Home / Af Soomaali / Ereybixinta Geela
©warsame90

Ereybixinta Geela

Halkaan hoose ka dheego eray bixino loo adeegsado xoolaha gaar ahaan geela oo ah waryahaadka ay soomaalidu ugu jeceshahay.

Geela sidkiisu waa 13 bilood. (390 habeen). Muddada uu ilmah wadana waxaa loo yaqaannaa Sid.

Hasha rimman waxaa lagu gartaa Goojada ama Dhays – candhada (naasaha oo caano galeen yeesha).

Hasha aan rimin kalkii ama sannadkaas waxaa la dhahaa Tebis.

Ilmaha hashu dhashay hadduusan bilo dhammaysan waxaa la dhahaa Qoor-jabane ama Af-ku-xuuble. Hashu markay dhicisana waxaa la yidhaahdaa hashii way Cabaad-dheereysay amaway Buruurisey.

Xabka ilmuhu dabaasho ama ku jiro waxaa la dhahaa Guube. Waxaana soo raacda mandheerta, xuubkuna waa astaanta u horreysa ee hasha foosha ah lagu arko.

Hasha ilmaheedu ka dhintay ee ilmo kale lagu tolay (la oggolaysiiyey) waxaa la dhahaa Sidig. Habka hasha ilma kale lagu oggolaysiinayo waxaa loo yaqaan Tolis. Waxaa la adeegsadaa qalab ay ka mid yihiin Qallac ama Qallax iyo Tuurin cuntada waa laga Soomiya hasha, mar kastana waxaa lagu soo warwareejiraa ilmaha kale ama horteedaa loogu xidhaa. Inay oggolaatay waxaa lagu gartaa way u dunuunucdaa ama u guuxdaa kolkaasaa ilmuhu nuugaa hasha. Habeenkii kolka ubadka la xaraynayo ayada waa loo daayaa si aysan u illaawin inta ubadka kale ka dhex gasho illayn duunyadu urkay isku garataaye, “Dadkuna dubaaqay/Hadalka isku fahmaan duunyaduna urka”.

Hasha aan ilmaha lagu tolin oo la maalo waxaa lagu maalaa Maqaar, habka looguma maalana Maqaar-saar baa la dhahaa. Hasha ruuxeedana Igar baa dhahaa.

Ilmaha dhashay hadduu dheddig yahay Nirig baa la dhahaa, hadduu lab yahayna Qurbac. Hasha dhashay caanaheeda u horreeya waxaa loo yaqaan Shilmoone waana caano Jaalle ah. Ilmaha waa laga ilaaliyaa dhulkaa lagu lisaa. Hasha madida ah ilma waa laga xigaa si uusan ugu daaban (shubmin). Caanaha geelu garoor ma yeeshaan balse Karuur bay noqdaan. Haddii geela deegaankiis laga kaxaynayo Hayaan baa la dhahaa.

Ilmuhu hasha wuxuu nuugaa ugu badnaan 2 sano ugu yaraanna hal sano hadduusan dhiman ama xanuunsan.

Hasha aam caanaha badnayn waxaa la dhahaa Badho ama Baaqimo. Midda hoorka ahna ama caanaha badanna Madi baa lagu magacaabaa.

Weelka geela lagu maalo wuxuu leeyahay in ka badan toban (10) magac oo kala ah; Gaawe, Toobte, Mure, Bire, Gorof, Doobi, Haruub-gaal, Haruub, Qarrog/Gorog iyo Dhakal.

Hasha waxaa lisa labo nin, mid bidixduu ka istaagaa oo gaawuhuu lowgiisa saaraa waxaa dhanka bidix loo yaqaan haaneed. Halka nin kalena istaago dhanka midig waxaana loo yaqaanna Miskeed.

Hashu waxay leedahay afar naas oo labo horaaddo tahay, labona dambeeddo tahay. halka hal horaad iyo hal dambeed oo is xigaa loo yaqaan Xag. Hal qof markuu hasha maalayo waxaa laga maalaa xag waxaaa la yiraahdaa Xigid.

Hasha waa la maraa* – naasahaa laga duubaa si aan ilmuhu u nuugin. Waxaana lagu maraa Maraq. Hasha waxaaa loo maraa labo hab oo kala ah; Dhammaays ama Dabbaal*- in afarta naasba laga maro. Dhambal* – in la maro qayb ka mid ah naasaha. Waxaana qaabka loo sameeya gabay ku muujiyey Xoosh Docol.

  • Marka hore mataal geeda iyo, maydal lagu sheegye.
  • Marka xigana qurac muudaloo, xididku miiqnaaday.
  • Marka xigana laga soo milyoo, madasha loo keenye.
  • Marka xigana muurmuursadoo, gowska kula meeray.
  • Marka xigana moobaah wax dilin, igu mataaceeye.
  • Marka xigana miiq laga dhigyoo, mqyrax laga yeelye.
  • Marka xigana marriin wada marshoo, midabbo siisiiyey.
  • Marka xigana marmaroorshayoo, kala maddaysiiyey.
  • Marka xigana dhambal baan u maray sidigta maadhiine.
  • Marka xigana haneed lagu milyoo, midabki doorsoonye.
  • Marka xigana martidaan, u muro way mahdinayaane.
  • maraq geel asaa ugu mudnaa xarig, intaan miiqay.

Geelu hadduu boqol gaadho Kadin baa la dhahaa, tusaale 500 boqol oo neef waa 5 kadin. Haddii kadimadu bataan ase aan tiradooda la aqoon waxaa la dhahaa Raysimmo.

Geelu biyaha dhanada ah buu aad u jecel yahay kuwo macaan ma magaabaysto. Halkii marna hashu waxay cabbi kartaa 100 – 120 litir.

Geelu wuxuu biyaha ka maqnaan karaa hadduu baad fiican haysto muddo bil ah; “Hal bil qadday, beri kuma dari waydo!”.

Geelu wuxu leeyahay codad ka duwan noolaha kale oo u gaar ah, waxaana ka mid ah; Olol, cabaad, jibaad, guux, dhuunyeeri, reen, uugaan, gurxan, shuuq, cuuc iwm.

Geela intaan la aroorin waxaa ceelka uga horumara rag loo yaqaanno Ceelalyo. Hal nin ah markuu geela shubayo waxaa loo yaqaan Natooxsi. Rag badan markay shubayaanna Dowdab.

Ninka geeljiraha ahi wuxuu ku seexdaa Cows-gogol, Asgogol ama Kashkaash.

Berigii hore intaan haamaha iyo dhiiluhu si wacan u dhaqan gelin waxaa caanaha lagu kaydin jirey Sibraar* – Harag la weeleeyey oo caaaha lagu shubyo. Sibraarka waxaa laga jeexaa neef adhi ah ama ugaadh ah gaar ahaan lab sida; Orgi, Liig, Saryan ama Jaxeer iwm.

Codka kooraha, foorida, geela, iyo heesahaba waxaa loo yaqaan jabaq ama Yulqan.

Hashu markay ratiga u baahan taha inuu abaahiyo waxaa la dhahaa Abasax. Ratigu marku rabo hasha inuu abaahiyo kolka hore waa cayrsadaa oo surmeeyaa waxaana habkaas loo yaqaan Roorsi.

Qaalintu haddii ay rati ku curato waxaa loo yaqaan ratigaas Guubis ama Guumis. Awrta kalena waa ka tabar bataa si tijaabo lagu hayo. Geela waxaa loogu ab tiriyaa hasha dhashay sida; Dir Soohan, Dir Baarri iyo Dir Maadhiin.

Ratiga geela abaahiya kana ilma dhala waxaa loo yaqaan Baarqab cidnana ma rarato, markii uu qooqu ka jabo waxaa loo yaqaan Da’fur. Haddii sanadu barwaaqo tahay ratigu wuxuu qooqnaa karaa 4 bilood. Xilligaas uu qooqan yahayna wax biyo iyo baad ah jidiinkiisa ma mariyo waana sababta uu labada qaar u noqdo.

Ratigu hadduu hasha ku abaahiyo meel qar ama qalax ama dul ama dhagax ah waxaa murxa ruugagga waxaana la dhahaa Sibrow.

Geelu waa jeelaa* – wuxuu u xiisaa dhano, kolkaasna waa la jeel saaraa. Waxaana loo jeel saaraa saddex hab oo kala ah; Carrayn – in cusbo ama ciid dhanaan inta harag loogu shubo bowka ama geed galaha ah loo saaraa. Darmin – In la soo daajiyo geedka daranta loo yaqaan, oo ah geed dhanaan aadna uga baxa dooxooyinka Nugaal iyo Sool. Balxin – waa laga cabsiiyo ceel ka mid ceelasha dhanaanka ah, muddana la dul fariisiyo.

Geela markii ubadka laga goynayo waxaa la isticmaalaa dhowr hab sida; Candho-saab,yaar, sees, barjis, sanogyo, carrabjeex, jiilQalabl IKK.

Hashu markaysan rimmanayn irmaanaynna waxaa la dhahaa Galoof.

Geela waxaa loo qaybiyaa Godol iyo Gaadiid. Godolku* – waa geela dheddigga ah. Gaadiid* – waa geela qaybtiisa lab. Mar kale geela waxaa loo qaybiyaa. Xaas iyo Horweyn (gaani). Xaasku* – waa geela irmaan ama qaybta la maalo. Horweyn* – geela qaybtiisa rimman. Marka horweynka lagu daro aaran (qaanka) iyo galoofaha waxaa asna loo yaqaan Gaani* – Geela qaybtiisa aan la maalin oo dhan.

Geelu markuu soo cabbo Wabax ama Cukan baa la dhahaa, kolka kalena Oommane. Habeenka uu ceelka u sii socdo asee uusan gaarin oo uu oomman yahay waxaa la dhahaa Oon-guul, kolka uu wabaxa yahay asee uusan galihiisa soo gaarinna Wabax-guul baa la dhahaa.

Kolka u horraysa ee geelu darka afka dhigo waxaa la dhahaa Kamiin, markuu kamiinta rogo hadduu ku soo laabtana Rakaad baa la dhahaa “aan rakaadtiyo, kamiinta aan rogo, baa rag kala diley!”.

Geelu markuu ceelka tago waxaa biyaha loogu shubaa Dar (Harag neef geela ah). Waxaa biyaha lagu soo dhuraa Dalow, xarigga la jiidayana waxaa la dhahaa Dowlis.

Geela haddii laga raro deegaankuu yaqaannay kan la geeyey wuu ku xanuunsadaa waxaana loo yaqaannaa Cashi.

Geela waxaa lagu xidhaa Koor, kooruhu waa labo nooc samayskooda marka laga eego Xabuub iyo Rogaal. Dhanka dhawaqoodana waxaa loo qaybiyaa Aleel ama Aleen, Qalab-qalabley, iyo Boodaan ama Buudaan.

Hasha gurta oo aan la maalin Cashatab baa la dhahaa, ilmaha ay ka gurtayna Agoor baa la dhahaa.


Xoosh Docol Curdan

E-mail: Curdan2@hotmail.com

Dhaqan Dhowr

Soomaali, Nabad & Nolol.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

One comment

  1. fuaadcade15@gmail.com

    waa faa iodooyin qaali ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *