Home / Tag Archives: silsiladdii xaydha

Tag Archives: silsiladdii xaydha

Silsiladdii Xaydha: 6 (Dhammaad)

Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af Soomaaliga oo in badan kala da’ weyn aawadeed, waxa hallaabay ama marar badan madmadow isku gedaamaa suugaan badan oo haddii qoraal lagu sugi lahaa, afkeenna dhumuc iyo dhadhanba ku biirin lahayd. Yeelkeede, wax aynu dugsanno ama wax ku dul dhisi ...

Read More »

Silsiladda Xaydha 5

Halqabsi ayaa hadal meceeya e, waxa la yidhi beri hore ayaa islaan baa inanteedii curad waxa ka guursaday nin reer miyi ahaa oo jamaal iyo joog Ilaah u dhammeeyay, afarta maal-adduunyana wax ka haystay. In muddo ah markii ninkii iyo inantii wada joogeen, Rabbina aanu sarrifin, ayaa subaxii danbe islaantii ...

Read More »

Silsiladda Xaydha 4

Aan halkaygii kasii wado taxanihii ku saabsanaa gabayadii Xaydha, innagoo dul istaagi doonna gabaygii toddobaad ee laga tiriyo silsiladdan. Jeerkan waxaa meertadii kusoo noqday Xirsi Cali Buraale (Xirsi-Caamir), oo ahaa xuddunta uu ka unkamay asaraartankan oodda jebiyey. Xirsi-Caamir waxa uu markan daba joogaa go’aankii Maxamed Nuur Abokor (Huube) ee ahaa ...

Read More »

Silsiladda Xaydha 3

Mugga sow silsiladdii halkaa haka socoto maaha? Sow nin waliba tarkii haka gar naqo maaha? Oo weliba gabay hasoo adeegsado maaha?! Waataynu soo sheegnay in ninkii ugu horreeyey ee arrinka xaydha ka garnaqay uu ahaa Maxamed Nuur oo “Huube” loo yiqiin. Sidoo kale Diiriye Aw Guuleed Warsame waatuu cagidiiba hadal ...

Read More »

Silsiladda Xaydha 2

Akhristeyaal aan idiin soo koobo, idinna xasuusiyo qaybtii hore ee qoraalkane, waatey ahayd afartameeyadii qarnigii tegey, waatey rag door ah, asii aan saa usii kala durugsanayni, ku ballameen inay isku sii lug-darsadaan iyagoo ka ambabaxaya ceelka Burco, una sii jeeda rugihii ay reerahoodu yiilleen oo ku beegnaa hawdka Togdheer. Saluuggii ...

Read More »

Silsiladdii Xaydha 1

“Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey  Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso” *** “Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd kusoo mariyey  Eed laba gadiid ka hirqataad, honono’aysaaye” Soomaalidu waa ummad suugaanta quudata, gabayga iyo gabyaaguna waxay noloshooda kaga jireen meel sare. Raggii ay Soomaalidii hore qaddarin jirteyna ...

Read More »