Home / Tag Archives: af-soomaali

Tag Archives: af-soomaali

“Qalinkaa wax suureeyaa/ Kugu sima halkaad doonto.”

Sirta Qoraalka: Maxaa Wax loo Qoraa? *** ن ۚ وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ “Nuun. Qalinka [ayaa aan ku dhaartay], iyo waxa ay dhigayaan.” al-Qalam: 1 *** عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : إِنَّ أَوَّلَ مَا خَلَقَ اللَّهُ الْقَلَمَ فَقَالَ لَهُ : اكْتُبْ ، قَالَ ...

Read More »

“Bulshooy adigay bokhraday”

Sirta Qoraalka: Masuuliyadda Qoraaga Soomaaliyeed Qoraagu waxa uu isu xilsaaray in uu hal-abuur iyo gadhwadeen u noqdo nimcada qoraalka ee Alle innagu galladaystay. Waxaa saaran masuuliyad iyo ammaano ay waajib tahay in uu hagar la’aan u guto; taas oo ah kaydinta, kobcinta, dhawrista, iyo faafinta aqoonta iyo garashada ummadi leedahay. ...

Read More »

Ninba intuu akhriyuu qoraa

“Maxaad kula talin lahayd qofka raba in uu qoraalka bilaabo?” “Akhris, akhris, akhris,” Waa weydiin iyo warcelinteed ay badanaa isweydaarsadaan qof qoraa ah iyo mid raba in uu qoraa noqdo. Ceel nin galay baa laga waraystaaye, inta wax qaayo leh qortaa waxa ay ka siman yihiin wax akhris badan. Qofku ...

Read More »

Falanqaynta Miisaanka Maansada

Kun sagaal-boqol lixiyo-toddobaatankii waxaa lagu tilmaami karaa sanadkii laga niib keenay dhawr faa’iidooyin oo ku ladhnaa qorista af-Soomaaliga. Ka sokow in uu qeexay shaniyo-toban kun oo erey, waxaa sanadkaas soo baxay qaamuuskii ugu horreeyay ee sida cilmiyaysan u faaqiday arrinta uu qorahiisu, buuni Yaasiin Cismaan Keenadiid, ku tilmaamay “xasilid la’aanta ...

Read More »

Waxbarasho xer-u-dhalad ah ma loo baahan yahay?!

Waxbarashada casriga ahi waxa ay la kowsatey soo gelitaankii gumaystayaasha reer Yurub ee arlada soomaalida, waxaana bilowgii laga lahaa ujeeddo iyo qarad diin fidin salka ku haya. Wadaad masiixi ah ama baaderi, ayaa waxbarashadaas hor kuutinayey. 1891-kii ayaa dugsiyadii ugu horreeyey ee noocaas ahaa laga kala furay magaalooyinka xeebta kulaalaya ...

Read More »

Qaybaha Buugga

Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo kuwo male-awaal iyo sheeko-faneed ah (fiction). Qaybahan hoos ku xusan intooda badan lagama helo buugaagta male-awaalka/ sheeko-faneedka ah (fiction). Marka aad buug qoraysid, ku dedaal qaybahan in aad qoristooda ku bilowdid bogga midigta xiga, xitaa ...

Read More »

Suugaan

Hidde ahaan, “suugaan” waa erey tilmaamaya mucda ama bilicda wax aayo leh. Sida ay beeralaydu ereygan u adeegsato, marka la sikilo badarka, budada dhuuxa ah ayaa la yiraahdaa “suugaan.” Isla ereygan sida ay raacatadu u adeegsato, dhul roob ku hooray, oo dhirtii ku beernayd ay qurux iyo qaayo la magooshay, ...

Read More »

Isu mise Isku?

Markaan cabbaar u fiirsaday waxaa ii soo baxay in dadka qaarkii ay labadaas erey isku khaldaan, ama aysan farqi badan u samayn markey adeegsanayaan. Sideedaba, af walbaa isagaa dhismihiisa (naxwihiisa) samaysta. Af walba dadka u dhashaa waxa ay ku baraarugsan yihiin in uu jiro sharci xakamaynaya in hadallada sidii la ...

Read More »

Daljir

“Haye, haye, aynu ismaqalno,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Waa faaqidaaddii suugaanta.” Tobankiisii arday waxay la soo baxeen buugtoodii Suugaanta Af-Soomaaliga. Waxaa albaabka ka soo galay Qasaaye oo neef-tuuraya, dhididkuna ka dareerayay. “Qasaayow waqtiga dhowr,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Waad soo daahday.” “Macallin, gabar i jecelaa isbaaro ii dhigatay,” ayuu Qasaaye ...

Read More »

Halbeeg

“War kaas aniga laxna kuma aamineen,” ayuu lahaa Oday dhex fadhiyay makhaayad laga shaaheeyo. “Tolku way ku qasaareen.  Cadowgiisa ma yaqaanno.” Waxaa isla markiiba makhaayadda soo galay nin Saalax la yiraahdo. “Waa doqonkaan Saalax oo kale,” ayuu yiri Odaygii. “Kanna cadowgiisa ma yaqaanno.” “Adeer hee?” ayuu la soo booday Saalax ...

Read More »