Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 10: Rafaadkii Mamuu

Mamuu iyo Seyn 10: Rafaadkii Mamuu

Qaybtii Hore

Mamuu awal horeba, intii aanu waayin weheshigii saaxiibkii Taajuddiin, waxa uu ahaa nin aan sabir iyo degganaan badan toonna lahayn. Marka uu saaxiibkii Taajuddiin la wadaagayo sheekada jacaylkiisa iyo wixii uu dhib baday ayay si weyn uga muuqan jirtay in aanu ahayn nin dareen ahaan fadhiya. Maxaad u malaynaysaaa maanta isaga oo saaxiibkii ka waayay dhiniciisa? Xaaladda qalbigiisa maxaad ka filaysaa isaga oo aan maanta wax abdo ah ka qabin guurka Seyn? Qalbigiisa bar qura oo iftiin yar leh ayaa laga helayaa. Waa xasuusta wajiga Seyn oo ka bidhaamaysaa jiridda quusta iyo walbahaarka ay qalbigiisa ku hayso gadaashooda.

Maalmo yar gudahood ayuu inankii Mamuu ku doorsoomay, ka dib go’aankii Amiirka ee rabitaankiisa ka dhanka ahaa. Inankii ashqaraarka lahaa, kii awoodda u yeeshay soo jiidashada amiirad Seyn, yarkii awoodda iyo shakhsiyadda dhisan lahaa, wiilkii geesinnimadiisa la isku sheegay ee tiirriga ahaa, maanta ma jiro. Mamuu kale ayaa jooga. Mamuu kale oo axadkii arkaa ka naxayo oo u turayo. Jirkiisii ayaa luufluufay. Muuqaalkiisii ayaa haybad beelay. Astaan sharafeed kasta oo oogadiisa ka muuqatay ayaa aasantay. Laba indhood oo fiigsan sidii oo ay godob galeen ayuu wax ku arkaa. Gabigiisaba waxa aad mooddaa in buufis ama waalli midkood uu hayo. Socod buu ku waashay maalimihii ugu danbeeyay. Qararka iyo duddumooyinka ayuu intaa wareegaa. Marar kale ayuu jiinka webiga Dajlah ku lugeeyaa oo marka uu fogaadona ka soo lugeeyaa. Subax-subax ayuu buuraha dheerdheer ee Jasiiradda tafaa oo marka uu guudkooda gaaro ka soo dhaadhacaa oo haddana ku noqdaa oo mar kale ka soo degaa. Meel uu ku xasilo ma uu helo, cid uu weheshadana ha sheegin! Awelba Taajuddiin ayuu weheshan jiray.

Ninka sidaa soo baxayi waa Mamuu laftigiisii! Xanuunka rejo-beelka ayaa mar qura haraantiyay qalbigiisa. Waxa uu si weyn u naawilayay guurka amiirad Seyn ka hor go’aankii uu Amiirku ku rejo tiray.

Kani waa saaxiibkii Taajuddiin, Maanta dadkaba kama uu garanayo. In uu la joogo iyo in uu ka maqan yahay ayaa isugu mid ah. Marmar ayuu Taajuddiin soo booqdaa oo garabkiisa fariistaa. Mamuu wuu iska fooraraa. Madaxiisa ayaad mooddaa in uu tabartii beelay oo aan korba u kici karayn; gaaddadiisa ayuu mar la arkaba saaran yahay. Taah iyo hinraag waxa aan ahayn bishimiisa ma soo dhaafayaan. Taajuddiin sidii uu doono ha u la hadlo, wixii jiraba ha u sheego, Mamuu kii butuli yiraahda ma aha.

Sidaa isaga oo xaalkiisu yahay, haddana Mamuu shaqadiisii ma joojin. Wali waa xoghaye ka tirsan shaqaalaha qasriga Amiirka. Isaga oo murugo iyo diif badan ka muuqato ayuu shaqada soo galaa, kana baxaa. Xitaa Amiirka, ninkii rejo tiray, kama qarsado illintiisa. Runtii, awood uu kaga qasradaba ma uu lahan.

Mamuu wali dunida ku xeeran oo dhan wuu ka qarinayaa sirta ka dambaysa jirradiisa. Dad tiro yar ayaana huba in uu jacayl ku kaliyoobay la rafaadayo, balse bulshada inteeda ugu badani way la yaabban yihiin xaalkiisa. Taajuddiin ayaa ugu horreeya dadka sida fiican u og xaalka Mamuu, isaguna hal waddo oo uu saaxiibkii kaga farxin karo uma aanay harin. Waddo walba go’aankii Amiirka ee qallafsanaa ayaa xidhay.

Mamuu kolka uu xiisaha jacaylku qalbigiisa huriyo oo uu qarsashadiisana uu u taag waayo, xaafadda iyo dadka uu la joogo wuu ka tagaa. Meel cidlo ah oo wabiga jiinkiisa ah ama buur dheer figteed ah ayuu aadaa. Meelahaas ayuu siduu doono ugu taahaa oo ugu alaladaa. Wixii maalintaa illin ka iman karaysa ayuu meeshaa ku qubaa. Neecowda hareerihiisa iyo dushiisaba ku dhacaysa iyo biyaha wabiga ayuu sheekooyin u bilaabaa oo is kaga neefiyaa gocoshada xasuusta ah. Si daacad ah ayuu xaaladdiisa iyo waayihiisa uga warramaa, sidii oo ay yihiin kuwa waxtari doona.

“Midkaagaan qulqulaya sida illintayda oo kaloow! Midkaagaan sida hilowga laabtayda shidaya oo kale u kacsanoow! Maxaan kuu arkaa ammin kasta adiga oo kacsan oo butaacaya, marna adiga oo xasilloon, adiga oo laabtaadu deggen tahay yacnii? Soo uma muuqato in aad la rafaadsan tahay hoogga iyo waallida cishqigan i haya oo kale? Sirta kacdoonkaagu ma waxa ay ku qarsoontay saaxiib aad dartiis u weyday degganaan iyo xasillooni? Ma xasuusta saaxiib kaa fogaaday ayaad kacdoonkan joogtada ah ugu jirta?

Balse cidda aad jeceshahay ma jasiiraddaan cagaaran ee kugu meegaaran cid aan ahayn baa? Haddii ay iyada tahay cidda aad jeceshahay, maxaa kacdoonka kuugu wacan? Labadaada dhudhun dhexdooda soo tan jiifta. Soo tan guryaheedu ay laabtaada dhex qotomaan. Soo tan midigtaadu ay kallida [jasiiradda] gacanta uga hayso. Soo tan bidixdaaduna dul goglan tahay kuusha dhuunta [jasiiradda] korkeeda lagu xiray.

Adiga oo ciddii aad jeclayd sidaa ugu dhafan oo aan ka fogayn ama ka fogaan yaadan haddana u muuqan mid dareensan nimcada uu haysto. Waa kugu waajib in aad uga mahadceliso ciddii suurogalisay in aad mucaashaqaaga haysato. Maba joojinaysid xunbayn iyo abur in aad bixiso! Kacdoonka mawjadahaagu samada ayay ku dhawaanayaan. Sawaxaanka iyo guuxa kaa baxaya waxa ay gaarayaan guryaha Baqdaad! Wax ii sheeg, oo danta aad ka leedahay dhaqankaagaan ii faahfaahi? Himilo noocee ah ayaa kaa luntay oo kugu kalliftay in nafsaddaadu sidaa oo dhan u kacsanaato [webiyohow].

Waxa ay ku habboonayd in oohintaada dhuun-ka-yeerka ahi ay afkayga ka timaaddo, kacdoonkaaguna uu naftayda ka soo baxo . Aniga ayaa mudnaa in hinraaggaygu samada gaaro iyo in deegaanka oo dhan sharqanta qalbigaygu gaarto halkii ay taadu gaartey!

Aniga ayaa ah mid ay qalbigiisa mar walba ku mudan tahay middi af badan caaraddeed. Waa middi uu daabkeedu meel fog yaallo oo aanan karayn in aan iska siibo. Markii hore waxa aan filayay in qalbigaygu biyo qabow oo macaan hanan doono, balse taas caksigeeda ayaa dhacday oo wakaa qalbigaygu taahayo, xanuun awgii. Middidii ayaa igu noqotay sun dilaa ah oo qalbigayga daloolinaysa, daawadii aan u qaadan lahaana waan ka quustay.

Dajloow, aan kuu sheego e, [middi ma jirtee] waa qalbi caashaq la jidbeysan. Waxaa gubay holaca quusashada. [Aan ku su’aalee] ma dhib ayay leedahay hal mar haddaad fiiriso, ama hal mar aad soo dulmarto marmarka aad ku soo wareegaalaysanayso gogoshaan cagaaran ee lagu xardhay ubaxyada narjiska iyo Banfasjiga (Buudaan)? Waxaa laga yaabi lahaa in laamihiisa middood ay doog u noqoto ama in ay kulkiisa daran dhex fariisato neecaaw qaboojisa”. Mamuu oo la sheekaysanaya biyaha webiga Dajla ee hirarkoodu is rogrogayaan ayaa sidaa ku cataabay.

Marar kale ayuu neecowda hareerihiisa ka socota la sheekaystaa. Runtii wuu ku nafisaa la-sheekaysiga dabiicadda iyo ma noolayaasha. Neecowda iyada waxa uu si gaar ah uga codsadaa in ay dhanbaal ka qaaddo. Farriin waayihiisa iyo xaaladihiisa ku dhan yihiin in ay Seyn, amiiradda jasiiradda iyo qalbigiisaba, ka gaarsiiso ayuu ka baryaa.

“Neecaw yahay soconaysa iyada oo ruux jilicsan leh; neecaw yahay albaab kasta oo sharaf leh, lana waardiyeeyo iskeed u ballaqaysa [iyada oo aan idan wayddiisanayn]; ma kaa suuroowdaa in aad aqbasho codsi uu kuu soo jeedinayo midkaan xiran ee la dabray? Haddii ay suuragal tahay [in aad aqbasho], waxaad si toos ah u beegsataa jihadaa bari. Waxaad arki doontaa dhismihii quruxda iyo ashqaraarka. Waxaad ugu tagi doontaa mawlicii wehelkayga iyo farxaddayda [ku xabbisnayd]. Marka aad gaarto, xatabadda istaag oo ha iska galin e [xatabadda] dhunko, deetana adiga oo dhimrin iyo tawaaduc ba muujinaya u dhawoow mulkiilaha quruxdaas. Sidaa yeel si aad u gudato ammaantii, xushmaddii, maamuuskii iyo tixgalintii ku habboonayd. Intaa ka dib dhawr tillaabo gadaal u soo bax [amiiradda] si aad u gudbiso farriintii laguu soo dhiibay. Waxaad ku tiraahdaa: “Waa farriin kaaga timid kan cishqigaagu gooni-daaqa ka dhigay. Waa mid dhiiggiisu noqday khaddii qalinkiisa [uu farriinta kuugu soo qoray], jirkiisuna baalashii buuggiisa.”

Marka aad astaamaha wajigeeda ka dareento in ay dabac muujisay, waxaad si xurmo iyo dhimrin leh ugu tiraahdaa: “Amiiraddeennaay, [Mamuu] waa miskiin quustay. Muddo ayuu ku noolaa wax yar oo riyo ah oo ka dhalatay u turiddaada. Durba se riyadii way baaba’day, dhimrintiina way iska habawday. Wuxuu noqday mid ku dhex jira bartamaha mugdiyada quusta iyo guuldarrada. Wallaahi in uusan aqoon danbi uu galay; danbi aan ka ahayn in uu ogaa qalbi gudihiisa ku soo biiray oo uu sii jeclaanayo, maantana aanu faro ku hayn oo uu muddo dheer heli la’ yahay. Laga yaabee qalbigaa [doolka ah] oo labadiisa dhinac ka dhex ruxmaya in uu inta isku darmaday uu hawo raac noqday. Laga yaabee in uu xilligaas danbi ama gef uu sameeyay, [danbi kala se garan mahayo] Waa caadi oo waa aadane ka mid ah kuwaa tirada badan ee dhinnaanta, hilmaanka iyo illowga lala abuuray. Haa, wuxuu milkiiluhu xaq u leeyahay in uusan cafin caasinta addoonkiisu sameeyo, sidii uu doonana in uu u ciqaabo. Laakiin, soow suurtagal maaha in uu u turo, in naxariistiisu u timaaddo oo uu u dhaweeyo harkiisa naxariista iyo ilaalinta?!

Dabeylyahay macaan; marka aad farriintaas gudbisid ha soo hilmaamin in aad hore iigu soo qaaddid xantooba ka mid ah ciidda qasrigaas. Ii soo noqo adiga oo wada waxyarna Alle ha ka dhigee, waayo haskiisa ayaa ah urta qalbigeyga iyo dawada cudurkayga.”

Marka ay xiisaha jacaylka iyo gubashadiisu holcinayaan waxaa heerka ugu sarreeya gaara loolanka naftiisa ka dhex aloosan. Madaxa ayuu foorariyaa sidii oo uu gablamay. Si buuxda ayuu uga dhex baxaa dunidan ku xeeran iyo dadkeeda, duni kale oo naftiisa oo kali ahi ku dhaqan tahay ayuu u dhoofaa. Qalbigiisa iyo qaybaha kale ee jirkiisa ayay dood adagi ka dhex aloosantaa. Waa dood ka kooban qalbiga oo lagu eedaynayo in uu ka xiriir furtay jirka intiisa kale, shaqadii uu hayay daryeelka waaxyaha kale ee jirkana iska illoobay, iyo dood kale oo qalbigu eedaymahaa isaga deedifaynayo. Nafta Mamuu oo doodahaa ku dhex luntay oo ku dhex silicday ayaa garsoore ka noqota doodda. Eedayn ayay marar badan u soo jeedisaa qalbiga, doodda in laga leeyahay ayayna ku garsoortaa.

“Khiyaanoole yahaw ballan burinta badani, ii sheeg oo ma xusuusan tahay? Ma xusuusan tahay ballamihii iyo dhaarihii is xoojinayay ee aad igu bantookhin jirtay? Hadalladii quruxda badnaa ee aad ku sheegi jirtay in aad daacad ii tahay maxaa beenta ka dhigay? Ma xusuusan tahay maalintii aad carrabka ku nuuxnuuxinaysay in ay dhab iyo go’aan kaa tahay xilli walba in aad hiil ii ahaanayso iguna xirnaanayso?

Ma illowday maalinkii aad sheeganaysay kalyo-adeygga iyo geesinnimada, iyo in aad u dulqaadanayso wax kasta oo isoo wajaha, daraadayna aad in badan isku howli doonto?

Ma xusuusan tahay xilliyadii inta aad fariisato [aniga oo kugu dhex libdhan] aad ii sheegi jirtay sida xad dhaafka ah ee aad ii jeceshahay, ee aad waliba oran jirtay jacaylkaaga in la iga mashquuliyo waa mustaxiil?

Ma xusuusan tahay baryihii aad is kibrin jirtay, dadka nici jirtay, aniga i dareensiin jirtay sida aad dadka kula nool u yasaysid, waxaasoo dhanna aad ku sababayn jirtay in aad daraadday u samaynaysid?

Waan ka xumahay [sida aad isku beddeshay]. Waan ka shallaysnahay [sidii aan kuu aammini jiray]. Ballamadii jiray dhammaan waxa aad burisay hal daqiiqo oo wakhtigaaga ka mid ah. Waa daqiiqaddii uu jacaylka [Seyn] ku galay. Waad I illowday ood I dayacday. Durba waad iga fogaatay. Kaaga daranta, waxa aan waayay waddo aan kuugu soo hagaago iyo jiho aan dhaqankaaga u raaco.

Bal ii sheeg shimbir yahay yar ee madax yarada ahi, cidda xuquuqda kuu siisay in aad u duusho halkii aad damacdo, adiga oo ka tagaya naf cadaaban oo ku xirxiran jirkaan dhexdiisa?! Nafta la abuuray iyada oo kugu mataansan –idinka oo laba saaxiib oo isku wanaagsan ah naftii aad muddada soo wada noolaydeen. [Qalbi yohow] intii aad la joogtay wax dhaaxa ayay kugu taageeri jirtay sir qulqul ah oo darkeeda ay kaaga soo xusho. In badanna waxa ay jiritaankaaga ka soo dhalaalisay if ka mid ahaa ileyskeeda!

Qalbi yahaw, intaas ayaa ilduuf kuugu filan. Intaas ayaa fogaanshaha iyo sii dhex galka la aqoonwaaga kuugu filan, waliba adiga oo kaligaa ah oo ka habaabay dabkii iyo iftiinkii naftaadu ku siin jirtay. War hooge, dariiqu waa mugdi, yoolkuna aad buu u fog yahay.

Waar inkaar qabe, cidda kula hadlaysaa waa naftaadii! Waa naftaadii ahayd qeyb adiga kaa mid ah. Iyada ayaa ugu mudan, uguna xaq badan in aad jeclaato oo aad ka daba oroddo. Haddii ay ujeeddadaadu tahay qurux [raadin], waxaa wax kasta ka qurxoon qiimaha ay naftani kuugu deeqday. Haddii ay ujeeddadaadu tahay if iyo ileys [raadin], waa tee cidda ku siinaysa wax ka badan ifka iyo ileyska ay [naftaadu] ku siisay?

Qalbi yahaw soo noqo. Waar soo noqo! Yaanay ku hodin fitnada quruxda iyo dhafoorradeedu; ha ku kadsoomin qosolka cirridyada iyo bishimaha; yaanay ku dafin sixirka indhaha quruxdoodu dilaaga tahay; yaanu ku jiidan iftiinka wajiga kaaga dhalaalaya hamaynnada mugdiga ah dhexdooda. Dhammaan intaa uu aragga indhahaagu la cawarmayo [xilligan aad joogto] waa dab iyo dhimbilo. Waxa ay kugu shidayaan holac aad ku halaagsanto kulaylkiisa.

Haddii aadan taladaa ku qancin waxaad ogaataa in aad la mid noqonaysid Bulunbul. Cimirigiisa oo dhan wuxuu ku dhammeeyaa ubaxyada iyo beeraha(khamaa’il) dhexdooda, asaga oo waliba la jirran jacaylkooda, iskana ooyaya. Balse calafkiisu kama duwana calafka balanbaalista ugu laaban holoca dabka oo ah in ay ku gubato oo ku gamaarto. [Bulunbulku] sida balanbaalista oo kale ayuu marka u dambeeysa ku soo dul dhacaa hoogga calafxumida, asaga oo harag qallalan ah ayayna babbisaa dabaysha ubaxyada iyo laamaha geedaha ruxda.

Qalbi yahaw waxaad naftaada dhigtay fagaagga hawada iyo macaanka. Dantaadu waa in aad gaarto yool qura. In aad hesho naftani cidda ay jeclaatay iyo in aad ku raaxaysato macaankeeda ayaad hadaf ka dhigatay. [Sidaa marka ay tahay] waxa aan kuu hayaa waano aan ka soo dheegay dhakhtar arrimahan aad ku jirto ku fogaaday. Waxa uu igula taliyay: cudurkan [qalbiga kaa haleelay] daawo waxaa u ah in uu iska ilaaliyo goobaha laga buuxiyay waxyaabaha ay naftu jeceshahay. Yoolkiisu waxa uu ka shisheeyaa qodxaha layliga iyo hoogga.

Dhaqtarku waxa kale oo uu ii sheegay in cudurkuba ku tarmo cabbitaanka macaan ee naftaadu u malabsanayso, dawadiisuna ay tahay cadkaas xinjirta ah ee aad ka wiswisayso marna ka eed sheeganayso.

Qalbiyahaw sidee ayaan kuula hadlaa? Maxaan kaaga sheekeeyaa oo aan kugu iraahdaa waabad iga sii jeeddaa? Sheekadayda iyo codkaygaba soo adiga iska mashquulinaya? Waxa aad iila dhaqmaysaa sidii cid aadan rabin hadalkooda ama aadan hore u aqoon!”

Marka ay naftiisu sidaa isu haaraanto ayay ugu daran tahay. Qalbigiisii awelba gubanayay ayaa sii kara oo sii qaxa. Dhinbilo faniin ah oo dambaaburooyin la moodo iyo qiiq ayaa gudaha qalbigiisa gariiriya. Uuro wax la moodo ayaa qalbigiisa hadoodisha sida daruur mahiigaan oo cirka isku gadaantay. Indhihiisa ayaa iyaga oo aan maskaxda la tashan dhabannada ku dareeriya illin kulul. Mamuu isaga oo ruux sarkhaansan la moodo ayuu is dhiibaa marka uu sidaa xaal noqdo. Holacii illinta ayuu ka dalbadaa babbis. Wuxuu naf iyo hiil ka raadiyaa qululkeeda. Erayadii ay naftiisu ku tiraabaysay ayaa dhuuntiisa dhaafi waaya. Xaaladdaas aan hiilka iyo wehelka lahayn ayuu ku jiraa illaa ay illintu ka dhammaato oo beerkiisa iyo haraadiga tabartiisu idlaadaan. Markaas ayuu haddana dib u bilowdaa dagaalkii u dhexeeyay naftiisa iyo qalbigiisa. Mar kale ayuu la ceejismaa dareennada kakan; illin hor leh oo kulul oo kasoo daadata ayuu mar kale gurmad ka rajeeyaa. Giraantaa murugada ah ayuu maalintiisa inta ugu badan ku dhex jiraa.

Mamuu oohintiisii iyo murugadii waxa ay ku dhawaadeen in ay indhaha ka ridaan. Xanuun buu galay qarka u saaray in ay noloshiisu dhammaato. Intaa wuu taahayaa oo hiinraagayaa. Awooddiisii ayaa tabardarro ka daba timid. Adayggiisii ayaa jileec isu rogay. Muuqaalkiisii ayaa qayirmay oo madoobaaday. Maalin ayuu xanuunkaa iyo kadeedkaa dartood ugu dhacay meel cidlo ah oo wabiga Dajlah ka tirsan. Wax badan ayuu halkii yaallay, heer markii danbe uu gurigoodii iska daayay. Dadka meesha ku arka ayaana caawin jiray, si gaar ahna dhallinyaro ay saaxiibbo ahaayeen ayaa u taakulayn jiray. Saaxiibbadiis inta badan waxa ay isku dayi jireen in ay samirsiiyaan, balse kuma ay guulaysan jirin.

Gurigiisii magaalada ku dhex yaallay wuu is kaga tagay. Maalinkii uu meesha cidlada ah ku jirraday ayaa ugu danbaysay. Wuxuu ku dadaali jiray in uusan qofna ogaan warkiisa qof uu si gaar ah ugu kalsoon yahay, sida Taajuddiin oo kale mooyee. Waxa uu ka biqi jiray warkiisu in uu gaaro amiirka. Waxa uu ka baqi jiray in masayrka Amiirku cirkaa isku shareero, dabadeedna uu sii fogeeyo haddii ay rejo wax ka nool yihiin.


Waa inoo moogga xiga iyo laba xalqo oo isla socda; Ugaarsigii iyo Kulankii Mucaashiqiinta.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *