Home / Abwaan / Surud Cad/ Surad Cad

Surud Cad/ Surad Cad

Waa buurta ugu dheer Soomaaliya, waxa ayna ka tirsan tahay buuraha Calmadow. Waxa ay badda ka korraysaa ilaa 2,408 mitir. Waa dhul qaboow oo roob badan.

Surud Cad waxay u dhowdahay magaalada Ceerigaabo, Sanaag.

©Google Maps
©Google Maps

Xaaji Aadan Af-qallooc ayaa gabaygiisi Ceerigaabo waxa uu ku yidhi:

Mandartiyo25 kamaalkaad26 Lubnaan ugu malaysaaye

Manaakh27 iyo hawaba waxay ka tahay Mawsilta28 Ciraaqe

Kolkaad madaxa Surudeed29 tagtiyo meesha ugu taagan

Badda waxa maraayoo dhan baa kuu muraayadahe

Seyid Maxamed meeshuu dhisaan maabku doorsamine

Madfaca laga ridaa wuxu socdaa kuman masaafoode

Milaterigu meeluu degoo muhima weeyaane

—–

25. Mandar: muuqaalka quruxda badan ee deegaanta roobban

26. Kamaal: dhammaystirnaan, kaammilnaan

27. Manaakh: cimilo, hawada

28. Mawsil: waa magaalada Mousil oo ku taalla Ciraaq

29. Surud: buurta ugu dheer buuraha dalka, kana mid ah buuraha Ceerigaabo

 

Halkan waxa aad ka daawan kartaa muuqaal laga duubay degaankaas Calmadow.

 

 


Maxaad ku dari lahayd?


Xigasho

Hirarka Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida, Khaalid Cali Guul Warsame

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl, Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Hal Aan Tebayey, Maxamed Baashe X. Xasan

Encyclopaedia Britannica

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)

Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa ...

Unug (Cell; الخلية)

Waa Maxay Unuggu? U fiirso sawirka gidaarkan. Waxaa innoo muuqata in uu ka dhisan yahay ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *