Home / Suugaan / Lafagurka Suugaanta

Lafagurka Suugaanta

Hordhac

Weligaa beer ma carrageddisay, ma qodday, ma baaqbaaqday, ma abuurtay, ma fashay, ma limadday, ma jebisay, ma goysay, ma sukushay, ma haadisay, ma cabbaysay, ma rasaysay oo ma suuqgaysay? Hab iyo hannaan aan midkan ka dhicin bay suugaantu martaa. Ugu horrayn, fikradda ay suugaantu xanbaarsan tahay baa la falkiyaa, abbaarteeda ayaa la maamiyaa; waa la curiyaa oo la dalleeyaa; waa la soosaaraa oo la faafiyaa. Marka ay banka timaaddo ayuu qofiba si isaga uun u gaar ah u fahmaa, una adeegsadaa. Intaas waxaa sii dheer, in qeyb soocan oo bulshada ka mid ah ay si ka xeeldheer dadka intiisa kale u dhudhumiyaan suugaanta, una faaqidaan farsamo ahaan, dhismaha iyo dhisaalkeeda—iyo fikrad ahaan, falsafadda iyo farriimaha ay huwan tahay.

Gudagal

Suugaanta Soomaalidu waa diiwaanka ugu mudan, uguna faca weyn ee laga dheehan karo wax walba oo Soomaali ku saabsan. Waa diiwaanka qura ee haddii aan ku dhiirrado, laga akhrisan karo dhaqanka iyo hiddaha, soojireenka iyo meel-ka-soojeedka, abkasoogaarka iyo ilbaxnimada, sooyaalka iyo taariikhda qarada weyn ee Soomaalida.

Sidaas daraaddeed, suugaanta Soomaalidu waxa ay qeyb lixaad leh ku lahayd dhinacyo badan oo nolosheeda ka mid ah. Waxa ay u adeegsan jirtay, aalaaba, ujeeddooyin ay u mudnaayeen cabbiridda waxa ay gocanayso (self-expression) iyo gudbinta farriimaha ay doonayso in ay isgaarsiiso ama isu dawiso—tiiyoo ay ugu sheegganayd halgankii ay Soomaalidu u gashay isxoraynteeda iyo soo-dhacsashada gobanimadeeda.

Maadaama ay Soomaalidu ahayd bulsho hadlaa ah (oral society), waxa ay si xeeldheeri leh baacdheer ugu yeelatay oo ay dhinacyo badan ka hodmisay laamaha ka la geddisan ee suugaanta. Suugaanta ayay wax kasta oo dooc ama dareen ku ah ku muujin jirtay; iyada ayay lallabaha colaadeed iyo lurbixinteedaba u mari jirtay; dhinac kasta oo nolosheeda ah ayay suugaanta ka qeybgalin jirtay—ilaa heer ay gaartay in shisheeyihii isirkeeda dersayay uu u aqoonsaday “Ummaddii Gabayga” (Nation of Poets).

Suugaantu waa seef labo af leh—oo marna bulshooyinku ku madaddaashadaan, mar kalana ku halgamaan oo mabda’yadooda iyo jiritaankooda ummadnimo ku ilaashadaan. Suugaantu, waxa ay ka qeybqaadataa sara-u-qaadidda wacyiga bulshada iyo baraarujinteeda. Waa tab farshaxankeeda awgiis u sahlaysa in ay haddiiba hanato quluubta qeybo badan oo bulshada ka mid ah—quruxdeeda faneed ee ay la gaarka tahay daraaddeed. Waa seef labo af leh. Dhan baa loo adeegsadaa “hannuuninta” dadweynaha iyo, haddii la doono, “hagiddooda”—dhan kalana waa madaddaalo lagu “haasaawo”—sida ay Hobollada Waaberi jeer hore ku heeseenna waaba: “dadweynahaan hanuuninnaa / hasaawinnaa dantaw hagnaa.”

Lafagurka Suugaanta & Lafaguraha Suugaaneed

Murtida suugaanta dhuuxeeda ka dhaansan ee inteeda caadyaalka ah ay ka badan tahay inteeda cillan, waxaa shanshadhuuxi kara oo soo dibedbixin kara farriimaha ku sidkan iyo afmaldahyada uu suugaanyahanku adeegsaday, suugaandhaari kulansaday dhugmo sarraysa iyo dhaadis qoddadheer—kaas oo yaqaanna, dawga lafaguridda qumman ee suugaanta.

“Odayadii hore ee Soomaaliyeed midkood ayaa waxaa laga sheegay in uu yiri, ‘Ragow, anigu ma gabyo. Waxaan se aqaan gabayga khaldan, oo midka hagaagsan iyo isagu, isugu ma kay jiraan.’

Ninka sidaas ah waagii hore magac u ma aynu lahaan jirin. Ha se ahaatee 1970kii ayaa sidaan xusuusnahay Guddigii Af Soomaaligu wuxuu mar isla soo qaaday in ‘lafagure suugaaneed’ lagu magacaabo, ma se hirgalin. 

Waa magac laga soo qaatay qofka inta si uun shil ugu dhaco ay lafaha madaxu burburaan, markaasoo loo dooni jiray mid aqoon u leh sida lafahaas yaryar loo soosaari karo, iyada oo aan maskaxda waxyeello soo gaarin. Hawshaas iyada ah laga ma sinnayne ragga qaar baa si gaar ah u yiqiin, kuwaasoo bulshada u la meel joogay ‘taqtarka qalliinka’ ninka aynu hadda u naqaan ee dhaawacaas halista ah loo tammadiyo, dabadeedna la tacaala.

Lafagure suugaaneed waxaa haddaba loo la jeedaa ruuxa maansada iyo sheekooyinka curiska ah ka la qali kara oo sida dadka kale si ka qoddadheer inta u akhriya ina tusa kara qiimiga ay xanbaarsan yihiin iyo meelaha ay dhaliilaha ku leeyihiin, intaba. Ruuxaas qudhiisu maansayahan wuu noqon karaa, khasab se ma aha, oo isaga oo aan labo isa saari karin ayuu lafagure suugaaneed ahaan karaa—sida odaygii aan weedhiisa hadalkayga ku bilaabay.” — Axmed-Idaajaa Faarax Cali, Barnaamijka Dhaqanka & Hiddaha ee Laanta Af Soomaaliga ee VOA.

Lafagurka suugaantu waa laancilmiyeed aad u baaxad WEYN oo si ama siyaalo cilmiyaysan u faaqidda, una lafagurta suugaanta—taas oo aanay cid kastaayi qaban karin. Waa laan cilmiyeed isku hawsha ka la furfuridda iyo falanqaynta qeybaha ka la geddisan ee suugaanta dhismaheeda (structure), nuxurkeeda (context), farshaxankeeda (aesthetic), afmaldaheeda iyo aftahamadeeda (figurative language & rhetorical devices), farriimaheeda iyo ujeeddooyinkeeda, iyo kuwo kale. Lafagurka suugaantu waa lafdhabarta isku xiriirisa ujeeddooyinka daahsoon ama durugsan ee halabuurka iyo fahanka dadweynaha. Marka aan, haddaba, lafagurayno jaad ka mid ah suugaanta, waxaa waajib ah in aan isku akhrinno waayihii ay ku curatay iyo duruufihii ku gedaannaa.

Qofka hawshaas qabta, 1970dii sida ay Guddigii Af Soomaaliga ku ereybixiyeen, waxa aan ku magacaabi karnaa “lafagure suugaaneed”.

Lafaguraha suugaaneed, tiiyoo ay jirto, sida uu Idaajaa sheegay, in uu sal iyo baar dhudhumiyo dhismaha maansada oo inta dhuuxo ka la saafo, sheegana iimaha farsameed iyo midda fikireed ee ay leedahay, ama uu soo banbixiyo oo bogaadiyo ifafaalayaasha hagaagsan ee ay kulansatay—misana, waxaa xusid mudan in uusan kaliya ku koobnayn u dhabbagalidda iyo shiiqsiga jaad suugaaneedka maansada—ee uu sidoo kale falkiyo oo ka la hufo qeybaha kale ee suugaanta, sida laamaha ka la geddisan ee tiraabsuugaaneedda iyo qeybaha kale ee suugaanta.

Gabagabo

Suugaanta Soomaalidu way dihin tahay. Waxay u baahan tahay cilmibaaris sugan oo inta sukusha, buunshaha ka saarta, badarkana gaar u soocda. Sidoo kale, aqoonta lafagurka suugaanta Soomaalida waa mid aan weli gaasabixin oo u baahan falkin iyo faaqidaad lagu dhiso farsama-cilmiyeed la jaanqaadi karta tan ummadaha kale. Sidaas awgeed, waxaa muuqata in si WEYN loogu baahan yahay aqoonta lafagurka suugaanta iyada oo laga eegayo dhanka sooyaalka, hodantimada afka, xulashada iyo adeegsiga ereyada, iyo farshaxanka kale ee dhexdeeda ceegaaga.

WQ: Bilaal Qaasin Fiqi (Aar)

Email: Aarawfiqi@gmail.com

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka

Waa Maxay? Tartankan waxaa loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee Muuse Galaal- Alle ha u naxariisto ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *