Mamuu iyo Seyn 18: Dhammaad iyo Gunaanad

Qaybtii Hore

Habeenkaa uu Mamuu dadka aakhiro ku biirayo ee dabadeedna arrimaha tiro beelka ahi is dhalan rogayaan ha dhammaado. Maalinkii xigay qorraxdiisu ha soo baxdo. Jasiiradda Buudaan oo gabigeeduba kaydka murugada iyo oohinta noqotay ha soo dul istaagto. Dadkii jasiiradda ku noolaa oo geerida dhacday darteeda wada hoganaya [qorraxdu] isha ha saarto. Waxaas oo dhami waxtarkii ay qorraxdu lahayd ayay u dhalan rogeen mid aan la dareensanayn. Shucaaceedii iftiinka iyo dhalaalka ku biirin jiray jasiiradda qurxoon ayaa mid aan la dhaadayn u muuqday.

Murugadu wax kasta oo qurux iyo farxad lahaa sida kale ayay u rogtaa. Qasriga Amiirka subaxda saaka ah xaalkiisa ayaa arrinkaa ka markhaati kacaya. Isaga (qasriga) oo soo jeeda oo faraxsan oo sugaya ayay qorraxda kaaha waaberi keeni jirtay, markaas ayay is gacan qaadi jireen. Saaka xaalku sidaa wuu ka duwan yahay. Qasrigii oo murago darteed la hurda oo hareerihiisa tiiraanyadu taaltaal oo mugdi biyodhigay, ayay saaka qorraxdu soo baxday. Hal qof oo dhaqaaqa jasiiradda lagu ma dhex arko. Amiirkii meel qasriga geeskiisa ah ayuu kaligii yuururaa. Labadiisa indhood waxaa ka soo rogmanaya daad illin ah oo uu itaalka is leeyahay shallaytada iyo qoomammada ku gubaya isaga qabooji, balse wali illintu wax u ma tarin.

Waagii oo aan si fiican u soo wada caddaan, waa kuwan dadkii Jasiiradda oo idili isa soo dhoobeen inta guriga Mamuu iyo qubuuraha ka dhex leh. Meel hal qof ahi cag dhigo ma bannaana. Rag iyo dumar, qof weyn iyo qof yar, nooc walba iyo dabaqad kasta oo bulshada ka mid ah ayaa meesha tuban, balse hal ujeeddo ayay u soo wada baxeen. In ay sagootiyaan oo hoygiisa aakhiro u dheelmiyaan ninkii jacaylka ku guuldarraystay ee jacaylkuna dilay ayay meesha isugu yimaadeen.

Dadku waa kolonyo-kolonyo aad u tiro badan. Inta la xasuusto ama xasuusteedu dhaw dahay, dadka oo sidan oo kale suuqyada iyo waddoonyinka Buudaan u buux dhaafiya arooskii Taajuddiin iyo Sitti ayaa ugu danbaysay. Balse maalinkaa iyo maanta si walba ayay u kala duwan yihiin. Maanta kolonyo walba oo dadka ka mid ahi way madow dahay [murugo darteed] wayna murugaysan tahay, balse maalinkaa aroosku dhacayay qayb kasta oo dadka ka mid ahi way faraxsanaayeen oo niyad samaayeen. Af dhoollacaddaynaya iyo il faraxsan qof ay ku yaalliin saaka goobta ma uu joogo, sidii uu xaalku subaxdii arooska ahaa. Oohinta iyo illinta ayay dadka meesha joogaayi wadaagaan. Cabaadka iyo qaylada iyo reenka ayaa ka kala imaanaya dhammaan dhinacyada suuqa Buudaan iyo guri kasta oo dariishaddiisu furantahay, gudihiisana lagu barooranayo.

Dadkii sida gaar ahaa loogu xilsaaray MAYDKA iyo sagootintiisa ayaa xaggii qubuuraha u  dareeray, kolonyooyinkii dadka ahaana way ka daba jabeen. Xabaaluhu duleedka jasiiradda ayay ku yaallaan. Meel taagsin ah oo dhulka jasiiradda ka yara sarraysa ayaa dadka lagu aasaa. Kolonyooyinkii ayaa halkaa ku shamuumay. Taagsintii yarayd ee qabriga laga jeexayay ayaa qarsoontay oo murugadii lala dultaagnaa darteed la madoobaatay. Bulshadii ayaa macnaha geerida iyo dhammaanshaha nolosha adduunka ku hanbabaray. Dareenkoodii ayaa sii murgay. Xaqiiqada cabsida wadata ee ka gadaalaysa nolosha adduunka oo ismoodsiis iyo dhagar miiran ah ayay ku baraarugeen.. Waa nolosha aakhiro ee qabriga ka bilaabata. Murugadii ay geeridu ku ridday , dareenkii qabriga iyo noloshiisa ka galay ayaa qalbiyadooda holciyay oo ka ilmaysiiyay. Hal mar ayay taagsintii yarayd qaylo iyo oohin la gilgilatay. Baroorasho ay cabsiyi haraysay ayaa rag iyo dumar haleeshay, dhallaankii iyo duqaydiina saanta ku qaadatay.

Dadkii oo wada barraad la’; iyaga oo wada oohin iyo baroor ku beerdillaacay, ayay hal mar mudh soo tiri Seyn. Harag kali ah, waji bas beelay iyo indho murugo la cascasaaday ayay isla soo maqiiqday. Qabrigii Mamuu oo ciidda lagu rogayo ayay isku soo qaadday. Iyada oo aan dhag la qabto lahayn, sidii ruux waalan, ayay isa soo kabiixday, iyada oo aanse soo gaarin halkii uu qabrigu ahaa ayay qaar ehelkeeda ka mid ahi hakiyeen. Way is hor taageen. In ay godka  ciidda lagu ham siinayo isku tuurto ama si kale u carqaladayso shaqada aaska ayaa laga baqay. Seyn oradkeedii iyo cafcafteedii ma ay dhimin. Cabbaar ayaa loo dulqaatay in la celceliyay, muddadaa la celcelinayay ayaana ciiddii lagu dhammeeyay qabriga. Intaa dabadeed, waa la iska soo daayay. Awalba iyada oo aan tabar badan lahayn ayay kuwii celcelinayayna sii xiijiyeen. Kolkii ay qabriga sidaa u soo dul istaagtay ayay jilbo goosatay. Qabrigii ayay ku dul dhacday iyada oo ooyaysa. Fadhigii ay u dhacday kuma ay hakane jirjirka ayay u seexatay. Ciiddii la rusheeyay ee qabriga kokiisa taallay ayay dhabanka saartay. Ilmadii ka qubatay ayaa ciiddii sii qoysay. Hadal ayay u bilowday dadkii oo indho murugaysan ku soo wada eegaya.

“Midkii jirkayga iyo naftayda ba hantayoow… midkii [isaga oo aan ila tashan] dheelmadayoow!

Midkii beertiisa ka tagay ee iska socdaalayoow; waa tan ay beertaadii baxday oo miraheeduna bislaadeen. Iyada oo aan saaxiib iyo ilaaliye toona haysan ayay dunida [aad ka tagtay] ku hartay. Bal ii sheeg; kuma ayaa gadaashaa goosan doonaa oo darafyadeeda ku warwareegi doona? Maxay miraha beerta iyo dhalaalkeeduba tarayaan mar haddii aad ka tagtay oo aad shuqulkeeda ka baxday?

Arrimo badan ayaa jira. Muuqaalka beertaadu in uu yaab leeyahay oo xeeldheer yahay waa xaqiiqo jirta. In ay har wanaagsan oo weyn oo qabow leedahay, iyana, waa xaqiiqo kale oo jirta. In ay miraheedu bislaadeen oo furuuryaha dad badani [oo waayayi] isaga qaniinaan, iyaduna, waa xaqiiqo saddexaad oo jirta. Alle ayaan se ku dhaartay e, cid aan adiga ahayn beertaasi waa ka xaaraan.

Duufaannada wax halaaga mooyee cid kale looma oggolaan doono in ay dhexdeeda gasho, iyadana in ay burburiso ayaa loogu oggolaaday. Gacmaha wax gumaada oo baabi’iya mooyee gacmo naxariiseed looma saamixi doono in ay miraheeda ay gooyaan. Geedaha timirta ah jirriddooda ayaa la gilgili doonaa si ay miraha saarani cidlo ugu daataan. Geedaha cinabka ah laamahooda ayaa la ruxi doonaa si ay dabayshu miraha saaran u qaaddo oo [gawaan bannaan] ugu firdhiso. Dhammaan geedaha beerta ku yaalla xidaddadooda waa la rujin doonaa, ubax kasta oo udgoonna waa la jafi doonaa.

Beertaadu waa aniga. Waa aniga beerta aad ka fogaatay. Quruxda iyo sixirka ku jira labadayda indhood ayaan damin doonaa. Hadde waa indhahaygii aad la yaabtay, la shaamareertay, dabadeedna aad la miyir beeshay sida ay u eg yihiin. jooggayga aad la anfariirtay sida uu isu le’eg yahay ee u bilicsan yahay waan jajabin doonaa oo khamrada ku jirta ee ku soo jiidatay ka daadin doonaa. koodadkayga, bishimahayga, dhafoorradayda iyo timahayga waxa aan ka siibi doonaa fitnooyinkii garashada kaa fogeeyay, wixii ka soo hara ee ciid iyo boor ahna waan qubi doonaa. Caatada iyo madowga [foolxumada leh] ayaan doonan doonaa. Waayo oo, intaas aan xusay iyo dhammaan waaxyaha jirkaygu waxa ay yihiin kuwa indhahaaga hibo loo siiyay; hanti waqaf ah oo loo gooni yeelay indhahaaga ayay ahaayeen. Sidaa darteed, mar haddii ay indhahaagu baalasha laabteen oo ka sii jeesteen waaxyihii hibada loo siiyay, uma oggolaan doono in ay indho kale milicsadaan oo ku raaxaystaan.

Balse…

Balse maya maya! Waxa aan u muuqdaa in aan faraha kula jiro ka arriminta wax aanan mulkiyaddooda lahayn. Go’aaminta mustaqbalka beertaada waxa ay u muuqataa in ay ku takrifal igu tahay. In aad igu canaanato arrinkaa ayaan ka baqayaa. Waa sidaas. Jirtoo aad ka dheeraatay hantidaadii, waxa aad jeceshahay in laguu ilaaliyo oo iyada oo sideedii ah, sidii aad ku mulkiday, dib u hanato.

Mar haddii ay xaqiiqadu sidaa tahay, soo ila ma gudboona in aan hantidaada kuu asturo oo kuu dhowro? Ammaanadii aad iiga tagtay soow dhowristeeda xil iga ma saarna? [Aan si kale u iraahdee] soo wax wanaagsan oo I qabta ma aha in aan jirkayga kuu soo bandhigo isaga oo quruxdiisii iyo qaayihiisii ba u dhan yihiin.”

Hadalkii ayay intaa ku jartay. In ay qabriga korkiisa ku galgalimaysato oo sidaa iyo sidaa isugu kala bixbixso ayay bilowday. Waxyar dabadeed, dhaqdhaqaaqii ayay joojisay; nag. Dadkii ugu dhawaa ayaa ku soo yaacay. In ay meesha ka kiciyaan oo samir siiyaan ayay ujeeddadoodu ahayd; balse nasiibdarro jir qaboobay oo naftii ka kudday ayay soo gaareen. Naxdin waynaa!

Hal mar ayuu jawigii murugaysnaa laba kacleeyay. Oohintii iyo sawaxankii ayaa isla karay oo samadaa ka yeeray. Dadkii duugitaanka ka soo qaybgalay oo dhan way argagaxeen oo anfariireen. Amiirkii ayaa garasho iyo garaad ba beelay. Meeshii uu taagnaa ee dhiillada warkeedu ugu yimid ayuu iska soo qaaday. Maydkii walaashii oo wali qabrigii kor bilqan ayuu dusha uga dhacay. Waxa aad mooddaa in uu qaddarta ka turriimo baryanayo oo “walaasheey ha dilin e ii daa” ku leeyahay, balse qaddarku ma naxariisto, beerlaxowsi ma yeelo, waligiina dib uma noqdo.

Muddo dheer markii dunida murugada iyo argagaxa lagu jiray ayay dad tiro yari soo baraarugeen. In maydka meesha yaallo oo ay tahay in la asturo, ayay dadkii xasuusiyeen. Waxaa lagu tashaday in ballankii loo fuliyo Seyn oo sidii ay jeclayd loo yeelo. Qabrigii Mamuu ayaa dib loo faagay. Waa la ballaariyay oo in laba qof qaadda ayaa la qoday. Amiirkii iyo koox kale ayaa maydkii Seyn garbaha ku qaadday. Dhammaantood ilmada ayaa gobo’o leh, Amiirkuba ha ugu darnaadee. Qabrigii ayay hoos ugu dhaadheceen. Maydkii Mamuu oo kafnan ayay dhinac jiifiyeen maydkii Seyn oo isna kafnan. Amiirkii ayaa qabriga gudihiisa hadal ka bilaabay.

“Mamuu, waa tan gacalisadaadii aan idin kala qariyay idinka oo nool. Waa tanaaye iga hano oo iga guddoon. [Fadlan] dhitaabadii badnayd ee aan dunida guudkeeda ku biday iga cafi. Danbigii weynaa ee aan qalbigaaga ka galay iga dhaaf oo iga saamax. Intii aad ila jeclayd in ka badan [oo dhib ah] ayay qaddartu ila kulansiisay oo igu ciqaabtay. Dabkii ugu kulalaa ee shallaytada ayay igu dhex ridday oo aan ku gubtay. Haa, inta nolashayda ka hartay qalbigaygu kama bogsoon doono  boogaha ay qoomammada iyo tiiraanyadu u yeeleen.”

Waa qaddarka Ilaahay iyo sidii uu damacasaaye, sidaas buu ku ahaaday in aysan labadii is jeclaa is hanan intii ay noolaayeen, balse isku qabri u wada hoydeen. Sidaas buu ku ahaaday in ay is ku weheshadaan mugdiga qabriga. Sidaas buu ku ahaaday labadaas xiddig in lagu asturo isku qabri.

Hal arrin baase yaab lahayd. Maydkii Bakar waxaa lagu aasay gummadahooda meel ku beegan oo aan qabrina ka xigin. Sidaa in la yeelay waxaa loo sababeeyay in aan la kala reebayn saddexdooda xitaa haddii ay wada geeriyoodaan, waayo Seyn aad ayay uga xumaatay geerida Bakar. Intaa ku ma ay ekayne waxa ay tiri: “Ma uusan lahay wax ciqaab ah, haddii uu doono mid yar ba ha ahaadee. Waxa uu ahaa axad uu qaddar u soo diray in ay “dhagar” noo maleego, balse ma uu ogayn in dhagartaasi jacaylkayagii layliday oo mid saafi ah oo ruuxi ah ka yeeshay. Waxa uu ahaa mid axad uu qaddarku u adeegsaday sidii uu aniga iyo Mamuu inooga xorayn lahaa rabitaanka iyo qaddarinta dhaldhalaalka iyo birbiriqa maaddada.” Intaa dabadeedna waxa ay si toos ah u codsatay in agtooda, iyada iyo Mamuu, lagu aaso. “Wuxuu ahaan doonaa gaarhaye daacad ah oo noogu adeega daarta aakhiro” ayay hadalkii ku soo af meertay.

Adduunkii Mamuu iyo Seyn halkaa ayuu ku dhammaaday, balse wali sheekadooda iyo qabriyadooduba waa caan. Jasiiradda Buudaan iyo deegaannada jaarka la ah ba si fiican ayaa looga yaqaannaa maantadan la joogo qabriyadooda, qof walba oo dunida kale uga yimaadana wuu booqan karayaa.

Arrin yaab leh ayaase waligii ka muuqda xabaashaas. Qabriga ay Seyn iyo Mamuu wadaagaan mar walba dushiisu waa cagaar iyo geedo ubaxyo leh, qabriga Bakarna geed-qodexeed aan indhaha u roonayn ayaa mar walba ku geedaaman.

Gunaanad

Caashaqu waa dareen ka mid ah dareennada caaddifiga ah ee Alle ku abuuray kasha aadanaha. Saamayn xoog leh ayuu ku leeyahay nolosha qofka iyo qaab-fikirkiisa. Waligii, intii uu qof jiray,  waxaa la socday jacaylka jinsiga, ubadka, hantida, iyo wax kasta oo qurux iyo tanaad ku biiriya nolashiisa iyo koonka guud ahaan.

Xujo iyo tusaale waxaa qofkii doonaya ugu filan sheekooyinka isdabajoogga ah ee laga wariyo jacayllada dhabta ah ee labka iyo dhaddiga dhex mara. Waa sheekooyinka tixraaca hagaagsan leh ee runta ku qotoma ee laga soo xigto ilaha kala duwan ee goobjoogga u ahaa. Sheekooyinkaasi si xoog leh ayay u saameeyaan akhristahooda ama dhagaystahooda, ugu danbayntana waxa ay ku riixaan in ay hal-abuuraan sheekooyin male-awaal ah oo aan akhristuhu ama dhagaystuhu ka boodin ama ka daalin, sida ay xaqiiqada ugu eg tahay darteed.

Qisadaan Mamuu iyo Seyn ee aynu hayaanka dheer la soo galnay waxay ka mid tahay sheekooyinka runta u dhacay ee- nasiib wanaaggooda degaankooda ka helay martiqaad farshaxan iyo qurux ba leh. Waa qiso: macaan iyo kharaar, caafimaad iyo xanuun, xaqiiqo iyo khayaali intaba la’isu dheelli tiray. Waxa aan rajaynayaa in ay wax badan ku kordhin doonto qorayaasheenna maamuuska badan qaybahooda kala duduwan, kuna riixi karta in ay qalinka la gaaraan dhacdooyin badan oo ka dhacay degaanka Soomaalidu degto, balse aan helin cid diiwaan galisa in ku filan, waana mid ka mid ah sababo badan oo igu riixay turjumidda qisadaan.

Sababahaas waxaan kale oo ka xusi karaa:

  1. U hiillinta afka hooyo iyo kobcintiisa.
  2. Muujinta in aynu awood u leennahay turjumidda buugaagta iyo qoraallada tayada leh ee dhadhanka macaan oo afaka qalaad ku qoran; Mamuu iyo Seyn qisadan la baxdayina ay ahayd mid si gaar ah iigu dhadhanta oo aan waqti badan weheshaday macaankeeda iyo farshaxankeeda tayada sare leh ee Gabyaa Axmed al-Khaani uu kurdiga maanso kurdi ah ku unkay, Sheekh Buudina uu Carabi u hal-tebiyay.
  3. In aqristayaasha Soomaalidu ay helaan qisooyin ka dhacay meelo ka baxsan dhulkooda, kuna qoran afkooda; si ay uga bartaan dhaqan, qaabfakar iyo nolol bulsheed qowmiyado kale ay leeyihiin.
  4. In aan xagal ka muujiyo mid ka mid ah noocyada jaceylka ee ka gudbay heerka jinsiga iyo jirka, una tallaabay ruuxda iyo akhlaaqda wanaagsan, guurka iyo dhawrsanida; geerida iyo ciqaabkuna waa mid uusan badi seegin cishqiga ka dhex unkama dad ku kala duwan heerka nololeed.
  5. In bulshadu ogsoonaato wadaadka iyo jaceylku in aanay col ahayn; culimaduna ay yihiin dad nolosha dabiiciga ah la nool balse qaynuunka islaamka iyo xayndaabka anshaxu ay hagaan oo ay qaabeeyaan caadifaddooda.
  6. Ugu dambeynna in qisadaan iyo qaabka loo qorayba ay qorayaasha sheekooyinka hummaagga ah ama xaqiiqda ah ay ka dheegtaan suugaan curineed tanaadisa qoraalkooda ama farshaxan u kordhisa, aqristayaashuna ay la fal galaan oo ay helaan ceelal kala duwan oo ay usoo arooraan.

Intaas iyo in kalaba waa ay igu dhaliyeen, aqristaha Soomaaliyeed haqabtirkiisuna hal aanan hilmaamayn ayuu ahaa, ahaanna doonaa.

Innaga oo gabagabadii joogna ayaan haddana heli waayay si aan sheekadan u soo gunaanado e, aan akhrisataha sharfta badanow kugu macasalaameeyo erayo kooban oo aan ka soo garoocday laba xalaqo oo gunaanadka Mamuu iyo Seyn ah oo sheekadan oo buug dhammaystiran laga dhigi doono ku soo bixi doona:

“Fardafuul yahaw wareeray ee ku dhex dhumay banka baaxadda weyn leh ee bahgooyada ah ee u hanqalloocsanaya in uu ifkiisa tirtiro, kuna mamman madoobeynta caddaantiis: gafka tirada badan ee aad diiwaangalisay ayaa kugu filan; Inta bog ee aad madoobaysay ayaa ku deeqda. Hadda waxaa la gaaray amminkii ay sharqantaadu joogsan lahayd. Joogso, istoosi oo dhulka u soo daadag”.

Mahadnaq

Mahad aan lagu soo koobi karin cod iyo qoraal, qalin iyo buug, hees iyo gabay, af iyo addin toonna aan u jeediyo dhinacyadaan:

Shirkadda waxbarasho ee Garanuug oo si hagar la’aan ah u baahisay sheekadaan, waqti u jaan go’an oo aan lala wadaaginna siisay. Iyada oo aan ku talaxtag iga ahayn waxa aan oran karayaa: “Garanuugi waa Beer quudisa Maskax fayaw oo u baahan cilmi kala duwan iyo suugaan noocyo badan; unugyada dhisa fikirkana way kobcisaa.”

Cabduwahaab Cabduqaadir “Saqa” oo tan iyo xalqaddii koowaadba ahaa tifaftiraha sheekadaan; waqti iyo dedaal badanna ku bixiyay sidii ay aqristaha ugu soo gaari lahayd iyada oo farshaxankeedu qumman yahay oo uu ebyoon yahay.

Faarax Cali Yuusuf oo ahaa tifaftiraheenna labaad oo wixii xalqaddii Sagaalaad ka danbeeyay ku hawlanaa hagaajinta iyo tayaynta xalaqooyinka sheekadaan, si bilicda iyo quruxdu ugu sii kororto, haltebinta qisadaanna wakhti badan ku bixiyay.

Iyo ugu danbayn oo idin ma illaawi karayee aan u mahadnaqo akhristayaasha sheekadaan waayaheeda iyo socdaalkeeda dheer u soo dulqaatay. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Qaddarin iyo qiimo badan ayaan idiin hayaa, Shidaalka aan ku shaqaynayay ee igu riixayay haltebinteeduna wuxuu ahaa adiga akhristaha ah oo qura.

Raalligalin

Waxaan kaa raalli galinayaa hal Khamiis oo mashquul iyo duruufo adduun dartood ay u baaqatay qisadu; kuma talo galin e, qallaha ayaa sidaa inoo dhigay.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. …

Mamuu iyo Seyn 13: Laba-kacleyntii Fitnada

Qaybtii Hore Laba-kacleyntii Fitnada Awoodda xoogga badan ee jaceylku waligeed ma ay noqon mid carshi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *