Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 2: Ciidda Guga

Mamuu iyo Seyn 2: Ciidda Guga

Qaybtii hore

Waa gabbaldhac, xilli ay dadku sii sagootinayaan 20kii Maarso ee ugu dambaysay diraacdii hore, si ay u soo dhaweeyaan guga cusub. Dhaqdhaqaaq kasta iyo shaqo walba oo ay dadku hayeen waxa ay yeelatay firfircooni aan hore u jirin; waayo? dadka oo dhammi waxa ay u diyaar garoobayaan sidii ay berri subax u aadi lahaayeen bannaanka kore ee magaalada. In ay maalinka berri ah oo dhan ku soo dhammaystaan daawashada dhirta cagaaran ee dhulka isku gogoshay, wabiga Dajla ee wirqaya jiinkiisa iyo buuraha quruxda iyo dhererka badan dushooda ayaa u qorshaysan dhammaantood.

Waa caado ay dadka Kurdida ahi leeyihiin in ay xaflado ku soo dhaweeyaan waaberiga gu’ kasta oo cusub. Waxa aad moodaysaa in ay aaminsan yihiin in ay dabiicaddu xaq iyo gallad weyn ku leedahay, waajibna ay tahay in ay u dabaaldagaan dhallaankeeda cusub. Yar iyo weyn, lab iyo dheddigba berri oo kale waa ay soo baxaan. Dunida magaalaysan ee aadanuhu qurxinteeda iyo dhalaalinteeda is ku hawlay waa ay ka soo fogaadaan. Waxa ay u daawasho iyo daansho-daanshood tagaan halka qurxinta Alle ee xeesha dheeri bud-dhigatay. Quruxda dabiicadda oo aan la barxin ayay la khushuucaan, qorraxda ilayska ugu deeqdana farxad iyo raynrayn ayay ugu mahadnaqaan.

Dhaqdhaqaaq iyo firfircooni dheeraad ah ayaa galabta si guud uga jira Jasiiradda iyo hareeraheeda. Waxayse howli culusi si gaar ah uga socotaa guriga Amiirka. Waxaa qasab ku ah hawlwadeennada iyo adeegayaasha qasriga in ay galabtadan dhammeystiraan u diyaargarawga dabbaaldegga guga barri dhalanaya, waliba ayaga oo maanka ku haya in ay suuragal tahay in amiirku uu maalintaas qaddar ka mid ah ugaarsi tago, asaga oo ay wehliyaan qeyb ka mid ah hawlwadeennada xafiiskiisa.

Balse galabta qasriga gudihiisa marka la eego, dabaqa sare ayaa ugu xasilooni iyo degganaanshiiyo badan. Cid aanan ahayn labadii amiiradood, Sitti iyo Sayn, ma ay joogto. Meel gees ah oo dabaqa sare barandadiisa ah ayay fadhiyaan. Fadhiyada qasriga qaar ka mid ah oo barandada la dhigay ayay ku dangiigsan yihiin. Waxa ay eegayaan qorrax-u-dhac. Qorraxda oo sii dhacaysa midabkeeda ayay la saqraansan yihiin. Waxa ay si gaar ah isha ula sii raacayaan bogga sare ee webiga Dajlah oo uu midabkan qorraxdu sixray –webiga in yar maahee jasiiradda Buudaan ku meegaaran.

Sidii in ay ku jiraan riyo farxad iyo fudayd leh ayay uga sheekaysanayaan ciidda berri ku soo fool leh. Ciidda dunida oo dhan ku firdhin doonta xariirteeda cusub. Sheekadoodii ku saabsanayd quruxda ciidda guga ayaa u xuubsiibatay ka sheekaynta quruxda laftigeeda. Dumarku sida ay quruxda u arkaan iyo sida ay raggu isla quruxdaa u arkaan ayay faaqidayaan. Aragtiyaha ay labada jinsi kala qabaan ayay isku waafaqeen in ay ka midaysanyihiin aaminaadda ah: in “quruxda” aan looga dhargi karin daawashada muuqaallada xeebaha, webiyada, doogga iyo dhirta oo kali ah. Waxa ay isla qirayaan macaanka ay leedahay haddii quruxdaas lagu dhammaystiro quruxda ruuxda nool. Ruuxdaas aragtida ninka marka la joogo waa u haween, tan haweenaydana waa u nin.

“U malayn mahayo in aan hunguriyayn doono cid aan ka ahayn nin dareenka ay quruxdiisu igu reebto uu la mid yahay dareenka dabiicaddan qurxooni naftayda ku reebayso” Sitti ayaa tiri.

“Ba’a! Hadalkaagu waxa uu u dhadhamayaa in aad raadinaysid nin quruxda baarkeeda sare jooga. Xaggee se laga helaa? Ma waxaad moodday in ragga oo idili ku nool yihiin qasri la mid ah keenna, ayna u barbaareen si lamid ah sida aan u barbaarnay?” Sayn ayaa dib u wayddiisay.

“Haddii aan baadigoob galo, laga yaabee in aan helo ninkan aan sawirtay” Sitti ayaa isku difaacday.

“Sidee u baadi goobi kartaa ninkan khiyaaliga ah? Ma waxa aad noqonaysaa nin ragga ka mid ah, ku dhex jira, golayaasha la fariista, oo marka aad ninkan heshid ayaad ka soo dhex bixi doontaa oo qasriga keensan doontaa oo dabadeedna gabigiisaba gaar baad u yeelan doontaa, miyaa?” Sayn oo qoslaysa ayaa Sitti wayddiisay.

Iyada oo wali fadhigii ku dangiigsan ayay Sitti indhaha hoos u foorarisay. Way aamustay. Timaheeda qeyb ka mid ah ayay ku ciyaartay. Deetana iyada oo madaxa ruxaysa ayay tiri: “dhabtii, mushkilad aan baadigoobka ahayn arrinku ma leh.” Wayna aammustay.

Waxyar ka dib ayay Sayn si dheer u qososhay! “Xal ayaan mushkiladda u helaye i dhagayso” ayay tiri iyada oo war cusub la soo kuurkuursatay. Si qummaati ah ayay haddana u fariisatay. In ay baqayso ayada oo la moodo ayay Sitti qaarka hore u dhawaysay.

“Waad ogtahay oo berri waa ciiddii Guga. Dadka jasiiraddaan ku nool oo dhami si ay u dabbaaldegaan waxa ay u baxayaan beeraha iyo kannaalada. Shaki iiga gama jiro fursadda ugu qurxoon ee mushkiladdaada aad ku xallin karto in ay munaasabadda berri ah ku jirto…..” Sayn ayaa hadalkii halkaa looga gooyay.

“Belo! Oo xaggee xalku ka muuqdaa? Goormee dumarka iyo raggu is dhex gali jireen? Miyaadan ogayn in dumarku meel gaar ah oo ragga ka durugsan ku dabaaldegaan? Miyaadan…” Sitti ayaa la soo boodday.

“Wali ma anaa xalkii kuu sheegay? Waxaan rabay in aan ku iraahdo: berri qofna magaalada kuma harayo. Bannaanka iyo buuraha ayaa la isku arki doonaa. Kaliya waxaa la inaka rabaa in aynu ka harno kolanyada qasriga ka anbabixi doonta. Waxa aynnu ku andacoon doonnaa daal iyo tabar-darro na haysa darteed in aannaan u bixi karin munaasabadda. Markii qasrigu cidlo noqdo ayaynu gashanaynaa dharka ragga. Goobta dabaaldegga ayaan dabadeedna aadaynaa. Ragga ayaan dhexgalaynaa, ina kama na shakin doonaan oo waxaynu ula ekaanaynaa addoommada qasriga ka adeega. Malahayga si weyn ayaan arrinkaas ugu guuleysan doonnaa. Middeenba Inan soo jiita in ay barbaarta ka dhex hesho ayaa illaa xad suuragal ah” Sayn ayaa taladeedii ku gunaanadday.

Sitti ayaa fikraddii soo dhawaysay. Waxa labadoodiiba ku heshiiyeen in ay barri taladaa mushkiladdooda ku xaliyaan.

Waxay sii faalleeyeen sidii ay go’aankooda u fulin lahaayeen. Diyaargarowga iyo digtoonida ay tahay in ay sameeyaan ayay sharraxaad u galeen. Waxay se si kadis ah uga war heleen qorraxdii ay daawanayeen in ay mar hore dhacday. Mugdiga hareeyay oogada jasiiradda oo guryihii deegaanka iyo indhahooda kala qariyay ayay ku baraarugeen. Iftiin meelo-meelo ka bidhaamaya ma ahee nuur kale ma muuqdo. Si degdeg ah ayay sheekadii u joojiyeen, iyaga oo ka cabsanaya in qof muqdiga ugu soo gabbaday uu sirtooda xado. Sirtooda aanay cidna u quurin ee ay ragga qurxoon ku baadigoobi doonaan. Barandadii ay fadhiyeen ayay ka kaceen. Socod bilaa shanqadh ah ayay ugu tillaabsadeen qol fadhi yaallay oo isla daqaba sare ahaa.

Qolkii ayay kula kulmeen mid ka mid ah adeegayaasha qasriga oo ku dhex jiray. “Amiirku ma ka soo baxay xafiiskiisa?” ayay wayddiiyeen. “Maya. Waxaa la jooga qeyb ka mid ah golaha xukuumaddiisa oo ay is ka warsanayaan berri sida ay u soo ugaarsanayaan asaga iyo dadka u dhow” ayuu ugu jawaabay. Deetana asaga oo salaan ula jeeda inta uu is-goday ayuu qolkii ka baxay. Warkii ay maqleen ayay ku farxeen. Ugaarsi tagidda Amiirku in ay ka mid tahay arrimaha u fududeyn kara in ay u fusho fikraddii ay go’aansadeen ayay isla qireen.

Quruxdooda mucjisada ah ayaa ugu sheekaysay in aysan nin la qurux ah mooyee nin kale u qalmin. In badan ayay kuwo badan oo soo hurguriyeeyay ka jeesteen, waayo? oo la qurux ma ahayn. Waxa ay ku riyoonayaan in ay helaan barbaarro u qalma, riyadaa rumeynteeduna waa tan keentay go’aankan in ay isku raacaan. Intaa dabadeedna waxa ay isdhaafsadeen salaan, ballan subax ayayna ku kala hoyaadeen. Mid kasta qolkeedii ayay u dhaqaaqday.

Waaberiga maalintii guga loo debaaldegayay ayaa la gaaray. Qorraxdii ayaa soo baxday, suuqii Buudaan oo faaruq ah iyo fagaarayaashii lagu kulmi jiray oo haawanaya. Dadkii oo dhami waa ay baxeen si ay u soo dhaweeyaan guga cusub ee soo qaabilay. Waa guga waaberigiisaan dusha ka soo salaamayo banka quruxda badan ee degaanka. Qurux, bilic iyo rajo ayuu degaanka galiyay ka dib dhawrkii bilood ee diraacda iyo barafka.

Saacaddaan dadku dhammaan waxa ay ku sugan yihiin magaalada bannaankeeda kore. Waxaa kala mashquuliyay jawi aad mooddo in ay khamro iyo indhasarcaadi ka beddaleen sidii caadiga u ahayd. Jiinka webiga Dajlah ee u dhalaalaya sidii qalinka (Fiddo/Silver) ayaa kala deyray dadkii. Taagsimaha cagaarka ah ee lagu xardhay ubaxyada kuwooda ugu bilicda iyo naqashadda badan ayaa kala qaatay indhahoodii. Buurta Juuddi korkeeda dhirta lagu goglay ee ka quruxda iyo qaayaha badan xariirta biriqeeda iyo ifkeeda ayaa noqotay xayndaab bulshadii jasiiradda kala xirtay.

Midkood ayaa araggiisa fiirfiirin ku howlaya, mise afarta jiho ayay quruxdu kala jirtaa, indhihiisuna ma soo koobi karayaan. Waxyaabo kala duduwan ayaa u muuqanaya. Waa bulshadii oo isku milan, isdhex gashay, oo dabaqado iyo kooxo kala duwan isugu jirta. Fuqaradii iyo hodankii ayaa isku darsamay. Kii yaraa iyo kii weynaa ayaa is le’ekaaday. Aqoonyahankii iyo badawgii ayaa sheekaystay. Hubaal waxaa ah in uu ku dhex jiro mucaashiq u yimid in uu is illowsiiyo dhaawaca qalbigiisa xanuujinaya. Waxaa jooga gabyaa khushuucsan, nimcadan dabiicaddana u oomman oo la hinraagaya quruxdan riyada la moodo; si ay ugu waxyooto aayado ilhaamka suugaaneed ka mid ah. Faylasuuf u qafaalan wareerka ay quruxdani ku ridday oo argagaxay, deetana la dhacay sujuud uu ku qirayo weynida Allaha abuuray quruxda iyo sixirkaan is huwan ayaa isna jooga.

Qariib ma aha in ay bulshadu sidan oo kale isugu milanto, waayo oo dabiicaddu idilkood waa u hooyo. U ma ay kala soocna, giddigoodna si isku mid ah ayay ugu tudhaa. Isku qaab ayay dhammaantood ugu dhoollacaddeysaa, darkeeda macaanna koobab isku mid ah ayaa ay kaga waraabisaa. Sidaa hadday tahay, dhammaantood waa in ay maanta oo kale ku sakhraamaan sharaabkeeda, kuna gaadda cayaaraan dhabteeda. Muuqaallada quruxda la moodo ee gacan-ku-samayska ah waa in ay kala fogaadaan. Qof kasta oo bulshada ka mid ah waa in uu sirta dabiicadda ka raadiyaa dawada qalbigiisa. Maanta inta halkan la joogo, khamro waxaa ah hal shay, quruxna waxaa ku tilmaaman hal arrin. Udgoonka dabiicadda ayaa khamri ah. Birbirka dabeecada ayaa qurux ku sifaysan!

Maanta qurux kale ayaa soo korodhay. Qurux aan tan dabiicadda ahayn oo aan hore loo aqoon ayaa soo saa’idday. Qurux kale oo baabah ka dhigtay quruxdii lala wada jibbaysnaa ee deegaanka ayaa soo budh tiri. Waxa ay awood u yeelatay in ay khasab ku soo jiidato indhaha dadka debaaldegaya. Laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa quruxdan bulshada la soo dhexgalay. Dabiicaddan indhasarcaadka lihi hadday quruxdeeda oo dhan meel isugu keeni lahayd, deetana ay is oran lahayd adduunyadu ha ku aragto adiga oo laba wiil oo dhallinyaro ah oo qurxoon  isku ekaysiin, awood uma ay yeelateen in ay soo bandhigto labadaan wiil kuwo ka qurux iyo abuur sarreeya.

Qof kasta oo wiilasha eega quruxdooda yaabka lihi waxa ay ku dhufanaysay dabayl jihawareer wadata. Qof walba oo soo ag mara amakaag ayuu cabbaar la joogsanayay. Madaxa ayuu bilaa nuuxnuusi ka dhigayay sidii asaga oo isweyddiinaya: maxay ahaayeen labadan wiil ee aysan diifta adduunyadu ka muuqan? Toloow ma dhici kartaa in ay yihiin laba malag oo cirka ka soo dagay? Mise waxay la mataano yihiin dabiicaddan caqliga xadaysa? Amay yihiin ba isla dabiicaddii oo laba wiil iska soo dhigtay, oo si ay xafladda iyo farxadda aan ku soo dhawaynay nooga abaalguddo noogu timid?

Dhabtii gar ayay ahayd in ay bulshadu sidaas oo dhan u yaabaan; waayo labada wiili, cid kale ma ahee waa amiirad Sitti iyo amiirad Sayn! Waa iyagii oo u soo baxay in ay xafladda ka qeyb qaataan. Iyagii oo isa soo beddalay oo dharkii ragga iyo hugoodii soo xidhay; si ay laboodka ugu dhex milmaan oo mid walba ay uga bidhaansato wiil quruxdeeda u qalma oo waafaqsan riyadii nafteeda.

Debaaldeggii oo maanta jawi qurxoon ku socday ayaa sii dhammaad ah. Balse labadii amiiradood ee caqliga bulshada gaday wali midkoodna ma aysan helin inan qurxoon oo u qalma, soo jiita, caqligeedana xada! Waxa ay quruxda ku cabbirayeen halbeeg iyaga u gaar ah, waana sababta ay wiilashii u qalmay u waayeen. Waxaa jaangooyo u ahayd quruxdooda mucjisada ah! Waa yaab e, mucjisada caqliga xadkiisa ka baxsani, miyay xaggan iyo xaggaaba ka muuqan karaysaa,? Oo sidee ayay ugu suuroobaysaa in tilmaanta iyo tusaalaha sare ay wadaagaan shaqsiyaad kala duwani, si lamid ah sida walxaha aan mucjisada iyo qariibka ahayn, ay shaqsiyaad kala duwani u wadaagaan?

Maanta oo dhan damaashaad ayay dadku ku jireen. Jiinka dheer ee webiga, ubaxyada dhexdooda, taagismaha iyo qararka dushooda, iyo harka geedaha hoostiisa ayay ku cayaarayeen oo ku baashaalayeen. Illaa maalinnimadii farxaddu go’aansatay in ay galbato, qorraxduna inta ay iftiinkeedii yaraysay, halkii ay u dhici jirtay beegsanaysay, ayay daansha-daanshoonayeen. Taagsimaha, qararka iyo geedaha harkooda ayaa immika dhuu-dhuubtay oo ku dherersamay cawska iyo ubaxyada dhexdooda. Qorraxdii oo boora-booroow ah, ifkeeduna sii naxuusayo ayaa ka soo jalleecaysa godkeeda korkiisa, iyada oo aad mooddid in ay bixinayso salaantii sagootinta. Salaan la mala-awaali karo in uu la socdo dardaaran ah in ay ka baraarugaan khiyaalagan ay la suuxsan yihiin oo ay xaqiiqada bartaan. Xaqiiqada ah in shay walba oo Alle abuuray uu baaba’ ku danbaynayo. Waa baaba’ u diiday tilmaamaha waarista iyo sii jiritaanka. Waa xilligii ay dadku guryahooda ku noqon jireen ee bananka debaaldegga la faaruqin jiray.

Xaggii magaalada iyo guryaheedii ayaa loo dareeray. Waddooyinkii iyo wadiiqooyinkii ayaa hirar dad ah la ciriiri noqday. Dumarkii ayaa jid u gaar ah ku qulqulay. Raggii ayaa dhabbo kale qaaday. Labadii amiiradood ayaa dhabbadii raggu marayeen ku socdaalaya. Arrin amakaag leh ayaa dhacday!

Sitti iyo Seyn si kadis ah ayay ugu baraarugeen laba gabdhood oo dadkii socday ka soo leexday oo xaggooda u soo socda. Tallaabooyin la moodo in ay taraanturoodeen ayay soo qaadayaan. Labada gabdhood wajiyadooda amakaag ayaa ka muuqda! Wixii baqdin iyo shaki jiray ayaa Sitti iyo Seyn isugu yimid. Waxa ay la ahaatay gabdhuhu in ay aqoonsadeen oo xogtooda heleen.

Balse markii ay u soo dhawaadeen firfircoonidii ay labada gabdhoodi ku soo leexdeen ayaa is dhintay. Si tabardarro ku jirto ayay ku soo gaareen, hortoodana ku istaageen. Cabbaar ayay ku dhaygageen muuqaalka labada amiiradood. Soo kuwan uu ku dhacay wax u eg dammaad, iyaga oo aan hadlin in ay jareeyaan ayay bilaabeen. Way tabar darreeyeen. Ugu danbayntiina mid mid ayay dhulka ugu dheceen. Way suuxeen oo wacyigii dunidana way ka ambabexeen.

Labadii amiiradood argagax ayaa haleelay. In ay labada gashaantimood iyo dabaqadda ay bulshada kaga jiraan aqoonsadaan ayay go’aansadeen. Haddii se ay is dultaagaan waxa ay ka baqeen in dad kale ku soo leexdaan oo iyaga qudhooda la aqoonsado. Taasaa wax walba uga daran. Si aanay taasi u dhicinna waxa ay iska dhigeen dad aan wax ka yaabiyay arag, socodkoodii ayayna sii wateen. Marka dadku fogaadaan oo aaggu cidlo noqdo in ay hablaha suuxsuuxay u soo noqdaan oo aqoonsadaan ayay isla garteen, sidii ayayna yeeleen.

Halkii ay gabdhuhu ku miyirbeeleen oo cidlo noqotay ayay ku soo noqdeen. Sidii iyaga oo u suuxsan ayay soo duljoogsadeen. Way dhinac fariisteen. Wajigooda iyo astaamihiisa ayay si aad ah u dhowreen. Maalin uun in ay meel ku arkeen ayay xasuusta ka baareen, balse way ka waayeen. Gabdho aanay waligood arag ayay la noqdeen.  

Wajiyadooda waxaa ka muuqda qurux, sharaf iyo haybad lagu barxay. Waa la dareemayaa in ay yihiin laba gabdhood oo martabadahooda noloshu aanay liidan. In aanay liidan kali ah ma ahee in ay barwaaqaysan yihiin ayaa laga dareemayaa. Qaabka uu dharkoodu u tolan yahay iyo sida loo xardhay ba waa isku mid. Qiyaasta in ay walaalo yihiin ama xigto ayaa laga qaadan karaa.

Sitti iyo Seyn waxaa hareeyay naxariis iyo turriinsho ay labadan gabdhood u qaadeen. Dareenkoodii ayaa maquurtay badwayn amakaag iyo fajac ah. Dhaqdhaqaaq ma samaynayaan aan ka ahayn laabtooda oo hiinraag la maqli karayo la ruxmaysa. Naxariistoodii ayaa albaabka ka furaysa jawi jacayl leh oo amiiraduhu hablahan dhulka yaalla la wadaagayaan.

Hareerahooda ayay fadhiisteen. Eegmadii ayay laba jibbaareen. Waxa aad mooddaa in ay is wayddiinayaan: Beer noocee ah ayaad u malaynaysaa in laamahaan (hablaha suuxsuuxsan) ay ka baxeen oo cagaarka ka heleen? Waa kee dhulka geedaha badan ee labadaan ubixi ay ka dhasheen? Daruurtee ayaad u malaynaysaa in ay ka waraabisay biyaheeda?

Fadhigoodii ma sii dheeraan. Jawigoodii macaanaa waxaa ka qasay fardoolay xaggii qasriga usii jihaysan oo ay meel dheer ka halacsadeen. Waa amiirkii iyo ciidan la socda oo ugaarsi ka soo noqday. In ay munaasab tahay in ay qasriga gaaraan xilligan ayay is xasuusiyeen. Waliba inta aanu amiirku gaarin in ay tagaan ayay isku raaceen. Fadhigii ayay ka istaageen. Gabdhihii oo aan wali miyirsan ayay daymo-gacalloodeen. Mid kasta faraantigeedii ayay siibtay. Fargashigeeda laga sameeyay jawharadda qaaliga ah, lagu xardhay dhagaxa Al-maas ee magaceedana lagu la qoray Yaaquut. In ay hablahan u galiyaan ayay quureen. Way u xireen, kuwoodiina way kala baxeen. Ujeeddada ay sidan u yeelayaani waa in ay ku helaan wadiiqo ay hablaha iyo asalkooda ku aqoonsan karayaan hadhow.

Labadii amiiradood qasrigii ayay ku laabteen, iyaga oo faraantiyadoodii mar-la-aragyada ahaa ku soo beddeshay kuwo kuulo iyo dhalooyin aan qiimo badan ahayn ka samaysan.


Waa innoo toddobaadka dambe iyo Sirta Labada Gabdhood.

Qaybtii hore

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *