Home / Bayooloji 1 / 2 Kimistariga Nolosha: Hordhaca Cutubka / 2.4 Falgallada kiimikeed iyo Jaadadkooda

2.4 Falgallada kiimikeed iyo Jaadadkooda

Molikuyuulladan aynu barannay iskood uma joogaan ee waxa ay ka qaybqaataan falgallo kiimikeed (chemical reactions) oo kala geddisan. Tusaale ahaan, waxa aan soo sheegnay in istaarjku ka samaysan yahay guluukowsyo isu tagey. Isutaggaasi waxa uu ka dhashay falgal kiimikeed oo isku dabray molikuyuullo guluukows ah oo badan. Falgalka noocan ah waxaa loo yaqaannaa midow ama isutag toos ah (combination; kom-bi-nay-shan).

Haddaba marka aynu cunno wax istaarj ku jiro—sida bariiska, baastada iyo baradhada—, jirku waa uu burburiyaa waxa uuna ka dhigaa guluukowstii uu ka samaysnaa. Falgalka noocan oo kale ah waa falgal kalabax (decomposition; dhii-kom-po-si-shan), oo molikuyuulkii weynaa ayaa u burburaya kuwo yaryar. Haddii guluukows inta booskeedii laga saaro wax kale la geliyana waa falgal barabixin (displacement; dis-plays-ment).

noocyada-falgallada

Falgalladaas dhakhsahooda waxaa saameeyaa qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin ribbanaanta walxaha isla falgalaya, heerkulka, iyo joogitaanka kalkaaliye (catalyst; kaa-ta-list). Caadi ahaan, marka heerkulku kordhaba falgalka dhakhsihiisuna waa uu kordhaa. Sidaas oo kale ribbanaantu waxa ay kordhisaa dhakhsaha falgalka. Ka soo qaad in aad cuntay borotiin, sida hilib, ukun ama digir. Jirku sidaa kuma adeegsan karo ee waa in la shiidaa oo la burburiyaa, loo na beddelaa amiino asiidhyadii uu ka koobnaa. Falgalkan kalabaxa ahi caadi ahaan wakhti yar ayaa uu ku qaataa dheefshiidkeenna. Taasna waxaa u sabab ah joogitaanka walxo la yiraahdo kalkaaliyeyaal oo dedejiya falgallada. Kalkaaliyeyaasha laga helo jirka noolaha waxaa lagu magacaabaa insaaymyo (enzymes). La’aantood, sannado ayaa uu falgalkaasi qaadanayaa, waa haddii uu suuroobaba e. Falgallada noolaha ka dhex dhaca waxaa kalkaaliya insaamyadan oo fara badan aadna u kala duwan, ka na samaysan borotiinno.  Wixii la dhisayo iyo wixii la burburinayaba waxaa kalkaaliya insaaymyadan, la’aantoodna falgallada kiimikeed ee noloshu ku xiran tahay waa ay joogsanayaan, waxaana xigta dhimasho. Faahfaahinta insaaymyadu baab u gaar ah ayaa ay ku iman doontaa.

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

2 comments

  1. Waxan rahi laha enzyme in ad so fcn ikusharxdo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *