Home / Tartan / Kaalinta 1: Haasaawihii Xooladhaqatada

Kaalinta 1: Haasaawihii Xooladhaqatada

Curiskii ku guuleystay kaalinta koowaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018.


Hordhac

Haasaawe waa eray soomaali ah oo nuxur iyo quluud badan oo dareen nafsadeed oo wanaagsan leh. Labo ujeeddo oo kala fog, balse deggenaan iyo dabacsanaan ku wada tilmaaman ayaa loo adeegsadaa. Mar waa hadal dhisan oo bilaa turxaan ah oo kaftan iyo maaweello ku marriiman oo dad waaweyn dhex mara. Mar kale na waa hadal isla tilmaamahaas leh, balse erayo shukaasi ah lagu laray oo dhallinyaro gayaan ah dhex mara. Labada qof ee haasaawuhu dhex marayaa waa in ay isu laab xaaran yihiin oo ugu yaraan ay ku wada qanacsan yihiin in ay wada sheekaysanayaan. Waa shardi xisi ah. Sayid Maxamed oo shardigaas tilmaamaya ayaa mar gabay ku darsaday meeriskan: “Haasaawe layskuma xantiyo habar duleedkeed e.” Balse labada ujeeddo midka danbe ayuu eraygu maanta ku caan yahay – haasaawaha shukaansiga ah–, maqaalkan inta jeer ee lagu dhex adeegsadayna ujeeddadaa ayuu u taagan yahay.

Haasaawuhu dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida kaalin weyn ayuu ku lahaa, welina ku leeyahay. Aad ayaa looga sheekeeyaa oo wax looga yiraahdaa oo wax looga qoraa, arrimahaas oo idilna waxa ay caddaynayaan qaayihii uu haasaawuhu Soomaalida u lahaa. Ayaamahan se waxaa caado noqotay in la arko dad dhaqanka aqoon u leh oo soo saaraya qoraallo ama hadallo baroordiiq u eg oo haasaawihii hore loogu tacsiyaynayo, kan maantana lagu hiifayo.

Dadkaasi waxa aanay ku baraarugsanayn ama isdiidsiiyaan in duruufaha nololeed ee Soomaalidu aad isu beddeleen. Kontankii sano ee ugu danbeeyay Soomaalidu ma ahayn ummad dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan, iyo nolol ahaan xasilloon. Haddii ay Soomaalidu reer guuraa xooladhaqato ah u badnayd, immika reer magaal baayacmushtar ah ayay u badan tahay. Sidaa awgeed, wax la qariibsan karo ma aha dhaqankii iyo qaabkii haasaawaha in ay wax iska beddeleen.

Hadda ba innaga oo arrimahaas maanka ku haynna, maqaalkan waxa aynnu ku faaqidi doonnaa haasaawihii reer miyiga, gaar ahaan kii xooladhaqatada, ka hor intii aan la dowladoobin. Wakhtigaa gaarka ah iyo qaybtaa bulsho sababaha aan u doorannay waa labo. Mar waa innaga oo koobnida maqaalka dartii aan uga gayoon karin guud ahaan haasaawaha Soomaalida oo xilliyo badan iyo meherado bulsho oo kala duduwan soo maray. Marka labaadna waa innaga oo naawilaynna urursanaantu in ay ka dheef badan tahay baahsanaanta, kolka faaqidaadda la joogo.

Si gaar ah, saddex dhinac ayaan iska taagi doonnaa haasaawihii xooladhaqatada, Alle idankii, kuwaas oo kala ah: 1) Filashada gayaankii xooladhaqatada; 2) Aftahammada iyo haasaawihii xooladhaqatada; 3) Yaradka iyo haasaawihii xooladhaqatada. Dhinac kasta oo saddexdaa ka mid ah saamayntii, kaalintii iyo ruuxdii uu haasaawaha xooladhaqatada ku dhex lahaa ayaan hoos ugu daadegi doonnaa, gunaanadkana waxa aynnu faallayn doonnaa haasaawahii xooladhaqatadu waxa uu maanta ka dhigan yahay.

1. Filashada Gayaankii Xooladhaqatada

Shaqadii nolosha xooladhaqatada haddii boqollay loo rogo siddeetan in ka badan haweenka ayaa qaban jiray. Iyaga ayaa ahaa dugsiga ay carruuruhu jir ahaan iyo garasho ahaan ba ka aflaxaan. Iyaga ayaa ahaa injineerrada nakhshadeeya ee haddana dhisa aqalka reerka iyo saabaanka gudihiisa yaalla. Iyaga ayaa duleedjoogta iyo meesiga ariga la yiraahdo ku qaybsanaa. Iyaga ayaa arhi jiray oo dhulal fogfog awr u raran jiray, si ay cows, qabo, argeeg, miro, xabag iwm reeraha ugu keenaan. Shaqooyinkaa dumarku ku foognaayeen mid walba baaxad ayay lahaan jirtay, kaligeed ayaana ahayd duni dhan oo karti iyo tabobbar u baahan, gabdhahana iyaga oo yaryar ayaa loo laylyi jiray.

Barbaarku marka uu haasaawe damco waxa uu niyadda ku hayn jiray noloshiisa adag ee xooladhaqatonimo. Waxa uu hubin jiray gabadha uu la haasaawayo in ay lexejeclo leedahay oo karti badan tahay oo bixin doonto. Xasuusta ayuu hadba ku soo celcelin jiray tibixdii ku jirtay maahmaahdii saddexlayda ahayd ee oran jirtay: “Nin kaa oori wanaagsan weligaa ma gaartid”. Ama middii kale ee ahayd: “Wiilkaagu maalinta uu hiilkaaga ugu baahi badan yahay waa maalinta aad hooyadii dooranaysid.” Xitaa waxa uu tixraaci jiray gabadha hooyadeed, ayaydeed iyo dumarka qaraabadeeda ah sooyaalkooda, isaga oo markaana xasuusan maahmaahdii kale ee ahayd: “Geel iyo gabar ba waa la hidde raacaa.” Intaa uu cilmibaarista ku wado dumarka ka ag dhow gabadha uu la haasaawo, dhinacyada uu ka eegi jiray waxaa ka mid ahaa tirada wiilasha gabadha la dhashay. Waxa uu aaminsanaa in gabadha wiilasha badani la dhasheen ay iyana wiilal badan dhali doonto. Sidoo kale, waxa uu aaminsanaa in qoysku saamayn xooggan ku leeyahay nolosha gabadhooda, xogta maskaxdeeda ku kaydsan iyo anshigeeda ba. Wakhti badan ayuu u huri jiray xanta iyo sheekada khasaysa dumarka, maskaxdiisana waxa uu ka furi jiray khaanad weyn oo kala baandhaysa gashaantimaha ku nool degaankiisa iyo degaannada ku hareeraysan.

Barbaarku xilliga haasaawaha tashiga ayuu badin jiray oo odayada iyo dhallinyarada ba dhagaha u raaricin jiray. Waxa uu ka naawili jiray in ay talo ku biiriyaan aayaha noloshiisa oo toos ugu xiran hadba qiimaha qofta dumarka ah ee uu geelooda u quuro. Iyaguna waxba ka ma ay hagran jirin ee si daacadnimo leh ayay u la talin jireen, waxa ayna xasuusin jireen tilmaamaha dhaqanku ku qeexo gabadha wanaagsan ee mustaqbalka uu ninkeedu ku nasto. Sababtaas darteed ayay suugaanteenna uga buuxaan maansooyin ujeeddadoodu tahay talo guur. Gabyaa Cabdi Gahayr oo muhiimadda tashiga caddaynaya ayaa mar gabay ku darsaday:

Kolka hore ba, guur waa milgiyo maarsi kala waaye

Ragga qaar se uma meel dayee wayska mehershaaye

Anse waxaan ka miidhaa halkaan laga masuugayn e

Haddaan la la mashaawirin tolkaa adiga oo maan leh

Oo laga ma maarmee tashiga odayo loo miirin

Ninkii kaligi maalootiyaa meel xun wow halis.

Haddii la soo ururiyo filashada barbaarkii xooladhaqatada ka tirsanaa ee ku aaddanayd oorida aayihiisa, waxaa la oran karaa: barbaarku waxa uu jeclaa in uu oori ka dhigto gabar qurux badan oo qoys tilmaaman ka soo jeedda oo lexejeclo leh oo martigalinta ku wanaagsan oo deggenaan, dheganugayl, dul iyo karti ba lagu bartay oo wiilal badan u dhasha oo nadaafad leh. Haa, oo nadaafad leh. Saahid Qamaan oo ahaa gabyaa xooladhaqato ah ayaa gabay u tiriyay gabar markaa lagu mehershay oo weli wadaadkii ku xiray fadhiyo. Gabaygaa oo caan noqday waxa uu gabyaagu ku koobayay dhaqammada iyo dabeecadaha uu ka filayo xaaskiisa cusub. Waxaa ku jiray meerisyadan muhiimadda nadaafadda ka hadlaya:

Ma udgoona naag inan-gumeed, uudna shidan mayn e

Kol haddii ay ubad yeelatana laga ba aayuusye

Afka iyo ilkaha rumayga mari oo indhaha kuulo

Arwaaxaaga oogada biyaha, abid ha moogaannin

Uskag naag leh waan neceb nehee yuusan kugu oollin.

Howlahaa iyo filashadaa oo dhan waxa uu barbaarku u mari jiray in aanu guurku ka xumaan. Haa, oo guurku xumaadaayi dhabarjab weyn ayuu ku ahaa ninka xooladhaqatada ka tirsan, dhaqaale ahaan iyo nafsad wuu u dhaawacmi jiray. Gabyaa Soomaaliyeed ayaa ku gabyay:

Nin gablamay, nin good cunay, nimay gooli ku abraartay

Nin libaax ku gowdiidsadoo micida gaadhsiiyay

Nin abeeso marada u gashoo miratay guudkiisa

Guur kaa xumaadaa ka daran, geeri loo dhalay e.

Gabadhu marka ay labo gu’ jirsato ayaa loo bilaabi jiray duruus dadban oo loogu carbinayo nolosha aayaheeda, ninkeeda iyo ubadkeeda. Iyada oo aan si fiican jirkeedu u xoogaysan ayay baran jirtay kaalinta ay hooyadeed qoyska ku leedahay, waxa ayna isku dayi jirtay in ay ku dayato oo wixii ay qabato ba canjisho. Maqal raacista, ari maalista iyo howlaha aqalka ayay qayb laxaad leh ka qaadan jirtay iyada oo toban jirsan.

Kolka ay labo iyo toban gu’ baarka ka goyso, waxa ay u dallaci jirtay barashada howlaha la xiriira farsamada gacanta ama injineeriyadda xooladhaqatada. Waxa ay baran jirtay sida mayraxda loo diiro, sida xarigga loo sooho, sida maarta loo guro, sida harrarka, kabdaha, aloolka, qaboojiyeyaasha iyo karbaashyada loo sameeyo iwm. Iyada oo weli guri hooyadeed joogta ayay farsamaynsan jirtay saabaanka dhex oolli doona aqalkeeda mustaqbalka, intii ay karto ayay na qurxin jirtay farsamadeeda.

Toddobo iyo toban gu’ kolka ay u buuxsanto, gashaanti ayaa magac ugu bixi jiray. Aqoonyahannada afka Soomaaliga qaarkoodi erayga gashaanti waxa ay u kala dhanbalaan “gashaa” iyo “hanti”. Yacnii, tii in la hantiyo gashay ama u qalantay. Xilliga gashaantinimada, inantu waxa ay xil weyn iska saari jirtay jirkeeda, maryaheeda, eraygeeda iyo xitaa socodkeeda. Tabta ugu qaayaha badan ee ay dhinacyadaa isaga bili karto ayay yeeli jirtay.

Gashaantidu kadeedka iyo howsha uu barbaarku maro xilliga haasaawaha ma ay mari jirin. Kali ah waxa ay ku dedaali jirtay in ay yeelato tilmaamaha iyo muuqaallada uu dhaqanku ku qeexi jiray gashaantida wanaagsan ee guurka milgaha leh u qalanta. Waa gashaantida kartida badan ee lexejeclada leh ee wiilal badan dhali karta ee… caynkaa in ay noqoto ayay ku dedaali jirtay, haddii ay ku guulaysatana waxa ay arki jirtay doobab badan oo hadalkeeda iyo sheekadeeda usoo kala tartamaya oo isku colaadinaya. Kolkaas ayay farxi jirtay, waxa ay na u dhaqaaqi jirtay in ay xulasho samayso, iyada oo quruxda, arxanka, geela, tolnimada, geesinnimada, aftahannimada iwm ka dhiganaysa halbeegyo ay ku kala saarto barbaarta duleedka u soo dhoobatay.

Waxaa se marar badan dhici jirtay in aan tixgalin la siin filashada, rabitaanka iyo xulashada gabadha. Iyada oo uu jiro barbaar ay u han weyn tahay oo la  sheekaysato ayaa lagu dari jiray nin kale oo laga yaabo in aysan xitaa aqoon ama uu aad uga da’ weyn yahay. Aadkooda ba, noocyada guur ee ay xooladhaqatadu adeegsato, lixdan boqolkii waxa ay ahaayeen kuwo aysan gashaantidu ka raalli ahayn ama aan dalabkeeda ku dhicin.

Falsafadda wada-noolaanshaha qoyska xooladhaqatada ah waxa ay ku dhisnayd, gabadhu in ay qabato shaqooyin qeexan oo dhaqanku ku xukmay oo tiro iyo canaab badan, ninkuna kuwo kale oo aan qudhoodu sahlanayn, balse aan badanaa xiriir la lahayn nolosha qoyska. Markaa, xooladhaqatadu waxa ay aaminsanaayeen in aan aad loogu baahnayn wada sheekaysi iyo isfahan qoto dheer oo dhex mara oorida iyo sayga, laakiin ay muhiim tahay in ay labadoodu ba gudan karaan waajibaadka dhaqanku ku xukmay. Isla sababtaas qudheeda ayay u samaysteen maahmaahda tiraahda: “nin iyo ooridiis nabad na ma aha colaadna ma aha.”

2. Aftahammada iyo Haasaawaha

Aftahammadu kaalin sare ayay kaga jirtay nolosha iyo dareenka Soomaalida, la isku mana diiddana. Wax walba oo saamayn leh qayb ayay ka qaadan jirtay, iyada oo jaadad iyo noocyo kala duduwan leh; maanso, murti, halxiraale, sheeko iwm. Qofkii Soomaaliga ahaa ee xooladhaqatada ahaayi aad ayuu maskaxdiisa uga shaqaysiin jiray si uu u dhiso aftahammo lala yaabo ama u fahmo aftahammo lala ashqaraaray ama uga falceliyo aftahammo lala fajacay. Sidaa oo kale, qurxinta haasaawaha iyo ka miro dhalintiisa aftahammadu kaalin weyn ayay ka qaadan jirtay.

Dhanka kale, nolosha xooladhaqatadu aad ayay u adkayd oo u duruufo qallafsanayd. Inta la xasuusan yahay marna ma ay yeelan “waxyaabo” nolosha fududeeya, marka laga soo tago naflayda la gaadiidaysto ama la manaafacaysto. Qoysasku meelo kala durdurugsan ayay degi jireen, iyaga oo uu midkood ba raadinayo geedo nacfi leh oo xooluhu ugu dararaan. Qof kasta oo noloshaa ku jiray waxa uu ku howllanaa gudashada waajibaadkiisa qofnimo, kuwaas oo wax ka fududeeyaana aysan jiri jirin. Sidaas ayuu ahaa muuqaalka guud ee nolosha xooladhaqatada, balse sidaasi caqabad ayay ku ahayd in ay barbaartu si joogto u kulanto oo u haasowdo oo isu dhaqan iyo garasho barato, iyaga oo aan halxiraale aad iyo aad u maroorsan maskaxaha isaga daalinayn.

Inanku marka uu la kulmo gabar ku cusub oo muuqaal ahaan qancisay, erayo duurxul ah ayuu ku faduulin jiray oo ku haybsan jiray. Haddii ay la garato oo jawaab aftahammo leh siiso hadalka wuu la sii wadwadi jiray, isaga oo erayadiisa dhadhan shukaansi galinaya, balse inantu waxa ay ku dedaali jirtay in ay isu ekaysiiso qof aan dhab ahaan hadalkiisa iyo kulankiisa danaynayn, haddii ay howl gacanta ku haysana way iska sii wadan jirtay. Haddii se ay duurxulka la fahmi waydo oo uu erayo xallad ah ka maqli waayo, danta uu ugu soo leexday ayuu u sheegan jiray, dabadeedna halhaleel ayuu uga tagi jiray. Erayga ugu horreeya ee uu barbaarku gashaantida maqashiiyo aftahammo ayaa ku marriinaan jiray, gashaantidu na sidaas ayay ka fili jirtay barbaar kasta oo ku soo leexda. Sidaa darteed, aftahammada waxa aynnu ku tilmaami karnaa seeskii haasaawaha xooladhaqatada.

Kolka ugu horraysa ee ay inanka iyo inantu kulmaan wakhti fiican oo uu midkood ba kan kale uga bogto ma ay heli jirin. Aalaaba kulanka ugu horreeyaayi waxa uu dhici jiray iyada oo howlo lagu mashquulsan yahay. Tusaale, inanka ayaa soo ag mari jiray inanta oo xoolo horaysa ama cows guraysa ama arhaysa ama ari la joogta ama xarig soohaysa, kulanka koowaadina sidaas ayuu ku suuragali jiray. Duruuftaas oo si joogto ah loo arki jiray ayay ka dhalatay maahmaahda tiraahda: “Goor gaaban eraygeed gaaban.”

Haddii ay gayaanku kulankaa iska helaan oo isu guuxaan kulammo danbe ayay ku ballami jireen, ama waxaa dhici jirtay in xagga inanta xoogaa xishood ahi ka yimaado oo markaa inanku xil furto, kulanka labaadna uu inanta soo raadiyo isaga oo aan la ballamin balse og in aan la cayrin doonin. Kulammada danbe dhammaantood waxaa dhextaal u ahaan jirtay aftammada, sii ba halxiraalaha iyo sarbeebaha, jeer oo ay gayaanku gaarayaan heshiis guur oo fadhiya oo muddaysan.

Marxaladdaa aftahammadu waxa ay kaga jirtay kaalin muhiim ah. Waxa ay sababi jirtay in haasaawuhu guulaysto ama guuldarraysto. Waayo, shaqadii ugu adkayd ee ugu quruxda badnayd ee ay maskaxda xooladhaqatu qaban jirtay waxa ay khusaysay aftahammada, qofkii lahaan waayana afgarooc ayaa la oran jiray, bulshada na kama uu dhex ammaannayn.

Waxaa la hayaa oo laga dharegsan yahay sheekooyin badan oo haasaawe-halxiraalaysan ah oo xooladhaqato dhex maray. Waxaa ugu caansan, malaheenna, middan gaaban ee hoos ku qoran:

Barbaar ayaa gabar la baxay. Sidii dhaqanku ahaa, barbaar saaxiibkii ah oo uu ku kalsoonaa oo uu la soo ballamay ayaa raacay oo inantii la kaxeeyay. Dhif ayay ahayd in ay gayaan is calmaday kaligood qoodeeyaan oo wadaad u tagaan iyaga oo aan la wehelin. Balse inanka ayaa aalaaba wiil ama labo saaxiibbadii ah soo kaxaysan jiray, ujeeddada uu sidaa u yeeli jirayna mar waxa ay ahayd in ay wehel u noqdaan isaga iyo gashaantida uu la baxay, mar kalena in ay markhaatiyo ka noqdaan meherkooda kolka ay wadaadka u tagaan.

Labadii is calmatay iyo inankii saddexeeyay haddii ay muddo sii socdeen, gabadhii ayaa weedh aftahammo ah ku kadisay inankii la soo baxay. “War ma ku qaadaa mise adaa I qaada?” ayay ku tiri. Isaguna hore ayuu u fahmi waayay ujeeddada aftahammada, dabadeedna waxa uu isku dayay in uu gabigeeda ba macno tiro. “Dee dad waaweyn oo bed qaba ayaan nahay oo malaha waa laga qurxoon yahay in ay is xaxanbaarno” ayuu yiri. Waa runtiis oo waa foolxumo dad waaweyni in ay is qaadqaadaan iyada oo aysan jirin duruuf khaysbaysa. Balse wuu ogaa in aysan inantu sidaa ula jeedin hadalka ee qiiq ayuu isku qarinayay. Barbaarkii wehelka u ahaa labadooda ayaa soo dhex galay sheekadii oo yiri: “War gabadhu ma kuu sheekeeyaa mise adaa ii sheekeeya ayay ula jeeddaa hadalka, illeen haddii kale socodka waa lagu daalayaaye”.

Ceeb baa dhacday. Waxaa caddaatay maskaxda ninka gabadha wataayi in aysan weedhaha ay maqasho kala soo dhex bixi karin ujeeddo ka geddisan tooda muuqata. Wuu barriiqday. Ayaandarradiisu se intaa kuma ekaan e, kolkii loo tagay wadaadkii ayay gabadhii diidday in lagu mehersho, beddelkiisana waxa ay soo jeedisay in lagu xiro barbaarka kale ee wehelka iyo markhaatiga u soo raacay ee maskaxdiisu shaqada aftahammo qaban karto. Codsigii gabadha ayaa shaqeeyay, dhacdadaasi na way caan baxday.

Sheekadaas waxaa laga baran karaa kaalintii ay aftahammadu ku lahayd haasaawaha xooladhaqatada oo gaarsiisnayd heer ay gabadhi raacdo wiil aysan aqoon ama hore ula sheekaysan, balse aftahan ah, iyada oo ka doorbidaysa mid ay taqaan oo ay la sheekaysatay.

Aalaaba dadka ka hadla ama wax ka qora kaalinta aftahammada ee haasaawahii xooladhaqatada dhinaca halxiraalaha ayay xoogga saaraan oo aad u wariyaan. Jirtoo uu dhinacaasi mug leeyahay, waxaa isaguna jira dhinac kale oo sooyaal ahaan sugan oo xiiso leh. Bulshadii xooladhaqatada ahayd oo dhammi aftahammada iyo dadkeeda way jeclayd, aftahammadana waxaa garwadeen u ahaa gabyaaga. Sidaa darteed, waxaa aalaaba dhici jirtay nimanka gabyaayi in ay guursadaan dumarka quruxda, gaarinnimada iyo laandheerenimada ku tilmaaman ee doobabku geelasha ku dhex xantaan.

Labka xooladhaqatada ahi waxa ay ku maahmaahi jireen: “Oori been baa lagu soo xero geliyaa, runna waa lagu dhaqaa”. Barbaarku kolka uu gashaanti la haasaawayo aad ayuu naftiisa u hafri jiray, ballanqaadyo tiro badan na wuu samayn jiray. Maskaxda ayuu shiili jiray si ay u soo butaacdo aftahammo layaab leh oo haasaawaha qurxisa, qalbiga gabadhanna godosha oo jilcisa. Gabyaayada xooladhaqatada ahi nimanka la ayniga ah waxa ay kaga xariifsanaayeen sida xilliga haasaawaha loo dhiso aftahammada iyo beenta. Sooyaalka waxaa lagu hayaa niman gabyi jiray oo cayr ahaa oo aftahammo ku soo xero gashtay gashaanti ay jeclaadeen, balse ma badna.

3. Yaradka iyo Haasaawaha

Gabar kasta waxa ay ku hawootaa oo ku fekertaa mustaqbal wanaagsan oo qurxoon. Waxa ay ku riyootaa iyada oo hanatay nin fiican oo arxan badan, waraso dhego nugul oo qurqurxoon iyo qoys ladan oo deggen. Si ay waxaa u hantido, jirkeeda iyo sumcadda ay bulshada ku dhex leedahay ba aad bay u daryeeshaa oo u ilaalisaa. Intii ay karto ayay aqoon ahaan iyo aqool ahaan isu diyaarisaa nolosha wanaagsan ee hiyigeeda ku jirta. Waxaa se mararka qaarkood inantaa han jabiya arrimo aysan shuqul ku lahayn oo wax ka qaban karin oo dabiici ah, sida qoyska ama reerka ay ka dhalatay haddii ay bulshadu liiddo ama haddii ay iyadu leedahay tilmaamo jireed oo aysan ragga gayaankeeda ahi xiisayn ama jeclayn.

Waagii ay Soomaalidu u badnayd reer miyi xoolaha dhaqda gabadhu waxyaabahii ay ku riyoon jirtay intaa kore waxaa u dheeraa yarad fiican in laga bixiyo marka la guursanayo. Maalinka uu wadaad meherin doono, gashaatida Soomaalida ahi waxa ay naawili jirtay in isla goobtaa lagu kala qaato geel tiro badan oo yarad laga bixiyay ah. Xooladhaqatadu yarad fiican waxa ay u yaqaanneen geel tiro ahaan iyo tayo ahaan ba wanaagsan, yarad aan fiicnaynna wixii intaa ka soo hara ayay ku qeexi jireen.

Gashaantida in laga bixiyo yarad fiican waxa ay sharaf u ahayd nafteeda, qoyskeeda iyo tolkeeda ba. Waxa ay yeelan jirtay han iyo qab aad u sarreeya, nafsad ahaanna way kori jirtay. Sidoo kale, waxa ay xaqiiqsan jirtay in ay tahay qof qiimo leh oo nolosha u qalma, wayna isu bogi jiray. Yaradka fiicani waxaa kale oo uu wax ka tari jiray xiriirka labada reer ee xididtinimadu dhex martay, in qoyska cusubi si dheeldheel ah ku burburana gaashaan adag ayuu ka ahaan jiray.

Dhinaca wiilka, xooluhu si aan caadi ahayn oo wax walba oo kale ba ka adag ayay u saamayn jireen haasaawihiisa. Haddii uu geel yar yahay ama uusan lahayn, gabdhaha bulshada dhexdeeda ka sheeggan ee quruxda iyo haybta fiican isku darsaday kuma uu fekeri jirin in uu la haasaawo, haddii uu ku fekero oo la haasaawo oo ay guur isku af gartaan uma uu geed fariisan jirin e wuu qudbo siraysan jiray. Balse haddii uu geel fiican leeyahay, gashaantimaha ugu toolmoon bulshada dhexdeeda ayuu la haasaawi jiray ama doonistooda ku fekeri jiray, kuwa kale na kuma uu hanbaasi jirin. Si kale haddii loo dhigo, yaradku waxa uu sargoyn jiray nooca guur ee uu barbaarku u mari doono reerka uu yagleelan doono.

Wiilka isaga oo yar ayaa lagu barbaarin jiray in uu geela reerka si fiican u dhaqo oo ilaalintiisa uga tanaasulo baashaalka iyo dhallinyaronimada. Isaga oo yar ayaa lagu xuddumi jiray tulud geel ah oo uu lihi u leeyahay, waxaana loo rajayn jiray in ay u taranto oo uu gadaalka ku naalloodo. Suugaanta, hees-howleedyada, kaftanka, canaanta iyo waanada ba waa loo dhex galin jiray in uu halaha reerka dayaca ka ilaaliyo, si ay mustaqbalka qoyska iyo kiisu ba u wanaagsanaadaan.

Gabyaa Cabdi-Galayax ayaa meerisyadan hoose ku darsaday gabay uu lixdameeyadii tiriyay oo aad u caan baxay. Waxa uu ku baanayaa gabar uu suldaan dhalay oo qurux badan oo toddobo iyo toban jir ah oo uu jeclaaday oo dhabeel ah oo timo dhaadheer oo ay ku ciyaarto leh in uu si fudud u guursan karo, geela uu leeyahay dartii. Bal layaabkaa eega! Waxa uu yiri:

Suldaan gabadhi, sowjada gobta ah, Saxarladaan doono

Sabcatacashar inantii jirtee timaha saydhaysa

Waxaan sahal isaga qaadan karo Suubay adigaa leh!

Weerar Bulxan Yuusuf, waxa uu ahaa gabyaa eray culus oo xooladhaqato ah. Beri ayuu caashaqay inan Mullaaxo la oran jiray, dabadeedna aftahammo badan oo gabay ah ayuu ku afuufay iyada iyo qoyskeedii ba. Walow uu markaa xaas lahaa, suugaan ka kooban ammaanta gabadha iyo haddii uu guursado sida uu u wanaajin doono ayuu joogtaystay. Dabadeedna magaceedii ayaa afarta bayni jiho si qunqunyar ah ugu fiday, muddo kooban gudaheed ayaana lagu bartay. Rag dammaaci laga ma waayo e, gabadhii uu Weerar ugu gabyay: “Waan kugu ataxyaadsadaa magac arooryaad”, Nuur Idiinle nin la oran jiray ayaa guurkeeda u hanqal taagay. Dabadeedna waa lala wada yaabay, waxaa na loo arkay nin lax dhashiike saartay. Waayo, waxaa la ogaa in ay Mullaaxo ka heshay aftahammada lagu magac dhabay ee lagu ammaanay ee ballanqaadka loogu sameeyay. Xitaa waxaa loo ballanqaaday oo layaab lahayd in libaax loo laylyi doono oo ay rukuubsan doonto, dib danbana aysan ugu socon doonin ciidda aalaaba omoska ah ee Geeska Afrika.

Maalin ayaa Nuur Idiinle meel dad badani joogaan lagu xasuusiyay aftammada ninka gabadha kula tartamaya iyo sida uu durba ula wareegay xiskii gabadha. Isaga oo aan is lurin ayuu yiri: “Cag-weyntaa gabyi”, dadkii oo dhammina jawaabtaa way ku qanceen. Cagweyntu waa geela. Nuur nin geel badan oo sidaa darteed naftiisa iyo mustaqbalka guurkiisa ba ugu kalsoon ayuu ahaa, Weerarse aftahammo kali ah ayuu meesha ku hayay. Gadaalkii, Mullaaxo waxa ay oori u noqotay Nuur Idiinle, Weerarna waxa uu kaydiyay gabayo aad u qurqurux badan oo suugaanta jacaylka ee Soomaaliyeed hodmiyay.

Dhinac kale haddii aynnu ka eegno sheekadaa, waxaan oran karnaa waxaa waagaa tartamay aftahammo iyo yarad oo labadoodu ba kaalin weyn ku lahaa haasaawihii xooladhaqatada, waxaa na guulaystay yarad. Sababta guusha yaradka si fudud ayaan u sheegi karnaa. Waxaa weeye: noloshii miyigu aad ayay u qallafsanayd oo u gaajo iyo rafaad badnayd, geela oo yarad ahaan loo bixin jirayna waxa uu ahaa noolihii ugu mudnaa ee duruuftaa nololeed fududayn jiray. Markii ay kulmaan aftahammo qaawan iyo afgaroocnimo geel ku xarragoonaysa, tan danbe ayaa la qaadan jiray. Markaas oo kale aftahammadu wax maaweello ah ayay xooladhaqatada ula muuqan jirtay. Xaqiiqadaas bulsheed darteed ayuu Cabdi-Galayax ugu baanayay gabar uu suldaan dhalay oo qurux badan oo toddobo iyo toban jir ah oo uu jeclaaday oo dhabeel ah oo timo dhaadheer oo ay ku ciyaarto leh in uu si fudud u guursan karo, geela uu leeyahay dartii. Waayo, suldaanka gabadha dhalay waxaa u dan ahaa geel marna nolosha u fududeeya, mar kale na kor u qaada karaamadiisa iyo kaalintiisa bulsho.

Suldaan gabadhi, sowjada gobta ah, Saxarladaan doono

Sabcatacashar inantii jirtee timaha saydhaysa

Waxaan sahal isaga qaadan karo Suubay adigaa leh!

Gebogebo

Waxa aynnu soo faaqidnay haasaawihii xooladhaqatada innaga oo saddex dhinac xoogga saarnay. Ugu horrayn, filashadii gayaanka xooladhaqatada ee guurka iyo haasaawaha ayaan qaadaadhignay. Waxaan ku xijinnay kaalintii ay aftahammadu ka qaadan jirtay dunidaa, tii yaradka waan ugu danbaysiinnay.

Intaa ka dib waxa aan is wayddiin karnaa, haasaawihii xooladhaqatadu maanta muxuu ka dhigan yahay? Jawaabta su’aashaa waa lagu ka la duwanaan karaa. Sooyaal ayaan se innagu leennahay. Haa. Sooyaal ayuu ka dhigan yahay. Waayo, dufuufihii nololeed ee Soomaalida ayaa is beddelay. Waxaa la soo dhoobtay magaalooyinka oo aad iyo aad uga nolol fudud miyiga. Waxaa shiiqay jacaylkii iyo karaamadii xoolaha loo hayay, sii ba geela. Gabdhihii ayaa helay xorriyad iyo kaalin ka sarraysa tii ay xooladhaqatadu u oggolaayeen, noocyadii guur ee ay ku dulmanaayeenna way yaraadeen ama baabbe’een. Maanta halxiraale iyo aftahammo kale toona wakhti la isaga ma lumiyo ee baby iyo qalbii ayaa la isku xabeebiyaa.

Soomaalida waxaa la gudboon in ay aqbalaan xaqiiqada waayahooda maanta oo wax ku goostaan. Waxaa talo wanaagsan ah, haasaawihii xooladhaqatada meelihii uu ku wanaagsanaa ee adeegsigoodu maanta suurogal yahay ha la soo raro oo si abuubulan ah nolosha bulshada casriga ah ha loo dhex galiyo. Bes.


Cabduwahaab Saqa iyo Daahir Sanweyne


Tixraacyo

  1. Suugaanta Geela; Axmed Cali Abokor (1986)
  2. Raad Soomaali (Qormooyin Cilmi-baadhis Ah, Oo Ka Hadlaya Arrimaha Soomaalida); Hinda Cabdiraxmaan Sheekh “Xikma” (2017)
  3. Guri Waa Haween (Kartida Haweenka Soomaalida); Maxamed Baashe X Xasan
  4. Qaybo ka mid ah Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee VOA Somali ee uu tabiyo Axmed Faarax Cali “Idaajaa”

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka

Waa Maxay? Tartankan waxaa loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee Muuse Galaal- Alle ha u naxariisto ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *