Home / Aragti / Warcelin Waafi ah- Wahaabiya: Diin iyo Dawlad
©myoutdoorslife.com

Warcelin Waafi ah- Wahaabiya: Diin iyo Dawlad

Qoraalkan gaaban waxa uu warcelin u noqon doonaa qoraal lagu daabacay bogga maandoon.com, larkiisuna ahaa WAHAABIYA: DIIN IYO DAWLAD, uuna qoray Shaafici Xasan Maxamed.

Si aad u akhrisato qoraalkaas lifaaqa hoose dhag sii. http://maandoon.com/wahaabiya-diin-iyo-dowlad/.

Sida ka muuqata cinwaanka qoraalka, Shaafici waxa uu rabaa in uu iswaafajiyo magaca uu sito qoraalka iyo miidda qoraalkiisa. Waxa uu rabaa in uu sawir ka bixiyo dadka aaminsan in la isku wadi karo diinta iyo dawladda. Judhiiba waxa uu jaangooyey in ay yihiin “Wahaabiya” ay tahay in lala diriro jiritaankooda. Hadda ogoow, qof kasta oo rumaysan in la isku wadi karo diinta iyo dawladda waa Wahaabi aan biyo is marin, dunidana la doonaya xagjirnimo iyo xaalufin. Halka midka u riyaaqsan kala barxidda diinta iyo dawladda uu ka yahay ruux xor ah oo ay tahay in dadka laga xigsado. Taasi waa ujeedka cinwaanka qoraalka: WAHAABIYA; DIIN IYO DAWLAD!.

Walaalkeen Shaafici ma uusan oran, Muslimiin; Diin iyo Dawlad, ee waxa uu yiri: Wahaabiya; Diin iyo Dawlad. Taas oo uu doonayo walaalkeen in uu noo sawiro in Wahaabiyada oo keli ahi ay yihiin dadka isku wata diinta iyo dawladda. Taasina waa boor isku qarin iyo in la marin habaabiyo micnaha guud ee aaminaaddaas. Sida aan wada ogsoonnahayba Wahaabiyadu waa koox yar oo ka mid ah mujtamaca Muslimiinta. Waana koox jirtay qarniyadii u danbeeyey oo keli ah, welibana laga soo bilaabo soobixitaankii Shiikh Maxamed ibnu Cabdiwahaab. Waxa aynu ogsoonnahay in Muslimiintu ay jireen Wahaabiyada ka hor. Waxaa kale oo aynu ogsoonnahay in Muslimiintu waligoodba isku wateen diintooda iyo dawladdooda, welibana ay aaminsanaayeen in diintu tahay miisaanka lagu kala hufayo siyaasadda iyo geeddi-socodka nolosha. Waxaa kale oo aynu ogsoonnahay in hoggaamiyaha dawladda Muslimiintu uu ahaan jiray imaamka diinta ee gooya masaa`isha waaweyn ee diinta, ama kuwa lagu murmo oo marjic loola noqdo uu ahaa. Taasi oo caddayn u ah in ay isku wateen diintooda iyo dawladdooda, bal e, ay dawladdaba u arkeen farac hoos taga diinta.

Bilowgii Islaamka ilaa laga soo gaaro wakhtigii uu soo galay gumaystuhu, dhulka Muslimiinta kuma hayno qof Muslim ah oo ku dhawaaqay kala saaridda diinta iyo dawladda. Haddaba, walaalkeen

Shaafici waxa uu rabaa in uu naga dhaadhiciyo dawladda iyo diinta oo la isku wadaahi in ay tahay arrin la dhalatay soo bidhaamiddii Ina Cabdiwahaab. Isaga oo taas ka duulaya baa uu Shaafici innoo dooray cinwaanka ah: WAHAABIYA; DIIN IYO DAWLAD. Shaafici waxa uu rabaa in uu iska indhatiro xaqiiqda ah in Muslimiintu waligoodba isku wateen diintooda iyo dawladdooda, marka laga reebo ilaa guumaystuhu qabsaday dhulka Muslimiinta kuna faafiyey afkaartiisa. Shaafici waxa uu qoraalkiisa ku yiri: ‘Diinta iyo dowladdu waa labo arrimood oo aan isxanbaari karin, la mana arag taariikhda dad diin isku xukumay ama diin siyaasadeeyey oo liibaaney’.

Inta aynaan ka hadlin guulihii ay gaareen dawladihii Muslimiinta ee isku watay diintooda iyo dawladdooda, bal aynu isla garanno ujeeddada ereyga ‘liibaanid’ ee uu Shaafici adeegsaday. Goorma baa aynu dhihi karnaa dadkaasi ama dawladdaasi waa liibaaneen? Ma marka ay awood ciidan helaan? Mise marka ay awood dhaqaale gaaraan? Mise waa marka ay ilbaxnimada insaaka hoggaamiyaan? Mise waa marka adeegga bulshadu uu noqdo bilaash? Mise macne kale baa uu ka wadaa walaalkeen Shaafici? Laga yaabee in uu ka wado.

Xilligii ay Muslimiintu isku wateen diintooda iyo dawladdooda, waxa ay gaareen guulo muhiim ah iyo liibaan adduunyo iyo mid aakhiroba. Waxa ay hormuud u noqdeen ilbaxnimadii xilligaas jirtay oo horudhac u noqotay midda maanta jirta ee ay reer galbeedku ku faanaan. Tusaale, Ibnu Siinaa oo ahaa aqoonyahan xagga caafimaadka ah oo ilaa maanta aynu joogno buugaagtiisii lagu darso jaamacadaha waaweyn ee galbeedka. Waxaa la helay adeeg bulsho oo bilaash ah iyo isku filnaansho dhaqaale, jeer la waayey cid la siiyo sakadii Muslimiinta. Waxaa dhacday in kii indhaha la’aa loo sameeyey adeege u shaqeeya oo mushahar ku qaata, kii curyaanka ahaana loo sameeyey adeege u taagan in uu haqabtiro baahiyihiisa. Gaar ahaan hawlahaan waxa ay dhaceen xilligii hogaamiyihii shanaad ee Muslimiinta, Cumar ibnu Cabdicasiis.

Haddii ay noqoto awood ciiddanna waa macruuf oo dawlidihii Muslimiinta soo maray waxa ay lahaayeen awood ciidan oo u babac dhigtay dawladihii ugu tunka weynaa dunida. Aakhirkiina waa iyagii ka takhallusay. Xilliga guulahaas iyo ka badanba la gaarey, waa xilligii ay Muslimiintu fahansanaayeen ruuxdii Islaamka ee amraysay hor-u-dhaqaaqa, hammiga sare, hagaajinta iyo hal-abuurka. Balse markii ay Muslimiintu ka jeesteen macaanidaas macaan ayna ku qanceen nolosha murugada leh ee ay qaayibeen, waxaa u bilowday nolol baaba` ah iyo dulli ku habsaday geyigooda. Waxa ay isku dhiibeen oo majaraha u qabtay siyaasi dantiisa ka fikiraya iyo wadaad siyaasadaysan oo magaca diinta ku fushada danihiisa gaarka ah.

Halkii laga rabay in diintu hoggaamiso damaca siyaasiga iyo wadaadka baa ay iyagu diintii garbaduubeen oo danahooda u adeegsadeen. Malahaygana waxa ay ahayd in uu Shaafici dhaho yaynaan isku xanbaarin damaca wadaadka siyaasadaysan ee magaca diinta ku adeeganaya iyo diinta daahiran. Balse ma ahayn in uu yiraahdo yaynaan isku xanbaarin diinta iyo dawladda. Diintu waa ta inna faraysa caddaaladda, sinnaanta, xorriyadda, wax wada qaybsiga, midnimada, dal jacaylka, ka shaqaynta maslaxadda bulshada, dib-u-heshiisiinta, addeecidda madaxda, hiigsiga hammi fog, ka shaqaynta horumarka, tuujinta maanka, dajinta mustaqbalka fog ee ummadda iyo iswaafajinta waaqica iyo waanada. Dawladduna waa intaas uun iyo waxyaalo lagu kaabay. Marka iima muuqdaan wax la kala saar-saaro. Bal adiguba gudin iyo daabkeed kala dhilqi, bal in ay si dhab ah mid walba goonnideeda wax u goyso!!!

Shaafici waxa uu qoraalkiisa ku yiri sidatan: “Cumar Khidaab, Cismaan Cafaan iyo Cali Abuudaalib saddexdaba waa la diley, waxa ayna taasi caddayn u tahay in ay nabadgelyadu liidatey oo aysan diintu ammaanka sugi karin. Meel madax lagu laayey shacabku ku ma ay nabadgelayaan”. Bal Shaaficiyoow aan su`aal ku weydiiyee dhegta ii raarici. Madaxweyne John F. Kennedy-gii Maraykankaba waa la dilay, dawladdiisuna waxa ay ahayd cilmaani, bal taas maxaa aynu ku macnayn karnaa? In dawladda ugu tunka wayn oo ah cilmaani aysan ilaashan karin madaxdeeda, soo micnaheedu noqonmaayo in kala saaridda diinta iyo dawladdu aysan ammaanka sugi karin, madaxdeedana ilaashan karin? Cumar, Cismaan, ama Caliba cidna ma waardiyeyn jirin, oo waa fududayd in la dilaahi, balse in J. Kennedy oo hogaamiya dawladda u xooggan dunida, lehna kumanyaalayaal waardiyeeya in barqo cad la toogto maxaa aynu ku tilmaannaa? Haddii aan tixraacno hadalkaaga, soo caddayn u noqonmayso in cilmaaniyadda aan hal cishaba lagu hallayn karin amni?

Dilkii Cumar, Cusmaan ama Caliba macnaheedu ma ahan in deegaannadii ay ka talinayeen ay ka jirtay fawdo iyo amni-xumo. Tusaale yar aan ku siiyo: toogashadii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma`arke ee ka dhacday Laascaanood, macnaheedu ma ahayn in dalka ammaankiisii faraha ka baxay, ee waxa ay ahayd dhacdo ku koobnayd dilka madaxweynaha. Sidaas oo kale baa uu ahaa dilkii Cumar, Cusmaan iyo Caliba Rabbi- raali haka noqdee dhamaantood-. Xaqiiqduse waa in hoggaamiyeyaashaas hufani ay deegaannadooda ka dhigeen meelo nabdoon oo nolol loo soo raadsado.

Bal docda kale aynu ka eegno qoraalka Shaafici. Walaalkeen waxa uu yiri: “Dad dhiiggood marna xalaal ma aha oo xataa qofkii qof dila waxaa fiican in aan la dilin ee si kale loo ciqaabo.” Waxa uu sii raaciyey: “Xilligii ay diintu timid dhaqanka xabsiyadu Xijaas ka ma uu jirin, oo taas ayaa keentay qofkii la ciqaabayo in jirdil ama qurgooyo lagu samayn jirey. Qisaastu in ay nabad keentaa waa been qayaxan, oo waddannada dunida ugu nabad badani waa kuwa aan lahayn ciqaabta qurgooyada. In uu gaalo dhiiggood bannaan yahay waa aragti gurracan oo aan xilligan ku habboonayn.” Mid waa aan kula qirayaa oo waa in dhiigga dadku aanu bannaanayn illaa xaalado gaar ah mooyaane. Diinta

Islaamku qiimo qayrul caadi ah baa ay siisay ruuxa insaanka ah. Ruuxii dila qof waliba dariiqo aan habboonayn, waxa uu la mid yahay ruux dilay insaanka oo idil. Halka midka badbaadiya naf uu la mid yahay mid badbaadiyey insaanka idilkii. Mid ka mid ah aayadaha ugu gooddiga iyo cabsida badani waxa ay ka hadlaysaa in ruux Muslim ah gardarro lagu qoor-gooyo.

Haddaba, ruuxii qof ku dila gardarro iyo gaboodfal, maxaa aynu ku ciqaabaynaa? Sida ay qabto diinta Islaamku, waxaa u gudboon ehelka qofka la dilay saddex qodob mid uun. Midka koowaadi waa in ruuxaas loo dilaa ruuxii uu qur-gooyey (QISAAS). Midka labaadna waa in ruuxaas laga qaadaa mag (DIYO). Iyo kan saddexaad oo ah in ay iska cafiyaan. Marka walaalkeen Shaafici waxa aynu ku leennahay ha u malaynin in qur-gooyo oo kaliya uun lagu ciqaabo ruuxa dilay ruux kale, ee ogoow waxaa jirta ciqaab kale oo ah magta. Sida aqoonyahanka ku xeeldheer fiqiga ay sheegaan, shuruudda magta waxaa ka mid ah in qofka gardarro wax ku diley ay khasab ku tahay in asaga oo keli ah laga rabo kadin geela (boqol neef), ee aanan laga rabin ehelkiisa xitaa hal neef Alle ha ka dhigee. Waxaa kale oo ay culamadu dhaheen xitaa haddii uusan xoolo lahayn waa in uu tuugsadaa oo boqolkaas neef keenaa. Maantase ehelka ruuxa wax diley baa u dooda xoolahana ka bixiya. Halka kii wax diley aysanba culeys ku hayn lagana yaabo in ay kaga soo aaddo magta wax aan ka badnayn dhawr boqol oo doolar. Waana sababta ay u fududaatay dhiigdaadintu Soomaalida dhexdeeda. Markii aan axkaamta sharciga fududaysannay baa dilkii iyo fawdadiina la innoo sakhiray.

Waxa aan filayaa in ciqaabta magta oo weliba laga qaado ruuxa wax diley oo keli ah ay ka adagtahay dhawr sano oo xabsi lagu jiro. Marka aynu eegno dhaqaale burburka baahsan ee ka jira degaannada Soomaalida iyo culayska ciqaabta magta, waxa uu ruuxu dooran lahaa xabsiga ciqaab ahaan illeen iyadaa ka fudud maanta in ruuxu kadin geel ah keeno e. Ujeedkuna ma ahan in ruuxa wax loo fududeeyo e, waa in ruuxu dareemaa culays ku kallifaya in aanu mar danbe dil geysan. Malahaygana magta baa ka culays badan ciqaabta xabsiga.

Haddii xilligii diintu ay soo dageysay aysan Xijaas ka jirin xabsiyo, waxa aan filayaa dunida kale waa ay ka jirtay e, Islaamku xal waara ayaa uusan u arkayn xabsiga. Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- horay baa uu usii ogaa in insaanku xabsiyo ciqaabeed uu samaysanayo laakiin xikmaddiisa baa ku aroortay in xabsigu uusan xal u ahayn ruux xadgudub dil ah gaystay. Waxa aynu wada ognahay in xabsiyada Soomaalida maanta ay ka wada buuxaan dad dilal kala duwan gaystay, haddana waxa aynu aragnaa marka ay soo baxaan iyaga oo halkii kasii wada dilka dadka.

Haddii xabsi xal noqon karo Soomaalida ayaa uu xal u noqon lahaa! Walibana waxa aynu ognahay badankooda iyaga oo aan maxkamad la marin baa xabsiga lala tiigsadaa, in ay uga darto mooyaan e ugama rayso.

Shaafici waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Qisaastu in ay nabad keentaa waa been qayaxan, oo waddannada dunida ugu nabad badani waa kuwa aan lahayn ciqaabta qurgooyada.”

Caqabadda ugu weyn ee Shaafici iyo cilmaaniyiinta Soomaalida haysataahi waa in ay rabaan in ay isbarbardhig ku sameeyaan Soomaalida iyo shucuubta waddamada nabdoon ama waddamada horumaray, gaar ahaan kuwa reer Yurub. Qoraalka Shaafici waxaa ku jirta in waddamada diinta iyo dawladda kala saarey ay liibaaneen, sidaa darteedna aynu u baahanahay in dariiqaas aynu qaadno si aan u liibaano. Haddana Shaafici waxa uu inna leeyahay aynu qisaasta laalno si aynu nabad u helno sida waddamadaas oo kale. Wuxuu walaalkeen innooga dhigayaa in marka aynu qisaasta laalno durba aynu nabad helayno.

Shaaficiyoow walaal waxaad doonaysaa in aad wax noogu tusaalayso sidii aynu nahay reer Yurub waddamadaas nabdoon ku nool. Qofku haddii uu ka leexdo waaqica xitaa haddii uu ka hadlayo wax run ah waxaasi masii waaraan. Nolosha bulshada Soomaalida iyo tan reer Yurubka ama reer galbeedku waxa ay isu jirtaa fogaan aan la qiyaasi karin qaddarkeeda. Ruuxa reer Yurubka ah  waxaa loo dammaanad qaaday waxbarasho, caafimaad, cunto, hoy, hu`, dhaqaale kaaba, nadadgelyo iyo baahi kasta oo aas-aas u ah nolosha insaanka. Waxaa kale oo loo sameeyey madadaalo iyo in loo tababaro wixii uu mustaqbalka ku haminayey. Dhexdooda ma taallo kala qoqob, qabyaalad iyo quursi nafeed. Taas baddalkeeda ruuxa Soomaaliga ahi ma haysto cid u dammaanad qaadda waxbarasho, caafimaad, cunto, hoy, hu`, dhaqaale kaaba, nabadgelyo, iyo baahi kasta oo aas-aasi u ah nolosha insaanka. Soomaalida dhexdooda waxaa yaalla quursi, qoonsimaad, kala-qoqob, qabyaalad iyo aanooyin qabiil oo qaarkood boqollaal sano soo jiray.

Waxaa jira boqollaal sababood oo ruuxa Soomaaliga ah ku kallifaya in uu qoor-gooyo walaalkiisa

Soomaaliga ah. Halka ay yartahay sababaha keeni kara ruuxa reer Yurubka ahi in uu dilo walaalkiis.

Soomaalidu waligoodba waa ay ku diriri jireen cayshka iyo ceelasha, ilaa maantana waa ku diriraan. Halka reer Yurubku ay aaminsanyihiin in ay wax wada leeyihiin. Soomaalidu waxaa kale oo ay isku dishaa dhaqaale dartii, sida dadyowga kaleba. Ruuxa Soomaaliga ahi ma haysto cid ka kaabta in uu dhaqaale abuur sameeyo. Isaga oo raba in uu booskaas buuxiyo waa ta keentay in uu maalinta uu madax noqdo uga faa`iidaysto xoolo-uruursi. Taas beddelkeeda ruuxa reer Yurubka ahi waxa uu haystaa dawlad kaabta iyo bangiyo maalgaliya.

Soomaalida badankoodu waa kuwo aan hub laga waayin goshooda ama gurigooda. Waana fududdahay xilliga maanta ah in xadgudub dil ruux loo gaystaahi. Halka ay yartahay dhiggiisa reer Yurub. Bal adiguba qiyaas qof qori ku haysta gacanta, sababo ku kallifi kara dilna ay jiraan sida: aano ama hunguriba, iyo mid aan hub haysan cidna aano ka dhaxayn, maal iyo masruufna haysta, kee baa u dhow in uu xadgudub dil gaysto? Warcelintu waa iska caddahay, haddii aan indhaha xanjo la iskaga dhajinayn!!

Farqiga iyo fogaanta intaa le’eg baa u dhaxaysa Soomaalida iyo reer Yurubka. Walaalkay Shaafici iyo asxaabtiisa aaminsan kala saaridda diinta iyo dawladdu waxa ay ku mashquuleen isbarbardhigga labadaas bulsho ee fogaanta badani u dhaxayso. Xalkana waxa ay u arkeen wixii ay reer Yurubku xal u arkeen, xitaa haddii aynaan isku xaalad iyo isku xaddaarad toona ka sinnayn!!! Waa ta keentay in ay xalka u arkaan laalidda qisaasta iyaga oo xujo ka dhiganaya isbar-bardhiggaas.

Anigu waxa aan islahaa Shaafici iyo cilmaaniyiinta Soomaalidu waxa ay ka fikirayaan xal u helidda waxa ku kallifaya ruuxa Soomaaliga ahi in uu xadgudub dil geysto, laakiin isma dhahayn xeerarka shareecada baa ay ku xadgudbayaan iyaga oo xujo ka dhiganaya isbarbardhigga laba ummadood oo aan isku xaalad iyo xaddaarad toona ka sinnayn. Waxa ay noo sawirayaan in xeerarka shareecada iyo xaddaaraddu aysan isla jaanqaadi karin! Balse waxa aan si kalsooni leh u dhahaynaa xalku waxa uu ku jiraa qisaasta marka la fiiriyo xaaladda iyo xasaradaha ka jira deegaannada Soomaalida. Anigu tusaale usoo qaadanmayo reer Yurubka ee waxa aan tusaale usoo qaadanayaa laba gobol oo ka tirsan degaannada Soomaalida: waana gobollada Nugaal iyo Mudug.

Mid ka mid ah degaannada Soomaalida ee ugu deggan, dirir dagaalna aysan ka jirin ama ay ku yartahay, dil ruux loo gaystaana aysan ku badnayn waa gobolka Nugaal ee Soomaaliya. Gobolkaan waxaa dega qabiilooyin kala duwan, waxa ayna xeer ka dhigteen in qofkii qof gardarro ku dila isna loo dilo (QISAAS). Qabiilooyinka badankoodu waa ay dhaqan galiyeen xeerkaas. Waxaa jirta sheeko caanbaxday oo ka dhacday Nugaal. Hadda ka hor baa wiil dhalinyaro ah walaalkiis ay isqabteen. Murankoodii waxa uu gaarey heer ay isugu hanjabaan dil. Hawshii waxa ay gaartey aabbahood. Waxa uu damcay in uu wada hadalsiiyo oo heshiis dhexdhigo. Labadoodii mid ka mid ah baa diiday, waxa uuna ku dhaartay in uu qur-goynayo walaalkii. Waxaa dhacday in uu walaalkiis ka takhalluso! Wiilkii wax dilay waa la qabtay. Tolkii oo qarracan ah baa u tagay odaygii dhalay wiilasha si ay u samirsiiyaan. Balse, odaygii go`aan lama filaan ah baa uu qaatay. Waxa uuna yiri: ii keena gacan ku dhiiglihii waa aan qisaasanayaaye. “Waar labada wiil nagama wada baxaan” baa ay tolkii ku qayliyeen. Balse wiilkiina la qisaas. Markii la waydiiyey odaygii dhalay sababta uu u dilay wiilkiisana waxa uu ku warceliyey “ninka walaalkii dilay maanta, berrina anuu idili, saadanbana ina adeerkii. Cid kale oo uu qiimaynayaana ma jirto haddii uu garan waayey qiimaha iyo qaddarka walaalkii”. Waxa uu intaas sii daba dhigay “kuwa isaga la midka ah ee uu u fakaraya sidiisana cibro-qaadasho ha u noqoto”.

Aad bay u adagtahay in qofka ku nool gobolka Nugaal uu sahlado dilka. Maxaa yeelay qof walba waxaa ka dhaadhacsan in uusan daqiiqado ka danbaynayn kii uu dilay haddii uu dil gaysto. Waana sababta gobolka Nugaal uu u yahay mid ka mid ah gobollada ugu deggan, dirir dagaal iyo dil qof toona aysan ka dhicin ama ay ku yartahay.

Bal aynu tagno gobolka Mudug ee dariska la ah gobolka Nugaal. Mudug waa gobol baaxad weyn oo ay degaan qabiillo badan oo kala duwan. Qabiilooyinka qaarkood waxaa u yaalla xeerka qisaasta, qaarkoodna waxba ma dhexyaalaan. Sidaa darteed haddii qof laga dilo, waxa ay ku fikiraan in ay aargoostaan. Waana sababta keentay in Mudug ay ka mid noqoto degaannada Soomaalida ee dirirta dagaal ee aanooyinka qabiilka la xiriira ay ku badanyihiin.

Qabiilooyinka dega Mudug waxaa ka mid ah reer go`aansaday in ay qisaas ku fuliyaan ciddii disha qof iyaga ka mid ah amaba dil gaysata oo isla iyaga ah. Waa yartahay in reerkaas ruux laga dilo, ama mid iyaga ka mid ahi uu gardarro wax ku dilo, sababtuna in dambiilaha dilka gaysanayaahi uu dareensanyahay in uusan daqiiqdado ka danbaynayn kii uu dilay. Waa sababta ay u yartahay in dil loo gaysto ruux ka mid ah reerkaas amaba isagu dil fuliyo. Waxaa kaloo Mudug ka jira reer badanaa aan waxba qisaasan oo doorbida magta ama cafiska. Reerkaasi waa reerka ugu badan ee Mudug dad looga laayo. Sababtuna waa in ruuxa dilka fulinayaahi uu aaminsanyahay in aanan ruuxaas loo dilaynin, taas beddelkeedana reerkiisa mag laga qaadayo oo laga yaabo in aysan wax badan kaga soo aadin.

Tani waa xaaladda iyo waaqica ka taagan degaannada Soomaalida ee ma ahan degaannada Yurub. Dad ay dhexdooda yaallaan aanooyin qabiil, hubkana gacmaha ku sita, ayna jiraan boqollaal sababood oo ku kallifaya in ay dilal gaystaan, isla jeerkaana uusan maanta dhiigga qofku qiimo badan ka lahayn degaannada Soomaalida, caqli iyo cilmi toona ma ahan in lala barbardhigo ummad aan xaalkaasba goor ay ugu danbaysay la garanayn.

Sideedaba waxaa jira dabarro u diidaya ruuxa insaanka ahi in uu xadgudub gaysto: iimaanka xooggan, damiirka xayiga ah, xishoodka, iyo in cabsi xooggan lagu beero ruuxa sida xabsiga ama in xadgudubka uu gaystay mid u dhigma loo gaysto. Ruuxa Muslimka ah ee walaalkii macnodarro ku dilaya, marka hore waxaa celin waayey dabarka iimaanka, kan damiirka iyo midka xishoodkaba. Markaa waa in ruuxaas cabsi xooggan lagu beeraa, taas oo dareensiinaysa qiimaha nafta insaanka. Haddii aynu xirno amaba xabsi horay ka gayno, waxa aynu hore usoo aragnay kuwo muddo xirnaa oo markii lasoo daayey horay kasii watay xadgudubka dilka. Waxaa kale oo aynu aragnay nin inta uu dil gaystay oo aan xabsiga dhignay, inta reerkiisu xabsiga soo weerareen ay la baxeen ka dibna ay fakiyeen. Haddaba maxaa xal ah? Illeen waxa aynu rabnaa in aan xal u helno dilka macnodarrada ah ee bulshadeenna markasta ka dhex dhaca. Xalku waxa uu noqoni in ruuxaas aynu ku fulinno xeerka qisaasta, taas oo cabsi iyo cibro-qaadashaba ugu filan kuwa ku fikiraya in ay ruux insaana gardarro ku qur-gooyaan. Marar badan waxa aynu maqalnaa “hebel waxaa loo dilay aano-qabiil”. Haddii aad sii daba-gashana, waxa aad ogaanaysaa in ay la xiriirto dil dhacay tobanaan sano ka hor, dilkaas oo laga heshiiyey amaba aan laga heshiin. Haddaba, maxaa sabab u ah aanooyinkaas soo laalaabtay?

Soomaalidu waa dad uu ku waynyahay qabiilku, waxa ayna u wada degaan sida qabiilladu isugu dhaw yihiin. Qabiil kastaa waxa uu leeyahay kaabbo-qabiil ama nabaddoon ay u doorteen in uu xalliyo khilaafka dhexdhooda ah ama kala dhexeeya qabiillada kale. Kaabbo-qabiilku ama nabaddoonku waxa uu u joogaa qabiilka booska maxkamaddu u joogto dalka. Wixii xukun ah, nabad ama colaad intaba isaga ayaa ayy ka go`aan. Nabaddoonka oo booska maxkamadda jooga ayaa xalliya dilalka ka dhex dhaca qabiillada. Badanaa nabaddoonku waxa uu leeyahay odayaal kale oo uu la tashado. Go`aanka ay gaaraan odayaashaas baa uu badanaana gooyaa. Waxaa dhacda in qof beesha ka mid ah la dilo. Nabaddoonka iyo odayaasha ka ag dhaw waxa ay isku raacayaan in mag la qaato. Halka qoyska qofka laga dilayna ay isla qaateen in ay qisaastaan. Nabaddoonku waxa uu ku khasbayaa ama ku qancinayaa qoyskaas in ay mag qaataan oo ka tanaasulaan qisaasta. Iyada oo qayb ka mid ah qoysku aysan raalli ka ahayn in mag la qaato baa uu nabaddoonku mag soo qaadayaa. Arrintiina sidaas baa lagu dhammeeyey baa uu ku dhawaaqayaa. Qaybtii la khasbay iyaga oo cuqdadaysan oo aan la dawayn baa laga dareerayaa. Cuqdadda iyo aargoosiga ku dhashay maalintaas baa keenaya in tobannaan sano ka dib ay dhacdo aano qabiil, oo loo gaystay ruuxii dilka gaystay ama mid beri ah oo dhalasho wadaag la ah kii dilka gaystay. Waligeedna saas baa ay ku soconaysaa haddii aan la dawayn cuqdadda iyo aargoosiga dhashay maalintaas. Waxa aan aaminsanahay in aanooyinka soo noqnoqday xal laga gaari lahaa haddii si dhab ah loo fulin lahaa xeerka qisaasta. Alle xumaan ka hufnaaye waxa uu yiri: “Waxaa idiin kugu sugan qisaasta dhexdeeda nolol, kuwa caqliga u saaxiibka ahoow.”

Haddaba qofku waxa uu isweyddiin karaa “sidee qisaasta nolol ugu sugnaatay iyada oo qof dhan la dilayo”. Waxa aynu leennahay “hal qof oo la qisaasay baa hordhac u noqonaya badbaadada boqollaal kale”. Haddaba sidee? Qofka ku fikiraya in uu wax dilo haddii uu aaminsanyahay in uusan ka danbaynayn midka uu rabo in uu dilo, dhabtii kuma dhiirran karo in uu si fudud wax ku dilo. Maxaa yeelay qof raba ma jiro in isagaba loo diido nolosha. Haddiise uu qofku dareensan yahay in aan loo dilayn midka uu rabo in uu dilo qiimo badan uguma fadhido in uu dilo ruuxaas. Sidaa darteed qisaastu waxa ay cabsi iyo cibro-qaadashaba u tahay kuwo badan oo ku fikiraya in ay dilal gaystaan. Adigu ha fiirinin dambiilaha tiirka ku xiran ee la tooganayo, ee waxa aad fiirisaa kuwa tirada badan ee ku cibro-qaadanaya toogashada saxiibkood.

Gunaanad

Wahaabiyadu waa koox jirtay saddexdii qarni ee u danbaysay. Gayiga Soomaalidana laga dareemay. Qoraalka Shaafici ka qaro weyn kooxdaas yar. Waa qoraal nalaku jeclaysiinayo cilmaaniyadda isla jeerkaana nalaku dirayo isku wadidda diinta iyo dawladda, iyada oo naloogu soo gabbanayo nacaybka aan u hayno Wahaabiyada. Balse waxa aynu ku leennahay Shaafici “jacaylka aan u qabno Islaamka iyo xuluushiisa uga tagimayno dhibta ay noo gaysatay Wahaabiyadu, bal e, jacaylka aan u qabno Islaamka baa ay noo sii siyaadini.”

Ugu dambayntii waxa aan rajeynayaa in warcelinta qoraalkaygan gaaban uu ahaado mid uu ka muuqdo tixgalin iyo ixtiraam aan u hayo walaalkay Shaafici. Insaankuna sidiisaba isku si wax uma arkaan iyaga oo isku ujeeddo ah, haddana waxaa ila qumman in wixii la isku maandhaafsan yahay la isku qanciyo halkii la isku qadfi lahaa.

QAADDIROOW SIDA QUMMAN.


Aragtiyaha ku sheeggan qoraalkan waxaa iska leh qoraha oo daruuri ma aha in ay ka afceliyaan siyaaso-tifaftireedda Garanuug.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *