Qoraallo

Lafagurka Suugaanta

Hordhac Weligaa beer ma carrageddisay, ma qodday, ma baaqbaaqday, ma abuurtay, ma fashay, ma limadday, ma jebisay, ma goysay, ma sukushay, ma haadisay, ma cabbaysay, ma rasaysay oo ma suuqgaysay? Hab iyo hannaan aan midkan ka dhicin bay suugaantu martaa. Ugu horrayn, fikradda ay suugaantu xanbaarsan tahay baa la falkiyaa, ...

Read More »

Tartan Curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda 2018

Waa Maxay? Tartankan waxaa loogu magacdaray taariikhyahankii weynaa ee Aw Jaamac Cumar Ciise- Alle ha u naxariisto e-, oo geeriyooday 6dii Janaayo 2014. Waa tartan sannadle ah, waxaana lagu tartamayaa curis taariikhda Soomaalida ku saabsan. Ka qaybqaadashadu waxa ay u furan tahay qof kasta oo Soomaali ah meel kasta ha ...

Read More »

Kaalinta 1: Haasaawihii Xooladhaqatada

Curiskii ku guuleystay kaalinta koowaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Haasaawe waa eray soomaali ah oo nuxur iyo quluud badan oo dareen nafsadeed oo wanaagsan leh. Labo ujeeddo oo kala fog, balse deggenaan iyo dabacsanaan ku wada tilmaaman ayaa loo adeegsadaa. Mar waa hadal dhisan oo bilaa ...

Read More »

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ee kumanaanka sano ku noolayd cidhifka bariga Afrikaad, waxa ay lahayd hidde soo-jireen ah iyo dhaqan nolosheeda ku sargo’an. Dhaqanku waa “isu-geynta nolosha maaddiga iyo ruuxiga ah ee bulsho leedahay, soona maray isbedello taariikheed”. Halka hidduhu uu yahay ...

Read More »

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ka soo jeeda iyo sumad ma guuraana Sowraca gobeed culimadiyo niman salaadiina Sifa gaara baan leenohoo nalagu soocaaye. Intaan seben xumaadkiyo na helin saxal wax duugaaya Oo aan siyaasadu murkacan oo dhib ina saaqin Oon ...

Read More »

Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka

Waa Maxay? Tartankan waxaa loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee Muuse Galaal- Alle ha u naxariisto e- (1920-1980). Waa tartan sannadle ah, waxaana lagu tartamayaa curis ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Ka qaybqaadashadu waxa ay u furan tahay dhammaan inta af Soomaaliga wax ku qorta, meel kasta oo ay joogaan. ...

Read More »

Daraawiish iyo Hoggaamiyahoodii Labo Dhinac aan ka Eegno

Curiskii ku guuleystay kaalinta shanaad ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda.  Dadka soomaaliyeed aragtiyo kala duwan bay ka qabaan Daraawiishtii iyo hoggaamiyahoodii. Qaar baa rumaysan in Daraawiishtu ahayd dooxato dhiig-miirato ah oo mar soo martay waayihii sooyaalka soomaalida; halka qaar kalana ay qabaan in ay ahaayeen halgamayaal rabay in ay heeryadii gumaysiga ...

Read More »

Sayid Maxamed iyo Daraawiishtiisii

Curiskii ku guuleystay kaalinta afraad ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda.  DHALASHADII SAYID MAXAMED Sida dhaqanka iyo soo jireenka ahayd, wadaaddadu ma lahayn goob u gaar ah, waddanka meel kasta waa ay tegi jireen. Degsiimadaasi wadaadka waxa ay ka baran jireen diinta isna xoolo iyo xurmo ayaa uu ku lahaa. Haddaba intaasi ...

Read More »

Keennee Gardaran?: Gafafkii Gumaystaha & Gobonimadoonka

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda.  HORDHAC: Dagaalkii dheeraa ee Darawiishta, socday mudda gaaraysa rubac qarni, 1899kii ilaa iyo 1921dii ee uu hoggaaminayay Sayyid Maxamed Cabdille Xassan, waxaa lagu qiyaasay ilaa iyo 200,000 qof ku dhinteen, dhul ay degaan dad tiradooda lagu qiyaasay waagaasi ilaa iyo saddex ...

Read More »

Faallo Buug: Al-faaruuq Sannadihii hore, Taariikh Nololeedkii Cumar ibn al-Khaddaab (RC)

من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين Faallo Buug: Al-faaruuq Sannadihii hore, Taariikh Nololeedkii Cumar ibn al-Khaddaab (RC) Halkan kala deg buugga Siyaabo kala duwan ayaa buug lagu qiimeeyaa; mawduuca iyo maadada uu ka hadlayo, sida la isugu dubariday ee loo soo bandhigay iyo qoraha buugga laftiisa ayaa ka mida ah ...

Read More »

Silsiladdii Xaydha: 6 (Dhammaad)

Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af Soomaaliga oo in badan kala da’ weyn aawadeed, waxa hallaabay ama marar badan madmadow isku gedaamaa suugaan badan oo haddii qoraal lagu sugi lahaa, afkeenna dhumuc iyo dhadhanba ku biirin lahayd. Yeelkeede, wax aynu dugsanno ama wax ku dul dhisi ...

Read More »

Halgamaa Soomaaliyeed – Sayid Maxamed

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda.  “10,86,400 daqiiqo ayaa filimku socday. Qaybta akshanka, dagaalka legdinta, sabbaaxadda, tuuryada iyo gannida hootada, leeb iyo seefaha ka kooban ayuu ku bilowday. qaybta fardooleyda iyo rukuubleyda awrta ku guurta ayaa ku lifaaqnayd. Qaybta ifanteriga iyo qoryaha xabbad kelyaalaha u dhaca, ...

Read More »

Silsiladda Xaydha 5

Halqabsi ayaa hadal meceeya e, waxa la yidhi beri hore ayaa islaan baa inanteedii curad waxa ka guursaday nin reer miyi ahaa oo jamaal iyo joog Ilaah u dhammeeyay, afarta maal-adduunyana wax ka haystay. In muddo ah markii ninkii iyo inantii wada joogeen, Rabbina aanu sarrifin, ayaa subaxii danbe islaantii ...

Read More »

“Qalinkaa wax suureeyaa/ Kugu sima halkaad doonto.”

Sirta Qoraalka: Maxaa Wax loo Qoraa? *** ن ۚ وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ “Nuun. Qalinka [ayaa aan ku dhaartay], iyo waxa ay dhigayaan.” al-Qalam: 1 *** عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : إِنَّ أَوَّلَ مَا خَلَقَ اللَّهُ الْقَلَمَ فَقَالَ لَهُ : اكْتُبْ ، قَالَ ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 18: Dhammaad iyo Gunaanad

Qaybtii Hore Habeenkaa uu Mamuu dadka aakhiro ku biirayo ee dabadeedna arrimaha tiro beelka ahi is dhalan rogayaan ha dhammaado. Maalinkii xigay qorraxdiisu ha soo baxdo. Jasiiradda Buudaan oo gabigeeduba kaydka murugada iyo oohinta noqotay ha soo dul istaagto. Dadkii jasiiradda ku noolaa oo geerida dhacday darteeda wada hoganaya [qorraxdu] ...

Read More »