Home / Aragti / Madaxdeennu ma Hoggaamiyeyaal baa mise waa Maamuleyaal?
©Freepik

Madaxdeennu ma Hoggaamiyeyaal baa mise waa Maamuleyaal?

Weydiinta summada u ah qoraalkeennan, inta aynaan ka jawaabin ma isla sii fahannaa farqiga u dhexeeya hoggaamiye (leader) iyo maamule (manager)? Inta badan waxa aad moodda in ay isku mid yihiin, laakiin ma aha e, waa loo maleeyey. Waxaa la sheegaa in hoggaamintu la soo bilaabantay aadamaha, kumannaan sano ka horna wax laga qoray. Halka maamulku yahay maaddo cusub oo badanaa lala xidhiidhiyo in ay la bilaabantay Kacaankii Wershadaha.

Buugga “Hoggaamiye” ee Siciid Cali Shire waxa uu ku kala saarayaa hoggaaminta waxaa saldhig u ah hiraal fog oo la xiriira meesha la degi doono mustaqbalka. Maamulkana waxaa saldhig u ah xirfado kooban, sida: qorshaynta, miisaaniyad dejinta, kantaroolka.

Hoggaamintu waa isbeddel (change) halka maamulku yahay ilaalin (control). Hoggaamiyuhu waxa uu abuuraa xaalad soo dhoweysa ikhtiraaca hal-abuurna leh. Waxa uuna soo saaraa hoggaamiyayaal. Hoggamiyuhu waxa uu leeyahay awood uu ku dhiirigelin karo dadka, saameynna ugu yeelan karo. Haddii ay soo wajahaan khataro, iyo is-diiddooyin hortaagan hoggaamintiisa, waxa uu abuuraa waddadii iyo habkii uu uga takhallusi lahaa. Sidaa oo kale waxa uu aqbalaa oo xalliyaa dhibaatooyinka ay hoggaamintiisu keento. Mar kale Shire waxa uu inna leeyahay “hoggaamiyuhu wuxuu isticmaalaa dad. halka maamuluhuna isticmaalo nidaam.” Mar kale maamuluhu waxa uu wax ku eeggaa “weynayso” halka hoggaamiyuhu wax ku eeggo “diirad” ama “fogaan-arag”

Hoggaamiyuhu waxa uu qabtaa waxa saxda ah, halka maamuluhu waxa uu qabanayo u qabto si sax ah.” 

Peter Drucker

Darawalku  gaadhiga uu wado waxa uu  ka maamulaa  joojiyaha (brake), kordhiyaha xawaaraha (accelarator), iyo shukaanta ama hagtada (stearing), waxa uuna ku soconayaa nidaamkaa dejisan. Darawalku waa “maamule”. Hoggaamiyuhu waxa uu noqon karaa qofka amarkiisa darawalku ku soconayo. Waana qofka gaadhay  go’aanka ah halka loo socdo. Sidaa oo kale waxa uu awood u leeyahay jihada gaadhigu u socda iyo waddada loo marayaba in uu beddelo.  Hoggaamiyuhu waxa uu fiiriyaa oo hubiyaa in gaadhiga iyo darawalkuba yihiin kuwii lagu gaadhi lahaa halka loo socdo, awoodna waxa uu u leeyahay in uu beddelo.

Qofka aynu u baahannahay  ma hoggaamiyaa mise waa maamule?

Haddii aad soo dhuuxday oo si fiican iila  soo garatay hoggaamiye iyo maamule waxa ay kala yihiin, isla markiiba weydiintani si hal-haleel ah ayaa ay kuugu soo dhacaysaa. Soomaalidu meel kasta iyo maamul kasta oo ay hoos joogto waxa ay u baahan tahay  Hoggaamiye. Hoggaamiyuhu waa tiir-dhexaadka nolosha. Haddii aad aragtid ummad meel fiican nolosha ka gaadhey, gallad Eebbe ka sakow, waxaa libinteeda iska leh hoggaamiye fiican. Dhinaca kalena haddii aad aragtid ummad hagaastay; ummad fashilantay; ummad dayawday, qaddarka Eebbe ka sokow,  waxaa  mas’uul ka ah hoggaamiye xun.

Buugga “Hoggaamiye” ee uu qoray Saciid Cali Shire, oo qoraalkan gundhig iyo seesba u ahi, waxa uu ku doodayaa “buug kasta oo aad akhrido, oday kasta oo aad waraysato, gabay kasta oo aad isha la raacdo, iyo dhacdo kasta oo aad dhuuxdo, waxaa kuu soo baxaya in [S]oomaalida laga soo bilaabo xilligii daakhiliga (1956) illaa hadda, in dhamaan madaxdii [S]oomaalida soo maray ay ahaayeen kuwo xun. Oo wax xirfad ah ka haysan hoggaaminta.”

Dabcan waa ay is dhaameen, laakiin marka la fiiriyo meesha ay Soomaali dhigeen iyo midhaha ka soo go’ay siyaasaddii gurracnayd ee garashada hoosaysa lagu waraabiyey, dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwo xun-xun. Marka aad isha la sii raacdo raadadkii ay ka tageenna waxa aad arkaysaa in ay ka middaysnaayeen sida xirfadda hoggaamintu ugu yartahay iyo qiyamkooda oo hooseeyey. Dhinaca kalena waxa aad arkaysaa meesha qaarkood laga shakin karo Islaamnimadooda, qaar kalena laga shakin karo waddaniyaddooda, halka qaar kalena laga shakin karo binii-aadamtinimadooda. Waa kii lahaa gabyaagii Axmed ismaaciil diiriye (Qaasim):

isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye;

dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye;

misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Kaaralle e

 

Xaaji Aadan Afqallooc waxa uu yidhi “macno xumida dhidarkay axmaqa magac wadaagaane”.

Aynu ku soo dhowaanno weydiinta qoraalka, oo ku dhererinno in madaxdeennu u qalmaan sifada hoggaamiye fiican. Hoggaamiyaha fiicani waa qofka leh awood hoggaamineed oo barasho iyo hibo labadaba ku timaadda, fahmina kara hab-dhaqanka ummaddiisa, una jiheeya hadafka la wadaagayo. Aqoonyahanka caanka ah ee Sternberg (2007) waxa uu leeyahay hoggaamiyuhu waxa uu weeleeyaa saddex wax oo uu ugu yeedhay : hal-abuur, garasho iyo xikmad. Waxa uu curiyaa oo hal-abuuraa fikrado cusub, ka dib waxa uu qiimeeyaa aragtiyahaas kana dhaadhiciyaa dadka, waxa uuna xikmaddiisa ku miisaamaa baahiyaha mujtamaca uu hoggaaminayo. Sternberg waxa uu daraasadiisa ku gebagebeeyey waxaa hoggaamiye fiican noqon kara qofka si buuxda uu weeleeya saddexdaas arrimood. Haddaba madaxda Soomaalidu ma ku sifoobeen? Waa maya.

Xeeldheerayaal badan halka ay ku doodaan in buburka dawladi tahay hoggaamiye xun, dhowaan waxaa soo ifbaxay daraasado badan oo  eedda wax ka siinaya la-hoggaamiyaha (shacabka). Waxaana hormuud u ah Kellerman (2004), oo soo bandhigayaa su’aal muhiim ah oo odhanaysa: hoggaamiyaha xun la garey e, maxay dadku u taageeraan hoggaamiye ay og yihiin in uu xun yahay? Waxa uu sii raaciyey in dadkaasi u qaybsamayaan saddex nooc: dad aan aragti ahaan ku qanacsanayn xumaanta hoggaamiyaha, laakiin hadana aan wax badan ka odhan Karin, sababo awgood, oo dusha ka fiirsanaya (Bystanders); dad xumaanta si buuxda uga qaybqaatay (Evil-doers); iyo kuwo ku qanacsan, kalsooni buuxdana ku qaba xumaanta, cabsanna ahdaafta siyaasadeed ee hoggaamiyahan xun (Acolytes).

Soomaalidu waxa ay raadkeeda ku taagan tahay oo baadi goobaysaa, baadi ka luntay. Nasiibdarro baadidaasi wax summad ah ma laha, sida ay u egtahayna lama yaqaan. Dadka qaarkood waxa ay raadinayaan qof, qaar kalena waxa ay raadinayaan mabda’, qaarna waxa ay raadinayaan qabiil, halka qaar kale waxa ay raadinayaan aysan iyaga laftigoodu garanayn! 

Shire waxa uu inna leeyahay Soomaalidu waxa ay raadinaysaa hoggaamiye, muuqaalka hoggaamiyaha ay raadinayaanse dadka badidiisu si fiican u garan maayaan, maadaama uusan wax summad ah lahayn. Waana sababta marba qof isu soo taagayo ee uu dhahayo aniga ayaa ah qofka aad raadinaysaan. Fahamdarrida hoggaaminta iyo shaandhadii la marin lahaa ama mastaradii lagu cabbiri lahaa hoggaamiyaha innagu habboon, waa tan inna geysiisa in aan maalinba ku ag kufno mid aan ka shallayno.


Aragtiyaha ku sheeggan qoraalkan waxaa iska leh qoraha oo daruuri ma aha in ay ka afceliyaan siyaaso-tifaftireedda Garanuug.

Print Friendly

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *