Dhabbahaan dunida loo jeexay wuu diiday in uu qisadeenna ka leexdo oo gees ka maro; wuxuu goostay in uu kheyrka iyo sharka ku kulmiyo; in uu farxadda guusha iyo illinta quusashada isku qaso. Curiyaha sharka ee qisadeennuna waa mid ka mid ah waardiyayaasha gaarka ah ee xafiiska Amiirka, magaciisu waa Bakar, Abbihiis in magaciisa la garto iska daa e, laf ahaantiisa ayaan la aqoonnin! Waardiyahaani wuxuu lahaa naf lagu unkay oo laga buuxshay nooc kasta oo xumaan iyo dhagar ah. Waxaad mooddaa in naftiisa lagu habay jaceylka fitnada; wuxuu jecel yahay in uu dhex galo mar kasta oo albaabkeeda oo ballaqani meel uun uga bidhaamo. Ma uusan gaabnayn oo kali ah e, foolxumo oo idil ayaa loo kulmiyay; muuqaal qallalan, jir suuxsan iyo indho kakan oo laga dheehan karo cuqdadda, karaahiyada iyo xasadka lagu cubay ayuu lahaa.
In badan ayuu Taajuddiin kula taliyay amiirka in uu dhagar badahan xun ka maarmo, in uu ku beddasho qof wanaagsan oo qasriga madaxtooyada ku habboon, qof nasab iyo abuur ahaanba ka sharaf badan. mar uu arrintaas amiirka kala hadlayayna waxaa erayadiisii ka mid ahaa:
“Mudane amiir, inkasta oo aan waardiyaha laga fileyn wax ka badan waxa eyda laga fisho, haddana waxaa eydu leeyihiin dhaqammo suubban, sida:Daacadnimada iyo oofinta, balse midkaan waardiyaha kuu ahi uma cuntamo wax aan ka ahayn in uu noqdo adeege liita”
“Taajuddiinoow, nolosha aan ku jirno ayaa nagu qasbaysa in aan wax-ma-garadkaan oo kale ka dhiganno waardiye. Qasrigaan bannaankiisa dano badan ayaa naga yaalla, mushkilado iyo guntimo furfur u baahan ayaa naga jira. haddii aannaan maangaabkaan oo kale u haysanna dhib iyo daal ayaan xallinteeda kala kulmi lahayn, waardiyayaashaan aad u jeeddo, dhammaantood looma keenin in ay shaqadaas qabtaan e, qaarkood waxaa loogu tala galay in ay noqdaan birlab loo adeegsado socodsiinta hawlaha iyo xallinta dhibaatooyinka adag. Waardiyuhuin uusan lahayn nasab iyo asal toonna waxba yeeli mayso tamarta iyo howsha ay danahayaga ku fulinayaan. Sidoo kale, dhagartooda iyo xumaantooduna waxba innaga inama yeelayso”
Sidaa ayuu amiirku ugu adkaystay in Bakar uu ka ag dhawaado, Taajuddiinna uu ugu guul darraystay in uu ku qanciyo wax amiirka ku riixa in uu buriyo oo uu ardaaga qasriga ka fogeeyo.
Bakar waxa uu ogaaday in Taajuddiin uu neceb yahay oo cuqdad u qabo. Waxa uu go’aan ku gaaray in uu eedsiiyo nacaybka uu u qabo, boholo khiyaamana u qodo. Sidii uu arrinkaa u fulin lahaa ka-fekerkiisa ayaa wakhti badan ka cunay. Waxa uu raadiyay fitnada ugu weyn ee uu Taajuddiin madaxa u galin karo, isaga iyo Amiirkana isaga horkeeni karo.
Waa galab. Beerta qasriga meel u dhow waxaa fadhiya Amiirkii. Dad waxaa ugu dhow Bakar oo ku laamo qallalay ka jaraya geedo beerta ka mid ah, laamo kale oo isku geed ku yaalla, balse ka la dheeraadayna simaya. Amiirkii ayaa su’aal uu jeclaa wayddiiyay.
“Taajuddiin maanta qasriga ma yimid mise ma iman?”
Durba wuxuu ugu jawaabay:
“Taajuddiin sidii uu qasriga uga shaqeyn jiray oo ugu mashquulsanaa maaha, wax weyn ayaa iska beddalay”
“Muxuu ku mashquulay?” ayuu amiirkuna dib u weydiiyay Bakar.
“Ma aqaanno, laga yaabee in ay Meesha ka baxday sababtii uu ugu soo noqnoqon jiray darteed”
Amiirkii ayaa sidii qof fakarsan noqday, Bakarna judhiiba wuu ka faa’idaystay, wuxuuna ku yiri:
“Mudane xaqiiqadu waxay tahay, cid rumaysatay ma jirto in sidaa raqiiska ah, waliba degdegga ah aad ugu guuriso Taajuddiin iyo cid la mid ah, waliba ayada oo ay jirto in dhammaan madaxda iyo salaadiinta kurdistaan ee sharafta iyo dhaqaalaha badan ba le ay u hanqal taagayeen in ay sharaftaas helaan oo ay kula xididaan”.
Amiirkii inta uu ka yaqyaqsooday hadalkii bakar ayuu yiri:
“waa kuwee kuwa iga filanayay arrinkaan?! Markii la eego Taajuddiin iyo walaalihii, ma wax la sheego ayay kuwaani noqon karaan?! Hal maalin oo dagaal iyo dhibaato taagan tahay waxa ay Taajuddiin iyo walaalihiis noo galaan, salaadiinta aad sheegayso iyo xoolahoodu toonna nooma ay gali karaan”.
Qaabka amiirku ugu jawaabay markuu maqlay ayuu bakar garwaaqsaday in usluubka uu warkiisa ku gudbiyay khaldan yahay, wuxuu beddalay qaabkii uu u hadlayay oo dhan, asaga oo is mashquulinaya ayuu yiri:
“Shaki kuma jiro in ay madaxda ku habboon tahay in ay addoomankooda ku dhiirri galiyaan in ay toosnaan iyo adeegitaan dheeri ah la yimaadeen, ayaga oo u maray in ay sharfaan oo ay ka qeyb galiyaan goobaha ay ku caweeyaan, balse shardigu uu yahay in aysan la caweynta madaxdu illowsiin waxa ay yihiin, in aysan ka sii jeedin gudashada waajibaadkooda, in adeecitaanka iyo isu soo godista madaxda xilliga caweynta iyo xilliga dagaalkaba ay isku mid ahaadaan.
Balse sayyidii, waxaan ka baqayaa in xurmaynta noocaan ah ay nasiib u yeeshaan kuwo aan ku habboonayn, natiijada ka dhalatana ay noqoto in ay caasinnimo iyo qooq la yimaadaan. Sayyidii, nimcadu kuma habboona qofka bakheylka ah, qofka liita uma ay cunnanto..”.
Halkaa markuu marayo, ayaa Amiirkii si caro leh hadalkii uga kala gooyay, wuxuuna ku yiri:
“Aamus wasakhyahaw, qof liita oo aan adiga ahayni ma jiro, anigu waan aqaannaa gacaltooyada iyo daacadnimada Taajuddiin, waan aqaannaa waxa ay tahay in aan falo, wax aadan shuqul ku lahaynna ha dhe galin”.
Bakar inta uu isku naxay, isgoday oo sasay ayuu asaga oo Ta’ Ta’ leh na yiri:
“Aniguba daacadnimo waan ku malaynayay, laga yaabee in uusan amiirku ka ogayn, waxa aan ka ogaaday”
Amiirkii oo anfariisan ayaa yiri:
“Bal ii sheeg waxa aad soo ogaatay?”
“Tan iyo maalinkii aad soo dhaweysay oo walaashaa u guurisay, wuxuu bilaabay in uu waxyaabo badan kaligi iska goosto. Waxyaabaha iigu argagaxa badan ee aan ka akay waa in uu bilaabay in uu saaxiibkiisa Mamuu u shukaamiyo Amiirad Seyn, wuxuu si joogto ah ugu ballan qaadaa in uu u guurin doono” intaasi markii ay ku dhacday Amiirka dhagtiisa, ayuu inta argagaxay oo giriiray haddan kacay, kor iyo hoos in uu eego mooyee, wax kale waa laga waayay, deetana wuxuu yiri:
“War maxaa tiri. Taajuddiin. Ma Taajuddiin ayaa dhaqankaas bilaabay, ma asaga oo aan waxba igala socodsiin. Ma taajuddiin ayaa walaashay guurinaya asaga oo aan xitaa igala tashan? Toloow! Suurtagal ma tahay in aan u dhimrinta Taajuddiin ku talax tagay oo deetana cabsidii iyo haybaddii qalbigiisa laga saaray?!”
Bakar inta uu Amiirka u soo dhawaaday ayuu yiri:
“Sayyidii, miyaanad aqoon Taajuddiin qofka uu yahay? Waa kaa islaweynidu ka badatay, naftiisu u beensheegtay inta uusan kula xididin ka hor. Xaggee ayuu maantaa joogaa asaga oo kibirkiisa la sii buufiyay? Waxa ugu daran ee aan ka baqayaa sayyidoow, waa in ujeedaddiisa kaligi-talisnimo ay tahay in uu doonayo dhidbe u aasitaanka awooddiisa iyo inta ku xeerani ay ku leeyihiin qasrigaan, asaga oo adeegsanaya in uu xididnimada iyo ku habboonaanta nasabadeed, si uu aakhirkana u iclaaniyo in asagu uu yahay amiirka Buudaan, sidaana ay iska dhaxlaan tafiirtiisu ka ab kab”
Amiirkii inta uu fariistay ayuu yiri:
“Alle ayaan ku dhaartay e, go’aankaygu wuxuu ahaa in in Mamuu iyo Seyn isu guuriyo, mar dhow in aan arooskooda sameeyo, oo ka farxiyo. Balse, maanta waxaan ku dhaaranayaa ammaanta awoowayaashay dunida korkeeda ku leeyihiin e, ma oggolaan doono guurkaas, xataa haddii dagaal dhiig badani ku daato uu darteed u dhaco. Qof kasta oo agtayada xurmo ku leh, madaxiisuna fakar uu arrinta Mamuu darteed ka qaaday uu la wareeray, car ha ii yimaado oo inta uu istcimaalo xurmada uu nagu ag leeyahay bal wax ha ku dheefo”.
Sidaa ayuu amiirkuna fitnadii uu dhaliyay waardiyihiisa bakhtiga ahaa uga dhigay teedka ugu adag ee ku hor gudban cid kasat oo arrinta Taajuddiin saaxiibkii -Mamuu- iyo Seyn ku hawllanaa; sidaa ayayna ku baaba’day abdadii ugu dambaysan ee laga qabay hirgalinta arooska labada mucaashaq; sidaa ayay u dhacday ayada oo aysan Mamuu, Seyn, Taajuddiin iyo cid kasta oo saaxibbadood ahba wax war ah ka hayn sida go’aankaani ku dhashay. Waxba ka lama aanay socon kaalinta xun ee uu ka qaatay Bakar adaygga iyo kagnaanta uu amiirku ka muujiyay arrinkaan.
Arrinka oo dhan wuxuu ku ekeeyay in uu af-xiro cid kasta oo damacda in ay mawduuca kala hadasho, amaba isku dayda in ay ka baryaan isu guurinta Mamuu iyo walaashiis Seyn. Kulan ay isugu yimaadeen Amiirka, Taajuddiin iyo in badan oo saaxiibbadiisa la qaddariyo ka mid ah, ujeedkuna ahaa in ay amiirka ku raalli galiyaan oo uu Mamuu u naxariisto, ayuu amiirku ku gunaanaday warkiiba:
“Dhammaantiin ogaada in aanan dhib u arag in Seyn ay waligeed ahaato Guumeys qasriga joogta, balse taasi kama dhigayso mid Mamuu uga dhigto calaf; ma aysan harin fursad bannaan oo idiin saamixi karta in aad sheekadaan oo kale dib iigu keentaan, balse haddaad doonaysaan shar aad ka maarantaani in uu idin ku dhaco igula soo noqda warkaan oo kale”!
Maalinkaas Taajuddiin wuxuu ku dhawaaday in uu amiirka ku yiraahdo: “Sharkaas waannu u baahannahay, marba haddii qiimuhu yahay naftayda in aan waayo oo codsigayga la fuliyo” balse waxaa taa ka hor istaagay rejo uu ka qabay in wax isbeddalaan mustaqbalka, arrintuna ay iska fududaato; waxaa kale oo ka hor istaagay in uu abdo ka qabay maalin uun in uu amiirka raalli galiyo asaga oo adeegsanaya siyaasad iyo isdabcin halkii uu adeyg iyo kacdoon muujin lahaa.
Waa inoo Moogga xiga iyo Mawlacii Murugada!