Home / Buugaag Dugsiyeed

Buugaag Dugsiyeed

Baahida

Goob kasta oo lagaga hadlayo waxbarashada Soomaaliyeed waxaa khasab ah in la soo hadalqaado dhibaatada ka taagan manhaj la’aanta haysata dugsiyadeenna. Maanta waxaa la qiyaasaa in ilaa 10 manhaj oo kala duwan, lagana soo dhoofiyey waddamo kale, lagu dhigo dugsiyadeenna. Dedaal badan oo lagu raadinayo manhaj midaysan kuna qoran af Soomaali ayaa jira, laakiin ilaa hadda lagama midha dhalinin.

Mar kasta waxaa la soo hadalqaadaa dhibaatooyinka ay sababto manhaj la’aanta inna haysataa.  Maanta waxaa la qiyaasayaa in toban manhaj wax ka badan oo laga soo raray waddamo iyo qowmiyado kale lagu dhigo dugsiyada Soomaaliya.  Nasiib-wanaag waxaa jira dedaal badan oo lagu raadinayo manhaj midaysan kuna qoran af Soomaali, laakiin ilaa hadda lagama midha dhalinin, wax la taaban karaana kama soo bixin.

Manaahijtu sidoodaba waxa ay ka turjumaan dadka samaystay mabaadii’dooda nolaleeda, diimeed, dhaqan iyo siyaasadeed. Dadkaasi waxa ay ka rumaysan yihiin noolashooda, naftooda iyo dadyowga kale ayuu manhajku muraayad u yahay, waxa ay qaddariyaan iyo wax ay qiimeeyaan buu samada geeyaa waxa lidka ku ah na  wuu hoosaasiyaa.   Manhajku wuxuu ardayga ku barbaariyaa sooyaalka, hiigsiga iyo himilada umaddiisa. Haddii Dhii-en-eygu (DNA) dhaxalsiiyo caruurta muuqa, garaadka iyo dhaqanka waalidkood, waxa uu manhajku dhaxalsiiyaa islamarkaana ka dhigaa caruurta kuwa waalidkood la aragti ah, la dhaqan iyo siyaasad ah.  Si kooban: manhajku waa jiheeyaha iyo qaabeeyaha hab-fikirka jiilka berri. Sidaa darteed ayeysan marnaba suurtagal u ahayn in umadd kale laga soo rarto manhaj. Maxaa yeelay, waxa ay ka dhigan tahay oo kale adiga oo ku tallaalay jiilkeenna berri mabaadii’dii iyo siyaasadihii ummadaha kale. Waxaa lamahuraan ah in dad kastaa gacantooda ku samaystaan manhajkooda, kuna saleeyaan diintooda, dhaqankooda iyo hab-nololeedkoodaba.

Halkan ka eeg warbixin ay diyaariyeen machadka Heritage:

Caqabadaha Waxbarasho ee Soomaaliya kaddib Kumeelgaarkii: Eegid Muqdisho

Xalka

Waxa aan marnaba laga fursanaynin in la diyaariyo manhaj ama manhajyo waddani ah, oo aan dibadda laga soo dhoofinin. Waxaa loo baahan yahay manhaj Soomaali ah oo ka shidaal qaadanaya aragti-nolaleedka, dhaqanka iyo waxyaabaha kale ee Soomaalida u gaarka ah. Alle waxa uu innagu galladaystay af innoo gaar ah oo hodan ah, ayna tahay in aynu kobcinno oo aynu dhawrno siijiritaankiisa. Sidan maanta jirta haddii aynu ku sii soconno waa aynu waayeynaa afkaas, taasina waxa ay keeni kartaa dadnimadeenna iyo jiritaankeenna oo aynu weyno.

Waddamada Yurub intooda badan, Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed, iyo waddamada kale ee adduunka intooda badani waxa ay ardayda dugsiyada wax ku baraan afafkooda. Ardaydani af Ingiriisiga maaddo ahaan ayaa ay u qaataan, si fiicanna waa ay ugu hadlaan. Yuhuuddu afkoodii oo sii baaba’ayey ayaa ay soo nooleeyeen oo xitaa jaamacadahooda af Cibri baa in badan lagu dhigtaa, mana aysan saamaynin horumarkooda iyo dhaqaalahooda toona. Jarmalka, Jabbaan iyo Shiinaha oo dhaqaalahoodu aad u sarreeyo af Ingiriisi wax kasta kuma dhigaan’e, afkooda ayaa ay adeegsadaan. Finlaan oo meelaha ugu sarreeya kaga jirta tartammada waxbarashada ee caalamiga ah, afkooda Finishka ayaa ay wax ku bartaan. Haddaba, ma jiraan wax innoo diidaya in aynu dhallaankeenna ku barbaarinno afkoodii hooyo, kaas ayaana u wanaagsan koboca garaadkooda iyo fahanka maaddada ay dhiganayaanba. Islamarkaana waxa ay maaddo ahaan u qaadanayaan afafka Carabiga iyo Ingiriisiga, iyo kuwii kale ee waxtar u lehba.

Faa’iidada kale ee ku jirtaa waxa ay tahay in ay fududaynayso helitaanka macallimiin dabooli kara baahida ba’an ee ka jirta tirada macallimiinta ee yar. Maxaa yeelay, in macallinku ku tababarto afkiisa ayaa uga fudud in uu af kale oo uusan si fiican u aqoonin ku tababarto, waxna ku dhigo.

Garanuug waxa ay ku hawllan tahay sidii ay dibuhabayn iyo horumarin ugu samayn lahayd manhajkii hore, ayna u soo saari lahayd buugaag dugsiyeed manhajkaas ku dhisan oo tayo sare leh.

Astaamaha Buugaag Dugsiyeedyadan

Buugaagtan qaybahooda badani waxa ay ku salaysan yihiin oo asaas u ah manhajkii ay abaabushay dawladdii kacaanku todobaataneeyadii ilaa dabayaaqadii siddeetamaadkii qarnigii tagey, ee uu daabacay Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta. Waxa aanu ku samaynay horumarin badan, sida sawirro iyo jaantusyo midab leh aadna heerkoodu u sarreeyo. Meelaha qaarkood waxa aanu dibushaandhayn ku samaynay sida cutubyadu u kala horreeyaan, si fahankoodu ardayga ugu fududaado.

Muddada afartanka sano ku dhow ee ka soo wareegtay qoritaankii buugaagta manhajkii hore, wax badan ayaa isbeddelay, aqoon cusub oo badan ayaa la daahfuray, mid hore loo haystayna waa laga tagey markii ay caddaatay in laga saxsan yahay. Sidaas awgeed, aqoonta manhajkan ku xusani waa mid wakhtiga la socota, wixii dib iska beddelana la sixi doono wakhtigeeda. Waxa aanu xoogga saarnay aragtiyaha asaasiga ah iyo qawaacidda gundhiga ah ee aan marnaba laga maarmaynin, si ardaygu u yeesho aqoon iyo fahan qotodheer.

In kasta oo aannu aaminsannahay in buugaagtu afkeenna ku qornaadaan laguna barto, afafka kalena sidooda ardayga loo baro, waxaa jira maaddooyin aan afaf kale looga maarmaynin. Tusaale ahaan, maaddooyinka diinta la xidhiidha, sida tafsiirka, fiqhiga, xadiiska, iwm, waxa aan looga maarmaynin ereyo badan oo af Carabi ah oo ay tahay in uu ardaygu yaqaanno, fahansanyahayna macnahooda. Sidaas oo kale, sayniska iyo xisaabta iyo maaddooyin kaleba waxa uusan ardaygu ka maarmaynin eraybixintooda af Ingiriisiga ah. Sidaas awgeed, in kasta oo aan adeegsanayno eraybixin af Soomaali ah marka ay suuragasho, waxa aan islamarkaana raacinaynaa eraybixintii afka “asalka” ah oo uu la socdo dhawaaqeedii oo af Soomaali ah. Tani waxa ay ardayga u suuragelinaysaa in uu waxbarashadiisa si fudud ugu sii wadan karo afafka kale marka uu gaadho heer jaamacadeed.

Qaybta hore ee mashruucan waxaan hawshayada ku koobnay maaddooyinka sayniska iyo xisaabta dugsiga sare, fiqhiga, cilmiga xadiiska, suugaanta iyo dhawr maaddo oo soo raaca. In kasta oo sayniska, xisaabta iyo suugaanta in badani tahay qoraal cusub, meelaha qaarkood waxa aan sidoodii ugu darnay qaybo ka mid ah manhajkii hore, kaas oo asaas u ah buugaagtan. Maxaa yeelay, meesha in aan ka saarno ma rabno ee waa dibuhabayn, qurxin, fududaynta fahmiddiisa iyo soosaariddiisa mar labaad maadaama ay adag tahay in la helo. Run ahaantii, waxa uu ahaa manhaj aad u qiimo badan, waddamo badanina aysan weli haysanin wax u dhigma. Yoolkayagu waa in arday kastaa haysto buugaagta uu u baahan yahay. Maaddooyinka diinta la xidhiidha waa aanu ku soo kordhinnay, waana qoraal wada cusub oo aan la xidhiidhin manhajkii hore.

Waxa aan ku dedaalnay intii karaankayaga ah in xogta buuggaatan ku qoran iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin ay la heer ahaadaan aqoonta ay qaataan ardayda heerkan waxbarasho joogta ee waddamada dhaqaale ahaan horumaray (sida dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska), iyada oo aan xaaladda dalka ka ambaqaadayno, si aqoonta aan soo gudbinaynaa ay u noqoto mid waxtar u leh dadka iyo dalkaba. Intaa waxaa dheer, buug walba oo taxanahan ka mid ahi waxa uu wadan doonaa laylisyo iyo tijaabooyin la socda casharrada buuggu ka kooban yahay, si aysan aqoontani u noqonin aragtiyo keli ah ee ay ardayda u dhaxalsiiso qaab feker toosan iyo khibrad xirfadeed oo wax lagu qabsan karo.

Halkan kala deg Bayoolojiga Dugsiga Sare 1

Bayooloji 1

Nukhbatul Fikar

Print Friendly

10 comments

  1. Qoraa c/zaxafi maxamed

    Xaqiiqda jirtaa waxay tahay in guud ahaan umada soomaaliyeed ay ubaahan yihiin manhaj midaysan islamarkaana katurjumaya isbadalada nolosha sida dhaqan dhaqaale sooyaal waxbarasho siyaasad suugaan IWM.

  2. Salaan kadib aad ayaan ugu mahad celinayaa cid kastoo diyaarisay buugaag ku qoraan Manhajkeenna waana arrin muhiim u ah jiri taanka ummadda Soomaaliyeed

  3. Assalaamu Caleykum. Bahda Garanuug Allaaha idin dhowro hawshaan idinka iyo cidii kaloo idinkula jirtaba. Runtii waa nabar ku taagan dhamaan intii wax garaneysa ee afka Soomaaliga ku hadashay. Qoraalkiina maadooyinka dhan in aad dabooleysaan baan ka arkay kheyr Allaaha idiin siiyee, hayeeshee si gaar ah Taariikhda iyo Juqraafiga xooga ma loo saarayaa? Sababtoo ah cilmiga kale adduunkoo dhan baan la wadaagnaa laakiin labadaas annaga ayey noo gaar yihiin waxayna u baahan yihiin juhdi badan runtii.

    Haddii ay suurtogal tahay in aan hawlihiinnaas wax badan ka ogaan karno aniga iyo koox dhalinyaro ah oo daneeya arrimahaanba garab ayaan idiin noqon doonnaa idinka Eebbe.

    Mahadsanidiin.

  4. Asalaamu calaykum.

    Buugaagtan goormey soo bixi doonaan?

    Mahadsanidiin.

    • Wacalaykum salaam,
      Walaal waxaanu ku talo jirnaa in ka ugu horreeyaa soo baxo xagaagan.
      Mahadsanid.

      • Asalaamu calaykum.

        Wa anigii oo mar kale soo laabtay. Waxaan jeclaan lahaa in aan idin weydiiyo, manhajkii hore ee kan cusub aad ku sallayneyseen aragtidee (theory) ayuu ku dhisnaa? Ma aragtida ‘child-centred education’ ayuu ku dhisnaa mise aragtida ‘core knowledge’ ee uu u ololeeyo E D Hirsch?

        Sababta aan idiin weydiinayo waxaa weeyaan aragtida uu manhajka ku dhisan yahay waxay si toos ah iyo si dadbanba u saamaysaa heerka waxbarasho ee ardayda dhigata manhajkaasi iyo natiijooyinkoodaba. Taasi waxaa u marag kacaya farqiga weyn ee u dhexeeyo heerka waxbarasho iyo natiijooyinka imtixaannada dalalka Aasiyada Fog (oo manaahijtooda ay ku dhisan yihiin aragtida Core Knowledge) iyo dalalka Reer Galbeedka badankood (oo ku dhaqma aragtida child-centred education). Sida aan wada ogsoon nahay heerka waxbarasho ee labadaas gobbol waa kaaf iyo kala dheeri. Haddaanu Soomaali nahayna waxaa innala gudboon in aan qaadanna aragtida Hirsch ee Core Knowledge sifa aan u gaarno heerka waxbarasha ee dalalka Aasiyada Fog.

        Waxaad akhrisaan buugga ‘Why Knowledge Matters’ ee uu qoray E D Hirsch (buuggan wuxuu ku qeexay aragtida Core Knowledge iyo asbaabaha kaga mudhbixiyay aragtida kale ee Child centred education); iyo buugga ‘The Learning Gap’ ee uu qoray Harold Stevenson (Stevenson wuxuu buuggan ku barbardhigay dugsiyada Maraykanka iyo kuwa Jabaan iyo Shiinaha). Waa laba buug oo aad u qiimo badan waxyaabo badanna idiin iftiimin doonaan hadduu Eebbe idmo.

        Mahadsanidiin.

  5. khadar mahamod said

    azalamu calaykuma bacda slaan bugagti wali lama soo saarin miyaana

    • Wacalaykum salaam, walaal. Walaal dib-u-dhac ayaa nagu yimid laakiin kii ugu horreeyey wuu socdaaye dhowaan filo, haddii Alle idmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *