Duqdii, Haylaano, markii ay sheekha ka tagtay kuma laaban qasrigii amiirka. Waxa ay diyaar garow u gashay sidii ay ku noqon lahayd dhaqtarad. Maalmo badan ayay howlo xagga iyo xaggaba u kala wadday. Muuqaalkeeda guud iyo dhaqankeeda ayay wax badan ka doorrisay. Shaqo adag dabadeed waxa ay yeelatay muuqaal iyo qaab cusub oo qariib ah. Waxa ay dharkeedii caadiga ahaa ka dul xiratay go’ weyn oo fidsan. Dhinaca hore ee go’a way dillaacisay. Go’a hoostiisa, labadiisa faraq dhexdooda, waxaa ka muuqda boorsooyin badan oo labadeeda garbood suran. Qaarkood waxaa jira dhalooyin ay dareereyaal la isku daweeyo ku jiraan, qaar kalena dhirta la isku dabiibo ayaa ka buuxda.
Waxa ay kiraystay Awr xoog badan oo iyada iyo qalabkeedaba qaadi karayay. Ratiga dhinac waxa ay kaga rartay buugaag iyo warqado la isku xirxiray, dhinac kalena waxa ay ka saartay qalabka dhakhaatiirtu ku shaqayso oo kala duwan. Wax kasta oo dhakhtar xirfad lihi qaadan jiray ayay isku hishay oo ratigana ku hishay. Subax Alle keeno iyada oo ratigeeda saaran ayay soo bixi jirtay. Xaafadaha kala go’an ee jasiiradda, meelaha la isugu yimaado iyo guri kasta in ay garaacdo ayay bilowday. Waxa ay halhays ka dhigatay in ay si bilaash ah ku daryeelayso oo ku dabiibayso dadka xanuunnada la jiifa, kuwa taahaya ee iska buka iyo cid walba oo kalana ay dawayn karayso.
Sidaa ayay ku bilawday howsheedii cusbayd. Si tartiib-tartiib ah ayay dadkii u soo jiidatay. Waayo oo waxa ay adeegsatay habkii ugu dhagridda badnaa ee ay isaga dhigi karaysay dhakhtarad sadcaal ah oo ku takhasustay laamaha caafimaadka oo dhan. Wakhti badan iyada oo aan howsha wadin ayuu warkeedii fiday. Jasiiradda oo dhan ayaa mar qura ku sheekaysatay in ay timid dhakhtarad sadcaal ah oo xirfad sare leh oo cudurrada kala jaadka ah si dhakhso ah u dawaysa.
Xilligaas duqdu in ay dhakhtarad tahay la wareegayso, Mamuu iyo Taajuddiin xaalkoodu sidii hore wuu ka sii xumaanayay. Aad ayay uga liitaan sidii ay ahaayeen ka hor maalinkii ay ogaadeen faraantiyada ay qabaan iyo ciddii lahayd. Mid kasta oo labadooda ka mid ah waxaa garashadiisii bililiqaystay feker joogto ah oo sii kordhaya uun, jirrana wata. Ehelkoodii iyo badi asxaabtoodii u dhawayd si weyn ayay u dareemeen in raggii saaxiibbada ahaa ee farxadda iyo furfurnaanta lagu kuunyi jiray la derderay. Balse cid taqaan ama fahmi karaysa waxa ku dhacay wiilasha ma aysan jirin.
Marka se hoos xaalkooda loogu dhaadhaco waxaa loo tagayaa farqi u dhexeeya labadan wiil ee saaxiibbada ah. Fekerka iyo xanuunka way wadaagaan uun, balse isku heer kama joogaan. Dhan kale marka laga eego, waxaa loo malayn karayay kala duwanaanshaha u dhaxeeya diifta wiilasha wada haysa iyo sababta ay u jirran yihiin qudheedu in ay kala duwan yihiin. Mamuu xanuunkii iyo fekerkii hayay way sii kordhayeen illaa markii uu ogaaday sababtii uu u miyir beelay iyo demmanaantii beryaha haystay ba in ay lahayd amiirad Seyn. Illaa iyo markii uu ogaaday arrinkaa ma uu xassilin. Hurdadii ayaa ku yaraatay. In culaysku ku sii kordho mooyee in uu kala fududaado ayuu ka quustay. Wuxuu howl ka dhigtay in uu ka fekero habkii iyo sababtii ay amiiraddu ugu naxariisatay. Caddaynta kali ah ee in ay amiiraddu u naxariisatay uu u haysto waa faraantigeeda. Isaga qudhiisa ujeeddada ay ugu galisay ee kiisiina ay u qaadatay ayuu qaabab badan u dhigay.
“Toloow, Amiiraddu ma waxa ay faraantiga ku tiri: ‘beddel iga noqon oo marka aan libdhado inankan suuxay u dhoolla caddee’? Mise waxa ay kula ballantay in uu I xiriiriyo, ina samirsiiyo markii qalbigaygu cishqi la gubto?” Su’aalahaa oo uu jawaabahooda ka noogay ayaa kol walba oo uu is weyddiiyo dab ku hurinayay mindhicirradiisa. Dareenkii iyo xubnaha jidhkiisa ayaa dabadeedna qandac noqonayay. Mar walba oo uu kaligii meel cidlo ah fariisto oo uu fekero, naftiisana uu la sheekaysto kulka laabtiisa ka baxaya ayaa sii huri jiray. Marmar ayuu halbeeg saari jiray dabaqadda uu bulshada kaga jiro iyo inanta uu ka fekerayo dabaqadda ay kaga jirto. In ay Amiir Sayn al-Diin walaashiis tahay gabadhu ayuu isa soo hordhigi jiray. Wuu quusan jiray. In aanu u qalmin ayuu qiri jiray. Xanuunka haya ayaa xanuunka kale ee quusashada abuuray. Miyuu quusan karayaa? Si la maqli karo ayuuna u hinraagi jiray.
Taajuddiin, isagu saaxiibkii wuu dhaamay. Illaa xad waliba. Hubaal ayay se ahayd in laabtiisu si xeel dheer u muhatay Sittidii faraantiga u galisay, sidaa oo ay tahay na kadeedka nafsadeed ee Mamuu haystay ma uu qabin. Sababtuna waxa ay ahayd rajada uu helitaanka Sitti ka qabay oo xoogganayd. Wuxuu aamminsanaa in uusan Amiirku ka labalabaynayn hadduu ka codsado in uu la xidido. Waayo oo waxa uu ahaa wiil uu dhalay wasiirkiisa koowaad, waana mid ka mid ah saddexda uu wasiirkaasi wada dhalay ee uu amiirku u kaashado duruuf kasta iyo xaalad walba oo la soo gudboonaata. Waxaa ka dhaadhacsan in amiirku garwaaqsan yahay danta uu ku qabo iyo isaga oo soo dhawaysta in uu wanaag badani ugu jiro. Sababtaas darteed ayuu qulubka jacaylka iyo islahadalka Mamuu madax maray kaga badbaaday.
Sidaa oo uu xaalkiisu yahayna waxaa jirtay mushkilad xanuunka iyo diifta ka muuqata ku dirqisay Taajuddiin, qaab uu u furdaamiyana uu waayay. Mamuu waa saaxiibkii. Waa qofka ay cid walba isaga dhowyihiin, dadkuna qirsan yihiin halka ay isu joogaan. Sidii walaalihii oo kale ayuu u yahay ama waxaaba la oran karaa wuu uga sarreeyaa heerkaa walaalihii u joogaan. Dhibka saaxiibkii haysata iyo halka uu xaalkiisu marayo kama ay qarsoonayn. Qofka kali ah ee sida dhabta ah u ogsoon xaalka Mamuu iyo sababta uu sidan isugu beddelay waa isaga. Marmarka qaarkood ayuu qudhiisu ka fekeri jiray sida aanay suurogal u ahayn in Mamuu uu amiirka walaashii doono uuna u geedfariisto. Waayo oo xiriirka ugu dhow ee Mamuu amiirka la leeyahay waa shaqada; waa xoghaye ka tirsan qaybta maaliyadda ee qasriga. Intaasina ma siinayso karti uu amiirka walaashiis ku doonan karo.
Taajuddiin waxaa la foolxumaatay in uu saaxiibkii garoonka cishqiga u banneeyo. Wuu ka xishooday in uu Sitti u geedfariisto, sidaana ku guursado isaga oo saaxiibkii la daalaadhacayo xanuunnada fekerka iyo islahadalku ku rideen; in uu barwaaqo iyo baraare u digo rogto, saaxiibkiina hur caashaq la diifeysnaado.
Mushkiladda ayaa laabtiisa hurisay, jacaylka iyo dareenka ku soo kordhayna uga darnaatay. “Tolow maxaan yeelaa? Ma is ka daayaa cishqigan i kadeeday taabbagalintiisa oo saaxiibkay dhibta ma la qeybsadaa? Mise waxaan raadiyaa tub aan labadeennuba ku hanan karno jacaylladeenna? U malayn mahayo in ay jirto, haddiise ay jirto waa tub qarsoon oo aan cidina marin. Qaab noocee ah ayaan waddadaa ku heli karayaa haddaba?” Su’aalo caynkaa ah ayuu had iyo goor is weyddiiyaa.
Mamuu jacaylka waxaa uga daran quusta uu taagan yahay. Wuu samri la’ yahay. Taajuddiinna cishqiga haya waxaa i qarso ka dhigay mushkiladda ka haysta sidii isaga iyo saaxiibkii ugu wada guulaysan lahaayeen jacaylladooda. Sababahaa dartood ayay ugu siyaadayeen walwalka iyo islahadalku. Dadkii labadooda yaqaannay, gaar ahaan qaraabadoodii waxaa halxiraale ay furi waayeen ku noqday xaalka labada wiil.
***
Waa goor galab ah. Mamuu guriga saaxiibkii ayuu joogaa. Way isla fadhiyaan. Qolka martida lagu qaabbilo ee guriga Taajuddiin ayay ku sheekaysanayaan. Jirdiin meel gees ah uga yaalla ayay wada fadhiyaan. Dad badan oo qaraabo iyo asxaab leh ayaa guriga jooga. Caarif ayaa ka mid ah. Duqdii Haylaana, dhakhtaraddii sadcaalka ahayd ayaa soo ag martay. Hore ayaa warkeeda loo maqlay. Dadkii ayaa is weyddiiyay xaalka wiilasha bal in duqda loo bandhigo. Waa la isku raacay taladii. Duqdii oo sii socota ayaa laga daba dhawaaqay. Way soo noqotay. Waa la isa salaamay dabadeedna. Waxaa laga codsaday in ay qaddar yar warkooda dhagaysato. Caarif ayaa su’aal weyddiiyay.
“Habaryar xaggee baad ka timid? Maxaadse ahayd?”
“Waxaan ka imid tuulo yar oo buurtaas ka dambaysa. Inyar ayay ka durugsan tahay buurta. Waxa aan ahay dhaqtarad sadcaal ah. Dhulka daafihiisa ayaan maraa si aan u daweeyo dadka xanuunsan, duruufahoodana waan la tacaalaa.”
“Xanuunno caynkee ah ayaad dawayn taqaannaa?”
“Dhabtii, anigu waxaan ku takhasusay oo aan xirfad dheer u leeyahay daweynta xanuunnada nafsiga ah iyo kuwa ruuxiga ah oo qura. Balse khibrad dheer oo aan leeyahay ayaa ii suurogalisay in aan daweeyo xanuunnada jirka ku dhaca.”
Taajuddiin ayaa islaantii warka ka kala gooyay. Isaga oo fadhiya jirdiin ka durugsan halka ay islaantu ka sheekaynayso ayuu su’aal soo halgaaday.
“Xanuunnada ruuxiga ah wax intee le’eg ayaad ka taqaannaa?”
Duqdii ayaa warkiisa ka shakiday. Xaggiisa ayay u jeesatay. Indho aan wax badan arkayn ayay cabbaar ku fiiqday. “Bal aqoonso qofka hadlaya” in ay is leedahay ayaa la moodaa. Sida uu wiilku u daneeyay xanuunnada nafsiga ah ayay ka yaabtay. Iyada oo shaki loo dhammeeyay ayay u jawaabtay.
“Maandhoow noocyo badan oo xanuunnadaas ka mid ah ayaan aqaannaa, dad badanna waan ka soo daweeyay. Alle kugu ma keenee, ma wax xanuun ah oo noocaas ah ayaad dareemaysaa?”
Taajuddiin oo aan jawaabin ayuu Mamuuna su’aalo la soo booday. Way is garab fadhiyaan.
“Nooca ugu daran ee xanuunnada ruuxiga ah waa kee? Wax se ma nooga tilmaami kartaa xanuunkaas oo ma nooga sheekayn kartaa?”
Duqdii Mamuu ayay eegtay. Shakigii ay su’aashii Taajuddiin ka qaadday ayaa sii xoogaystay. Malaheedii ayaa u batay in wiilashu yihiin kuwii ay beryahan ba raadinaysay. Neef xoog leh ayay jiidday. Dabadeedna sharraxaad ayay bilowday.
“Alle kuma uu dhadhansiiyee, nooca ugu darani waa kan ka unkama milicsiga iyo qooraansiga, jidka eegmada ku sii lugeeya oo caabbaar sii socda, deetana qalbiga guntiisa ku xassila. Bilowga hore waa: dareen giriir leh, laabtoo ruxmata iyo wajiga oo midabbo kala geddisan yeesha. Kolka uu koro oo uu barbaaro, waa: Biriq dhimbisheedu ay huriso mindhicirka, dab aan holac lahayn ayuu ku shidaa labada dhinac ee jirka inta u dhaxaysa, dhuxul la’aan ayuu solaa laabta. Marka uu sugnaado oo uu xasilo, dego oo ku habsado qofkana, wuxuu feentaa oo diloodaa muruqa qalbiga, mindi la’aan ayuu dhaawacaa, ilko la’aanna wuu ku calashadaa. Marka uu heerkaas gaaro, waxaa dararta illin dhiig ah, jirkuna wuxuu ku dhex dhalaalaa majiirashada mandhicirrada iyo hinraagga laabta. Heerkaas hadduu gaaro, dhaqtar iyo daawadiisu wax ma taraan e, waxaa dawo ah in naftu nafteedii la midowdo, dabkana lagu damiyo barafka xariirku uu leeyahay”.
Halkaas ayay duqdii warkii ku hakisay, oohin si tartiib-tartiib ah u soo xoogaysanaysa ayay maqashay. Xagga Mamuu ayay uga imanaysay. Cabbaar ayay aamuska illini uga qubanaysay. Taajuddiin isagu wuu midabdoorsoomay. Waxa ay islaantu ka sheekaynayso ayuu la yaabay. Wuu foorarsaday. Haylaana xaalka wiilasha ayay ka indho-buuxsatay. Dadkii kale ayay midmid u fiirisay. Way wada khasuucsan yihiin. Waxaa ka muuqata in ay naxariis badan iyo jileec tusayaan wiilasha dhibban. Haylaana shakigii ayaa ka tirmay. Waxa ay xaqiiqsatay in wiilashani yihiin kuwii ay raadinaysay –kuwii labada amiiradood qalbiyadooda xaday ee amiiraduhuna kuwoodii u dabamareen. Way istaagtay. Tiirkii ay labada wiil fadhiyeen ayay beegsatay. Labadoodii garab ee is xigay aya gacmaha saartay.
“Way muuqataa xanuun nooca aan tilmaamay ah in aad qabtaan, dhib se, malahan oo aniga ayaa dawadiinnii haya” ayay ugu laabqaboojisay.
Dadkii kale oo sidoodii u hoganaya ay dib u soo milicsatay.
“Waxaa igu qasab ah in aan baaritaan gun dheer ku sameeyo jirrada haysa labadaan wiil. Sidaa darteedna waxaa daruuri ah in aan kaligeen noqonno. Saddexdeenna mooyee intiinna kale meesha ka taga. Codsigaa waa in aad iga yeeshaan” ayay si dhiirran dadkii ugu tiri.
Saddexdoodii, labadii wiil iyo Heylaana, ayaa qolkii looga dareeray. Haylaana waxay ku dhaygagsan tahay wiilasha. Isha ayay la raacaysaa mid kasta oo iyaga ka mid ah. Waa laba wiil oo dhallinyaro ah, sharaf leh, muuqaalkoodu qurux iyo hannaan loo bogo leeyahay. Waligeed quruxdoodu u nusqaami mayso niyadjabka iy murugada haysata. Intaas ayay hoosta ka qiraysaa.
“Hooyo, niyadda wanaajiya, indhahana u raaxeeya. Alle ayaan ku dhaartay e, waxaan farriin idiin ka wadaa labada amiiradood ee Buudaan. In aan idin ka farxiyo, idiin wehelyeelo oo idin dhaawac tiro ayaan idin kugu imid, daliilna waxaa ii ah faraantiyadiinnii oo waa kuwaan!”
Duqdii oo aan hadalkii dhammayn ayay wareereen. Iyada oo aan wali gacanta ka galin faraantiyadoodii ayay isku dhexyaaceen. Mamuu, isagu wuu is celin kari waayay. Xubnaha jidhkiisa ayuu maamuli kari waayay, dabadeedna sidii ilmo carruur ah ayuu duqda dhabteeda isugu tuuray. Go’eedii waynaa faraqiisa ayuu bilaabay in uu dhunkado, marna rogrogo. Si xun ayuu u dawakhsan yahay oo sida uu yahay iyo falalka uu ku kacayo midna kama warqabo. Taajuddiin isaguna dhankiisa ayuu u anfariiray. Duqdii ayuu iska dhowrayaa isaga oo aan libiqsanayn, juuq iyo jaaq iyo dhaqdhaqaaqna toonnana wuu gabay.
Haylaana qalbigeedii ayaa naxariis iyo dhimrin la jilcay. Sida wiilashu ilbiriqsiyada gudahood isu beddeleen ayay ka yaabtay. Dareennada muxibbada iyo turriinshaha ayaa khasab kaga soo go’ay. Mid kasta gacantiisa midig ayay qabatay. Hadalladaan waaweyn ayayna u jeedisay:
“Wiilashaydoow I maqla! murugada iyo tiiraanyada idin haysa wax kallifaya ma jiraan. Allaha xaqa lagu caabudo ayaan ku dhaartay e, inta ay towfiiqda Rabbi gaashaanka ii tahay kama noogi doono halganka aan ugu jiro sidii uu u hirgali lahaa rabitaankiinnu. Geeridaydu xalaal ma aha aniga oo arka afartiinna oo laba laba isula jira, wadar ahaanna u wada jira mooyee, Idinka oo harsanaya harka wadajirka jacaylka mooyee. Si aan haddaba shaqada u bilaabo, midkiinba waxa aan uga baahanahay in uu ii sheego magaciisa iyo dabaqadda uu bulshada kaga jiro. Sidoo kale waxa aan idin ka doonayaa faraantiyadii Sitti iyo Seyn, si aanay howshu u fashilmin ayaanan ugu celinayaa faraantiyadooda, kuwiinniina waa aniga idiin soo celiyay e, haysta. Wax badan idinka maqnaan mahayo. Si degdeg ah ayaan idiin ku soo warcelin doonaa.”
Duuduubyada wajiga Taajuddiin ayaa ifay. Diiftii ayaa mar qura laga siibay. Wuu istaagay. Magaciisii iyo ina wasiir in uu yahay ayuu degdeg isugu raaciyay. Faraantigii Sitti u galisay ayuu soo siibay oo duqdii u dhiibay. Mamuu isagu madaxa ayuu foorariyay. Dhowr daqiiqo oo uu farxad la dawakhsanaa ayaa xawaaraha ugu badan ee aan la suurayn karayn ku dhammaaday. Magacyadiinna iyo dabaqadihiinna ayaan la doonayaa hadalkii ahaa balo ugama aysan horrayn.
“Duqdaay bal isku day in aad ii cudurdaarto! Ma aan awoodo in aan faraantigaan ku siiyo. Iga rumayso dhaartaydaan. Alle ayaan ku dhaartee, faraantigaani waa waxa kaliya ee ka haray haddii ay naf igu jirtay! Waa kuma qofka gacmihiisa isaga siibaya naftiisa? May, may, Xaajiyo. Waxaan ergo ahaan kuugu soo dirsanayaa dabka jaceylku dhaliyay ee mindhicirradayda ka huraya. Waxa aan kugu barayayaa xurmada magaca Seyn. Ha iga siibin qiriricda naftaydii ka hartay. Faraantiga ha ka bixin fartayda!”
Waxyar ayuu aamusay. Hadalkii ayuu kari waayay. Wajigiisa waxaa dhab uga muuqda dagaalka ba’an ee gudihiisa ka oogan. Dib ayuu hadalkii ugu noqday.
“Hooyo, Bal i daa, oo adigu qalbigaygaan habowsan u noqo farriin gudbiye. Milkiilihiisii farriin iga gaarsii. Waxaad ku tiraahdaa: ‘midkan ku jeclaadayi wuxuu ahaa miskiin ka mid ah dadka caadiga ah. Heerkiisu ma geyoodsiin karo in uu la xidido salaadiinta iyo madaxda jasiiradda. Maxay se ugu taallaa! Leebabka cishqigu way sal fududyihiin. Way waalan yihiin oo dadka ma kala yaqaannaan. Isku ma howlaan in ay kala soocaan xiska amiir leeyahay iyo kan miskiin leeyahay. Miskiinku maanta wuxuu u hanqal taagayaa goob uusan u ahayn ehel, balse wuxuu filayaa in ay dhimrini soo gaarto marmarka ay madaxdu damcaan in ay shacabkooda u dhimriyaan oo naxariis dheeri ah u fidiyaan. Waxaa ku filan oo dhimrintaas oo dhan uu kaga kaaftoomayaa waa hal shay. In aad laabtaada galiso, cishqigiisu heerka uu joogo iyo sida xaalkiisu yahayna aad marmar ka soo war doonto.”
Haylaana waxaa saameeyay hadalkii Mamuu. Sida uu gar u yahay iyo murugada ku dheehan ayay garwaaqsatay. Waxay ku qasbanaantay in ay faraantiga u dayso oo ay isaga tagto. In cabbaar ah ayayse la sii joogtay. Way u wehel yeelaysay. Samirsiin iyo waano ayay isugu daraysay. Taariikho hore iyo sheekooyin jacayl ah ayay u marisay. Adduunku sida uu farxad iyo murugo ba u leeyahay ayay faafaahisay. Si ay u tagto ayay u istaagtay. Way macasalaamaysay, ballana way u qaadday. Wakhti dhow in ay ku soo noqon doonto ayayna u sheegtay.
Waa inoo moogga xiga iyo labada xalqadood ee Jacayl iyo Bishaaro oo wada socda.