Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 6: Jacaylka iyo Bishaarada

Mamuu iyo Seyn 6: Jacaylka iyo Bishaarada

Qaybtii Hore

Jacaylkii

Inta aysan duqdii qasriga gaarin, aan uga hormarno. Degdeg aan u dhaqaaqno oo xaalka labada amiiradood aan soo ogaanno; Sitti iyo Seyn. Waa tii cajuusaddu ka soo tagtay iyada oo ballan ka soo qaadday. Wey sugayeen oo u dhur hayeen imaanshiyaheeda.

Dhabtii, waxa ay duqda u sugayeen si ka daran sida dhinbil kululi u sugto dhari lagu kariyo. Saacad, daqiiqad iyo ilbiriqsi kasta cid xaggooda u soo socota ayay dhowrayeen. Mar walba oo ay albaabka qasriga oo la furayo sharqantiisa maqlaan dusha sare ayay ka soo jeedaalinayeen. Baahida ugu badan ama ay kaligeed qabaan waa war! Duqdu waxa ay u ballanqaadday in ay daaha uga qaadi doonto sirtii ku duugnayd dhacdadii maalinkii ciidda Guga; si dhab ah in ay uga soo warrami doonto labadii gabdhood ee miyirbeelay galabnimadii la soo rawaxayay ee ay iyaguna wali garan la’ yihiin. Magacyadooda, dabaqadaha ay bulshada kaga jiraan, sababihii ay u miyir beeleen iyo howlo kale ayay duqda ka dhowrayaan in ay u soo ogaato, waana arrimaha madaxmaray amiiradaha. Balse duqdu way tagtay, wakhti badanna way iska maqnaatay. Dulqaadkii ay ku sugayeen ayaa ka dhammaaday. Xasiloonidii ay ku dhowrayeen ayaa ka guurtay oo waa iyaga ‘maxaa miriq yiri?’ xaalkoodu noqday. Sababta ay duqdu muddadaa dheer u maqan tahay ayaa feker kale ku ridday. Kumannaan sababood oo ay ku maqnaan karayso ayay kala doorashooda howl ka dhigteen.

Maalin uun, jabaq li’i ayaga oo isaga fadhiya fadhi yarahooda gaarka ah, sheeko iyo khayaali carbin isaga jira, ayaa qof ku soo garaacay, oggolaanshiyo ayuu weydiistay, way eegeen, mise waa duqdii wajiga duuduubnayd, dhabarku soo godnaa, waa tan oo hortooda taagan, dhoolla caddeyn ujeeddo leh ayaa ka muuqata…

Way u kaceen, sidii kacbadii waa kuwan oo ku wareegaalaysanaya, socodka iyo waxay isku dareen in ay uga sheekeeyaan hilawga u hayay intii ay ka maqnayd iyo farxadda ay hadda ka heleen araggeeda, gacmaha ayay inta qabteen, si dhaqsiyo leh u fariisiyeen, labada dhinac ayay ka fariisteen, waxayna ka warsadeen: wixii macluumaad ah ee ay heshay muddadii ay kala maqnaayeen, heerka uu gaarsiisan yahay ogaalka ay ku heshay cilmigeedii iyo sixirkeedii.

Duqdu wali way xuurtaysan tahay oo nasiino ayay u baahan tahay, balse amiiraduhu inta ay nasanayso ma sugi karayaan. In ay warka u bilowdo ayaa khasab noqotay.

“Ilaaha idin siiyay quruxdaan lala indhasarcaadayo baan ku dhaartay e, hadda ayaan labadoodii ka imid. Muuqaalladooda naxdintii aan ka soo qaaday, turiddii iyo naxariistii ay igu dhaliyeen ayuu wadnahaygu wali la ruxmayaa. Beerkayga ayaa imminka dartood u gubanaya. Mar kasta oo ay maqlaan magacyada Sitti iyo Seyn, dhiiggooda ayaa dab ku noqonaya lafahooda. Holaca ay magacyadaasi jirkooda ku shidayaan dartii, xubnahoodu si xad dhaaf ah ayay u giriirayaan–giriir kugu abuuraya u naxariisasho iyo u turid.

Hooyo, Alle ayaan ku dhaartay e, waxa ay ahaayeen laba wiil oo uu Alle dhowray. Qurux, dabacsani, geesinnimo iyo hawlkarnimo, sharaf kulligeed ayaa loo dhammeeyay. Sida aan iyaga ula yaabay iyo sida aan ula yaabay in aad dad badan iska dhex hesheen ee Alle isugu kiin beegay, ma kala dhacaan. Ha noqdaan laba amiir, laba hoggaamiye ama laba qof oo shacab ah, mid ay yihiinba, waa labo quruxdiinna iyo qaayihiinna u beegtooma; cid idiin beegtoonta kuwa ugu fiican weeye”.

Sitti iyo Seyn in ay anfariir heerka ugu sarreeya ka qaadaan duqda warkeeda oowaliba la wareeraan oo cabbaar la aamusnaadaan, waxa ay ahayd wax dabiici ah oo aan layaab mudnayn. Waayo oo wax kasta oo gabdhahaasi noqon karayeen maskaxdoodu way ka fakartay, balse marnaba kama ay fakarin in ay noqon karayaan wiilal is qariyay oo sidooda oo kale is dhalanrogay. Marnaba fikirkaasi kuma soo dhicin labada amiiradood.

Cabbaar ayay kor eegeen sidii dad  hawo adduuni ay la bidday; yaab dartii. Shaamareerkii  inta uu durba ka ba’ay ayay soo miyirsadeen. Xiiso jacayl ayaa laabtooda dab ku huriyay; jaceyl ay wiilasha u qaadeen. Wixii hore u hayay in ay ahaayeen isbaraanbar iyo fikir ay ogaan la’aanta sirta qarsoon ka qaadeen ayaa u caddaatay. Balse sirtii maanta ayay u caddaatay. Xaqiiqo halis ah ayay isku beddeshay; waa jacayl. Jacayl gariirkiisu ruxayo dareenkooda oo dhan, tin ilaa cirib; meel uu cafiyay ba ma jirto.

Haylaana warkeedii ayay iska sii wadatay. Taajuddiin iyo Mamuu waxa ay yihiin iyo cidaha ay kala yihiin ayay u sharraxday. Xogtoodii oo dhammaystiran ayay amiiradaha faraha ka saartay. Wixii ay soo aragtay iyo wixii ay soo malaysayba way u dhammaysay. Geesaha ayay dabadeedna eeg-eegeen. Cid aan duqda ahayn in ay hareerahooda ka ag dhowdahay ayay hubiyeen. Iyada, Haylaana, way aamminsan yihiin oo sir walba way u quuraan in ay u sheegaan. Waayo oo waa dhakhtaradooda. Hubsasho ka dibna middood ayaa hadashay.

“Habaryar, kollay kaama qarsoona oo waad aragtaa in warkaagii uu na taabtay iyo in uu laabtayada ku biiriyay jirro degdeg ah oo cusub. [Dhabtii] dareemayaashayada wuxuu ku kordhiyay xanuun ragaadinaya. Cidda keli ah ee xanuunkayaga daweyn karta waa adiga –dawadii wadnahayaga ayaad gacanta ku haysaa. Haddii aadan noo dhaqdhaqaaqin waxba ma qabsan karno, haddii aadan noo hadlinna ma aannu hadli karno. Ma kaa suurowdaa in aad xoogaa isu kaaya dhibto, oo aad noqoto carrabkii aan ku hadli lahayn?”

Duqdii ayaa faraxday. Codsigii dhagaheedu maqleen ayay ka heshay.

“Wax kasta oo aad iga doonaysaan amarka uun bixiya. Waan fulinayaa. Madaxdaydii ayaad tihiin. Waan hubaa oo wax aad ku farxaysaan ka shaqeyntoodu daal iguma dhalin doonaan. Bal idinkuba suureeya farxad iyo raaaxo aan heli karo adinka oo caddiban! ma jirto e, raaxadiinna ayaa ii raaxo ah!”

Labadii amiiradood, si la mid ah duqda ayay markooda u farxeen. Codsigoodii sida looga aqbalay ayay iyaguna ka heleen.

“Waxa aannu kaa doonaynaa waa hal shay. Gurigii dib ugu noqo; halkii ay wiilashu joogeen. Adiga oo na matalayana soo samirsii. Soo daawee. U soo wehel yeel. Shaki inoo ga ma jiro imminka in ay caddiban yihiin, xanuunkii iyo jirradii aad ku soo aragtayna in ay ku sii kordheen. Soo yara daji. Illinta midigtaada oo gacmaheenna midig metalaysa uga masax. Hinraagga iyo ololka codkaaga oo ina metalaya uga baabi’i kan ay la tacaalayaan. Waxaad ku tiraahdaa: laabta u raaxeeya jirradaan iyo dareenkaan kaligiin kuma tihiin e. Labadii aad galabtii debaaldagga gollayaasha dhexdooda la suuxdeen jaceylkooda, ayaa idin la wadaaga. Iyaga oo idin ka fog ayay dhadhamiyeen cishqiga. Maanta ka hor jacaylkiinnu wuxuu dhexdooda ku ahaa turid iyo dhimrin xaalkiinnii uu ku dhaliyay, haatanna waa cishqi ay laabahoodu la ruxmayaan sida kuwiinna oo kale. Way la dhibaataysan yihiin sida aad ula dhibtoonaysaan oo kale. Tan iyo maalinkii haddii aynu dhammaanteen qarinaynay cishqiga haya astaamihiisa iyo jirradiisa, waxa ay caddaynaysaa xishoodka iyo asturnaanta innaga oo isku dhan ina ku gedaaman. Waxaa la joogaa waqtigii asturkaas la feydi lahaa. Ogaada, waxa ay idiin doorteen in aad noqotaan labadii ay nolosha la wadaagi lahaayeen, si la mid ah sidii ay faraantiyadooda idiin la wadaageen maalinkii ciidda. Mid kasta oo labadiinna ka mid ah wuu u fasaxan yahay in uu amiirka na wayddiisto. Midkiin ba ha soo dirsado guurti u soo gole fariisata oo u tiraahda weerta doonista, iyo guurti la wada yaqaan oo isku howsha sidii amiirku arrinka u aqbali lahaa. Darajadiinna, magacyadiinna, hodantinnimadiinna, xoolaha iyo qadarka meherka midna ha ka fakarinnina. U sheeg in waxaas oo dhan aannu ka door bidnay cishqiga uu tan iyo maalinkii wadnahayagu la ruxmayo; cishqiga ikhlaaskiisa iyo saafinnimadiisu ay maanta muuqato. Mar haddii aan cishqigaas raalli ku noqonnay, wax kasta oo dhalaal adduunyo iyo faraqabsigeeda ah waa nin iyo taagtiisa. Mid walba ssida uu  yahay ayaan ku aqbalsannahay.

Habaryar, wataas farriintayadii. Orod oo u gaarsii sida ugu quruxda badan ee aad awooddid. Waa suurtagal in Alle uu waa horaba qaddaray in cishqigaani xiriirsamo, farxad iyo barwaaqana ku waaro, si la mid ah sida uu u qaddaray innaga oo kala maqan in uu midkaayaba koobkiisa darsado weelka lagu kaydsho cudurrada cishqiga.”

 

Bishaaradii

Saacadda uu ugu farxadda badan yahay kan la buka cishqiga; xilliga uu ugu rayraynta badan yahay midka tabcaanka la ah jacaylka kaligii haya, waa marka si kadis ah loogu bishaareeyo in qofkii uu jeclaadayi uu raalli ka noqday oo uu diyaar u yahay xiriirintiisa; waa saacadda qofka uu jeclaadayi ku sooro cod naxariis iyo turid leh; waa saacadda ay wadnihiisa ka baxdo jirrada quusta iyo kharaarkeeduba. Waa ilbiriqsiyadaas kolka uu ugu farxadda badan yahay qofka jacaylka la ildarani. Ilbiriqsiyadaas waxaa yeera cod aysan sameyn karin kitaar iyo turumbo toonna; waxaa la arkaa qurux aanay yeelan karin beeraha iyo ubaxoodu; waxaana lagu daroogoobaa sakhraamid aysan sameyn karin dhammaan noocyada khamridu!

Saacadda aynu ka hadlaynaa waa ilbiriqsiyadii dhagaha Mamuu iyo Taajuddiin ay maqleen dhawaqa garaaca albaabka. Waa duqdii Haylaana oo labbiskii ay kaga tagtay xiran. Dib ayay ugu soo noqotay. Si qurxoon ayay ugu haddiyaysay bishaaradii. Warkii labada amiiradood oo aan mid lagu darin midna laga reebin ayay farta ka saartay. Farriinta ay Haylaana wiilasha u sidday ugama dhignayn bishaaro kali ah e, waxa kale oo ay u ahayd dhir-daaweed lagu dabiibay jirradoodii iyo naf cusub oo jirkooda la gashay.

Labadii mucaashaq; Mamuu iyo Taajuddiin waxaa hareeyay jawi sarkhaan iyo farxad leh. Warkii duqdu u keentay waxaa uga soo carfay udgoonkii ugu xeesha dheeraa ee ay abid uriyaan. Jabaqdii codkeeda ayaa ula ekaaday mowjado heeso ah oo macaankoodu dareenkooda sixray. Mid walba wuu istaagay. Maal iyo adduun kale wixii uu heli karayay ayuu duqdii faraqa ugu shubay. Si wadajir ah ayay dabadeedna ugu sheegeen in ay xooluhu hadyad u yihiin, maaddaama oo ay dhakhtaraddoodii tahay. Intaa dabadeed, Haylaana way iska noqotay.

Labadii mucaashaq durba way kaceen, mid kasta qaraabadiisa iyo saaxiibbadiis ayuu markii ugu horraysay uga warramay qisada jaceylkiisa, waxayna gaarsiiyeen farriinta farxadda leh ee la soo gaarsiiyay. Dhammaan waa ay farxeen, si gaarana Caarif iyo Jooko, oo awal hore ayay si aad ah ugu wareersanaayeen xaaladda walaalkood iyo saaxiibkiis.

Galabkaa barwaaqo iyo bishaaro ayuu ku dhammaaday. Subaxdii xigtay ayaa la gaaray. Koox odayadii jasiiradda ugu caansanaa ka tirsan ayaa isu yimid. Taajuddiin walaalihii ayaa soo agaasimay shirka odayada. Waxa ay beegsadeen qasrigii amiirka, iyaga oo ujeeddadoodu tahay in xaalka wiilasha amiirka la la socodsiiyo, dabadeedna laga codsado in uu wiilasha la xidido. Intii qasriga loo sii socday ayaase la tashaday. Waxaa la is tusay arrimuhu sida ay u kala muhiimsan yihiin in loo kala hormariyo in ay tahay. Mamuu warkiisa waa in gadaal loo dhigaa, oo marka hore amiirka Taajuddiin la gala hadlaa. Si kale haddii loo dhigo, Taajuddiin ayaa amiirka u dhow, sidaa darteedna waa in looga faa’iidaystaa in uu Mamuu usii gogolxaaro. Sidaa ayaa lagu tashaday. Dhinaca kale, waxaa la is tusay in saaxiibtinimada labada wiil u dhaxaysa qudheedu ay fursad tahay oo looga faa’iidaysan karo in Mamuu u dhawaado amiirka; saaxiibtinimada wiilasha u dhaxaysa in ay ergaynimo ahaan u adeegi karayso ayaa la is tusay.

Wafdigii wuxuu soo gaaray qasrigii amiirka. Salaantii iyo xurmadii amiirka lagu maamuusi jiray ayay si caaqibo leh u guteen. Iyagana waa la soo dhaweeyay oo la fariisiyay. Wax badan oo la ka la qarqariyo ama loo soo doocdoocdo meesha ma yaallaan, sidaa darteed ayuuna waftigu ujeeddadiisii hore u galay. Caarif ayaa soo istaagay.Warkii ayuu qaatay:

“Sayidoow, suldaankeenniyoow, sida xukunkiinnu daafaha jasiiradda u gaaray, ayay naxariistiinnuna noo soo gaartay. Turiddiina ayaa nagu dhiirrigalisay in aannu codsigaan hoygaaga la soo galno, kuuna jeedinno. Shaki kuma jiro in qofka cisiga nagu dhex lihi uu yahay kan aad idinku ka dhigtaan, mar haddaad sharaftaan na, adduunka oo dhami ma dullayn karayo, haddii ay xitaa isugu tagaan. Waxaa dulli ah kan aydaan u turin, mar haddaad dullaysaanna cid kale iyo suldaan kale toonna sharaf uma yeeli karaan.

Sayidoow, Taajuddiin si kasta oo uu uga dhashay qoys lagu yaqaan sharaf iyo hoggaan, ammaan iyo sharaf kuma uu helayo, mar hadduusan abkaaga dhinac uun ka soo galin. Maanta ayuu kaa filayaa in aad sharaf iyo maamuus u yeeshid, abkaagana aad dhinac ka soo galisid. Wuxuu kaa codsanayaa gacantiisa iyo tan amiirad Sitti in aad mataanayso, guurtidaan oo idilna arrintaas ayay maanta kuugu yimaadeen. Waxaan si xurmo iyo xaqdhawr leh kaaga codsanaynaa in aad naga aqbashid. Kan aan wax u doonaynaa waa adeegahaaga ugu daacadsan, uguna mudan dhimrintaada. Laga yaabee in uu yahay kan ugu habboon ee u qalma helitaanka sharafta ay leedahay la-xididitaankiinu.”

Bartiisii ayuu ku laabtay Caarif. Taajuddiin iyo Sitti in ay isla doonayaan wuu caddeeyay. Wuu fariistay dabadeedna. Cid danbe oo hadashay, oo xagga waftiga ahayd ma jirin. Dhammaan waxaa lagu dhaygagay bishimaha amiirka. Indho la dareemayo in ay is wayddiinayaan waxa uu amiirku oran doona ayaa mar lagu wada fiiqay amiirka. Wakhti badan ba amiirku ma aamusnayn. Fikir dheerba ma galin. Hadalkii ayuu bilaabay:

“Runtii, ma jirto wax ii diidaya in aan aqbalo codsigiinna. Waxaan ku faraxsanahay sida aad dhammaantiin isugu soo waafaqdeen, ayna idiin la noqotay wax ii cuntama. Ha noo soo dhawaado wakiilka Taajuddiin. Qaalligii nikaaxa xiri jiray inoogu yeera. Waxa aannu go’aaminnay in immika la isku nikaaxiyo Sitti iyo Taajuddiin’’.

Halkaa markii uu warka marinayay amiirku ayuu Jooko kor u booday. Halkii amiirku fadhiyay ayuu beegsaday. Wuu u foorarsaday, dabadeednay gacantiisii dhunkaday. Wuu u mahadceliyay. Dadkii kale oo dhan ayaa ku dayday; In ay amiirka gacantiisa dhunkadaan, oo u mahadceliyaan ayay bilaabeen. Amiirkii ayaa warkii sii waday. 

“Waxaan shaki ku jirin in inankaani uu waqti dheer, si daacad ah noogu adeegayay. Noloshiisa oo dhan ayuu si hufan noogu hibeeyay. Dhib iyo dheef ba wuu nala jiray. Sidaa darteedna oofinta iyo abaalka xaqiisa ayaa waajib nagu ah. Maanta waa maalintaan gudan lahayn waajibkaas. Alloow, ha ii barakayn xukuumaddaan iyo maamulkaan ba haddii aanan oofin xaqiisa oo dhammaystiran oo aan wax nuqsaan ah lahayn. Waa ballan in barxadaha qasriga aan ka dhigo fagaare ay qurxiyaan sabta (Alle-bari) iyo farxadduba, dharaar iyo habeen ba.”

Geeskiisa inta uu dhugtay, ayuu u yeeray shaqaalihii qasriga, wuxuuna ku yiri:

“Waqtigaan la joogo bilaaba diyaargarawga iyo fududaynta baahiyaha arooska. Diyaariya wax kasta oo bilaya farxadda, cawayska iyo fadhiyada loo darbayo fanka iyo sheekada. Nooc kasta oo sharaab ah oo loo baahan yahay soo uruuriya. Fannaaniinta iyo cid kasta oo fanka iyo suugaanta ku hawlan isu keena. Saacadahaan yar ee nagu meegaaran ayaan nolosha ku leennahay. Ma ogin, oo cid ogina ina kuma jirto in berri aynnu nolol ku gaari doonno iyo in kale.

Nolashaan iyo farxaddeeda, xukunkaan iyo bilicdiisa iyo falagga nagu meegaarsaniba waa muuqaallo aan lagu xassili karin. Waa muuqaallo aan ammaan iyo nabadgalyana lahayn. Birbirka ifka dhalaalaya iyo gudcurka madoobi isku hardinayaan, sawirrada farxadda munaasabadaha iyo aroosyadu ee ay ku milmaan kuwa musiibooyinka geerida iyo murugada nolosha, dhammaan waa digniino inoo sheegaya in ay waajib tahay in fursadda laga faa’idaysto inta aysan inaga gudbin. Arrimahaas isweydaarsani waxa ay ina ku baraarujinaysaa in aan dhaqsaba uga qaniimaysanno saacadda macaanka iyo farxaddu inta aysan ina dhaafin. Ogaada oo cimrigu waligii isku si ayuu u dhagraa oday iyo amiir, suldaan iyo faqiir, wax farqi ahna uma kala laha.”

Wuxuu eegay labadii la dhalatay Taajuddiin. Wuu dhoollacadeeyay. Hadalkii ayuu misana ku laabtay.

“Raalli galinta Taajuddiin darteed, aan maanta noqdo mid idin ka mid ah, inta u doonaysa Sitti igu xisaabiya, inta hawshaa hirgalinteeda u taagan igu dara”

Galabnimadii, qasrigii Amiirku wuxuu isu beddalay goob yar oo ka mid ah janno Fardawsa. Maynaan arag e, sida aynaan u tilmaami karin quruxda, biriqa, ifka iyo dhalaalka qasriga baa ahaa mid aan dunida waxa yaalla lagu tilmaami karin. Astaamaha farxadda iyo raaxada ee guriga la’isu keenay markaad eegto waxa ay kuula muuqanayaan in laftoodu ay jaas ciyaarayaan. Waxaa guriga la isugu keenay oo buux dhaafiyay dad aad u fara badan oo heer kasta oo bulshadu leedahay ka kala yimid; faqiir iyo qani, shacab iyo madax toonna looma kala soocin. Barxadda guriga bartankeeda waxaa la dhigay miisas waaweyn oo dherer iyo ballac ba isku darsaday, casuumaaddana loo diyaariyay. Waxaa dushooda lagu safay tobannaan xeero oo kala jaad ah. Qaar sidii xiddigihii ayaa loo meegaaray, qaarna waxaa loo goday sidii bishii. Dusha sare waxaa looga xiray qubbado qalin ah (Silver). Mid kasta oo qubbadaha ka mid ah waxaa gudaheeda ka soo wirqaya alaabta hoosteeda lagu diyaariyay; qubbad kasta waxaa ku hoos qarsoon sabeen shiilan oo aan la jarjarin, muuqaalkeeduna sidiisii yahay. Xeeryaha waaweyn ee hilibku ku jiro waxaa dhexdooda daadsan boqollaal saxammo yaryar ah oo wada qudaar iyo macmacaan iyo dhowr nooc oo raashin ah isugu jira. Miisaska waaweyn waxaa hareeraha laga tubay koobab laga buuxiyay intii la heli karayay oo noocyada cabbitaannada ka mid ah.

Fiidkii ayaa la gaaray. Wax walba waa diyaar. Cashadii ayaa lagu hormaray. Feeraha ayuu qof walba buuxsaday. Waxaa la isugu tagay barandada dabaqa sare. Kuraas taallay ayuu qofba mid salka la helay. Marka hoos la soo eego, barandadu waxa ay ku beegan tahay beerta qasriga. Kirliyaal waaweyn oo fiddo ka samaysan oo wirqaya ayaa meesha la soo tubay. Cabbitaanno nooc walba leh ayaa ka buuxa. Waxaa dushooda taagan oo dadka cabbitaannada u qaybinaya dhallinyaro lagu soo xushay qurux, naxariis, gacan-fudayd oo ku labbisan maryo noocoodu dhif yahay. Dhallinyaro kale oo kuwaas la mid ah ayaa iyaguna meel halkeer ah safan. Iyaguse cabbitaanno ma shushubayaane catarro ayay buufinayaan. Waa catarrada ugu carafta badan ee jira ama la heli karayay, uguna qaalisan. Udugga catarrada iyo waxaa isla falgalay ifka la shiday iyo neecowda habeenka. Durba waxaa isla falgalay saxansaxada neecawda iyo codadka heesaha kala geddisan. waa kuwan oo dhagihii dadka qafaashay, jawwi sidii riyo inuu yahay ayaa dhagray dhagihii, waxaa jiitay laxan farxad iyo qurux isku darsaday. Hal hoobal ayaa mar laxanka maamulaya, mar kale koox hooballo ah ayaa farsamaynaya. Heesaha iyo maansooyin ka kale ee socda waa kuwa wax sarkhaaminaya. Sharqantoodu waxa ay saanta la helaysaa neecowda saxansaxada ah ee meesha ka dhacaysa, neecawadaasi waxaad mooddaa in ay sharqan li’i dadka la cayaarayso.

Jawigaas ayada oo lagu jiro, ayay dadkii wada eegeen kursi bartamaha fadhiga yaalla, waxaa ku fadhiya Taajuddiin, indhihiisa waxaa ka muuqda hillaaca farxadda iyo guusha, wajigiisa iyo astaamihiisana waxaa ka muuqda raynrayn. Qof kasta oo dhab u fiiriya wuxuu durba arkayay in uu hal dhinac oo qura u jeedo, kama uu jeesanayo hal marna, haddii uu isha la sii raacana wuxuu arkayaa Mamuu oo fadhiya halka isha Taajuddiin ay hayso, wuxuu u fadhiyaa sidii qof kaligi isku mashquulsan, waxa hareerihiisa ka socda war iyo wacaal toonna uma uu hayo. Indhihiisa guray, wajigiisa uu sida aad ka ah u foorariyay ee uu calaacashiisa korkeeda ku tiiriyay marka aad eegto, waxaad durba garanaysaa in  indhasarcaadka jawiga, quruxda codadka iyo kabannadu aanay wax saameyn ah ku lahayn, wax yar oo aan naf lahayn mooyee, waxaad mooddaa in uu jawigan oo dhan ku leeyahay “Kuma aqaanno, dartaana halkaan uma imaan”

Iyada oo jawigaas lagu jiro ayay ilbiriqsiyo gudahood sharqan waliba joogsatay. Dadkii ayaa wada istaagay. Waa daqiiqaddii uu amiirku soo galay. Sacab iyo mashxarad ayaa lagu soo dhaweeyay. Amiirkii oo aan soo gaarin halkii uu fadhiyay Taajuddiin ayuu Taajuddiin ka hor tagay. Gacanta ayuu ka dhunkaday. Amiirkii ayaa qabtay midigtiisa, wuu soo kexeeyay, dhiniciisa ayuuna fariisiyay bacdamaa uu dadkii fadhiyay oo dhan si qurux leh ugu taagay salaan.

Amiirku wuu la socday saaxiibtinnimada badan ee ka dhaxaysa Taajuddiin iyo Mamuu, isha ayuu ku wareejiyay dadka, asaga oo Mamuu baadi goobaya, hadda ayay ishiisu qabatay, mise wuu fooraraa oo fakarsan yahay. Wuxuu is yiri: malaha wuu cidlooday, oo wuxuu dareemay saaxiibkiis oo xafladdaan loo qabanayo in uu ka fog yahay, wuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:

“Waxaa tahay Taajuddiin saaxiibkiis. Kan uu dadka ugu jecel yahay ayaa tahay. Cid kaaga habboon in ay malxiis u noqoto ma ay jirto. Caawa laga bilaabo illaa maalinka u dambeeya arooskiisa u imoow, oo dhiniciisa fariiso, una wehel yeel” amiirkii ayaa sidaa Mamuu ku yiri.

Mamuu, xoogaa yar ayuu Amiirka isu soo goday; qaddarin darteed.

“Yeelay amarkaaga, Sayyidii” ayuu isaguna ugu jawaabay. waxyar inta dib u noqday ayuu Taajuddiin dhiniciisa fariistay.

Farxaddii iyo heesihii ayaa dib u bilowday. Sharaabkii ayaa dib loo wareejiyay. Habeenku habeen mucjiso ah ayuu ahaa. Dhamman dadkii yimid farxad, weheshi iyo baashaal badan ayay ka heleen. Habeenkii oo dhan jawigaas ayaa lagu jiray, illaa lagu soo ebyay sees u dhigistii dhiska arooska Taajuddiin. Sees u dhigistaas waxay ahayd fulinta iyo hirgalinta guntintii meherka Taajuddiin iyo Sitti.


Waa inoo moogga xiga iyo Arooskii.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *