Qoraallo

Mamuu iyo Seyn 1

Qalbi kasta oo uu calafkiisu kabbisiiyay xinjiraha jaceylka halkii isaga oo biyo qaboow ah uu dhadhamin lahaa; qalbi kasta oo nasiib-xumadiisu gayaysiisay in uu ku gubto dabka jacaylka oo aan mar kaliyana goosan dheefta mirihiisa ayaan u hadiyeynayaa sheekadan oo laga qoray xaqiiqo dhacday, isla markaan ka tagtay taariikh xanuun ...

Read More »

Guudmar iyo Gorfayn Buug: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus

Magaca: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus (الأخلاق والسير في مداواة النفوس) Qoraaga: Ibnu Xasm ad Daahirii. Tifaftir: Muxammad al Kacbii, Daarul Qalam. Akhlaaqada wanaagsani meel sare ayaa ay kaga jirtaa diinta Islaamka, Ilaahayna markii uu ammaanayey Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ku tilmaamay in uu ku sugan ...

Read More »

Waxbarasho xer-u-dhalad ah ma loo baahan yahay?!

Waxbarashada casriga ahi waxa ay la kowsatey soo gelitaankii gumaystayaasha reer Yurub ee arlada soomaalida, waxaana bilowgii laga lahaa ujeeddo iyo qarad diin fidin salka ku haya. Wadaad masiixi ah ama baaderi, ayaa waxbarashadaas hor kuutinayey. 1891-kii ayaa dugsiyadii ugu horreeyey ee noocaas ahaa laga kala furay magaalooyinka xeebta kulaalaya ...

Read More »

Sababaha Baaba’a Dawladnimo

Maxaa ay dawladuhu u dhintaan, xaddaaraduhu u burburaan ama ummaduhu u baaba’aan? Waa su’aal da’ weyn oo aqoonyahano badani, waqtiyo kala duwan doodo ka dhiibteen. Aqoonyahannada ka hadlay arrintan ee wax ka taabtay waxaa ka mid ahaa caalimkii taariikhyahanka ahaa ee Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun (1332 –1406M). Ibnu Khalduun waxa uu ...

Read More »

Qoritaanka Curiska- Guudmar

Waa Maxay Curisku? Curisku waa qoraal habaysan oo ku saabsan hal mawduuc. Curisku waa uu ka geddisan yahay maqaalka, inkasta oo ay aad isugu macno dhowyihiin, mararka qaarna isku si loo adeegsado. Sida maqaalka oo kale, curisku waxa uu yeeshaa gundhig (thesis), taas oo lagu soo bandhigo, si toos ah ama ...

Read More »

Tartan-Curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda

Waa Maxay? OGEYSIIS: tartankii 2017ku waa uu xidhmay. Waa innoo 2018 oo la soo dhejin doono dhammaadka sannadkan (2017), haddii Alle idmo.  Tartankan waxaa loogu magacdaray taariikhyahankii weynaa ee Aw Jaamac Cumar Ciise- Alle ha u naxariisto e-, oo geeriyooday 6dii Janaayo 2014. Waa tartan sannadle ah, waxaana lagu tartamayaa ...

Read More »

Aw Jaamac Cumar Ciise

Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uu ka mid ahaa hormuudka taariikhyahannada Soomaaliyeed, waxa uuna caan ku ahaa uruurintii iyo qoristii taariikhdii iyo suugaantii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Daraawiishtiisi. Dadkii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Cali Dhuux, Cabdi Gahaydh, Cadnaan Qamaan Bulxan, iyo boqollaal kale. Isaga oo ka ...

Read More »

Waraabaha ku Carar!

Seben barwaaqo ahaa ayaa aanu geel ku haynay meel hawd sare ah oo doog iyo ugbaad badan. Hadda geeljire ayaa aanu ahayn oo reero lama aanu joogin. Beentu waa shay xaaraan ahe, anigu lix gu’ ayaa aan kolkaa jirey. Meeshu waa dhul shareeran oo hinni ah. Roobka gu’ga oo kolkaa ...

Read More »

Suufinimo : Sooyaal iyo Saamayn

Hordhac Dugsiyada fikir ee sameysmay boqolguuradii labaad ee tirsiga Hijrada waxaa ka mid ah fikirka Suufiga ah, oo aad u faafay saamayn badanna ku yeeshay dadka Musliminta ah dhexdooda. Suufinimadu waxa ay qayb ka noqotay fidinta iyo barashada diinta oo culumo badan oo suufiyo ah, ayaa dhulal badan ugu socodaalay ...

Read More »

Baalkii Madoobaa ee Noloshayda- Buugga Sannadka 2016

Buuggani waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Buugga Sannadka. “Baalkii Madoobaa ee Noloshayda” waa magaca sheeko dhab ahaan uga dhacday Magaalada Muqdisho oo la buugeeyay. Gugan sii dhammaanaya ee 2016 ayaa la faafiyay dabcaddii ugu horreysay ee buuggan. Carwadii buugaagta ee Muqdisho 2016 ayay ahayd meeshii ugu horreysay ee lagu soo ...

Read More »

Buugga Sannadka 2016

Abaalmarintii Buugga Sannadka ee ay u codeeyeen akhristeyaasha bogga Garanuug ee Facebook, waxaa ku guuleystay buugga “Baalkii Madoobaa ee Noloshayda” oo uu qoray Warsame Shiidley. Halkan ka akhriso faallo kooban oo ku saabsan buugga. Buugaag badan ayaa loo codeeyey. Waxaanuna rajaynayaa in la akhrin doono oo laga faa’iideysan doono. Shanta ...

Read More »

Afka iyo Suugaanta 1

Suugaanyahan iyo afyahantoona ma ihi, marka la eego takhasuskii iskuulna tumaal baa aan ahaa, marka la eego hiwaayaddaydana waa diin. Suugaan iyo af, iyo malaha tumaalnimaduna xidhiidh ma laha. Haddana waxa ay noqotay uun bal hamzatul wasli ma noqon karaa? Waxaygu waa labo farriimood, laakiin waa laga yaabaa labada farriimood in ...

Read More »

Jaamacadda Camuud

Dooxada Camuud (Amoud Valley) ee dhacda bariga magaalada Boorame waxa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee laga dhisay dugsi sare gobolkii uu Ingiriisku gumaysan jiray ee dhulka Soomaalida. Si middaas la mid ah, isla dooxadaasi waxa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee jaamacad laga hirgaliyay kaddib burburkii dowladdii dhexe ee ...

Read More »

Imaam Axmad

Imaam Axmad Ibnu Xanbal (164H-241H, Baqdaad, 88 jir): Abuu Cabdallah, Axmad ibnu Muxammad ibnu Xanbal. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Xanaabilada oo xilligeennan ku badan Sucuudiga. Waxa uu ku dhashay magaalada Baqdaad sannadkii 164H, aabbihiina waxa uu geeriyooday isaga oo saddex jir ah, waxaana korisay hooyadii. Barashada xadiiska waxa uu ...

Read More »

Caasha Jaamac Diiriye

Caasha Jaamac Diiriye- Alle ha u naxatiisto e-, waxa ay laba gabay ku lahayd silsiladdii Siinley. Jabuuti ayaa ay ka soo tirisay. Waxa ay u soo dirtay qolyihii Lafoole iyo Muqdisho ku sugnaa. Waxa ay ahayd inanta qudha ragga silsilad maanseeddaas ku tarraxaysey. Caasha waxa ay ku dhalatay 1940 kii ...

Read More »