Home / Tag Archives: xadiis

Tag Archives: xadiis

Imaam Axmad

Imaam Axmad Ibnu Xanbal (164H-241H, Baqdaad, 88 jir): Abuu Cabdallah, Axmad ibnu Muxammad ibnu Xanbal. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Xanaabilada oo xilligeennan ku badan Sucuudiga. Waxa uu ku dhashay magaalada Baqdaad sannadkii 164H, aabbihiina waxa uu geeriyooday isaga oo saddex jir ah, waxaana korisay hooyadii. Barashada xadiiska waxa uu ...

Read More »

Imaam Shaafici

Imaam Shaafici (150H-204H, Qassah/زّ-Qaahira, 54 jir): Abuu Cabdallaah, Muxammad ibnu Idriis, ash-Shaaficii. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Shaaficiyada, oo ku badan Yaman, Shaam, Indunuusiya, Malaysiya, Bariga Afrika, iyo waddamo kale oo tira badan, ahna mad-habka ummada Soomaaliyeed inteeda badani haystaan. Imaam Shaafici waxa uu ku dhashay Qassah (Falasdiin) sannadkii ...

Read More »

Imaam Maalik

Imaam Maalik (93H-179H, Madiinah, 86 jir): Abuu Cabdallaah, Maalik ibnu Anas ibnu Maalik. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Maalikiyada oo ku badan Galbeedka, laga bilaabo Suudaan ilaa Marooko. Waxa uu ku dhashay Madiinah taariikhdu markii ay ahayd 93H, waana sannadkii uu geeriyooday saxaabigii weynaa ee Anas ibnu Maalik. Imaamku ...

Read More »

Hubinta Sugnaanta Xadiiska

Waxyiga Ilaahay noo soo dhiibay waa quraanka iyo xadiiska oo ah hadalkii iyo dhaqankii Rasuulka NNKH. Quraanka si gaar ah ayaa Ilaahay u ilaaliyey oo quraanka aan hadda haysanno waa hubaal. Laakiin waxaa ilaa qarniyadii ugu horreeyey Islaamka jirey in si xad dhaaf ah la isugu dayey in la abuuro ...

Read More »

Xadiis

Af-Carabi ahaan erayga xadiis (الحديث) waa wax cusub. Macnihiisa labaad waa war (الخبر). Dhanka eraybixinta, xadiisku waa war la xidhiidha hadalkii, falkii, tilmaantii, iyo dhacdooyinkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Xadiiska Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa kale oo lagu tilmaamaa sunnah (السنة). Qur’aanka kaddib, xadiisku waa asalka labaad ee diinta ...

Read More »

Fiqh

Af-Carabi ahaan erayga fiqh (الفِقه) waa fahmid, garasho iyo aqoon wanaagsan u yeelasho. Waa na sida Qur’aanku u adeegsado erayga fiqh. يَفْقَهُوا قَوْلِي Ha fahmaan hadalkayga e. Daahaa: 28 قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِّمَّا تَقُولُ Waxa ay yidhaahdeen Shucayboow waxa aad sheegayso wax badan ka fahmi mayno. Huud: 91 لا يَكَادُونَ ...

Read More »