Home / Falanqayn / Falanqaynta Miisaanka Maansada

Falanqaynta Miisaanka Maansada

Kun sagaal-boqol lixiyo-toddobaatankii waxaa lagu tilmaami karaa sanadkii laga niib keenay dhawr faa’iidooyin oo ku ladhnaa qorista af-Soomaaliga. Ka sokow in uu qeexay shaniyo-toban kun oo erey, waxaa sanadkaas soo baxay qaamuuskii ugu horreeyay ee sida cilmiyaysan u faaqiday arrinta uu qorahiisu, buuni Yaasiin Cismaan Keenadiid, ku tilmaamay “xasilid la’aanta af-Soomaaliga,” taas oo laga gudbi karo marka ay Soomaalidu “in badan wax qorto.” Waxaa intaas dheer daahfurkii miisaanka maansada Soomaaliyeed, oo sida uu sheegay buuni Andrzejewski [Anjeyafiski] aan “shaki ku jirin” in ay suurtagashay ka dib qoristii af-Soomaaliga ee 1972 (1982). Curiskani waxa uu falanqaynayaa midhaha iyo sooyaalka daahfurkaas.


Halkan kala deg curiska oo dhammaystiran (PDF)


  1. Hordhac

MIISAANKA MAANSADA waa cinwaanka maqaallo taxane ah oo uu qoray, naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyee, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Iyagoo markii hore ku soo baxay wargeyskii Xiddigta Oktoobar laga bilaabo Bilkowaad (Jannaayo) 17, 1976 illaa Riyaale (Maajo) 29, 1976, waxaa maqaalladan dib loogu sii faafiyay Warsidaha BADSO—waxaana taas ku mahadsan Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Jaamacadda Daraasaadka Roma Saddex oo nuqullo maqaalladan ah soo gelisay Kaydka Soomaaliya—si dadweynaha looga haqab tiro aqoonta ay xambaarsan yihiin ee lagu gorfeeyo dhismaha maansada. Baahida jirta, taas oo aynu curiskan ku daboolayno, waa in dadweynaha si faahfaahsan loogu saafo aragtiyaha Gaarriye, iyo kuwa kale ee la hal maala, ee miisaanka maansada Soomaaliyeed.

Gaarriye ma ahayn qofkii ugu horreeyay ee isku daya inuu wax ka qoro mawduucan; waxase uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee ku guulaysta shaacinta hannaanka loo miisaamo meeris—isaga oo sidoo kalena daaliciyay xiriirka ka dhexeeya qaar ka mid ah xubnaha kala duwan ee maansada, sida: gabayga iyo jiiftada, baarcaddaha iyo shallaadka iwm. Xidaarro dhawr ah oo ay ka mid yihiin B. W. Andrzejewski iyo I. M. Lewis (1964) ayaa Gaarriye hortiis isku taxallujiyay in ay helaan furaha miisaanka maansada Soomaaliyeed, iyaga oo ka dab qaadanaya culuumta laga dejiyay dhismaha maansada Giriigga. Waxa ay kuwoodaasi noqdeen hawlo aan midho dhalin, maaddaama oo ay geel (Soomaali) iyo goroyo (Giriig) kala hees yihiin! Hawlahase midhaha dhalay waa waxqabadyada Gaarriye iyo buuni Carraale, oo uu qoraalkiisu bilo uun ka daabacaad dambeeyay qoraalka Gaarriye.

Waxqabadyada Gaarriye iyo Carraale waxaa ka farcamay waxbaarisyo si cilmi ah loogu sii lafaguray mawduucan. Waxaana hawlahan kala gutay buuniyada ay ka mid yihiin: Cabdalla Cumar Mansuur (1977); John W. Johnson (1979); B. W. Andrzejewski (1982); Cabdi M. Guuleed iyo Maxamed C. Riiraash (1993); iyo G. Banti iyo F. Giannattasio (1996). Buuniyadan iyo qoraayo kaleba waxa ay sii balballaadhiyeen aragtiyaha Gaarriye iyo Carraale, iyaga oo sii hodaneeyay cilmiga miisaanka maansada. Waxaa intaas dheer, aniga oo adeegsanaya aragtiyahan isku darkooda, waxa aan daaliciyay xiriirka qotadadheer ee ka dhexeeya dhismaha maansada iyo laanta ixtimaalka, gaar ahaan racaynta iyo Saddexagalka Pascal, ee xisaabta, taas oo sahashay in la tirakoobo dhammaan xubnaha maansada (2015), oo la ogaado xubin kasta qaababka meeriseed ee ay yeelanayso (2011), iyada oo la marayo mid u dhaw dawgii uu Pingala maray 2300 oo sano ka hor (Joseph, 2010).

  1. Yoolka Miisaanka Maansada

Gaarriye maqaalladiisan taxanaha ah waxa uu ku bilaabay: “Maqal. Ma jeclaan lahayd inaad gabaydo? Mase og tahay inaan abwaannimada loo dhalan uun ee la samayn karo? Waxba ha la yaabin. Ma jiro waxaan qofka aadamiga ihi qaban karin, haddii uu niyad fiican la yimaado” (1976a). Sida jirta, ereyga “abwaan” markaas ugu ma qeexnayn Gaarriye sida uu hadda inoogu qeexan yahay, ee ah: Buuni leh ama aan lahayn halabuur maanso. Intaas marka laga gudbo, asalkaba, Gaarriye ma duudsiyin in ay jiraan “dad hibo gaar ah u leh” curinta tixo kala duwan oo maanso ah, kuwaas oo aan aqoon u lahayn cilmiga miisaanka maansada (1976b). Hawsha weyn ee uu qabtay, kuna muujiyay “shuraadaha […] maansadeenna xukuma,” ayuu Gaarriye rumaysnaa in qof kasta, oo aan hore isugu dayin inuu maansoodo, ka taransan karo aqoon uu ku curiyo tixo kala geddisan (1976a). Murtida iyo ashqaraarka tixahanna waxa uu aaminsanaa in ay ku xiran tahay qofba kartidiisa aftahameed.

Haddaba, markii ay maqaallada Gaarriye soo galeen maqaaxiyaha Muqdisho, bal malee adiga oo ah barihii suugaanta oo uu adeegihii shaaha kuu keenayay ku leeyahay: “Maanso curintu waa wax fudud oo la baran karo!” Adiga oo gocanaya muddadii dheerayd ee aad baranaysay curinta iyo faaqididda maansada, waxa aad adeegahaas ugu warcelinaysaa: “Adeer waa la baran karaaye, mase fududa. Kolka hore waxaa loo baahan yahay in dhegtaadu aqoonsan karto laaxinka iyo deelqaafka. In badan ayayna kugu qaadanaysaa in dhegtaadu hawlahaas la qabsato.” Markaas ka dib ayuu adeeguhu kuu keenayaa nuqulkii Xiddigta Oktoobar ee toddobaadkaas, oo uu ku leeyahay: “Miisaankii maansada, Gaarriye ayaa qeexay oo laaxinkii si fudud ayaa immika farta loogu fiiqi karaa, la isagana dhawri karaa. Deelqaafkana awalba dhegtaydu way soo saari ogayd.” Markaas waano kale oo kuu hadhay ma jirto wax aan ka ahayn: “Adeer murtida barashadeedana ku dadaal!”

Sheekadan kore waxa ay muujinaysaa in barashada miisaanka maansadu fure u tahay curinta tixo kala geddisan oo maanso ah. Qofku si toos ah ayuu aqoontan u baran karaa, ama si dadban oo uu u marayo qalbiga halkii uu u mari lahaa qalinka. Haddii uu si dadban u bartona, way ku adkaanaysaa, sidii laashimiintii hore, inuu qeexo laaxinka, oo uu si cilmi ah u saafo, inkasta oo uu garan karo meelaha uu laaxinkani kaga jiro tix. Laashimiintuna, ha u barteen miisaanka maansada si toos ah ama si dadban, waxa ay mar walba ku kala tegayaan kartidooda aftahameed, oo ah sida ay aragtiyo kasta ugu bayaamin karaan ereyba ereyga uu ka habboon yahay. Waxa kale oo ay ku kala tegayaan sida ay murtida u saaraan tixahooda. Murtida lafteedu barasho ayay ku imanaysaa. Waxa ayna ku xiran tahay sida uu qofkani u lafaguro sooyaalkii, sheekooyinkii iyo murtidii hore, oo uu sida ugu balaaqo roon u adeegsan karo.

  1. Qeexista Miisaanka Maansada

Maqaalladiisan Gaarriye ku ma uusan adeegsan ereybixin uu qeexay oo uu kaga maarmo ereyada: “bayd,” “shadar” ama “xubin,” “bad,” “miisaan” iwm, oo badanka ka soo jeeda caruudka Carabiga. Waxaa intaas dheer, ereyada uu adeegsaday ee af-Soomaaliga ku sal leh, sida: “meeris,” “xubin,” iwm, u ma uusan adeegsan sida hadda loo yaqaanno ee ah “diilin tixeed,” “laan maanso,” iwm sida ay u kala horreeyaan (1976a). Haddaba, si aysan akhristaha u dhibin, ereyadan waxa aan ku doorsanaynnaa ereybixinta uu sameeyay Carraale. Waxaana ereybixintan ka mid ah: “alan,” “dhafane,” “xubin,” “meeris,” “hojis,” iyo “hooris” (1976). Ereyadan iyo kuwa Gaarriye sida ay isugu beegmayaan, marka aan soo horraysiinno ereyada Gaarriye, waa: bad = xubin; bayd = meeris; xubin hore = hojis; xubin dambe = hooris. Sida kale, ereybixinta u gaarka ah Gaarriye waa “xundhur,” taas oo aan adeegsigeeda hoosta kaga bogan doonno.

Gaarriye waxa uu ka xog warramay waxa uu dhafanuhu yahay, hayeeshee u ma magac bixin! Sida uu ku qoray maqaalkiisa koobaad, waxaa “jira laba shibbane oo si gaar ah u dhaqma. Waxay kala yihiin (W) iyo (Y). Labadaan xaraf dhawaaq ahaan, mar waxay u dhaqmaan sida shibbanayaasha, marna sida shaqallada” (1976a). [Labadan xaraf marka ay sida shaqallada oo kale u dhaqmayaan waa marka aysan shaqallo kale ku dabo nabnayn, erey gudihiis, sida: ayso, weyso, qoys,  awr, kow iwm. Sida muuqata, waxaa is raacaya shaqallada ka horreeya iyo iyaga, sida hoostaba looga xarriiqay. Waana marka ay curinayaan dhafanayaasha, waa haddii ay shaqallada ka horreeyaa gaagaaban yihiin, sida: ay, ey, oy, aw, ow iwm. Dhanka kale, labadan xaraf haddii ay shaqallo ka dambeeyaan waxa ay u dhaqmaan sida shibbanayaasha, tusaale: koryaal, jawaan iwm. Sida muuqatana, waxaa is raacaya shaqallada ka dambeeya iyo iyaga, sida hoostaba looga xarriiqay.]

Inkasta oo uusan Gaarriye u magac bixin “alanka” haddana qayb ka mid ah alanka oo muhiim ah ayuu diiradda saaray: shaqalka. Waxa uu maqaalkiisa koobaad ku qoray: “Marka u horreysa waa inaynu isla garanaa inay erayadu ka kooban yihiin shaqallada iyo shibbanayaasha. Shaqallada ayaana dhawaaqa sameeya” (1976a). [Si kale haddii loo dhigo, dhawaaq(yad)a uu uu erey ka kooban yahay ayaa la dhahaa “alan.” Tusaale ahaan: af/ta/han, a/liin/di, maa/days/ka iwm—oo intuba ah ereyo saddex saddex alan ka kooban. Alanku waa uu xidhan yahay haddii ay labo shibbane isku gadaamaan shaqal ama dhafane (sida: han, days iwm); haddii kalese waa uu furan yahay. “Marka la muujinayo alammada erey ka kooban yahay, hal xeer ayaa la tixgeliyaa, kaas oo ah: erey dhexdiis, xadee shibbane uu shaqal ka dambeeyo hortiisa. Tusaale ahaan: Awr/boo/gays—oo waxaa la xadeeyay, maaddaama oo ay shaqallo ka dambeeyaan, b iyo g hortooda.”[i]]

Maaddaama oo uu maqaalladiisa ku soo bandhigay wargeys dadweyne, sida aynu soo aragnay, dhanka ereybixinta Gaarriye isku ma mashquulin. Meelaha qaarna taas waxa uu kala mid yahay dhammaan buuniyadii wax ka qoray “miisaanka maansada,” ee aan marka horeba qeexin labadan erey! Sida jirtana, ereyga “miisaan” waxa uu galay kaalintii ereyga “caruud” ama “prosody.” Halka uu “miisaan” ka yahay culaab lagu ogaado walax culayskeeda, caruud (prosody) waa laanta afka ee lagu derso astaamaha alanka—sida: cabbirkiisa, kaas oo gaaban (shaqal gaaban leh) ama dheer (shaqal dheer leh); xidhan ama furan—ee lagu lafaguro dhismaha maansada. Haddaba, caruud ahaan waxaa la miisaamaa meeris ee maanso (oo ah laan ka mid ah laamaha suugaanta), dhisme ahaan, la ma miisaamo. Sida aan qoray, miisaamista caynkan ahna waxaa lagu helaa habdhaca iyo dhererka meeris kasta oo ay xubini kaga soocan tahay xubnaha kale ee maansada (2015).


Halkan kala deg curiska oo dhammaystiran (PDF)


[i] Xogtan waxa aan ka soo rujiyay curis ku saabsan alifba’da oo hadduu Eebbe idmo dhowaan soo baxaya.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Silsiladda Xaydha 3

Mugga sow silsiladdii halkaa haka socoto maaha? Sow nin waliba tarkii haka gar naqo maaha? ...

Silsiladda Xaydha 2

Akhristeyaal aan idiin soo koobo, idinna xasuusiyo qaybtii hore ee qoraalkane, waatey ahayd afartameeyadii qarnigii ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *