Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 9: Mawlicii Murugada

Mamuu iyo Seyn 9: Mawlicii Murugada

Qaybtii Hore

Sitti iyo Taajuddiin waxa ay dhex mushaaxayaan maalmo saafi ah oo if iyo midabyo saafiya ah. Farxad ayuu sannadku ugu dhoolla-bireynayaa, hareeraha noloshooda cusubna wuxuu ku buuxinayaa har weyn oo barwaaqo ah. Wuxuu siinayaa koobab laga buuxiyay farxad iyo guulo illowsiiyay maalmihii cishqiga iyo kala maqnaanta.

Labadii mucaashaq ee kale iyagu wali waxa ay dhex taagan yihiin holaca iyo dhinbilaha samirka iyo calafwaagu shidaan. Habeenka iyo maalintu waxa ay ugu dhashaan, ugu na dhintaan teendhooyin ama qolal yaryar oo kala fog iyaga oo ku kala go’doonsan. Mid kastaaba hareerihiisa kama arko qof uu weheshigiisa jeclaan lahaa ama uu ka maqlo cod uu naxariis ka dheefi lahaa.

Murugada haddaan loo helin saaxiib yara fududeeya; hinraaggu hadduusan helin mid damiya dabkiisa, qaboojiya oo samirsiiya; qofka ay ku dhaceen xaggee ayuu dulqaad iyo adkaysi uga imanayaa? Xaggee ayay degganaan iyo isqurxini ay qalbiga ka soo galaysaa? Si farxaddu u noqoto iftiin, murugaduna u noqoto mid loo dulqaadan karo; waa in la helaa saaxiib labadaba kula qeybsada. Taa haddii la waayana, ma jiraan wax kaga habboon in ay waalli keento murugada ay wehliyaan cidlada iyo kali-ahaanshuhu.

Beryihii hore Taajuddiin ayaa Mamuu u ahaa saaxiibkiisa ay isu dummaan farxad iyo murugo kasta, dhaqtarka iyo samirsiiyaha ugu wanaagsan ayuu u ahaa mar kasta oo hilow iyo caashaq la bidaan. Sitti na waxay ahayd hoyga kali ah ee farxadda iyo murugada walaasheed Seyn, illinteedu dhabta Sitti ayay ku quban jirtay, farxaddeeduna garabka Sitti ayaa ay ku dekayn jirtay.

Maanta miyaa? Mid kasta oo labadaan ka mid ah wuxuu ku dhacay dhabbihii guushiisa, mid kasta wuxuu ku shuqloommay ku farxidda mucaashaqiisa. Mamuu waa kaligiis oo dhul cidlo ah dhex taagan, wuu taahayaa mise cid u damqaysaba uma ay dhawa. Sidoo kale ayay Seyn la duuduuban tahay jirradeedii aysan cidina ogayn; mar walba qolkeeda cidlada ah ayay iska joogtaa; illinteedii ayaa isaga qubanaysa cidlada iyo wehel la’aanta dhexdooda; mar waxay la taahaysaa cidlada ku haysata qasriga, mar kalana waxay la alaladaysaa calafkeeda baas.

Arooskii Seyn walaasheed waxaa laga joogaa afartan maalmood, intaa oo dhan waxay la rafaadsanayd xanuunno iyo islahadal feeraheeda gubay, qof noolna uma ay sheegato sirteeda. Afartan maalmood ayay ahayd oo caqliga Seyn uu dhoofsanaa, qolkeedu isu beddalay mawlac lagu ooyo oo lagu fiqfiqleeyo; raashinka ay cunaysayna wuu ku margadaa; wax kasta oo ay cabbeysana waxaa ku qasmaysay illinteeda oo calwinaysay. Waa afartan maalmood oo quruxleydii in badan quruxdeedu ay sixir jirtay oo sakhraamin jirtay caqliga iyo garashada ay is beddashay; way jilicday, shiilmatay oo basbeeshay, waxaabad mooddaa dayax afar iyo tobnaad ah oo sii guuraynaya, iftiran iyo dhicidna isu sii diyaarinaya.

Gabdhaha iyo adeegayaasha kala duwan ee qasriga kama aysan daahnayn sida uu isu beddalay xaalka amiirad Seyn. Way la yaabbanaayeen oo ka naxsanaayeen xaalkeeda. Qof waliba oo iyaga ka mid ahi waxa uu aamminsanaa in rafaadka iyo diifta haysta amiiradda ay ka dhasheen walaasheed oo ka dheeraatay ka dib markii ay aroos gashay. Si ay xanuunka ay xasuustu keentay uga yareeyaan ayay qaarkood in badan isku dayi jireen mar kasta oo xaflad maamuuseed qasriga laga sameeyo in ay u wehel yeelaan cabbaar oo maaweeliyaan, balse Seyn waxba kama dheefi jirin dadaalkoodaas.

Maalin maalmaha kamid ah ayay dhammaantood isu yimaadeen, waxay ugu galeen qolkeedii ay ku cidlaysnayd, hareeraha ayay ka fariisteen, si jilcan oo ay naxariisi ka muuqato ayay ku yiraahdeen:

“Amiiraddeenna yareey, illaa immisa ayaad qubaysaa illintaan faraha badan ee xanuunka leh?! Illaa iyo intee ayaad la noolaanaysaa murugada kaa muuqata oo aad barkanaysaa hammigaan ku dilooday?!

Haddii ay walaashaa kaa tagtay, iskama aanay tagin e, waxay tagtay ayada oo ku faraxsan oo la dhacsan ninkeedii nolosha la wadaagsaday. Waa maxay sababta kallifaysa in ay farxad iyo wehel gurigeeda kula nolaato, adiguna aad halkaan la fariisato illin iyo murugo dhexdood?

Madaxeenniyeey kugu filan….. haa, intaas ayaa kaaga filan murugadaan aan sababta lahayn. Istaag. Qalbigaa ka soo ruji jirridda hammiga iyo xanuunka, il-qabatooyinka jirkaaga qurxooonna ka dulqaad mugdiga ay murugadaani saartay. Labadaada indhood si uu sixirkoodii ugu soo laabto ka qallaji illinta ka qoyan, wajigaagana ka nadiifi caadka si ifkiisii ugu soo noqdo. Koobkaan buuxa ee dhalaalayana ka mayr raadka illintu ku reebtay si uu uga buuxsamo khamriga teeda yaaquud ka ah ee qaaligaa, waxaana la gaaray xilligii uu madaxu dib u sakhraami lahaa, laabtuna ay rayrayn la wareeri lahayd. Ka soo bax qolkaan aad hinraagaaga uga dhigtay qaxaab dab ah, tolka qasriga ha ka soo dhex baxo, ha ifo oo bartankiisa ha yimaado dhalaalkii, quruxdii iyo ifkii uu lahaan jiray ee muddo hore nuxuusay. Si ubaxyadu u ifaan waxaad ka qaaddaa asturka ay saartay ka dheeraantaadu. Tintaada la tidacayna u oggoloow in ay si xarrago leh uga daadagto labadaada garab dhexdooda, deetana ay ruxmaan, timaha salxanyaha ee ku gedaaman labada dhafoor iyo timaha fooda saaran ba u fasax in neecaawda lagu raaxaysto ay babbiso. Dhuuntana u oggooloow in kuushii u soo celiso ifkeeda, labada dhinac ee madaxana tintu ha u raaracsanto, hana ka lulato sidii dhego gashi oo kale.

Tani waa Aduunyadii iyo quruxdeedii; dabeecadii iyo dhalaalkeedii; kuwaan waa maalmihii oo afkeedu kuu muusoonayo asaga oo leh cirridd laga buuxiyay if iyo farxad; haddaba ha oggolaan in intaas oo dhammi ku dhaafaan adiga oo murug la foorara, naftaadana ha uga sakhraamin koobabka illinta iyo murugada laga cabbo.

Amiiraddeennaay, adduunyadu way qurxoon tahay, adiga ayaa se ka qurxoon; adduunyadu kugu hareeraysani way ifaysaa, balse adiga ayaa ka if badan. Fadlan si ay dunidu dhammays u noqoto, ifkuna ugu buuxsamo, hinqo, farax oo dhoolla caddee”.

Bartaas ayay gabdhihii ku joogsadeen, way aamuseen oo warkiiba daayeen. Waxaa hadalkoodii ka xoog batay hinraagga laabta Seyn ka yeerayay, waxaa isku darmaday codkoodii iyo oohinteedii, warkoodiina waxay jawaab uga dhigtay daad qulqulaya oo ah illin aan waligeed ka imaan.

La yaab maaha, illeen caashaqu waa dab laabta gubaya oo waanaduna sii huriso; waa sir qarsoon oo ku duugan labada dhinac ee jirka dhexdooda; canaanta iyo eedda loo jeediyo markay astaamihiisu muuqdaanna waa ay fadeexeeyaan sirtaas oo bannaanka u soo saaraan. Waliba, waxaa u daran kan waaninaya marka uusan waxba ka ogayn sirta iyo sababta uu la buko oo la murugaysan yahay mucaashiqu; wuxuu maqashiiyaa waa uun hadal aad uga fog waxa laabtiisa ku jira iyo jirrada haysaba; mucaashiquna markuu intaa maqlo wuxuu ka qaadaa waa dareen hor leh oo kobciya kalinnimada iyo cidloonshuhu xanuunka ay leeyihiin; kuna xoojiso dareenka sheegaya in aanay koonka joogin cid fahmaysa oo aan ka ahayn mucaashaqiisa ay is gafeen.

Qoomamo iyo murugo isku jirta ayaa gabdhihii af xirtay, waxay ku dhaygageen labada bishimood ee Seyn ayaga oo ka dhawraya hal kalmad oo u bidhaamisa cadaabka iyo gubashadu halka ay uga yimaadeen. Maxay se, kuugu taallaa illinta indhaheeda ka burqanaysa iyo hinraagga iyo fiqfiqda laabteedu waa kuwaas oo fursad u siin waayay in ay hal eray ku hadaaqdo.

Ayaga oo ay ka shallaysan wixii ay sameeyeen ayay gabdhihii meesha ka kaceen, si deggan ayay midmid qolkii uga baxeen, mid kastana waxaa wajigeeda ku degay astaamaha niyad jabka iyo shaamareerka.

Middii u dambaysay ayaa albaabka u sii xirtay, wajiga inta ay kor u qaadday ayay indhaha galka kaga bixisay wixii ku hareeraysnaa ee ahaa cabsida kallinnimada iyo cidloonshaha; waxay sawiratay oo dib u daawatay muuqaalladii madaxeeda ku sawirmay ee ay ku reebeen gabdhihii ka baxay qolkeeda, bisnka e! waxay isu baddaleen muuqaallo murugo, hammi iyo tiiraanyo oo qura. Gunta qalbigeeda ayaa u yeeriyay go’aan oranaya: kuwani -muuqaallada murugada iyo hammiga- waa saaxiibbada ayyada u dummay oo ayana ay u dummantay oo qura, waa kuwa bar kasta oo qalbigeeda iyo nafteeda ka mid ah ba degay. Siday u daawanaysay muuqaalladaas baas ayay bilowday in ay ayagii u sheekayso, waxayna ku tiri:

“Saaxiibbayaal soo dhawaada; saaxiibada naf quusatay, qoomamada qalbi dhaawacan, saamilayaasha wadaaga sirta ka dambaysa uur-kujirta cadaaban, muuqaallada lulmada ee indhaha fakaraya ay arkaan, koobka khamriga ee loogu tala galay hungriga kharaarraadayi in uu cabbo, isha galka ka cadi muuqaallada ifaya ee ay aragto..dhammaan saaxiibbaday ayaad tihiin

Muchaashiqiinta dhammaantood waxay gaareen mawlacyadii himiladooda, socotadu dhammaan waxay tageen halkii ay ka ifaysay guushoodu oo uu wehelkoodu joogay. Se, waa kan qalbigaygii laga dheeraaday asagoo dartiin -saaxiibbadaas- la maranna [rejona ka quustay] idin soo dhex degay, qof aan idinka ahaynina tiirarkiisa kuma dhex lugeeyo.

Maanta sidaa doontaan u daaqa, sidaa doontaan u maamusha, waxaad u tallowdaan dhanka ay jiraan dareenkayga iyo xubnahaygu; labadayda indhood waaxaad u noqotaan shucaacii hurdadooda; labadayda bishimood waxaad ka buuxisaan sharaabka khamradiinna; fakarkaygana waxaad u noqotaan faynuustii ifinaysay.

Kaalaya saaxiibbayaal, qof idin kaga daacadsan qalbigayga ma aad helaysaane, ii kaalaya, hareerahaygana istaaga; cid aan idiin ka baahi badanahay maalmahaan madoow maba ay jirto; Alle badanaa hilow aan u qabo in aan idin weheshado habeennada mugdiga”.

Ayadoo muuqaalladeeda iska daawanaysa ayaa waxaa daruuraha mugdigooda uga dhex hillaacay muuqaalkii Sitti oo aad mooddid in ay la fadhido, ay is dhaafsanayaan erayo isa samirsiin ah, sidii beri horana ay isu eed sheeganayaan; labadeedii indhood ayaa la iftiimay ismoodsiiskaas; way kacday si ay bal xabadka u saarto ayada oo ku leh:

“Alla Walaashay!! Naftii Seyn iyo ifkii indhaheeda, farxaddayda iyo murugada tii ila qeybsan jirtay; qalbigayga tay sirta wadaageen; buulkii murugadaya; garabkii faraxayga; intaas tii naftayda u ahayd. Alle ayaa iska leh sebanka nafteenna ku kulmiyay hal dabeecad oo kali ah, deetana nagu kala duway calafka iyo guusha! In badan ayaan Alle uga mahad celiyaa in uu ku siiyay calafkaad jeclayd, in uu kaaga farxiyay dhalashada ooggii aad ku riyoon jirtay. Waayuhu ha kuu dhoolla bireeyaan, qosolkiisaa ayaa tacsi u noqonaya murugadayda. Noloshu ha kaa farxiso, farxaddaas ayaa tiiraanyada iga dabcinaysee.

Aniga calafkaygu si kasta oo uu u daran yahay mugdiga habeennadiisa iiga soo fool lihi, marna ma uu jiiri karo oo kama xoog badan karo raalliga aan ku qabo qeybta la ii qoray ee ay tahay in aan ku xassilo. Waa hore ayuu qaadir ii qoray qeybta aan ku leeyahay murugada igu hareeraysan iyo quusta naftayda dhex fadhida. Waa qaddar la qoray in noloshu farxad saafi ah kuu noqoto halka ay aniga ii noqotay tiiraanyo iyo murugo laabtayda degtay. Adiga ayaa leh Taajuddiin ka adduunyadu si farxad leh ay kuu siisay, aniguna Mamuu ayaan leeyahay, kaas oo wata hammi adduun iyo guuldarro, asaga ayaan leeyahay. Alle ayaan u qirayaa in aan raalli ku ahay xukunkiisa iyo qeybintiisaba”.

Habeenka intiisa badan soo jeed ayay ku leysan jirtay ayada oo qol cidlo ah ku jirta. Marar badan ayay jeclaysan jirtay in ay ag fariisato xabbad shamac ah oo shidan, taallana meel gurige geesihiisa ka mid ah; waxay si qumman u daawataa qaabka ay u gubanayso; dhibcaha shamacaasi ka da’aysa ee u eg illinteeda; sida ay u dhalaalayso oo u dhammaanayso. Ayada oo murugo iyo walaahow ka muuqdo ayay markaas dareentaa sida ay u noqotay xabbad shamacyada ka mid ah; sidooda oo kalana u sii if tirmaysa, baaba’aysa oo dami rabta. Intay si aad ah ugu dhaygagto shamaca ayay u sheekaysaa oo ku tiraahdaa:

“Walaashaydaan ila joogta baan la hadlayaa; tan sidayda oo kale uu dabku gubayo; waxaa kugu waajib ah in aad ku faraxdo oo ka mahadnaqdo farqiga qaddartu u dhexaysiisay xanuunkayga iyo kaaga; si la mid ah sida ay qorrax ka soo bax iyo qorrax u dhac u kala geddisay. Dabkaagu korkaaga oo kaliya ayuu saaran yahay, halka uu dabkaygu ka hurayo oo uu ka holcayo gunta qalbigayga iyo bartamaha calooshayda. Dabkaagu wuxuu taabanayaa duntaan carrabka la shido kuu ah oo kama uu gudbo intaas, balse dabkayga hurkiisu wuxuu gaaraa dhammaan wadiiqooyinka naftaydu ay marto; holac aad u kululna wuxuu ka bixiyaa dhammaan jirkayga iyo dhinacyadiisa.

Dabkaagu wuxuu dushaada sare ka bixiyaa if qurux badan iyo ileys, kayguna mugdi ayuu gudahayga ku dhaliyaa; mugdi gudcur ah oo hareerahayga oo idil ku gedaaman.

Dabkaagu wuxuu carrabkaaga saaraa erayo xeeldheer, sixir ah, aftahannimo iyo hadal caddeyn loo dhammaystiray; kayguna waa daqarro feeraha iyo dhinacyada iiga yaalla oo iga hor istaaga in aan hadal iyo dhawaaq toonna karo.

Aan ku weydiiyee adigu maxaad iga ogtahay marka waaberiga iyo maalinta oo dhan illaa iyo habeenka inta laga gaarayo aad iska jiifto, aniguna aan la hinraagayo xanuunka ka dhasha kaawiyad dab ah; qaxab kulul jirsigeeda iyo holac si ba’an u baxaya ag fadhigiisa? Haa oo daqiiqad habeenkii ama maalintii ah kama aan nasto, afuuf iga damiya ma helo, neecaaw bakhtiisana ma quudarreeyo”.

Durba isheedu waxay raacdaa balanbaallis ku wareegaysa hareeraha shamaca, waa tan oo indhahay ku eegaysa waxaa soo dhaafay illin daad qulqulaya ah; intay is celin weydo ayay ku dhahdaa:

“Shimbir yahaw baxsadka ka ah mawlaca kala-tagga iyo murugada, Bulbul yahaw ku mamman dhalaalka holaca; daliil yahaw cad oo muujinaya beenta uu ku hadaaqo iska sheegtaha cishiqiga; midkaagaan naftiisa si geesinnimo leh oo qiimo jaban ku bixinaya!!
Iiga jawaab; inta aad dabka ku meeraysanayso ma wuusan madaxu ku diryaamin? Ma waadan ku daalin socodkaan giriirka leh ee aad ku marayso hareeraha dabka?!

Waan ka xumahay, waana ka cudurdaaran in la is barbardhigo mid si xarrago iyo dhiirranaan ah ugu hayyaamaya geerida dhankeeda iyo mid asaga oo jaraynaya oo argagaxsan hayyaan u ah xaggeeda.

Waxay ahayd in aad ogaato in argagaxaan socodkaaga hareeyay uu tusinayo baqdintii ceebta ahaydi in ay ku hayso; jarayntaada joogtada ahi in ay tahay fudayd aan loo baahnayn; jaceylka aad u qabtid in aad durba dhammaato ayada oo uusan jirkaagii hilow caashaq la bislaanna in ay tahay ka baxsasho aad sabirka iyo rafaadka kaga baqanayso.

Maad iska fariisato oo sidayda oo kale u sabirto illaa inta jirkaagu ka dhalaalayo oo uu ku dhiilmayo mindhicirka laalabyadiisa dhexdooda; muuqaaguna uu ku shiilmayo dabka ruuxdaadu ay ku shiddo? Markaas ayaa xaqiiqada dhulku ay kuu beddalmi lahayd oo cishqigaaguna kuu noqon lahaa ruux dahiran oo waaraysa; waxay kuu noqon lahayd ruux saafi ah oo dhalo la iska dhex arkayo ku dhex jirta; waxaa kale oo kuu suurtoobi lahayd in aad hab siiso holaca adiga oo aan ku gubanayn; si wanaagsan ayaad ugu galgalan lahayd adiga oo aan xanuunkiisaba dareemayn”.

Sidaa ayay ku socotay nolosha Seyn; la cidloonshaha muuqaallada aan la arkayn iyo la sheekaysiga ismoodsiiska iyo khayaaliga ayaa la dawaafi jiray; dawaaf iyo wareeg dheer ka dibna waxaa dareenkeeda, maskaxdeeda iyo laabteedaba ku xasili jiray hal shay oo kali ah; waa magaca Mamuu; calfkeeda dabagaddismay; calafkeeda ka fogeeyay wixii ruuxdeedu u dummi jirtay; calafkeeda ka dhex saaray barwaaqada iyo farxadda adduun oo idil.


Waa inoo moogga xiga iyo Rafaadkii Mamuu.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *