Home / Tag Archives: sheeko gaaban

Tag Archives: sheeko gaaban

Qaybaha Buugga

Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo kuwo male-awaal iyo sheeko-faneed ah (fiction). Qaybahan hoos ku xusan intooda badan lagama helo buugaagta male-awaalka/ sheeko-faneedka ah (fiction). Marka aad buug qoraysid, ku dedaal qaybahan in aad qoristooda ku bilowdid bogga midigta xiga, xitaa ...

Read More »

Faan Rag iyo Fiiro Dumar

Waa saddex wiil. Waa guur-doon. Waa loollan. Gabadhu waa Shukri. Garasho leh iyo gar-soor. Waa bilic muuqato iyo billad loo tartamo. Shukri waxa ay maalmo badan soo dhageysatay oo ay mid mid ula fadhiisatay wiilashaan. Maalinkii danbe ayay go’aansatay inay saddexda wiilba hal meel isugu keento—oo ay tijaabiso. Waa galabnimo ...

Read More »

Sawirle

Qasaaye wuxuu ka soo baxay fasalkii sawir-qaadista. Kaamiro ayaa garabka u surneyd. Imtixaan laga qaaday oo sawir-qaadista ah ayuu dirqi ku baasay. Macallinkiisii Mareykanka ahaana wuu u digay — wuxuuna u sheegay Qasaaye inuu qarka u saaran yahay inuu fasalka ku dhaco. Waxaa sidoo kale Qasaaye loo soo diray mashruuc ...

Read More »

Dermoweyn ma loo darsaday!

Dermoweyn makhaayad cunto iyo cabbitaan keliya loo doonto ma ahane, waa rug ay ku kulmaan socotada degmada ku cusub, ganacsatada, dullaaliinta, dhallinyarada ka nasanaya hawl maalmeedka iyo odayaasha tuulada. Rugtu waxay leedahay geedo waaweyn oo qudhac ah. Gelin hore iyo gelin dambaba waxaa geedahaa hoos yaal dermooyin aad u balballaaran. ...

Read More »

Buugle

Qasaaye oo imtixaankii suugaanta qishayo ayaa waxaa soo dul istaagtay macallimaddiisi suugaanta. Wuu argagaxay. Way u muusootay. Wuxuu is yiri alleylehe tani muusood ka weyn: waa ku digasho. Wuxuu filayay inay warqaddii imtixaanka ka qaaddo oo ay jeexjeexdo. Balse waxay u dhaqaaqday miiskeedi. Waxayna la soo noqotay buuggii weynaa ee ...

Read More »

Halbeeg

“War kaas aniga laxna kuma aamineen,” ayuu lahaa Oday dhex fadhiyay makhaayad laga shaaheeyo. “Tolku way ku qasaareen.  Cadowgiisa ma yaqaanno.” Waxaa isla markiiba makhaayadda soo galay nin Saalax la yiraahdo. “Waa doqonkaan Saalax oo kale,” ayuu yiri Odaygii. “Kanna cadowgiisa ma yaqaanno.” “Adeer hee?” ayuu la soo booday Saalax ...

Read More »