Home / Tag Archives: buug

Tag Archives: buug

Faallo Buug: Al-faaruuq Sannadihii hore, Taariikh Nololeedkii Cumar ibn al-Khaddaab (RC)

من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين Faallo Buug: Al-faaruuq Sannadihii hore, Taariikh Nololeedkii Cumar ibn al-Khaddaab (RC) Halkan kala deg buugga Siyaabo kala duwan ayaa buug lagu qiimeeyaa; mawduuca iyo maadada uu ka hadlayo, sida la isugu dubariday ee loo soo bandhigay iyo qoraha buugga laftiisa ayaa ka mida ah ...

Read More »

Guudmar iyo Gorfayn Buug: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus

Magaca: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus (الأخلاق والسير في مداواة النفوس) Qoraaga: Ibnu Xasm ad Daahirii. Tifaftir: Muxammad al Kacbii, Daarul Qalam. Akhlaaqada wanaagsani meel sare ayaa ay kaga jirtaa diinta Islaamka, Ilaahayna markii uu ammaanayey Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ku tilmaamay in uu ku sugan ...

Read More »

Qaybaha Buugga

Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo kuwo male-awaal iyo sheeko-faneed ah (fiction). Qaybahan hoos ku xusan intooda badan lagama helo buugaagta male-awaalka/ sheeko-faneedka ah (fiction). Marka aad buug qoraysid, ku dedaal qaybahan in aad qoristooda ku bilowdid bogga midigta xiga, xitaa ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 13- DHAMMAAD

GEERIDII CAWRALA IYO BAROORDIIQII IYO U DUCAYNTII CALIMAAX Markii Calimaax dhiigkafuqay oo uu ku bogsaday gurigii Warsame Warfaa uuna damacsan yahay inuu aado Cawrala iyo magaalada Xiis oo ay deganayd, ayaa nasiibdarri loogu soo warramay in Cawrala la aroostay muddo yar horteed. Aad iyo aad buu Calimaax warkaas uga murugoodey ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 12

AROOSKII CAWRALA LOO AROOSAY GEELLE Markii lagu heshiiyey wixii ka dhacayaa ha ka dhaceene, in Cawrala garbaduub loogu dhiso Geelle Geelbadane, ayaa isla mar ahaantiiba waxaa degdeg loo bilaabay qabanqaabintii arooska, iyadiina waxaa loo qaybshey oo la dul dhigay dad ilaaliya si aanay u baxsan. Waxaa kaloo dhacday in ninkii ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 11

WELWELKII IYO WALBAHAARKII CAWRALA Waxaa welwel, walbahaar iyo walaac Cawrala geliyey heestii cirsan-ka-yeerka, khaas ahaan saddexdii tixood oo u dambeeyey heesta ee ahaa: Dayaxu ma gabdhin, manuu gabax oran, Ha yeeshee gashuu degey, way guduudnayd, Ee ha gacan gelin, jeer gu’soor da’o Iyadoo ay u muuqatay Cawarala in tixaha heestani ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 10

Haddaba, in kastoo gabartii ka carartay Calimaax aragtidiisii horee, waxay ahayd qof waracad ah oo way qayla roor tagtay, ilaa rag iyo haween loo soo gurmadey oo halkii rabrab lagaga qaaday oo guryihii beesha la geeyey. Wax rag ah oo muqdar ama xilkas ah waxaa beelaha joogey nin la oran ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 9

DHAAWACII IYO DHIIGKAFUQII CALIMAAX In kastoo la yiri Calimaax waa geeriyoodey, ciidankiisiina sidaas ku tiriyeen markii la waayey, raggii ugu war dambeeyeyna oo ay goobtii Gurifaras ka wada dagaalamayeen sheegeen in rasaasi ku dhacday oo uu dhaawac ahaa markii ugu aragti dambaysey. Hase ahaatee, Calimaax ma dhiman wuxuuna nasiib ku ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 8

DUULLAANKII DARAAWIISHTA EE “BADDACAS” Mar loo malaynaayo inay taariikhdu qiyaastii ahayd bishii Nof. 1916kii ayaa Seyidkii duullaan uu magaciisa qarsooni ahaa “BADDACAS” oo uu xeeladdiisa dejiyey markuu muddo dheer dersaayey ku saaray xeebahaas Maakhirkoost. Maakhirkoost waxaa lasyku yiraahdaa magaalada Xiis, Laasqoray, Maydh, Ceelaayo, Qaw iyo Boosaaso. Duullaankaas waxay tallaabadiisa labaad ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 7

Waxaa dhacday markuu soddoggiis warqaddii jeexay oo weertii u horraysey oo ahayd “Calimaax sidii johoradeed yaanan ku jamane” isha mariyey, mar labaadkiina ilaa erayadii u danbeeyey oo ahaa Cawrala Barre akhriyey, oy u muuqatay inay warqaaddu ku saabsan tahay jacayl ka dhexeeya Calimaax iyo ruuxaas dumarka ah, ayaa hoosiis dhex ...

Read More »