Mamuu iyo Seyn 7: Arooskii

Qaybtii Hore

Mar kale ayaan ku noqonaynaa bankii qasriga Amiirka. Waa galab ka duwan kii sheekadiisu inoo danbaysay. Muddo ayaa ka soo wareegtay nikaaxii Taajuddiin iyo Sitti. Taajuddiin wixii galabkii meherku dhacay ka danbeeyay wuu howllanaa. U diyaargarowga arooska iyo ururita baahiyihiisa ayuu ku mashquulay. Immikadan la joogaa waa casar dheere cadceeddu wali kulushahay. Waxaa dabaqa sare buux dhaafiyay tobannaan gabdho ah. Waxa ay ku hawllan yihiin diyaarinta iyo qurxinta amiirad Sitti iyo walaasheed. Si kale marka loo yiraahdo, cidda ay diyaarinayaan waa aroosaddii iyo malxiisaddeedii. Quruxdoodii fitnada ahayd ayay biriq iyo wiriq kale ku sii kordhinayaan. Indhosarcaadkii uu jaahooda iyo jooggooduba lahaa ayaa farshaxan iyo qurux aan dabiici ahayn la sii saarayaa.

Waxa ay howsha ka bilaabeen timaha caruusadda. Waa timo “kistinaawi” ah oo aad u jilicsan. Markii meel xoogeey u jirta laga soo eego xariir ayaa la moodayaa. Inta timo-gabdhood dherer yeelan karayeen ayay leeyihiin. Afarta dhinacba maxadeeda way uga dagteen. Inta ugu badan dhabarkeeda ayay isku dhereriyeen, labada garab dhexdooda ayayna iska shubeen. Wixii ay qurux lahayd daqiiqadahaa timaheedu ay sidaa yihiin bay soo bandhigtaa. Inyar oo isla timaheeda ka mid ah ayaa salxanyadeeda ka soo dhaadhacay. Qaybo kale oo isla timaheeda ka mid ah ayaa wajiga labadiisa dhinac iyo dhafoorrada korkooda isku gedaamay. Markii hadalka la soo koobo, caruusaddu waa sanco Ilaahay oo aad u xeel dheer, dhinnaan iyo qaabdarro ay gacan binii’aadam hagaajisana way ka hufan tahay.

Labada indhood ayay usoo daadegeen. Waa laba indhood oo jismigooda iyo jeexooduba waaweyn yihiin, isuna dhigmaan. Eegmada ay ku soo fiiriyaan oo kaliya ayaad u dhimanaysaa. Timo dhaadheer oo kor iyo hoos u kala laabma ayaa si dareen kicis leh ugu wareegsan il kasta jeexeeda; Waa baalashii indhaha. Korkooda waxaa saaran sunniyo sidii qaansadii oo kale tuur dabacsan leh. Waxa aad is weyddiinaysaa: Indhakuushaan rabbaaniga ah ee aadane uusan wax ku darsan; dhalaalkaan amakaagga leh ee eegmadooda ka soo wirqaysa, indhakuul ama rinji adduunka yaalla oo beddali kara ama doorin kara, miyaa la soo heli karaa?! Bal adba!

Hadda ayay eegayaan jooggeeda, waa joog laan babbato oo kale ah, sida laamaha baxarsaafka iyo laama-looyaha oo kale ah; waxaa la dhex galiyay muuqii ugu xeesha dheer ee islahaansho jir iyo qurux ah; si aad u qoto dheer oo mucjiso ah ayuu Alle u abuuray, xubnaha iyo qeybaha jirka iyo joogguba waa ay is leeyihiin, qeybiba qeybta kale ayay fitnaynaysaa. Waa kuma farshaxamiistaha iyo sanco yaqaanka ku andacoon kara in uu bilicdaan qurux iyo ashqaraar ku kordhin karo?!

Gabdhihii qurxinteeda loo keenay, waxay hareeraha ka istaageen Sitti, way liqdaarmeen, amakaag iyo anfariir ayaa hareeyay; quruxdaan Allaha abuuray ammaantiisa wax aan ahayn afkooda waa laga waayay; wareerka haya iyo wahabka saaran laftiisa ayaa qiray in quruxdaan Alle uu suureeyay aysan gacan aadane wax ka beddali karin, waxna ku kordhin karin.

Waxay go’aansadeen in waxa kaliya ee u bannaani ay tahay in ay quruxdaas mucjisada ah ay taaj uga dhigaan taako-ubaxeed lagu qurxiyay jawharta nooca ugu qaalisan ee Dheemanka (al-Maas), waxay taako-ubaxeedka ka saareen wajigeeda ifaya korkiisa, waxay dhex galiyeen hirarka timaheeda ee ruxmanaya. Jooggeedii, wax ba kuma aysan darsan, waxa kaliya ee ay sameeyeen waxay ahayd in ay u galiyeen shaash cad oo fitnada jooggaas soo saara, mardimo dahab saafiya ah ayaa taashka ku xardhan; qeybta sare way dhuuban tahay oo jirka ayay ugu dhagtay si yaab iyo indha sarcaad leh, qeybta hoose aad ayay u waasacsanayd, faraq dheer oo dhulka jiidmayana waa loo sameeyay. Dhuunteeda iyo inta ka sokayse laabteeda sarana faraha ayaa laga qaaday; ifkiisu ha muuqdo ayaa la yiri; waxaa dhalaal iyo bilic u sii kodhiyay kuul dheemman ah oo dhinacyada dhuunta oo dhan ka ifaysa.

Deetana waxay u gudbeen dhankii Seyn, sida walaasheed uga maarantay qurxinta, si ka weyn ayay ayaduna uga maarantay. Kaligeed ayaaba ahayd aayadda iyo astaanta lagu garanayo sancada Ilaahay xeel dheeraanshaheedu in ay ku sii badan tahay Seyn. Inta yar ee labbiska ah ee walaasheed loo sameeyay wax aan ahayn uma aysan baahan.

Waxyar ka dib waxaa qasrigii amiirka ka soo ambabaxay kolonyadii galbinta, laba saf oo fardo aad loo soo qurxiyay ah ayaa hor kacay, gadaashooda ayay dadku si laba saf ah ugu fayleen, waa kolonyo quruxda heerka ugu sarraysa lagu soo xarragaysiiyay. Koox dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal isugu jira oo aad loo soo diyaariyay ayaa labada saf dhex leexaysanaya. Ayaga dhexdoodana waxaa xarragoonaya astaamihii quruxda jasiiraddan Buudaan; labadii amiiradood. Qorrax sii galbanaysa ayaa iftiin casuus leh ugu deeqaysa jawiga. Haddii ay ay iska dhigi lahayd gabar Xaawo ku abtirsata, marna quruxdooda iyo indhasarcaadkooda ma aanay yeelateen! Kolonyada halka ugu danbaysa waxaa maraya wiilal dhallinyaro ah oo qudhooda laga soo giijiyay. Waxa ay tunka ku sidaan xeeryo laga buuxiyay nooc kasta oo xalwad ah, walxo qaaliya oo arooska loogu talagalay iyo hadyado.

Kolanyadii waxay dhex quustay hirar dad ah oo sidii baddii madow, isna hardinaya; hirar dad ah oo ka soo qulqulay dhammaan daafaha jasiiradda, kulligood waxay si amakaag leh ugu hanqal taagayaan aragtida labada lama-aragga ah ee ay in badan magacooda maqli jireen; waa amiiradihii qasrigu xijaabay. Kolanyadii waxay dhex dabaasheen hirka is rogrogaya, waxay sabbaynayaan bartamaha hirarka, dhammaan indhuhuna waxay eegayaan labadaan fitno ee la galbinayo, sidaa ayuu xaal ahaa tan iyo intuu markabkii kolanyadu barroosinka  dhigtay qasriga Taajuddiin. Qasriga waxaa loo dhisay quruxda iyo farshaxanka maskaxdaada ku soo dhacda tan ugu sarraysa. Tiirarkiisa, cagdhigiisa iyo darbiyadiisa waxaa lagu goglay, xardhay oo lagu qurxiyay noocyo kala duwan oo mutuleel iyo marmar dhalaalaya ah, albaabbada iyo daaqadaha waxaa laga sameeyay geedaha Sandalka iyo Abyanuuska (Kolaati)* dhifta ah ee la qoray, waa la toorneeyay oo la xardhay, dhinacyada iyo saanqaafkana waxaa lagu xardhay far-biyood dahabi saafiya ah.

Ilbiriqsi gudihiisa waxaa carshigii kor u dafay tobannaan gacmo iyo garbo is taageeraya ah. Waa kaas oo dul heeheebaya hir dad ah bartankiis, buuqa iyo sawaxanku wuu badnaa; waa hees cod shimbireed leh, waa gurbaan, waa muusiko, waa erayo cabbiraya amakaagga iyo yaabka lagu jiro, sidaa ayaa loo waldaamiyay illaa laga geeyay bartamaha fadhiga dabaqa sare ee qasriga. Galbintaani intii ay socotay waxaa qeyb kale oo qasriga ka mid ah fadhiyay marti sharaftii; koobabkii sharaabka ayaa lagu dhex wareejinayaa. Taajuddiin bartanka madasha ayuu fadhi saalooto ah ku fadhiyaa; saalooto joog wacan, qurux iyo xarragana loo ebyay. waxaa dhiniciisa fadhiya oo aan ka muuq duwanayn saaxiibkiisa qaaligaa Mamuu. Jasiiraddii Buudaan, gabi ahaanteed soojeed iyo sakhraan ayay isku warsatay, dheesha iyo dhabqinka ayay la ruxmanaysaa. Sannadka foolkiisa waxaa ka haray dhibtii uu lahaan jiray, wuxuu bilaabay in uu dadka u muujiyo muuqaallo farxad iyo saafinnimo loo ebyay. Koobabka khamridu ku jirto waa la qeybinayaa; guuxa turumbda, kitaarka, codka heesaha iyo gurbaankuba waxay kala jeexayaan jawiga samada; boqollaal gashaantimood iyo inammo ah ayaa si wadajir ah u jaasaya, waxaa la ruxmaysa oo laab raacday qalbiyada martida. Ayada oo jawigaas bartanka looga jiro ayaa waxaa soo baxay barbaar adeegayaal ka ahaa qasrigii Amiirka, waxay gacmaha ku sidaan xeeryo qalin ah, xeeryaha waxaa buux dhaafiyay xantoobooyin dahab, qalin iyo haddiyado qaali ah isugu jira, waxay bilaabeen in ay meel sare oo afarta jiho oo qasriga ah ka soo firdhiyaan xantoobooyin xeeryaha laga soo qaaday. Ayagoo wirqaya oo aad mooddo xiddigo if badan, si xad dhaaf ahna samada looga soo ganay, ayay xantoobooyinkii dadka ku dul hoobteen. Deeqdii Amiirku, dadka waa ay wada gaartay, dhamaan dadkiina si kal iyo laab ah ayaa ay mar kale u farxeen. Badanaa faqiir habeenkaas hodan noqday, badanaa mid wax la’aa oo habeenkaas tanaaday! Toddobo habeen oo xiriir ah ayaa farxaddaas dhexda looga jiray, dhammaan waxaa ka dhexeeyay faraxa iyo baashaalka, waxay ahayd hordhac loo sameeyay saacaddii cumirga, saacaddii xiriirka iyo kulanku uu dhex mari lahaa Sitti iyo Taajuddiin.

Habeenkii toddobaad, waxyar ka hor oogga waabari, xilli farxaddu ay wareega caddaynayso, dadka qalbigoodana ay qafaalatay ayuu hilowgii labada caruus isu qabeeni uu gaaray heerkii ugu kululaa, cishqiga kulkiisii ayaa si aad u daran u huriyay feerahooda, qaboowga neecawda waabarigu leedahay iyo holaciisii ayaa isku milmay, is weheshigii iyo raynrayntii ayaa isku meegaartay, taabasho kaawiyad ah ayay laabtooda ku asiibtay. Samirkii gubasho ayuu bilaabay, dulqaadkiina waaba sii baaba’ay. Yaab ma laha, illeen dadbkii hela neecaaw babbisa, hareerihiisana la tubo duur iyo caws, wuxuu ku qasban yahay in uu qaxo oo uu holco.

Kobtii ayaa wali la fadhiyaa. Daqiiqad ku dhex jirtay daqiiqadihii jawiga neecaawda iyo sixirku uu socday, ayaa si kadis ah waxaa u ballaqmay albaab weyn oo ku beegan saalootada uu Taajuddiin ku fadhiyo, albaabka gadaashiisa waxaa ka muuqda qol loo darbay jiif, qol qurux iyo xarrago loo ebyay, qol aad is oran ma guri adduun baa? Mise waa riyo iyo fitnadeed?! Tiirarka qolka waxaa ka soo udgaya miski iyo caraf badan, hareeraha waxaa la tubay shamacyo ifaya, kala midab ah, mid ba qaab gaar ah loo sameeyay, dhammaantood waxay lahaayeen if qurux iyo indhasarcaad leh, if lagu hurdoonaya, miis yar oo qolka geeskiisa yaalla ayaa waxaa la saaray xeeryo yaryar oo dahab lagu xardhay, waxaa ku jira macmacaan iyo qalab baashaal. Ka dib intaa, ayada oo uu taajuddiin kobtiisa fadhiyo, qolkana daawanayo, ayaa waxaa bartamaha guriga la soo istaajiyay shamac ifaya oo jooggiisu dheer yahay, waxaa wada ehelkii labada caruus. Waxaa shamaca geesihiisa lagu soo xardhay laamo biyo ah oo dahabiya, fiintiisa sare waxaa la suray taako laga sameeyay quraarad la xardhay, dhabarkiisa if holaca ayaa ka baxaya. Waxay dhex istaajiyeen qolka jiifka bartankiisa, Taajuddiin ku beeggiisa, indhishiisa hortooda. waxaabad mooddaa in shamacani uu Taajuddiin la hadlayo oo uu ku leeyahay:

“Mucaashaqyahaw hilowgu uu ka qaaday xassiloonida iyo dulqaadka, waxaa lagu moodaa in xanuunka iyo holaca I haya oo kale aad adiguna qabtid.

Haddii ay sidaa dhab tahay, ka soo kac Meesha aad fadhidid ee aad ku noogtay, kaalay oo imoow halka caruusaddaadu kugu sugayso.

Soo istaag, waa tan oo uu shamacaagii ku sugayee, labadaada dhinac daalka haya mid la mid ah ayaa ayadana haya.

Waa dabkii sugitaanka.

Waxaa shiilmid iyo gubasho kuugu filan in aad ila mid tahay. Waxaa illin iyo qulqulkeed kaaga filan in aad ila mid tahay.

Ileyskii uu dartiis qalbigaagu la lumay, waa kan oo maanta hortaada ka ifaya, isku soo tuur fallaarihiisa, sida ballanbaalistu ifka fallaarihiisa ugu boodbooddo oo kale, waa marka ay fallaaraha iyo faraqyada holaca ku daadato.

Kan hayyaanka ku jirayoow, wax badan ayaa gummadahaagu daaleen si aad kacbadaan u soo gaartid.

Mid kan lugaynahayoow, badanaa inta beerkaagu oomay, adoo is lahaa kacbadaan ku soo dawaaf.

Si dhib yar ayaa Alle kuugu fududeeyay, dartaa ayuuna shiddo li’i kuugu suuro galiyay.

Waa tanaa kacbadaadii, ayadaaba kuu timid, waa kan oo halkii aad ku dawaafi lahaydi kuu soo dhawaaday,  kaamana uu dheera.

Mucaashiqaan guulaystay baan la hadlayaa, soo kac oo ku dawaaf, kaalay oo hab sii, kaalay oo aqbal, kaalay oo guddoon.

Mucaashiqa oommanoow, soo istaag, sharaabkii oonka bi’in lahaa ayaa koobka lagaaga buuxiyay, khamradiina waa tan oo sugaysa in aad cabtid”.

Farfiiqa noocaan ah ayuu Taajuddiin ka fahmay in la gaaray amminkii xiriirka; ooggii kulanka mucaashiqiintu imminka ayuu istaagay. Durba fadhigii ayuu ka kacay, si xassiloon oo deggan, ayuu qolkii albaabkiisa la ballaqay u aaday, qolka waa lagu sugayaa, waxaa dhinac socda Mamuu, saaxiibkiisa murugo iyo farax ba la qeybsada, labada gacmood ayay is haystaan, waa isku qalbi, Mamuu waxaa dhinaca u suran Seef, waa dhaqan soo jireen ah in malxiisku seef dhinaca gashado. Illinka qolka ayuu Mamuu istaagay, wuxuu u hanqalloocsaday in uu saaxiibkiis sagootiyo, baaq ayay ahayd uu leeyahay “kaligaa qolka gal”, waa ilbiriqsiyo, ilbiriqsiyo uu libdhay taajuddiin, durba albaabku ayuu xirtay, balse saaxiibkiis bartii ayuu taagan yahay, kama uu dhaqaaqin, malaha waa waardiya qolka lagu ammaaneeyay.

Farfiiqa noocaan ah ayuu Taajuddiin ka fahmay in la gaaray amminkii xiriirka; ooggii kulanka mucaashiqiintu imminka ayuu istaagay. Durba fadhigii ayuu ka kacay, si xassiloon oo deggan, ayuu qolkii albaabkiisa la ballaqay u aaday, qolka waa lagu sugayaa, waxaa dhinac socda Mamuu, saaxiibkiisa murugo iyo farax ba la qeybsada, labada gacmood ayay is haystaan, waa isku qalbi, Mamuu waxaa dhinaca u suran Seef, waa dhaqan soo jireen ah in malxiisku seef dhinaca gashado. Illinka qolka ayuu Mamuu istaagay, wuxuu u hanqalloocsaday in uu saaxiibkiis sagootiyo, baaq ayay ahayd uu leeyahay “kaligaa qolka gal”, waa ilbiriqsiyo, ilbiriqsiyo uu libdhay taajuddiin, durba albaabku ayuu xirtay, balse saaxiibkiis bartii ayuu taagan yahay, kama uu dhaqaaqin, malaha waa waardiye qolka lagu ammaaneeyay.

Taajuddiin, qolkii ayuu galay, mise caruusaddiisa ayaa fadhida shamaca gadaashiisa, illinta indhaheeda ayaaba uga sheekaynaysa cishiqga iyo xiriirka caawa bulaalay. Inta uusan jirkoodu isu soo dhawaanba, waxaa is gacan qaaday indhahooda, si degganaan iyo dabac leh, waxaa hab isa siiyay labadooda qalbi, si amakaag iyo irkig dheer leh, dabkii feerahooduna wuxuu isu beddalay malab iyo khamri. Shamacyadii ifayay ee sii gubanayay ayaa barakeeyay koobab laga buuxiyay ubaxyo dhalaalaya, ubaxyo soo jiita balanbaalista, shamacyadaas oo kali ah ayaana markhaati iyo goobjooge ka ahaa ilbiriqsiyadii ugu qurxoonaa ee dhex maray mucaashiqiintii Taajuddiin iyo Sitti.

Saddex maalmood oo xiriir ah ayay labadii caruus ka mashquuleen gabi ahaan ba dunida, saddex beri oo ay ku jiifeen riyada rumowday dhabteeda, isla riyadii ayay la soo toosayeen, quudkoodu waa malabka xiriirka, cabbitaankooduna waa calyada webiga biyaha macaan ee la yiraahdo Bishimaha.

Mamuu weli meeshii ayuu taagan yahay. Dadkii kale oo dhan ayaa carriga ka hoyday. Isagu sidaa kuma tala jiro oo shaqa adag oo uu Amiirka jasiiraddu u caleema saaray ayuu hayaa. In uu sidaa u liqdaarnaado wuu ku faraxsan yahay. Saaxiibkii dartii in uu meesha u taagan yahay ayuu qirsan yahay. Waayo oo saaxiibtimada ayaa xeer u leh in daacadnimada labada qof dhex taalla si walba oo suuragal ah kor loogu qaado. Waxa aad moodda in uu yahay gaar-haye. Waxa uu qorshaynayaa in uu noqdo, saddex beri ka dib, qofka ugu horreeya ee Taajuddiin u hanbalyeeya. Meel gees ah oo qasriga ka tirsan ayuu ishaaraystay. Waa meel uu ku nasto, isla markaana ka hillaadin karo albaabka qolka jiifka ee arooska. Waa meel yar oo quruxda sida guud u haraysay qasriga qayb lixaad leh ka qaadatay. Halkaas ayuu fariistay oo istaaggii saacadaha ahaa kaga nastay. Saddexdii bariba boqcaddaa geeska ah kama dhaqaaqin. In dan culus ku timaaddo mooyi’e si kale bannaan ugu ma bixi jirin, degdegna wuu u soo laaban jiray.

Mamuu kalinimo ayuu dareemay. Kobta lagu cidleeyay ayuu la falgalay. Xiisihii jacaylka ee feerihiisa fadhiyay ayaa danqaday. Muxubadii haysay ayaa cirka lagu shareeray. Xaalad kacdoon ah ayuu galay. Wuxuu soo xasuustay maalimihii ugu danbeeyay oo dhan qof uu arkayay. Waa Seyn. Dhowr jeer ayuu milicsaday iyada oo soo ilqooraadinaysa. Waxa uu arkayay iyada oo la quusaysa hirkii ay walaasheed, caruusaddu, ku maanshowday. Way ku garab dabaalanaysay. Quruxda iyo shacniga ka muuqdaa qiyaas ma leh, wax lagu misaalana wali lama arag. Dareenka ayaa ku holcayay marba marka ka danbaysa. Kalinnimida ayaa ku sii shidaysay oo dogobbo sii saaraysay. Xaalad buu galay naftiisa lagu dirqiyay. Dareenka ayuu xanbaari waayay. Xoog iyo adkaysi kasta oo uu lahaa ayaa wax u tari waayay. Kacdoon nafsadeed uu xammili kari la’ yahay ayaa haysta.

Sidaa oo uu xaalkii yahay ayuu qabow yar oo himilo naftiisa u sida dareemayay. Qabowgaa himilada siday ayaa ka dabcin jiray kacdoonka nafeed ee haysta. Waa himillo jiriddeedu ku aroorayso sidii uu Amiirku ula dhaqmay habeennadii xafladdu socotay. Himiladaa wuu ku farxi jiray, farxaddaana murugada feerahiisa kusoo cusboonaata ayay bakhtiin jirtay. Wuxuu isku la sheekaysan jiray rajadii uu ku guulaysan lahaa in ay miro dhalisay, goorta uu se guran doono ayuu garan waayi jiray. Marka uu fadhiga ku caajiso oo ay luguhu kabaabyoodaan, daafaha qasriga ayuu in cabbaar ah meegaaraysan jiray.

Karaamadii uu Amiirku u muujiyay habeenkii arooska, sababtii uu ugu muujiyay oo saaxiibtinimada isaga iyo Taajuddiin u dhaxaysa ahayd, doorashadii uu u doortay in uu malxiisa caruuska yahay, casuumaddii uu isaguba dareemay ee Amiirku ugu gartay in uu Taajuddiin garab fariisto, amarkii uu ku siiyay in uu isku-joog kuwa caruuska u eg uu soo xirto, arrimahaas oo dhan ayaa maskaxdiisa ku wareegaya. Waxa uu u qaatay in ay tahay caddayn weyn oo si qayaxan u muujinaysa in amiirku uusan ka diidi doonin in uu Seyn nolol la qaybsado. In uu u guurin doono, walibana uu u dhigi doono xaflad sida tan oo kale qurux iyo weyneyn isku darsatay, ayuu arrin suurogal ah in ay tahay u qaatay.

Oo haddaba yaa og? Laga yaabee in Amiirku dareemay wax uun ku saabsan cishiqooda, cishqigaan ku baarqabbaynaya laabta Mamuu. yaa og in uu amiirku naxariis iyo dabacsani ka qaaday xafladdaan quruxda badan, farxaddaan, barwaaqada iyo raynraynta uu Mamuu saaxiibkiis la goonida yahay, laga yaabee in dhaqankiisaani yahay farmuuqa ugu habboon ee rajo galin kara Mamuu.

Yididiilooyinkaasi waxay Mamuu ka dhigeen mid ka fakara oo sawirta dhismaha farxaddiisa iyo hanaqaadka cishqigiisa. Wuxuu noqday mid ka fakara sida uu u dhisan doono qasri qurxoon oo u eg midka saaxiibkiis; sida uu ugu qurxin doono alaab guriga tan ugu quruxda badan iyo sida uu ugu meegaari doono beer doog ah oo la mid ah tan guriga Taajuddiin ku taalla. Wuxuuba naftiisa ugu sheekeeyay in ay lagama maarmaan tahay in uu hadda billaabo dhaqan galinta fikraddaan; wuxuu ka cabsi qabaa in waqtigu u saamixi waayo marka uu amiirku maalmo yar ka dib si kado ah ugu soo bandhigo guurka muchaashiqaddiisa Sayn, si la mid ah sida uu Taajuddiin ugu soo dadajiyay, walwalka ugu darani wuxuu ka haystaa sida uu maalmaha diyaar garowga u sabri karo haddii guurka iyo hirgalitaanka caashaqu ay ku soo degdegaan.

Aan soo uruuriyo warka e, Saddexdaas maalmood ee ahayd markii ugu horraysay ee asaga iyo saaxiibkiisa muddoo intaa le’eg is moogaadaan, xaaladda nafsi ahaaneed ee Mamuu waxay ahayd mid u eg qaansaroobaad, wuxuu yeeshay midabyo kala geddisan oo shucuur iyo dareen ah, eray lagu cabbiri karana ma uu jiro. Jaceylkii darnaa ee dhidbihiisu sees qodaalka ku aasmeen iyo waxaa isku milmay holac hilow ah, waxaana dheehay yididiilo leh muuq aad u qurxoon oo dhalaalaya, intaa oo isku duuban ayaa dhex qaadday dareemayaashiisa oo dhan, waxaa holaca cishqiga dhexdiisa uga unkamay riyooyin wanaagsan, raynrayn udgoon iyo farxad uu ka qaaday damaashaadka saaxiibkiisa uu jaceylku u hirgalay.

Aroornimadii subaxdii saddexaad ayuu soo baxay Taajuddiin, waxa ugu weyn ee ku xambaaray in uu soo baxana waxay ahayd in uu xusuustay saaxiibkiis Mamuu. In door ah ayaaanay is arag, wuxuuna u soo hilloobay in uu arko, xaaladdiisa iyo qalbigiisii dhaawaca ahaana uu xog ka soo helo..

Qasrigii ayuu ka soo baxay, dhanka beerta ayuuna u soo dhaqaaqay, albaabkeeda bannaanka loogu baxo ayuu ku jeedaa, guriga Mamuu ayuu dhankii uu jiray sii abbaaray, balse meel dheer ayuu ka arkay bidhaantii Mamuu, kadis ayaa ay ku ahayd, illeen ma uusan ogayn in uu wali qasriga joogo oo uusan meelna uga bixin.

Hab ayay isa siiyeen saaxiibbadu, Taajuddiin wuxuu ka ilbuuxsaday wajiga saaxiibkiis, durba wuu dareemay in jirro iyo is-lahadal ay hareeyeen Mamuu oo uu sii bukooday. Mamuu, wuxuu qabaa xanuun uu goostay in uu ku ekeeyo gees yar oo qalbigiisa ka mid ah, si uu saaxiibkiis farxadda ugula qeybsado si dhammeystiran. Baraarug ka dib ayuu Taajuddiin uu Mamuu ula dhaqaaqay meel gees ah oo beerta ka mid ah, wuxuuna ku yiri:

“Saaxiib waxa aan dhaar ku marayaa in haddii aan heli lahaa wadiiqo ay farxaddaadu uga hormarayso tayda, aan taada hor marin lahaa. [Wallaahi] haddii uu ii bidhaami lahaa jid aan farxaddayda iyo jaceylkayga kaga hor marin karo caashaqaaga iyo farxaddaada, hal ilbiriqsi kama aan daaheene waan qaadi lahaa. Balse, adiguba waad ogtahay in sidaani ay tahay wadiiqada kali ah ee aynnu ku gaari karno hankeenna iyo cishqiga qalbiyadeenna ku xasilay. Kalsooni buuxda ku qab in aysan ii cuntamayn in aan farxad iyo barwaaqo ku noolaado, adiga oo jirro jaceyl la daallan.”

Sidaa ayay labadii saaxiib cabbaar ku jireen, in door ah oo tahniyadayn iyo sabirsiin ah ay isdhaafsanayeen ayay ku sugnaayeen. Kani si kal iyo laab buuxda ah ayuu ugu hablayaynayaa saaxiibkiis, kan kalana wuu sabirsiinayaa wuxuuna ugu bishaaraynayaa in asagana guushiisii ay soo dhawaatay.

Maxaad ka taqaannaa saaxiib? Alla qaalisanaa saaxiib qalbigiisu dartaa u gubanayo isaga oo aan hankiisii helin, oo marka uu arko adiga oo faraxsan illaaba dhibtiisii, laabtiisii dhaawaca ahaydna farxaddaada uga dhex sameeya aroos iyo dabbaaldeg qariya buktadiisii; Mamuu.

Dunidu haddii ay kuugu deeqdo saaxiib kan oo kale ah, waa in aad u hurtaa wax kasta oo dunida yaalla ee aad heli karayso, waayo waa if aad haysato xilliyada aad mugdiga dhex tiimbanayso; marka aad quus gaartidna waa rajada kaliya ee aad leedahay.


Waa inoo moogga xiga iyo Fitnadii


*Abyanuus (Ebony ابينوس), ustaad Axmed Ibraahim Cawaale ayaa ii faa’ideeyay intan: “Ebony waa geed ka baxa badi galbeedka Afrika, jaad kale oo ka mid ahina waxa uu ka baxaa Indooniisiya. Dhuuxiisa ayaa aad u madow. Waa ka duwan yahay Sandalwood. Waxa jira geed magaciisa la ii gu sheegay “Kolaati” oo ka baxa jiinanka webiyadeenna koonfur Soomaaliya. Waxa ay isku bax yihiin “ebony-iga”.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, …

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *