suuf.

Lammada: lammada ama jarcadu waa saanta loda waawayn laba saamood oo gees ah baa laysku tolaa sidaadaana rarada looga mid dhigaa.

4- Gogosha: gogoshu waa falag ama waa hargo. Saamaha xooluhu siiba ishinka iyo falagta dhisme ahaan iyo gogol ahaanba waa loo adeegsadaa. Dermooyinka jaadadka la goglado waxa ka mid ah jeexgogol, darfooley, isku qub, iyo salli. Gogosha hargaha ah waxa lagala baxaa adhiga iyo lo‟da waxana ka mid ah jaadadkooda waylaalis, harawaxar, maqaar, kaldho iyo masalle. Masalluhu waa shey salaadeed waana harag adhi la megdeeyey.

Marka aqalka intaasi u dhantahjay waa kaalay arag iyo iska daawo. Waa tii uu ninkii la dhacsanaa afadiisaa cusub iyo aqalka loo sharraxay dhanna kaga welwelsanaa maatidii kale uunlahaa:

  • Jaaheeda goortaan arkiyo jimidh wanaaggeeda
  • Iyo aqalka JEEXGOGOLA IYO RARADI oo jiifta
  • Hadba waxan jeclaystaa inaan kan iska joogaaye
  • Carruur jaahiliiniyo haween aniga ii jeeta
  • Jeeskiina wuxu doonayaa inan jarmaadaaye.

Samaynta rarada inta ay ku dhex jiraan haweenku waxa jirtay suugaan hees hawleed ah oo ay nisku maaweelin jireen iyaga oo isu jiibibinaya.

Hees hawleedda cawska/hararka:-

  • Cawskaygow sabool diidoow hoyal
  • Ay hooyalaayow hoyal
  • Kaan saaxil lagu geyney hoyal
  • Ay hooyalaayow hoyal
  • Soddon lagugu baayiciney hoyal
  • Ey hooyalaayow hoyal
  • Saddex lagugu kala goyney hoyal
  • Ay hooyalaayow hoyal
  • Sidka dhalay lagaa bixiney hoyal
  • Ay hooyalaayow hoyal
  • Yaa sameeyey lagu orane hoyal
  • Ay hooyalaayow hoyal
  • Suwar cagaha kula dhiciney hoyal
  • Ay hooyalaayow hoyal..

Kebedda:

  • Kebeddu nagu raagtoo
  • nagu rafaadee
  • raggana mawgu yeedhnaayey?
  • Xaabsatoy kebedey
  • Xadhig ma reebaay
  • Hadmaan kaa xilbeelaayey?
  • Waxad iga xil beeshaaye
  • Xadhigga beeggiyo
  • Maleeggood xaddiyataayey.
  • Geedba geedka u dheer
  • Laga garaacyeey
  • Galool mudhay mullaaxdiisey.
  • Qaarri laga diiryey
  • Laga qaqabayeey
  • Qorshoy quruxi maadaayey?
  • Wiring wir qoodleeyey
  • Waaya dayloy
  • Warqada doonniyaadleeyey.
  • Koronka cuni maynoo
  • Kariba maynee
  • Karuur geel malla hayaayey?
  • Meeshu waa hawdoo
  • Hoyanba maynee
  • Hashii wiil malloo diraye?
  • Naagan kebed ridhaney
  • Doca dalooley
  • ninkeedii dabayl raacyeey.
  • Gabadha kebedda lehey
  • kaakac daraney
  • adaan kayd u sii dhiganey.
  • Wiilka kebedda lehow
  • Kaalin daranow
  • Adaan koron u googoyney.

Dhismaha aqalka: Aqalka seeskiisu waa reedda oo ah dudbaha oo la taago iyo dhigdgexooytinka oo lagu qabta aqalladu waa kala waawayn yihiine marka reedda iyo dhigdhexooyinka laysku dhammeeyo oo loolka dusha laga saaro, garraarka dhigadaxa ahna lagu idleeyo baa rarada la saaraa. Aqalku wuxu leeyahay laba udub xoog waana labada udub oo afaafka aqalka is dhaafsan. Soomaalidu dhul balaaran bay degtaa magacyada aqalka waa lagu kala duwanyahay— waxase ka mid ah iswadh, galbeedi, laba daryaale iyo afar daryaale.

Gurgurka: gurgurku waa agab isku jir ah oo leh mid caanood, mid hilbood, mid subag iyo mid guraangurka lagu urursado. Waxa ka mid ah gurgurka sati, selled,baarroho/ubbo, gunnad, aagaan,sambiil, abxad, iyo tebbed.

Intaa waxa soo raaca weelasha guriga oo weel caanood, weel biyood ikk leh. Weel caanoodka oo ah farsama ashqaraarle oo dumarku sameeyaan waxa ka mid ah hadhuub gaalka, caw lo’aadka, jaafka, dhiil quraanta, dhiil carruureedda iyo sibraarka. Weelashaa waxay dumurku ka tolaan dhir ay ka mid yihiin qabo, argeeg, ilgaal mooli, caw iyo xaskul. Weelkaasi inta uu gocayada yahay waala aslaa oo geedka qoroonta asalkiisaa lagu aslaa inta uu xooloobayona waa la deebiyaaye lama culo oo dhir ay ka mid yihiin dureenta, bur labeenka, iyo jallabku baa lagu deebiyaa. Markay xooloobaan oo jilfaystaanna waxa lagu culaa maygaagga, caana macayska, higlada iyo bilcilka jiliftiisa.

Weel biyoodka waxa laga suubsan jiray isna haragga xoolaha oo la hoodhiyey lana alsay weelkaa lagu dhaansan jiray oo aad u biyo qaboobaa waa lagu ilaalin jiray asalka si aanu u xumaanna waana dhaqarya tirka weelka caanaha iyo biyahaba. Weelkaa waxa ka mid ah qarbedka ama xabka oo riyaha lagala baxo, wadaanta, kalaxa iyo ugarta.

Igu dambayntii waxan iri:

  • Ma hawaawiyaayee haddaan tebiyo hawraarta
  • Meeshii habboon baan ka oran hadalka qaarkiiye
  • Iska hubiya nuxurkiisa oo yuu hal idin seegin
  • Hidda sami hannaan lagu farxoo maanka lagu haysto
  • Xasuus hodona dhaqan haybadlihi
  • Hagarli‟ida shaqadaada iyo hawsha fulinteeda
  • Hanbalaalaqoo laga rebiyo heega sare gaynta
  • Hufnaan iyo xarrago uumiyuhu heedhe kuu qire e
  • Hagoog quruxsan iyo shaydr aad hu isku gaadhsiiso
  • Sabir lagu hoggaanshoo ilmaha hilinsan loo jeexo
  • Dhaxdin haakah tari iyo xigaal duco hibaynaayaa
  • Kun sifoon hal loo tirin karayn hubanti weeyaane
  • Hooyooyin idinkaa lahaa dhaqan hufnaan tiisa.

W/Q: Farxiya Aadan Yuusuf

Ceerigaabo, Sanaag

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka

Waa Maxay? Tartankan waxaa loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee Muuse Galaal- Alle ha u naxariisto ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *