Home / Suugaan / Silsiladdii Xaydha 1

Silsiladdii Xaydha 1

Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey

 Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso

***

Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd kusoo mariyey

 Eed laba gadiid ka hirqataad, honono’aysaaye


Soomaalidu waa ummad suugaanta quudata, gabayga iyo gabyaaguna waxay noloshooda kaga jireen meel sare. Raggii ay Soomaalidii hore qaddarin jirteyna waxa ka mid ahaa wadaadka diinta yaqaan, gabayaaga aftahanka ah iyo isinka ama hoggaanka dhaqanka. Waa ummad odhaaheed oo waxay fac-ka-fac isu soo gudbinayeen maahmaaho, meerisyo gabayo ah iyo sheekooyin murti leh, kuwaas oo aanay jirin kutub ay ku qoran yihiin oo laga soo min guuriyo balse afka uun lagu kala dhaxli jiray. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana waxa far qorid la’aanta kaga lumay suugaan badan iyo weliba kasmooyin idil oo madax bannaan sida xiddigiska, isku daaweynta dhirta iyo barashada degaanka.

Markii qoraalka farta la hirgeliyey 1972kii ayaa la isku deyey bal in la daba qabateeyo suugaan badan oo haddii aan markaa la qori lahayn, aan maanta wax naf leh laga xasuusteen. Suugaantii xilligaa la ururshay waxaa ka mid ahaa gabayadii xiisaha lahaa ee Silsiladdii Xaydha, taas oo ah sheekada iyo tixaha is huwan ee aan maanta idinku jalbeebin doono.

Ku-sinnaan 1941kii kolkii dagaalkii labaad ee adduunka gulufkiisu taagnaa, ayaa rag door ah oo awri isugu xidhiidhsan tahay ka ambabaxeen ceelka Burco. Raggaas oo ka koobnaa xidid iyo xigaalo aan la tarraxin, waxay usoo safreen reerahoodii oo markaa yiillay bannaanada Xaguuga iyo Xalxalis. Toobiye waa loo tabaabulshaystaaye, markii magaaladii laga soo ambabaxay jicsinkiina badankiisii lasoo gatay ayaa nin la odhanayey Xirsi Cali Buraale oo Xirsi-Caamir loo yiqiin lagu yidhi, “Xirsiyow adiga ayaa awr caddaysimo ahi kuu xidhiidhsan yahaye, orod oo subag aynu kusii jid-marno inoo soo iibi.”

Xilligaas subagga rag shafeecsado ama jicsin u qaato waxa ugu mudnaa sixinka, haddii la waayana dhuuxa ama heenka hadba sida loo yaqaan.  Xirsi-Caamir wuxuu soo iibiyey subag heen ah, balse markii danbe lagu ilaaqay, xaydhna laguba sheegay. Dhaliishaa waxa aloogay Weerar Cali Geelle oo raashin uu Burco kasoo miistay safarka ugu xidhiidhsanaa, socotadana ka mid ahaa.

Weerar Cali Geelle wuxuu Xirsi-Caamir ku haaraamay inuu wax usoo hadoodilay oo subag aan wanaagsaneyn uu ragga la hor yimid. Si gaar ah waxa uu uga hafeefanayaa inuu bisad ka yaraaday markii nimankii ay xididka ahaayeen soortii xilka lahayd lasoo hordhigay. Midhkaas oo haddiiba uu jiro Xirsi facshar iyo fadeexad ugu filnaa. Bal u fiirso sida raggii hore cidda ay hablaha kala qabaan uga sarriigan jireen, waa intii xishoodka la huwanaa ee xirribuhu dadka ku yiilleen e.

Markii reerihiiba lagu soo dhowaaday ee la maraayo meesha la yidhaahdo Ceeg, subaggiina lagu soo jid-maray ayaa Weerar af labadii yeedhay, wixii uu qoonsadayna diirka ka qaaday. Goobtaas ayuu Weerar ka dareeriyey tix ibo-fur u noqotay taxane gabayo ah oo aad u mudh baxay, kuwaas oo afarta geriyahan ba ku ekaaday, dibanaha dhawaaqa iyo dabaysha dhabataana ay isku si usii qaadeen. Taxanahan oo lagu suntay Silsiladdii Xaydha waxa ka qayb qaatay rag badan oo ladqabo iyo loollan-doon isugu jirey. Waxaanse meesha ka madhnayn in markii uu Weerar gabayga bilaabayey uu uga dan lahaa inuu abuuro kaftan jidaasha laysku dhaafiyo, jidkuna kusoo gaabto.

Sida aynu ka dhex bidhaansan karno tixaha inagu soo food leh, raggii hore si hufan ayuu u haasaawi jiray una kaftami jiray iyadoo aanu afku ka duulin arrinkuna ka dhooqoobin. Ayeeyday Cambaro Faarax Bullaale, oo ah waayeel dhaqan yaqaan ah, mar aan u akhriyey labada gabay ee silsiladdan u horreeya, waxay la yaabtay sida farshaxannimada leh ee ay raggaasi isugu hal celinayeen, waxaanay igu tidhi, “Ayeeyo hadday kuwa maanta jooga yihiin markiiba huudh ayay isu qaadi lahaayeen.” Si kastaba ha ahaatee gabayada silsiladdii xaydhu, marka laga tago hadal haynta sheekadooda, waxay reebeen meerisyo badan oo halhays noqday kuwaas oo loogu maahmaaho kolba cidda loola gol leeyahay.

Iga hooya haddaba tixdii ugu horreysay ee uu Weerar Cali Geelle silsiladdaas ku ibo-furay. Isaga oo Xirsi ku darraabaya in aanu si wanaagsan ugu hagar bixin ee uu hafaryo uun usoo hadoodilay ayuu yidhi:

Xirsi-Caamirow layna hiif, laguna haaraanye

Allaylahe habaar baad qabtaa, waana la hubaaye

Rag hadduu hor fule kaa dhigtoo, hibo laguu yeelo

Waa loo hagaajaa anfaca, hadasho waa ceebe

Nimankaan hablaha kala qabniyo, hurinta reer Muuse

Inaad la hor martaa may ekayn, waxan habboonayne

Hor Ilaahay soor wacan adaan, noogu hawl geline

Hilibka iyo maakhirigaba waa, heli karayseene

Hareeraha kun miidaa jiroo, laga hiraabtaaye

Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey

Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso!!

***

Markii uu Weerar tixdaa la sara kacay, faqiina fagaare u beddelay ayaa Xirsi Cali Buraale na is daafacay. Gacanta kamuu hadline afka ayuu ka hadlay. Farshaxan buu ahaaye, dhinacyo badan ayuu Weerar wax ka tusay. Marka hore waxa uu Weerar Xasuusinayaa inay labadooduba magaalada ku wada jireen, uuna haystey kansho uu isaguba ku iibsado subag iyo surbiyaan kolba kii uu jid-mar ahaan u janto.

Mar labaadka ayuu Xirsi ku gar-naqsanayaa in subaggii uu benderka kasoo gaday somal-haadkii socodka dheer la iska soo xigsiiyay, dhawr subaxna safraddii la iskaga biiyey, sidaa darteedna tixda uu Weerar ku alaladay ay tahay hadal meel waayey. Meel kale oo gabayga ka mid ah ayuu Xirsi-Caamir sidii wadaad xarafka diineed ku xeel dheer uu u wacdiyayaa Weerar. Wuxuu ku waaninayaa in wixii jidiinkiisa mara ee uu shafeecsado wax ka sheeggoodu aanu habboonayn. Gebo gebada ayuu Xirsi ku dacwiyayaa in haddii soortii uu isagu soo gaday Weerar la silloonaatay ay ahayd in uu dhinac isaga duwo, dheefteedana ka qado. Waxa uu yidhi Xirsi-Caamir isaga oo Weerar u hal celinaya:

Hadal kaad i tidhi Weerarow, waa huf iyo beene

Adiguba hortey waxaad fadhidey, hooska tuulada e

Habeennuu wax sii ururiyaa, Hawd ninkii qabanne

Haydaarada iyo waad ogeyd, hilinki dheeraaye

Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd kusoo mariyey

Ee aad laba gadiid ka hirqataad, honono’aysaaye

Hareeraha ka leefkii markay, gacantu haarowdey

Waatay fartii hilib dalqaha, sii harraatidaye

Nin wixii hungurigiisa maray, hiifay waa qadafe

Hareer baabu isaga weeciyaa, waxan habboonayne

Haddii uu hogseeg yahay maxaad, uga hakoon weydey?

***

Filo hormada 2aad dhowaan….

Shaafici Qaasim Nuur

Shaaficiqaasim@gmail.com


Mahad-celin:  Waxaan mahad gaar ah u celinayaa af yaqaanka weyn ee Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed (Carraale), kaas oo cajalad laga qabtay 1983 kii aan kasoo xigtay gabayada xooggooda. Cabdillaahi aabbihii, waa Diiriye Aw Guuleed e, waxa uu ka mid ahaa raggii ka qayb qaatay Silsiladdan Xaydha.

Waxaa xusid mudan in buugga Af-Soomaaliga ee fasalka 8aad ee manhajkii hore uu isna tixraac muhiim ah ii ahaa.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Silsiladda Xaydha 3

Mugga sow silsiladdii halkaa haka socoto maaha? Sow nin waliba tarkii haka gar naqo maaha? ...

Silsiladda Xaydha 2

Akhristeyaal aan idiin soo koobo, idinna xasuusiyo qaybtii hore ee qoraalkane, waatey ahayd afartameeyadii qarnigii ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *