Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 4: Duqdii Qasriga

Mamuu iyo Seyn 4: Duqdii Qasriga

Qaybtii Hore

Inyar ayaan ka durkaynnaa wada sheekaysigii Mamuu iyo Taajuddiin. Qasrigii amiirka ayaan dib ugu noqonaynnaa. Xaalka Sitti iyo Seyn halka uu ku danbeeyay ayaan xog ka raadinaynnaa. Waa kuwii dib ugu noqday qasrigoodii. [Nasiibwanaag] waa tii ay u suurogashay iyaga oo aan la aqoonsan in ay qasriga gudaha u galaan. Sidii ay hore u qorsheeyeenna waardiyihii qasrigu adeegayaasha qasriga in ay ka mid yihiin ayuu xisaabiyay.

Dharkii ragga ayay iska dhigeen. Fadhiyada qasriga mid ka mid ah ayay fadhiisteen. Nasiino ay u baahnaayeen ayay halkaa u fariisteen, balse mid walba walwal iyo walbahaar foolkeeda ka muuqda ayaa gaar ku noqday. Sababta kali ah ee walwalkoodan loo aanayn karana waa gabdhihii suuxay [Mamuu iyo Taajuddiin] ee uu xaalkoodu yaabka lahaa. Muuqaalkii guud ee labada gabdhood, quruxdoodii yaabka lahayd, haybaddii wajigooda ka muuqatay iyo xaaladdii lamafilaanka ahayd ee la soo daristay ayaa wali xasuustooda ka go’i la. Sababta ay u illoobi kari la’ yihiinna waa dhowr arrimood baa la oran karayaa. Midi waa hablihii iska suuxay oo arrin ugub ah ayay labada amiiradood ku ahayd. Mid kalena waa in ay aqoon waayeen cid allaale iyo cidda ay yihiin habluhu mid kalana waxay ahayd dareen nooc ah oo billaabay, dareen naxariis, dhimrin iyo ka helid ah oo  gabdhahaas aysan garanayn ay u qaadeen, maya e, waa jaceyl bilow ah, si tartiib ah u fiday, siina xoogaysanay, haa waa jaceyl ku dhashay, ayaga oo wali u malaynaya in ay labadaasi ahaayeen gabdho.

Sitti iyo Seyn fekerkoodii iyo xasuustoodii waa la afduubtay. Dhacdadii carraabadii maalinkii ciidda ay la kulmeen iyo dadkeedii ayaa afduubtay. Ma kala fogaadaan. Intaa way faqayaan oo qorshe dajinayaan. Qol ayay ku wada jiraan markii la arkaba ama qasriga dhinacyadiisa meel ka mid ah ayay isla fadhiyaan. Mid waliba sheekooyinka ay nafteedu u sheegto ayay tan kale u gudbinaysaa.

Dadka qasriga ku nooli kuma jirin qof fiiro gaar ah u yeeshay arrinka labada amiiradood, marka laga reebo islaan duq ahayd. Islaan da’ joogta ayay ahayd. Haylaana ayaa la oran jiray. Wajigeedu inta uu laalaabmi karayay ayuu duuduubmay. Muuqaalkeedii asalka ahaa ayaa tirmay, gabow dartii. Awooddeedii ayaa yaraatay cimrigi ay gaartay dartii. Dhabarkii ayaa soo godmay. Xubinta kali ah ee jidhkeeda ka fayoow ee duqnimada ka badbaadayi waa maskaxda. Maskaxda wali dhallinyaro ayay ka ahayd wax walba sida ay yihiin u fahmaysa. Tan iyo intii laga soo noqday maalinkii ciidda ayay korka kala socotay xaaladda labada amiiradood. Sida ay isu sii beddelayaan ee uu muuqaalkooda iyo dhaqankooduba usii doorsoomo ayay dabaggal ku haysay.

Haylaana waxa ay qorshaysay in ay isbeddelka amiiradaha xaqiiqadiisa baarto. Qol ay ku wada jireen ayay subax soo aadday. In ay soo gali karto ayay idan uga qaadatay. Way u oggolaadeen. Way u soo gashay. Mise way fooraraan. Feker badan iyo islahadal ayaa labadoodaba ka muuqda. Jihawareer iyo wax tiiraanyo u eg ayaa wajiyadooda daboolay. Way u soo dhawaatay. Agtooda ayay fadhiisatay. Dabadeedna war u bilowday.

“Amiiradahayga yaryaroow naftayda ayaan idiin hurayaa. Alle ayaan ka dalbanayaa in uu idin dhawro e, waxaad tihiin il kasta [oo jirta] aadanaheedii. Qalbi kasta kuwii uu u hiloobayay. Waxaa iskay tusay tan iyo maalinkii debaaldagga [ciidda guga] in uu dhalaalkii qasrigaani qeyb ahaan hoos u dhacay. Wax badan oo wehelkiisa ahaa ayaa [sidoo kale] qarsoomay. Maalinkaas waxa aad soo noqoteen idinka oo sidan u foorara oo sidan u fakaraya oo shiilmay. Ma ii oggolaan kartaan in aad ii sheegtaan [haddii ay jirto] sir aydaan fahmin oo aad soo hesheen ama [haddii ay jirto] khamrada idin sakhraamisay ee sidan idiin miyirbeelisay? Sirtu hadii ay tahay wax adag oo aan la kari karin waxaa laga yaabaa in aan wax uun kaalmo ah idiin fidiyo, haddii ay tahay wax qarsoonna in aan garaadkayga iyo sixirkayga adeegsado oo aan idinka caawiyo ayaa suura gal ah.”

Iyaga oo aad mooddid in ay tashanayaan ayay midiba middii kale eegtay. Deetana middood ayaa tiri:

“Sida muuqata wax kasta oo nagu dhacay waa ciriiri iyo kurbo aannaan garan karin sababtii dhalisay, wayna iska muuqataa in waxyar oo raadkii arrinkaas ciriiriga iyo kurbada ahi uu wali na la socdo.”

Haylaana durba waxa ay garatay in gabdhuhu is leeyihiin wax ka qariya duqda. Garashadeedii arrinkaa ayayna ku male-awaashay in wax uun cishqi iniinihiis ahi uu maalinkaas hablaha ku beermay. Waayo oo way dhacdaa maalinka debaaldegga in ay si kadis ah barbaartu isaga hor yimaadaan, indhaha isugu xadaan, quruxda iyo muuqaalka ay qaarkoodba leeyihiin uu qaarka kale jiito, dabadeedna la is barto oo la wada xiriiro. Haylaana xaggii amiiradaha ayay u sii dhawaatay. War kale ayay u bilowday.

“Waxa aan filayaa in aydnaan la socon heerka quruxdiinna iyo sixirka iyo ashqaraarka ay leedahay, in aad dunida ka tihiin kuwo aan la arag cid la mid ah, carshiga u weyn ee quruxda in aad harsanaysaan iyo cid la idiin dhigi kara in aysan jirin. Waayo oo haddii aad intaas ogaan lahaydeen waxaad garwaaqsan lahaydeen qurux kasta oo jasiiraddan ku dhex sugan in ay idiin khusuucdo, idiinna foorarsato. Waa kee midka aad ka hesheen ee aan idiin sujuudin –midkaan yaabka iyo jihawareerka idin ku riday, ee qalbigiinana dabka ka holciyay? Maad ii sheegtaan [midkaas] si aan idiin baro qaabkii aad u soo daban lahaydeen, katiinadaha cishqiga ugu xiri lahaydeen, si asaga oo quruxdiinnu sixirtay uu idiin soo hor fariisto?”

Sitti ayaa duqdii u jawaabtay.

“Waxa aannu la amakaagsannahay ma aha sidan aad u malaynaysid. Wax kale ayaa noogu wacan. Waan jeclayn in aan sii tilmaanno oo aan caddeyno waxa amakaagga inoogu wacan, si aad bal noogu daaweyso garaadkaaga iyo xeeladahaaga, balse waa halxiraale. Waa halxiraale dhinac walba ka qafilan oo aan waxba laga fahmeyn. Waxa kali ah ee aannu awoodno waa in aan kuu sheegno dhacdadii nala soo guboonaatay iyo wixii aannu soo aragnay.”

Intaa markii ay maqashay ayay duq Haylaanna is kala bixisay. Dhankii ay Sitti ka fadhiday ayay u soo jeesatay. Dhabankeeda ayay calaacasha u barkisay si aan madaxeeda da’da ahi u daalin. Sitti ayay hadal u bilowday.

“Gabadhaydiyeey qisada bal iiga dhac. Waxa aan isku dayi doonaa in aan halxiraalaha furo idanka Allee.”

Sitti ayaa sheekadii bilowday.

“Maalintii ciidda guga annaga oo lugeynayna beeraha iyo dhirta doogga ah dhexdooda ayaa waxaa si kadis ah noogu soo baxay laba gabdhood oo qurxudooda iyo degganaantooda oo kale aynaan hore u arag. Xaggayaga ayay soo beegsadeen. Socod laabraac leh iyo tallaabo in ay turaanturroonayso la moodo ayay lahaayeen. Markii ay inoo soo dhawaadeen ayaa waxaa dardaray dabeyl inaga yaabisay. Dibir kulul ayay la heshay oo way legadday. Waannu u soo dhawaannay si aan u eegno bal in aan muuqooda garanno. Waan garan weynay. Muuqaalkooda iyo labbiskooduba waxa ay ahaayeen dad qalaad.

Cabbaar ayaan halkii taagnayn. Muuqaalkooda ayaan daawanaynay ayaga oo suuxsan. Agjooggaas ayaa mid kasta oo labadayada ka mid ah si weyn u saameeyay. Durba waxa aan dareennay ruux ku dawaaftay middaayaba qalbigeeda, bartanka u fariisatay, dabadeedna wadnayaashayadii ayaa la ruxmay macnayaal badan oo jacayl iyo dhimrin leh.

Gabdhahaas waxaan ku suurayn lahaa in ay ahaayeen laba koob oo aad u qurux badan, saafi ah, farshaxan loo ebyay, oo aad mooddid in aannu nahay khamridii lagu shubi lahaa, Maya e waxa ay ahaayeen laba faynuusood oo aan u nahay fatiilkii ifinayay. Ka daa oo waxa aad tiraahdaa ‘waxay ahaayeen laba muraayadood oo aad u ifaya, oo aan annaguna u nahay qorraxdii ifidda ugu deeqaysay.

Habaryar, waannu isaga soo tagnay iyaga oo sidoodii ah, annaga oo aan aqoonsan. Waxa aan ku shakinnay waxa aan aragnay in ay yihiin xaqiiqo ishu qabatay iyo in ay yihiin riyo iyo humaag aan jirin oo ay na dhex geysay khamradii iyo ku sakhraamiddii dabeecaddu?”

Duqdii madaxa ayay foorarisay. Warkaasi wax weyn buu ka beddelay. Dhulka ayay hoos u dhugatay. Way ku dhaygagtay in cabbaar ah. Waxa ay maqashay ayay la irkagtay. Labadoodii ayay midba mar daymootay. Hadal ayay bishimaha u kala qaadday.

“Amiiradahayga yaryaroow waxa aan u malaynayaa in aad dabeecadda darteed la riyooteen. In waxani yihiin xaqiiqo ishiinnu qabatay, wixii gabdho iyo wiilal isugu yimid halkaa in uu qalbigiinnu ka doorto laba gabdhood oo aydaan aqoon waa wax mustaxiil ah oo aan dhici karin. laga yaabee in waxani idin la soo gudboonaadeen, balse sida aad u jeclaateeni ma aha sidii ragga loo caashaqi jiray oo kale e, waxaad jeclaysateen in aad dhashaan ayaga oo kale. Waayo? maba ay dhici karayso in aad u jeclaataan gabdhahii suuxay sidii oo ay rag yihiin.

Waa kuma qofka run u qaadanaya in quruxda haweenaydu aanay waligeed dhammaystirmayn haddii uusan nin u ahayn muraayadda quruxdaas? Qofkee ayaa aamminaya in quruxda ninku qiimo leedahay iyada oo aanay haweenay ku biirin macne iyo maamuus? Quruxdii Layla, fitnadeedii iyo sixirkeeduba wax aan keedii waallaa ahayn miyay taariikhda ku reebtay? Shiiriin miyaa dunida ka muuqan lahayd haddii uusan boqor Khisrow iyo awooddiisu aanay muujiseen? Ma jiraa qof maqlay in Sahro ay ku fitnowday dhalaalka ubaxa? Mase maqasheen in qoolleey ay ka dul heestay buulkeeda dushiisa?

Maya, ma jiro qofkaasi. Labadayda amiiradood ee quruxda badnaayow waxaan aad ka sheekaynaysaan waa uun khayaali iyo ismoodsiis, la mid ah su’aalahaan aan sheegay oo looga jawaabo -haa-. Waxaas oo kale qalbigiinna boos ha uga bannaynina.”

Seyn oo intay duqdu soo gashayba aammusnayd ayaa mar kan jawaabtay.

“Soo adigii nagu yiri maskaxda iyo garashada aan leeyahay ayaa ii suura galinaysa in aan furfuro halxiraale walba iyo wax kasta oo qarsoon. Maad awoodahaagaa wax uun ka mid ah isticmaashid oo isku deydid in aad furtid halxiraalahan? Mise kartidii ayaa kaa dhammaatay, oo waxaad noqotay sheyb aan wax goyn, oo aan waxtar lahayn?

Ha ka yaabin sheekada aan kuu sheegnay in ay khayaali iyo ismoodsiis tahay. Alle ayaan ku dhaarannaye waa xaqiiqo aannu indhaha saarnay, jaceylka labadaas gabdhoodna gunta qalbiyadeenna ayuu degay. Laba malag, laba sheyddaan ama laba gabdhood, wixii ay doonaan ha noqdaan, waxaannu haysannaa caddeyn muujinaysa in ay arrintu xaqiiqo tahay ee aanay khayaali ahayn. Hoo oo bal eeg labadaan faraanti. Markii aan ka soo tagaynay ayaan farahooda kala soo baxnay si aan ugu kaalmaysanno baaritaanka aan ku ogaanayno cidda ay yihiin.”

Duqdii ayaa faraantiyadii qabatay. Si xeel dheer ayay u fiirisay tilmaamihii ay lahaayeen iyo agabkii ay ka samaysnaayeen. Way rogrogtay oo geddi hoose iyo geddi koraba ka dheehatay. Mar danbe ayay hadal bilowday.

“Hadda ayaan awoodaa in aan sheekadiinna wax ka fahmo, waliba waxaan dhihi karaa waan helay raadkii aan daaha kaga qaadi lahaa sirtaan. Waxaan se u baahanahay waqti iyo in aan labada faraanti soo haysto.”

Sitti iyo Seyn codsigii duqda way aqbaleen. Waxayse shardi uga dhigeen in ay si taxaddar badan leh u ilaaliso faraantiyada iyo in ay qof kasta si buuxda uga qariso arrinkooda. Duqdii in ay tagto ayay u hollatay. Xoolo fiican ayay siiyeen, kuwo ka sii badanna way u ballanqaadeen haddii ay howsha ku guulaysato.

Ballantii iyo dardaarankii ayay duqdii qolkii amiiraduhu ku jireen uga soo baxday. In ay fuliso howshii loo diray ayay durba bilowday. Waxay  aadday guri ay oday shayb ahaa ku ogayd oo daafaha jasiiradda mid ka mid ah ku yaallay. Odaygu noloshiisii oo dhan waxa uu ku bixiyay cilmiga xarfaha la qoro iyo xisaabtooda, waana sababta ay u beegsatay. Haddii ay u tagtayba, xoogaa adduun ah oo intay soo qaadatay ka mid ah ayay u dhiibtay. Dabadeena waxa ay ku tiri:

“Oday waxaa ii jooga labo ilmood oo agoommo ah. Waa labada kali ah ee iiga hartay hankii aan dunidaan ka lahaa. Waa iska ciyaal labadooduba. Maalintii ciidda guga ayay dadka u raaceen bannaanka magaalada. Markaas way fiicnaayeen. Jawigoodu caadi ayuu ahaa. Caqli iyo garashaba way u dhammaayeen. Galabnimadii ayayse soo noqdeen iyaga oo ay bassaas badani ka muuqato, dharkiina uu ka soo jeexjeexmay,  yaabban, dareen iyo garasho midkoodna uusan lahayn, sidii caqligoodii ay wax ku dhaceenna shaammareersan. Xaaji illaa iyo haatan waa sidoodii, wax aan ku macneeyana garan waayay.

Waxaan kuu wadaa labo faraanti oo ayagu ay leeyihiin, maalintaas ka horna kuma aanan arkin. Waxaan is kula sheekaystay in sababta ay la sakhraansan yihiin ee caqligoodu la amakaagsan yahay tahay fargashiyadaan. Waxaa laga yaabaa in labadan faraanti ay kaa caawiyaan baaritaanka aad ku ogaanaysid waxa ku dhacay labadan ilmood –balaayada ku habsatay in ay tahay suuxdin uu jin ka dambeeyo ama waalli soo beegsatay, ama ba khamro jaceyl oo sakhraamisay, ama wax kale oo aanan anigu mala-awaali karin?!”

Faraantiyadii ayay ag dhigtay.

“Shiikhoow faraantiyadani waa summad faham u baahan, sir ayaana ku hoos duugan ee ogoow. Hawshaadu waxa ay ku egtahay in aad ii soo hesho ciddii lahayd faraantiyadaan –in aad iiga warranto ‘ma laba malag oo samooyinka isaga kala goosha baa? mise waa laba shayddaan oo dhulka ku dul waeegaysta? mise waa laba qof oo arladan ina kula nool?’”

Labadii faraanti ayuu odaygii qaaday. Buugtii xisaabuhu ugu qornaayeen ayuu la dul tagay. Akhriska iyo rogrogga baalasha buugta ayuu cabbaar ku xasilay. Haddana wuu isku laalaabay oo fikir dheer timaha duuduubay. Mar kalena intuu foorarsaday ayuu cabbaar gorodda laalaadshay.

Cabbaar markuu howlo u gaar ah ku maqnaa ayuu madaxa kor usoo qaaday. Indhihii ayuu galka ka bixiyay. Iyaga oo cascas oo qofkii arkaa ba ka baqayo ayuu duqdii oo agtiisa fadhiday ku duway. Afka ayuu kala furay.

“Duqyahay dhagarta badani ma baahi baa loo qabay beentii aad igu akhrinaysay? ‘Laba ilmood oo agoon ah’ halka aad ka leedahay maad ka run sheegtid oo tiraahdid ‘labadii amiiradood ee quruxda la gaarka ahaa ama jooharadihii aan misaalka lahayn?’ Halka aad ka leedahay ‘suuxdimo iyo jin…’ maad si cad u muujusid xaqiiqada cishqiga, arwaaxda is taabatay iyo qalbiyada isku xirmay iyo waxa meesha yaalla?

Labadaan fargashi malag iyo jin toonna ma ay lahan ee waxaa iska leh labo dhallinyaro ah oo tan iyo maalinkaas qalbigoodu ku jiro cadaab! Cadaab uu ku oogay jaceyl ay u qaadeen labadaan gabdhood ee quruxda badan ee aad ‘ilmahayga agoontaa’ ku tilmaamayso?”

“Dabcan waa laba nin ee ma aha laba gabdhood?” ayay duqdii oo su’aalaha ka naxday la soo boodday.

Madaxa ayuu foorariyay. Waxyar kaddib ayuu haddana ruxay.

“Shaki kuma jiro” ayuu si deggen u yiri.

Duqdii ayaa odaygii u soo dhawaatay, waxayna ku tiri: “Balse, waxaan jeclaa in aan ogaado dabaqadda ay dadka kaga jiraan? Sidee lagu heli karaa? Ii sheeg bal shiikhoow oo ii faahfaahi, aniga ayaa wax Alle iyo waxaad rabto ku siinaya haddii aad daaha ka qaaddo arrinkaan, meel aan wiilashaas ugu hagaagana aad ii tilmaanto”.

“Arrinkaan dambe anigu ma fahmi karo. Waxa aan kuu sheegay waa wax lagu garto malayn iyo xis-kaalmaysi [Xadas الحدس]. Waan se awoodaa in aan kuu tilmaamo xeelad wanaagsan oo kuu suuragalinaysa aqoonsashadooda iyo la kulmiddoodaba. Waa in aad iska dhigto dhakhtarad ku takhasustay cudurrada nafsiga ah iyo daweyntooda. Dhaqtarad xirfaddeeda la hubo [ayaad isu ekeysiinaysaa]. Deetana waxa aad ku soo wareegaysaa daafaha jasiiradda iyo guryaheeda kala geddisan. Shaki kuma jiro in labadii wiil ay tan iyo maalinkii caddiban yihiin, hadday warkaaga maqlaanna iyaga ayaa kuu yeeran doona si aad u daawaysid” ayuu odaygii ugu jawaabay duq Heylaana.

Aad ayay taladaan uga heshay Heylaana. Diinaar kale ayay siisay. Way u mahad celisay, dabadeedna way isaga soo tagtay.

Waa inoo qaybta dambe iyo Dhaqtarad Socdaal ah.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *