Mamuu iyo Seyn 3: Sirta Labada Gabdhood

Qaybtii Hore

Labadii gabdhood ee xaalkoodu yaabka lahaa sidii ay u muuqdeen ma ahayn gabdho! Laba wiil oo dhallinyaro ah oo labadooduba ka tirsanaa dadka ugu firfircoon shaqaalaha madaxtooyada Amiirka ayay ahaayeen. Midkood waxa uu ahaa Taajuddiin. Waa mid ka mid ah saddex wiil oo uu dhalay wasiirka koowaad ee Amiirka. Saddex wiil oo caan ku ahaa geesinnimo iyo karti badnaan ayay ahaayeen. Heybaddooda, sida loo wayneeyo karaamadooda iyo magacooda dheeraaday ayaa rafiiq noqday. Wiilashahaa walaalaha ahi jasiiradda oo dhan way ka dhex sheegganaayeen, amiirkuna duruufihiisa gaarka ah iyo munaasabadaha muhiimka ah ayuu u dirsan jiray, kalsooni buuxdana wuu ku qabay. Taajuddiin ma ahee laba kale waxaa la kala oran jiray Caarif iyo Jooko.

Wiilka kale ee isna suuxay waa Mamuu. Waa mid ka mid ah xoghaynta madaxtooyada, waana saaxiibka gaarka ah ee Taajuddiin. Taajuddiin labada wiil ee walaalihiis ah iyo asxaabtiisaba isaga ayuu kaga kalsooni badnaa. Midkoodba kan kale waxa uu u hayay walaaltinimo, saaxiibtinimo iyo kalgacayl ay yar tahay cid wadaagta. Waxaa suurtagal ah sababta kalkacaylka ay isu qabaan uu halkaa u gaaray in ay tahay dhaqanka ay labadooduba leeyihiin –jacaylka iyo ku mammanaanta quruxda iyo wixii qurxoon. Waxa ay aad ula dhacaan quruxda noocyadeeda iyo muuqaalladeeda dabiiciga iyo dad-sameega isugu dhafan, saamaynta ay ku yeelatana waa mid ka sarreeya heerka ay bulshada jasiiraddu kula ashqaraarto quruxda. Sidan waaba ku caan. Hilow daran ayay marwalba u qabi jireen in ay kol uun arkaan quruxda jawharadaha qubkooda ku jira ee intaa la hadal hayo –labada amiiradood, Seyn iyo Sitti. Sababtan ayaa ku kalliftay in ay maalinkii ciidda hablo isu ekaysiiyaan, si ay hablaha u dhexgalaan oo u arkaan labada amiiradood.

 Labnimadoodii iyo ragannimadoodii ayay qariyeen. Dumar ayay isu ekaysiiyeen. Mid walba waxa uu soo xirtay dirac laga sameeyay xariir ta ugu qaalisan ee jirta. Dhexdana waxay ku soo xirteen maryo ay caan ku ahaayeen hablaha quruxda la kaliyoobay. Waxa uu midkoodba madaxa ku soo duubtay hagoog cajiib ah oo faraqyo jilicsan oo xariir ahi dhanacyadeeda ka laalaadaan. Inyar oo timahooda ka mid ah oo si ashqaraar leh dhabannadooda ugu foorara ayaa faraqyada xariirta ah hoostooda ka muuqda.

Quruxdoodii dhaladka ahayd waxaa ku biirtay dhowr kiilo oo qurux ay iyagu samaysteen ah, sidaa ayaa ayna debaaldeggii ku yimaadeen –debaaldegga ka dhacaya deegaanka quruxda dadka kaga ilmaysiiya ee wada doogga iyo ubaxa ah. ujeedkooda ugu wayni waa in ay arkaan labada amiiradood, debaaldegguna waa fursadda kali ah ee himiladoodaasi ku rumoobi karayso. [nasiibdarro se labadii amiiradood xagga kale ayay u waydaarteen –way is nimaneeyeen]

Debaaldeggu waa isagii dhammaaday. Sida farxadda iyo jacaylka huwan waa isagii ku gabagoobay. Labadii amiiradoodi waa iyagii ku hungoobay helitaanka raggii ay quruxdooda sii qorsheeyeen. Si la mid ah, Taajuddiin iyo Mamuu na way ka noogeen in ay arkaan labadii amiiradood ee ay dartood dumarka isugu ekaysiiyeen. Soo noqodkii ayay ahayd kolkii ay wax waliba is beddeleen. Taajuddiin iyo Mamuu waxa ay ku baraarugeen ashqaraarkii quruxda labada amiiradood iyo caraftoodii –wayna la sarkhaameen. Waa iyagii ku soo leexday. Sidii ay ukaayeen amiiraduhu ayaa la heshay nabarro dilaa ah oo miyirkoodii galaafatay. Xaqiiqo ahaanse sababta ay wiilashu la suuxeen ma ahayn muuqaalka labada amiiradood. Waxaa jiray wax ka wayn. Rooxaan jacayl oo wiilasha ku gaamurtay ayaa miyirkoodii la tagtay. Jacayl ka sarreeya tixgalinta muuqaallada jirka iyo dareenka jinsi ee lab iyo dhadig ka dhexeeya ayaa wiilasha suuxiyay. Mid kasta bartamaha qalbigiisa ayuu jacaylku dhex dagay, deetana isaga oo hir oo kale ah ayuu gaaray irdaha ruuxda amiiradaha midkood. Waxaa la is oran karayay afartoodaba arwaaxo ku kala lumay hirarka is-hardinaya ee dunida oo baadigoob isugu jiray ayaa ku jirtay. Muuqaallada dabiicadda iyo ubaxyada ayay iska dhex baarayeen. Candaliibka* quruxda badan  iyo shimbiraha heesahooda ayay dhagaha u raaricinayeen, iskana baafinayeen. Mid kasta oo iyaga ka mid ah ruuxdiisa ruuxda ka maqan, muuqaallada wajiyada iyo sawirrada ayuu ka baadigoobyay. Maantase waa iyagaa kulmay. Markan oo kale, wax la la yaabo ma aha in ruuxdu ay jirkeedii halmaanto oo ka mashquusho, amakaagna maaha in ishu ruux kale ku dhaygagto, dabadeedna caqligu firdhado, dareenkuna qulqulo. Maaha wax lala yaabo in jacaylku awood bato! Labadaa askari [wiilasha] ee fardafuulka ah oo kalena uu legdo, sidii balanbaallis holac leefay oo kalana dhulka ku bilqo.

Taajuddiin iyo Mamuu iyaga oo meeshii ay ku suuxeen wali yaalla waa kuwii amiiraduhu ka carrabeen. Fargashiyadoodii waa iyagii loo beddelay. In badan oo habeenkii ka mid ah markii ay tagtay ayuu jirkoodii awood u yeeshay in uu ruuxdiisii soo ceshado, si la mid ahna caqligoodii ayaa baraarugay oo garashadiisii fogaatay dib ula saaxiibay. Waxa ay soo miiraabeen iyaga oo meel cidlo ah duuduuban habeen gudcur ah oo xiddigihiisu dhaceen. Jawi hilmaan iyo illowsho ah ayaa hareeyay. Waxa ku dhacay ma ay xusuusna. Waxba ka la ma ay socdaan waxa halkaan ku tuuray iyo sababta ay halkaan u joogaan midna. Hal arrin ayayse hubaan. Wadna garaac qariib ah, murqo xanuun, tabardarro jirka oo dhan saamaysay iyo xusuus-yaraansho saa’id ahi in ay ilbiriqsiyadan hayso!

Cabbaar markii ay sii fadhiyeen iyaga oo yaabban ayay dirqi ku istaageen. Dhabbihii magaalada gali jiray ee ay galabta ka soo leexdeen ayay cago tabardaran saareen, iyaga oo daal iyo tabardarro kax la ah. Way iska luudeen. Si dulqaad miiran ah ayay magaaladii ku soo gaareen, dabadeedna inta ay is macsalaameeyeen ayuu midkoodba xaafaddiisii abbaaray.

Maalmo badan ayaa is daba galay. Wakhti isbuuc dhan ayaa ka soo wareegay miyirbeelkoodii, walise Mamuu iyo Taajuddiin waxay la ildaran yihiin xanuun aan ka soo reyn lahayn in uu bato oo kordho maahane. Mid kasta wuxuu la diifaysan yahay dareen qariib ah oo sababtiisa aan la aqoon, wax lagu fasirana la garan la’yahay. Muuqaalka dadka iyo walxuhuba waxay la yeesheen dareen hor leh oo kii hore ee ay ku yaqaanneen ka geddisan! Cidlo iyo wehel la’aan ayay dareemayaan. Shay kasta oo ay qaban jireen waa ay ka didayaan. Maalmihii ugu danbeeyay mid waliba sida uu u dhaqmayay waxaa la moodayay in uu gunta naftiisa ka baarayo walax qaali ah oo ka luntay oo uu wali la’yahay. Oo waa maxay walaxdaasi? Ha ba luntee goorma ayaan dareemay? Su’aalo ay jawaabahoodu ka qarsoonaayeen ayay is wayddiinayeen. Xayndaabka ka qariyay ayayse wali is leeyihiin jiira, ma se awoodaan. Qariibnimada dareenkan la garan la’yahay ayaa kalliftay in mid waliba ka kale xaaladdiisa ka qariyo, sababtuna waxa ay ahayd in aanu midkoodna garanyn qaab uu usoo bandhigo waxa ku dhacay iyo isaga oo ka cabsi qabay in faham xun uu ka qaato saaxiibkii haddii uu si uun u sheegi lahaa.

Xanuunkii ruuxiga ahaa iyo fekerkii ay la noogeen ayaa durba ka soo if baxay labadoodiiba. Jirkoodii ayaa dhuubdhuubtay. Firfircoonidoodii ayaa is dhintay. Fekerkii iyo isla hadalkii ayaa ku batay. Arrimahaasi waxa ay ku dirqiyeen in uu midkoodba kan kale u warramo. Sheeko guud oo gunta iyo xaqiiqada aan lagu suurayn karayn ayay galeen. Waayo oo gunta iyo xaqiiqada waxa jira midkoodna kama warqabin. Balse waxa ay isla qireen in isku si loo hayo. Dareenkan xiriirkoodii saaxiibtinnimo kala dhantaalayay ayay iska neefinayeen uun. Sheekada faa’iido kale kuma ay qabin.

Noloshoodii ayuu mar qura dareen aan la aqooni carrogaddin ku sameeyay. Maalin iyaga oo meel cidlo ah kaligood ku sheekaysanaya ayuu Taajuddiin isha ku dhuftay faraanti aad u qaali ah oo ka soo wirqaya farta Mamuu. Wuu la yaabay. Xoogaa ayuu sii fiiriyay.

“Waxay ahayd in aan awguuriyo kuu iraahdo faraantigaan quruxda badan, balse maanta ka hor ma aanan ku arag gacantaada. Goorma ayuu ku soo galay?” ayuu wayddiiyay Mamuu.

Mamuu waxba kala ma socon faraantiga uu Taajuddiin sheegayo. Farihiisa ayuu eegay. Mise wuxuu xiran yahay fargashi laga sameeyay jawharad qaali ah oo uusan hore ugu baraarugsananyn. Wuu argagaxay. Faraantigii ayuu soo bixiyay. Si wadajir ah ayay ugu dhaygageen. Iyaga oo daawashadii ku jira ayay si kadis ah ugu baraarugeen magaca “Seyn” oo al-Maas iyo Yaaquut lagu la xardhay fargashiga. Mamuu ayuu jawigu u waxyooday. Faraanti kiisa la mid ah oo faraha Taajuddiin middood ka wirqaya ayuu tusay. Wuu ku baraarujiyay. Yaabkoodii ayuu culays hor lihi ku siyaaday. Isna waa la soo bixiyay. Waa la wada daawaday. Si walba waa isugu mid faraantiyadu, balse hal meel ayay ku kala duwan yihiin. Kan Taajuddiin magaca “Sitti” ayaa ku xardhan. Jawigii yaabka huwanaa ayay sii maquurteen. Sirtii dareenkooda ayaa ka sii qaroontay. Way dawakheen. Yaabka ayaa sidiisaba dawakhaad leh, markan uu jacaylka ku saynsaaban yahay oo kalana kuma sii jirto. Macagyada “Sitti iyo Seyn” ayay cabbaar higgaadiyeen. Cidda la yiraahdo in ay xasuustaan ayay awoodi kari waayeen.

Taajuddiin wuu ka waalli sokeeyaa Mamuu. Madaxa ayuu foorariyay. Cabbaar ayuu feker ku maqnaa. Cidladii ay fadhiyeen ayuu la falgalay. Xasuustiisa ayuu awood ku hawlgaliyay. Magacyadan hore wuu u maqlay oo wuu hubaa, ma se hubo halkii uu ku maqlay iyo ciddii uu ka maqlay. Waxbaa maskaxdiisa horyaaca uu sixi la’yahay waxa ay yihiin. Wuu helay. Wuu soo xasuustay ciddii la oran jiray “Seyn” iyo “Sitti”. Waa amiiradihii gayigan jasiiradda ah caanka ka ahaa. Madaxii cabbaarka fooraray ayuu si degdeg ku jiro sare ugu soo qaaday. Indho la moodo in ay qandhaysan yihiin ayuu saaxiibkii Mamuu ku eegay.

“Hayaay! Waa labadii amiiradood faraantiyadoodii. Amiiradihii jasiiraddan. Amiir Sayn al-diin walaalihiis!” ayuu la soo booday.

Mid waliba dib ayuu eegmadii ugu celiyay faraantigii uu xirnaa. Mar kale ayay ku dhaygageen quruxda iyo qaayaha loo xardhay. Waxa ay hubsadeen in ay yihiin kuwii labada amiiradood. Sirtii ka qarsoonayd ayaa biriqa iyo dhaldhalaalka faraantiyada dhexdooda uga bidhaantay. Si gaar ah ayuu mid waliba xasuustiisii dib ugu kaxeeyay. Maalmo la soo dhaafay iyo maalin Ciid ah oo ku jirtay ayuu isa soo hirdhigay. Waxa ay ahaayeen tagto ashqaraar leh, sir badanina ku duugan tahay.

Waxay si wadajir ah isu xasuusiyeen iskudaygoodii ay maalintii ciidda ku doonayeen in ay ku arkaan labada amiiradood. In ay waayeen intii debaaldeggu socday ayay isla qireen. Soo laabashadii in ay arkeen oo waliba ku leexdeen laba wiil oo dhallinyaro ah oo dadka kale ka qurux iyo xarrago badnaa ayay haddana is xasuusiyeen. Markii ay u soo dhawaadeen in ay xasuustoodii go’day ayay isku raaceen. In aanay wax dabiici ahi dhicin oo wax wayni ay sarcaadiyeen ayay isla garteen. Haa, waxaa weynina waxa ay ahayd muuqaalkii wiilasha. Miyirbeelkii ay illaa habeennimadii halkaa ugu suuxsanaayeen in uu ka dhashay aragtidaa la daadegtay ayay isku raaceen. Meesha ay faraantiyadani ka soo raaci karayeen ayay baadhitaan u galeen. Isaga oo miyirqaba in uusan fargashigan usoo gacan galin ayuu mid waliba gaarkiisa u qiray. Goor kale oo ay miyirbeeleeni in aysan jirin ayay haddana isku waafaqeen. Ugu danbayntii waxa ay isku raaceen in ay faraantiyadani habeenkii miyirbeelka soo raaceen. Sida ay faraantiyadu u qaayo iyo qurux badan yihiin waxa ay kala dhex bexeen in aysan ka imaan karin cid aan ahayn dad muuqaalkooda lala suuxi karo. Sitti iyo Seyn dadkaa way ka mid noqon karayaan, marka sida bulshadu quruxdooda u qirsan tahay lagu xisaabtamayo. Waxa ay mala-awaaleen in ay iyaga [Sitti iyo Seyn] ahaayeen, sidooda oo kalena ay jinsi-beddelasho xagga maryaha ah isku sameeyaeen, si ay jinsiga ay yihiin kiisa kale ula falgalaan oo ugu milmaan.

“Waa hubaal in labada amiiradoodi faraantiyadeennii qaateen, kuwoodiina noo reebeen. Ugu yaraana waa astaan muujinaysa in ay sidaa u yeeleen dareen ay nala wadaagayeen, haba yaraadee” ayay iska daba yiraahdeen.

Xanuunkii iyo dareenkii toddobaabkii ugu danbeeyay hayay ee ka qarsoonaa ee ayan sababtoodana aqoon ayuu daahii ka faydmay. Xaqiiqo ayaa hortaalla. Way nafiseen. Natiijadii nololeed ee ogaanshahan ka dhashay ayaa se labadii saaxiibbada ahaa u kala duwanaa. Taajuddiin ogaan la’aanta xanuunka iyo dareenka is huwana ayaa isaga xanuun iyo dareen ku ahaa. Markiise uu ogaaday wixii helay iyo halkii ay ka heleen ayuu sidiisii ku soo noqday. Wuu xoogaystay oo firfircoonidii ka xannibantay dib u soo furtay. Si fiican oo degdeg ah ayuu uga soo kabtay daalkii iyo tabardarradii. Laf jabtayse sideedii ma noqoto. Wali waa lagu jiraa. Balse saaxiibkiis ayaa sidiisa ka duwan. Ogaanshihii xaajadu isaga wuu la sii fogaaday. Dabkii laabtiisa ka holcayay ayuu ogaalkan cusubi sii shidaaliyay. Wuu sii tabardarreeyay oo sii diifaystay. Waxa aad mooddaa nin hore u lunsanaa oo maanta hanuunay; nin hore u watay ruux gefsan qalfoofteedii, maanta uu u helay. Waxaa u caddaaday wax walba. Insaankii dunidan in uu ku weshado ay ahayd ayuu tilmaamsaday. Waa “Seyn”. Waxa uu u egyahay nin aan deggenayn, deggina doonin. Nin aan kacdoonka jacaylaysan joojin doonin illaa uu ruuxdiisa qolfoofteeda u helayo oo dabadeedna uu weheshan doono. 

 Taajuddiin waxaa u muuqata saaxiibkiis Mamuu oo astaamihii murugada iyo kalinimadu wali hayyaan, lana diifeeysan. Cabbaar ayuu u sii fiirsaday. Inta uu u soo dhawaaday ayuu garabka gacan-gacaltooyo ka saaray.  wuxuuna ku yiri:

“Saaxiib i maqal. Nafteenna in aan u dhiibno jihawareerka iyo isbaraanbarka noocan ah waxa ay ka dhigan tahay innaga oo ku adkaysannay gaf aan hore u galnay, natiijaduna waxa ay noqon doontaa mid ay saameynteedu ina ka xoog badato, waxa ayna ku danbayn doontaa mid aan waxba laga qaban karin. Shaki kuma jiro in arrintan oo kale aysan ku habboonayn aniga, adiga iyo cid ina la mid ah toonna. Labadeennuba caan ayaan ka nahay magaalada. Waxaa la ina gu yaqaannaa geesinnimo, ad-adeyg iyo dhiirranaan. Laba dagaalyahan oo soo-ma-jeestayaal ah ayaynnu nahay. Haddii waxaani [jacaylladani] ina saameeyaan sidee ayay noqonaysaa sumcaddii aan dadka ku dhex lahayn? Warka xaalkeenna ku saabsan haddii la maqlo maxaa ina ku dhici doona? Sidee ayaa loo arki doonaa in geesinnimadeennii, awooddeennii iyo kartideenniiba ay kala firdhiyeen laba gabdhood oo qura?! Mid walba oo ina ka mid ahi ha ka boodo gogoshan daalka iyo tabar darrida ah. Xanuunkaan ismoodsiiska ah aynnu iska bi’inno. Innaga ayaa nafteenna u horseednaye aynu xusuusanno in aan nahay rag karti badan oo jirkooduna uusan jiljileec aqoon”.

Daqiiqadahaa Mamuu waxa uu u muuqdaa mid aan u dhug lahayn hal eray oo ka mid ah hadalka Taajuddiin. Waxaa muuqata in uu la il daran yahay dareenka dhaliyay garaaca wadnihiisa iyo ilmada indhihiisu in ay noqdaan xad-dhaaf. Erayada kali ah ee uu ku hadaaqayo waa magaca “Seyn.” Seyn.. Seyn.. Walaxda kali ah ee ku maqan yahayna waa fargashigeeda gacantiisa ku jira. Mar wuu eegayaa, marna bishimaha ayuu saarayaa oo wuu dhunkanayaa. Cabbaar markuu xaalad caynkaa ah ku jiray ayuu saaxiibkii kor u eegay.

“Walaal. Midkan aad la sheekaysanayso ma aha Mamuugii aad taqaannay. Maanta waa axad kale. Ha iga dhex goobin waxa aad ku sheegaysid: geesinnimo, dhiirrani, go’aan iyo ad-adeyg. Alle ayaan ku dhaartaye midkoodna iguma harin. Jirkayga aad u jeedidna waa mid yar oo jilcan. Xanuunka [jacaylka] ayaan turqay xubin kasta oo ka mid ah. Qalbiga aan ku hadlayana waa dheri karaya oo holac aadan qiyaasi karin ayaa ka baxaya. Raaxo, tamar, sabir iyo ad-adayg ba waxaa go’ay xiriirkii ay la lahaayeen jirkayga. Haddaadan ii cudurdaarayn, bal ugu yaraan i daa aan wajaho qadarka iyo dhigaalka igu soo fool leh e!”

Taajuddiin intaa markii uu maqlay ayuu garwaaqsaday in arrinka Mamuu uu dhaafay xad ay waanadu wax ka tari kadho. Waxaa dareenkiisa daqiiqado gudahood ku dhex milantay naxariis uu u muujiyay Mamuu, waxa kali ah ee uu u awoodayna waxa ay noqotay in uu ka aammuso.


Waa innoo toddobaadka dambe iyo Duqdii Qasriga.

* (Shimbir cod macaan, duulis xarrago iyo qurux badan leh, cod macaanida iyo xarragadana loogu hal qabsado, badanaa xilliga Guga ayaa lagu arkaa beeraha iyo keymaha, beeraley reer koonfureed ahi waxay iigu sheegeen “Cagaaroow”, mid kalana wuxuu iigu sheegay “ ” Af-ingiriisigana:Nightingale).

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, …

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *