Home / Waxqoris / Sirta Qoraalka / “Qalinkaa wax suureeyaa/ Kugu sima halkaad doonto.”

“Qalinkaa wax suureeyaa/ Kugu sima halkaad doonto.”

Sirta Qoraalka: Maxaa Wax loo Qoraa?

***
ن ۚ وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ

“Nuun. Qalinka [ayaa aan ku dhaartay], iyo waxa ay dhigayaan.”

al-Qalam: 1

***

عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : إِنَّ أَوَّلَ مَا خَلَقَ اللَّهُ الْقَلَمَ فَقَالَ لَهُ : اكْتُبْ ، قَالَ : رَبِّ وَمَاذَا أَكْتُبُ ؟ قَالَ : اكْتُبْ مَقَادِيرَ كُلِّ شَيْءٍ حَتَّى تَقُومَ السَّاعَةُ

Wixii ugu horreeyey ee Alle abuuray waxa uu ahaa qalinka, dabadeedna Alle ayaa ku yidhi “Qor.”
Qalikii waxa uu yidhi “Rabbi, maxaan qoraa?” Waxa uu Alle ku yidhi, “Qor maqaadiirta wax kasta ilaa Saacadddu (Qiyaamuhu) ka dhacayso.”

***

Xadiiskan oo ay diiwaangeliyeen labada Imaam ee Tirmidi iyo Abuu Daawuud, Sheekh Albaanina tilmaamay in uu saxiix yahay, waxaa laga dheehan karaa ahmiyadda qalinka iyo qoraalku ay leeyihiin, iyo sida ay u soo jireen ilaa iyo bilowgii uunka.Haddii aynu sooyaalkaa aadka u fog ka soo durugno, waxyigii ugu horreeyey ee ku soo dega Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa uu ka koobnaa shanta aayadood ee suuradda Iqra’ (al-Calaq) ugu horreeya.

اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ . خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ . اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ . الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ . عَلَّمَ الْإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ

“Ku akhri magaca Rabbiggaaga wax abuuray. Ka abuuray insaanka xinjir. Akhri, Rabbiggaana waa Deeqbadnee. Rabbigii qalinka wax ku baray. Insaankana baray wax uusan aqoon.”

***

Aayadahani waxa ay ka hadlayaan akhris, abuur, deeq badnaan, qalin, aqoon, iyo garasho. Mana adka in la dareemo xidhiidhka ka dhexeeyaa. Deeqaha iyo nimcooyinka Alle innagu galladaystay ayaa ay qalinka iyo waxqoristu ka mid yihiin. Bilowga suuradda ar-Raxmaan ayaa mar kale Alle innagu dareensiinayaa in aqoonta, abuurka iyo wax-isu-gudbintu ay xidhiidh leeyihiin, oo Alle waxa uu leeyahay,

الرَّحْمَٰنُ . عَلَّمَ الْقُرْآنَ . خَلَقَ الْإِنسَانَ . عَلَّمَهُ الْبَيَانَ

“Ar-Rahmaan. Waxa uu baray Qur’aanka. Waxa uu abuuray insaanka. Waxa uu baray bayaanka (war caddayn).”

***

Markii Alle abuuray Aadam- calayhis salaam- waxa uu siiyey aqoon, taas oo ahayd magacyadii wixii jirey oo idil. Aqoontii la siiyey si aysan isaga ugu koobnaannin ee ay uga gudubto, waxaa la baray caddayn (bayaan). Alle waxa uu inna baray hadalka si aynu dareenkeenna iyo aqoonteenna isugu gudbinno. Waxa uu innoo raaciyey awood aynu hadalkaas ku kaydinno, kuna gaadhsiinno degaanno iyo xilliyo jidhkeennu uusan haleeliddooda awoodin. Waa taas awoodda qoraalku.Ibnu Cabdirabbih markii uu hadalka iyo qoraalka ka hadlayey waxa uu leeyahay: aadanuhu waxa uu dareenkiisa iyo aqoontiisa isugu gudbiyaa siyaabo kala duwan oo ay ugu horreeyaan carrabka iyo qalinku. Labaduba waxa ay ka turjumaan dareenka qalbiga ku jira, oo carrabku waa agabka aynu xayawaanka (bahaa’imta) kale kaga soocan nahay, ee inna gaadhsiiya heerka insaaninimo- kaas oo lagu qeexo in uu yahay noole hadla. Qalinku waxa uu carrabka sii dheer yahay, in uu qofka hadalkiisa ka gudbiyo xilligii iyo goobtii uu ka yidhi. Waxaa lagu akhrin karaa meelo kala dheer, xilliyo kala fog, kan hadda nool iyo mid qarniyo ka dib dhalan doonaaba waa ay ka faa’iidaysan karaan iyaga oo aan isku cidhiidhyin. Qoraalka waxa uu hadalka ka dhawraa qashqashaadda iyo beddelaadda ay af-ku-tebintu u keeni karto. Qoraalku waa kayd.

Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil oo tilmaamaya ahmiyadda afku leeyahay, iyo sida uu u yahay nimco lamahuraan ah, waxa uu yidhi, “Afku waa aadanuhu waxa uu ku wada xidhiidho, ee uu dareennadiisa isugu gudbiyo, ee uu aqoonta iyo afkaarta isugu gudbiyo. Waxa aad sawirtaa […] reer Nebi Aadan oo afla’ oo dhegala’. Sidee ayaa uu u ekaadaa? Adduun baa aynu ku noollahay oo dadku waa uu afla’yahay, maxaa uu aadanuhu qiimo yeelan lahaa, baa aad u malaynaysaa?”. Horena Soomaalidu waa tii u tidh, “Dadkuna hadalkay isku af gartaan, xooluhuna urta.”

***
“Muwaashigu wuxuu kugu gartaa midiyo heestiise
Muyuusigiyo foodhiduna waa shay macaani lehe
Wax carruurta madadaalo tara miday taqaannaaye
Miyuul faraha lagu taago oo meel maraa jira’e
Maacuunta bahaluhu wid bay marar ka waabtaane
Intaasuba mafhuum weeye iyo maamul gooniyahe
Maqsadse laguma gaadho iyo dantii loo muxtaaj yahaye

Hadal waa murti iyo faallo iyo wariyo maadayse
Iyo waxa baryada lagu masliyo duco la muujaaye
Midna waa calaacal iyo baroor ay murugo keentaaye
Intaasaa codka u muula oo lagu macneeyaaye

Mataanaha xuruuftoo soddona waa midh waxa dheere
Hal waliba milguu leeyahoo odhaah ku muujaaye
Maskaxda iyo laabtiyo wadnaha meel kastaba ruuxa
Sida ilaha maaxduu xubnaha ugu mushaaxaaye
Xididdo murugsan mawjado bad ah iyo maylinaa wada’e
Dalqaduu ku kala miirmo buu mudan ku yeeshaaye
Hadba maanku wuxuu doonayaa soo mufhuum baxa’e
Kolkaasuu af lagu maamuliyo muhindis doonaaye”

Xaaji Aadan Afqallooc: Murtida Hadalka

***

Qoraalku waa waxa innoo suurageliyaa in aynu aqoon isu gudbinno, taariikh iyo sooyaal fog ka war haynno, murti iyo madadaalo ka dheregno…la’aantiisna adduun iyo aakhiro midna innoo toosi maayaan. Qoraalku aad ayaa uu Qur’aanka dhexdiisa ugu soo noqnoqdaa, oo Isaga ayaaba ah qoraal. Waxaa la innoo sheegay in wax kasta oo aynu samaynno ay qorayaan laba malag oo inna weheliyaa, ka dibna Aakhiro qof walba kitaabkiisi oo markhaati ah gacanta midig ama bidix laga siin doono, taas oo uu ku mudan doono Janno ama Naar. Mar kale qoraalka uu Qur’aanku tilmaamayaa waa kitaabbadii Alle soo dejiyey ee ummadaha hanuunka u ahaa. Mar waxaa la inna faray in aynu mucaamalaadkeenna qorno oo, tusaale ahaan, aynu qorno daynta iyo wixii la midka ah. Gaaladu marka ay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- la doodaan, Qur’aanku marar badan waxa uu weydiin jirey bal in ay keenaan raadraac qoran, kitaab, iyo wax la mid ah oo ka markhaati kacaya sheegashadooda.

Qoraalku waa lamahuraan, inkasta oo waxgaradkeenna in badan oo ka mid ahi aysan weli garowsannin, amase aan dhaho, aysan garowsannin ahmiyadda ay leedahay in ay afkooda hooyo wax ku qoraan, si ay uga faa’iideystaan dadkoodu. Habacsanaanta dhanka qoraalka ka haysata waxgaradka Soomaaliyeed, iyo waxsoosaarkooda tiro iyo tayo ahaanba u liitaa waxa uu tusaale cad u yahay ahmiyadda uu qoraalku leeyahay, taas oo uu dareemi karo qof kasta oo isku daya in uu raadraac ku sameeyo sooyaalkii Soomaalida. Maadaama aynu ahayn, welina nahay, bulsho afka wax isugu tebisa oo qoraalku aad innoogu yaryahay, tiro malaha aqoonta, taariikhda, dhaqanka iyo murtida innaga luntay. Waayihii fogaaba marka laga yimaaddo, taariikhdii dhowayd baa aan si sugan looga hadli karin, maadaama uusan jirin kayd qorani, ayna ku dhisan tahay ‘hebel baa yidhi’ iyo ‘hebel kalaa beeniyey’. Waa sababta taariikhdeennu ay u beelaysan tahay, reer walbana inta uu jecel yahay sheegto, inta kalena sheelo. Qoraaga Soomaaliyeed ee maanta joogana xil weyn baa ka saaran in uu dhibaatadan intii awooddiisa ah ka qabto, oo waayeelka sii dabargo’aya uu ka kaydiyo aqoonta ay xambaarsan yihiin inta aysan la xijaaban.

Maxaa wax loo qoraa?

“Xigmad lagu tabaayaad darteed, ugu tacdiishaaye
Fahmuu nagu tallaalaa cilmiga, waa na tarayaaye
Taariikhna waw yahay raggii, tegay xusuustoode.”

Cismaan Yuusuf Cali Keenadiid: Tacaddii Sow Maaha?

***

Abwaanku waxa uu tilmaamayaa ujeeddooyinka gabayga iyo waxyaalaha laga dheefi karo. Xilligan uu maansoonayo waxaa Soomaalida kayd u ahayd maansada, waase tilmaan qoraalkuna si fiican u qaadan karo. Abwaanka qudhiisu waxa uu ka mid ahaa dadkii dedaalka ballaadhan geliyey sidii af Soomaaliga loo qori lahaa, waana kii curiyey fartii Cusmaaniyada.

***

“Faranjigu wuxuu innooga adkaaday Maskaxdii awooweyaashiis baa u qoran”

Biixi Qaley

***

Nolosha aadanaha, xadaaraddooda iyo horumarkoodu kama maarmaan qoraal iyo akhris, waana murti laga dheehan karo ahmiyadda uu Alle siiyey qoraalka markii uu abuukiisa ku bilaabay qalinka, waxyigii Qur’aankana akhris. Raadadka ilaa iyo hadda la helay, qoraallada ugu da’da weyn waxaa laga helay dhulka hadda Ciraaq loo yaqaan, horena Mesobataymiya loo odhan jirey. Waxaana laga helay qoraallo dhoobo ku xardhan (clay tablets) oo intoodii badnayd ay hadda yaallaan Matxafka Ingiriiska (British Museum) ee London ku yaalla. Qoraalladan oo da’dooda shan kun oo sano lagu qiyaaso, waxa ay muujinayaan hannaankii maamul ee halkaa ka jirey, qaabkii xisaabaadka loo diiwaangelin jirey, hanti-qaybintii ama saami-siintii dadka kala duwan, sida askarta. In kasta oo taariikh maskaxda lagu xifdin karo, waa ay adag tahay in kun askari midba saamigiisa uu hal qof xifdiyo. Murti Carbeed ayaa tidhaahda,

ما حفظ فر، وما كتب قر

Wixii la xifdiyaa waa ay lumaan, wixii la qoraana waa ay waaraan.

***

Nebigana- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa xadiis saxiix ah lagaga soo weriyey in uu yidhi,

قيدوا العلم بالكتاب

“Cilmiga ku dabra qoraal.”

***

العلم صيد و الكتابة قيده …قيد صيودك بالحبال الواثقة
فمن الحماقة أن تصيد غزالة … وتتركها بين الخلائق طالقة

Aqoontu waa ugaadh qoraalkuna waa dabarkeedi,
Ugaadhaada ku dabar xadhko adag,
Nacasnimada waxaa ka mid ah in aad deero ugaadhsato,
Dabadeedna iyada oo aan dabranayn aad dadka ku sii dhexdayso.

Imaam Shaafici

***

George Orwell, qoraaga Ingiriiska ah ee caanka ah (Animal Farm, 1984) waxa uu tilmaamayaa in ay jiraan- dhaqaale ka sokow-, afar sababood oo qofka ku kallifi kara in uu wax qoro: Anaaniyad iyo ha-lagaa-sheego, jecleysiga quruxda ereyada iyo tixiddooda, rabitaan taariikh kaydin, iyo ujeeddo siyaasadeed. Orwell waxa uu leeyahay ujeeddada ugu horraysa ee qoraallo badan dhalisaa waa qab weyni iyo anaaninimo (Sheer Egoism); ha-lagaa-sheego, ha lagu xusuusto, faan, aad caan noqotid, iwm. Ujeeddada labaad ee qoraalku ka dhashaa waa jacayl iyo xiise uu qoraagu u qabo quruxda ereyada, habdhacooda, tixiddooda, iyo in uu ka soo saaro murti qurux leh (Aesthetic Enthusiasm). Tan saddexaad, waa rabitaan runta lagaga sal gaadhayo oo wixii dhacay diiwaan lagu kaydiyo si mar dambe loogu aayo (Historical Impulse). Sababta afraad ee qoraal ku iman karo waxa uu Orwell ku tilmaamayaa ujeeddo siyaasadeed (Political purpose), taas oo ah rabitaanka in adduunku dhan gaar ah u weecdo, in dadka aragtidooda wax lagaga beddelo, iwm.

In kasta oo qoraal walba laga yaabo in afartan sababood oo wada socdaa ay dhaliyeen, haddana mid uun baa xoog badanaysa. Qoraagu isaga oo doonaya in uu sooyaal kaydiyo, ayaa uu lahaan karaa ujeeddo iyo ‘siyaasadeed’ oo uu qoraalkiisu ka dabqaadanayo, isaga oo islamarkaana ku dedaali karaa qurxinta ereyada iyo wanaajinta habdhacooda, niyaddana ku haya in uu magac iyo maamuus ku helo dedaalkiisan. Shakhsiyadda qoraaga, bii’ada uu ku nool yahay iyo xilliga uu joogo dhacdooyinka iyo duruufaha ku hareeraysan ayaa saamayn weyn ku yeelanaya ujeeddooyinkan toodii xoog badanaysa iyo qaabka ay isula falgelayaan.

Hal-abuurka Soomaaliyeed waxa ay dareenkooda ku gudbin jireen maanso, oo qoraalku waa wax innagu cusub, ilaa iyo haddana aynaan xaqiisa siinnin. Marar badan maansada Soomaaliyeed waxa ay ku bilaabataa arar tilmaamaysa sababta dhalisay iyo wixii qofka maansoonaya dareenkiisa kiciyey. Dhoodaan oo innoo tilmaamaya in uusan gabayga ka ganacsan, ee duruufaha adduun ku khasbayaan oo uusan aamusi karin, waxa uu yidhi,

“Uma kiilo maansada sidii, xuud kalluunsada e
Kasha muran ku yaaleey xikmadu, kilinkilaysaaye
Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe
Faallada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga
Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage
Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman
Ma kaakicinne dhowr goor anigoo, kaalay odhan waayey
Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga
Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududaba
Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u kululaado
Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho”

Dhoodaan: Yaa Kasbaday

***

“Dirqi gabaygu kuma fiicniyo, waan darooryamiye
Kagadayasho door kuma noqdiyo, xaraf la doondoone
Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe
Dardarsiintu way u daran tahee, marin-daygaa u roone
Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da’a weyn tahaye
War waa deeq Ilaah baxshiyo, doobir gooni ahe”

Dhoodaan: Uusduugad

***

Dhoodaan waxa uu halkan ku tilmaamayaa in hal-abuurku uusan ahayn iskayeelyeel, oo uusan dirqi-ku-keen, iyo wax-iska-sheeg ku fiicnayn, ee ay tahay in uu gudbinayo dareen iyo baahi jirta oo ay adkaatay in laga aamuso. Waxaa kale oo ka muuqata in uu murtida ka fogeynayo dadka aan u qalmin, ee aan hibadeedi iyo garashadeedii lahayn. Maansadan Sayid Maxamed waxaa ka muuqda farshaxan iyo faan badan oo uu ku ararano inta uusan dooddiisa gudagelin.

“Awal maanso waataan balfoo, beylahshoo nacaye
Waataan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale e
Aan booyaamo xalay baa hurdada, layla baashiraye

Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku ahaaye
Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha Nowriise
Barkadaha ballaqan iyo ballida, aan buux dhaafsho

Aan butaaco sida karadha waa, bu’ashaydiiye
Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohola oo jeexan
Buurtiyo hannaankaba cagaar, baad aan kaga yeelo

Afartaa bojaye balaan mid kale, baabka ka higaadsho
Halkey bededi laabtaydu aan, biifka ka caddeeyo
Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu yeelo

Baaruuddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga siiyo
Aan bulxamo sidii badaha oo, baxarku qiiqaabay
Aan balbalo sidii beerta oo, baalka roganeysa

Baabuurka aan dhoofsho waa, bixitamayaaye
Aan bandiiraddiyo calanka iyo, bayraqa u taago
Bishaarooyinkii Eebbahay baarax, aan u sheego”

Sayid Maxamed: Awel Maanso Waataan Balfay.

***

Hal-abuurka Soomaaliyeed iska-maansoodka muraad la’aanta ahi kuma badnaan jirin, mana aysan ku noolayn bii’ad ay iska xarrago maansoodaan (aesthetic enthusiasm), sida maansada af Ingiriisiga ku badan. Maansadu muraad baa ay lahayd, iyada oo aan quruxdeedii waxba laga dhimayn.

***
“Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin
Ama olol jacayl iyo xanuun, kugu ijbaareynin
Afkuun baad kaleedee tixuhu, arar ma yeeshaane”

Yuusuf Qaabiili.

***

Ibnu Khalduun, isaga oo Aristotle soo xiganaya, waxa uu ku dacwooday in ay jiraan toddoba ujeeddo oo haddii uusan qoraalku midkood ku dhisnayn uu macnadarro noqonayo. Waxa uu ku adkaysanayaa in wixii toddobadan ka soo hadhay aysan tixgelin mudnayn.

  1. Cilmi cusub yagleeliddiisa, habaynta baababkiisa, iyo raadraaca masalooyinkiisa iyo qodobbadiisa kala duwan. Ka dibna uu caalimkii buug ku kaydiyo aqoontii si cid kale uga faa’iidaysato. Tusaale ahaan, sidii uu yeelay Imaam Shaafici markii uu dejiyey cilmiga Usuulul fiqh, ama Ibnu Khalduun laftiisu uu u dejiyey cilmiga bulshada (Sociology).
  2. In qoraalladii hore lagu dhibaatoodo, isagana Alle u furo fahankooda, dabadeedna uu faahfaahiyo si uu dadka ugu furfuro aqoonta ay xambaarsan yihiin. Kutubta diinta laga barto in badan oo ka mid ahi waa noocan.
  3. In uu gef ka helo qoraalladii dad hore, uuna awood iyo aqoon u leeyahay in uu saxo oo uu dadka u caddeeyo.
  4. In qoraallada mawduuc laga qoray aysan dhammaystirnayn oo uu danaynayo in uu qabyo tiro.
  5. In masalooyinka cilmi gaar ahi leeyahay aysan kala habaysnayn, oo uu u dhaqaaqo sidii uu u hagaajin lahaa ee uu masalo kasta u dhigi lahaa booskii ay ku habboonayd.
  6. In uu haleelo masalooyin ku kala firirsan laamo aqooneed oo kala duwan, laakiin isku laan ah, ka dibna uu ka shaqeeyo sidii uu cilmigaas meel isugu geyn lahaa oo uu gaarkiisa u sooci lahaa.
  7. In qoraallada cilmi gaar ah laga qoray ee asaaska u ahi ay aad u dheeryihiin una faahfaahsan yihiin, ka dibna uu soo koobo isaga oo masalooyinka lamahuraanka ah aan waxba dhaafayn, si barashada cilmigaasi u fudududaato.

“Wixii intan ka soo hadhay waa waxqabasho aan loo baahnayn, waana jidkii saxnaa oo la garab maray,” ayaa uu Ibnu Khalduun raaciyey. Waxyaalaha toddobadan ka baxsan ee uu tilmaamay waxaa ka mid ah in qoraagu uu qoraal ka horreeyey soo qaato dabadeedna inta uu ereyada kala beddelo oo kala wareejiyo uu isagu sheegto lahaanshaha qoraalka ka dhasha. Waxaa kale oo uu farta ku fiiqayaa qoraallada mawduucii ay ku saabsanaayeen wax lamahuraan u ah ka tegaya, ama wax aan loo baahnayn ka buuxinaya. Falkan oo kale waxa uu ku tilmaamayaa jaahilnimo aan u cuntamin in uu ku tallaabsado qof garaadkiisu fayowyahay.

Ujeeddooyinka ay Ibnu Khalduun iyo Orwell tilmaameen iskama horimaanayaan, oo waxa aad mooddaa in afarta Orwell sheegay ay guud ahaan la xidhiidhaan bilaabidda qoraalka. Halka toddobada Ibnu Khalduun ay qiimaynayaan natiijadii iyo midhihii qoraalka. Tusaale ahaan, laan aqooneed oo cusub in uu yagleeliddeeda qofku isku hawlo waxaa ku kallifi kara mid ka mid ah afartii sababood ee uu Orwell tilmaamay, ama iyaga oo wada socda.

Alxaasil, qoraalku waa in uu ujeeddo lahaadaa, midhihiisuna ay noqdaan kuwo dheef leh, ee uusan noqonnin ‘anna waa i kan’. Horaa loo yidhi, “‘Anigaa hadhay’ looma hadlee, ‘hadal baa hadhay’ baa loo hadlaa.” Hal-abuur cusub oo faa’iido maqnayd laga helayo waa in qoraalku xambaarsan yahay. Ibnu Khalduun toddobadan ujeeddo waxa uu ugu adkaysanayaa in qoraallada faraha badan ee aan dhammaanayn ay caqabad ku noqonayaan waxbarashadii iyo aqoon raadintii. Tusaale ahaan, Imaam Nawawii isaga oo ku dhaqmaya ujeeddada toddobaad ee Ibnu Khalduun tilmaamay, ayaa waxa uu qoray kitaabka Minhaajka oo uu ka soo gaabiyey kitaab la yidhaahdo al-Muxarrar oo yara dheer, mad-habkana loo cuskan jirey. Imaam Nawawi ujeeddadiisu waxa ay ahayd in uu qoro kitaab kooban oo Muxarrarka badhkiis ah, ayna fududdahay in la xifdiyo, wixii faa’iidooyin dheeraad ahna uu raaciyo.

Minhaajkii waxa uu noqday kitaab aad u qiimo badan, dabadeedna waxaa dhacday in isagii lagu mashquulo oo mar labaad dib loo ballaadhiyo, sharax iyo faahfaahin ciiddaa ka badanna la raaciyo, ilaa ujeeddadii qoraaga meesha laga saaray. In ka badan boqol kitaab ayaa laga qoray! Waxa ay ka mid tahay sababaha ilaa xilli dhowayd wadaaddada Soomaaliyeed in badan aqoontoodu ay ugu koobnayd inta Minhaajka ku qoran, ee aysanba u gudbin kutubta kale ee mad-habka Shaaficiyada. Beryahan dambe waxaa soo baxay qolyo kale oo aan Buluuqul Maraamkaba dhaafin. Sidan oo kale ayaa loogu dhibban yahay kutubta naxwaha, oo asalkiisaba loo baranayey in uu barashada laamaha kale ardayga ka caawiyo. Isagii ayaaba boholihii xargaga noqday oo ardaydii xidhay.

Qoraallada Soomaalida, oo badankoodu taariikh-ku-sheeg ku saabsan yihiin ayaa sidan oo kale loogu rafaadsan yahay. Intooda badan waxa aad mooddaa in hal qof wada qoray; waa dameer labadiisa dhegood oo waxba isma dheera, aan ka ahayn dhanka ay difaacayaan (qabiilka qoraaga) iyo dhanka ay eedda saarayaan (qabiillada ay is-hayaan). In yar oo saafi ah, oo ay dadnimadoodu u diiddey in ay wax bilaa macne ah qoraan ayaa lagu nool yahay ee inta kale waa xaabo mudan in qaboobaha dhaxanta laga shito!

***
“Biyo badan bar baa calow ah, hadal badanna bar baa been ah.”

Murti Soomaaliyeed.

***

Marka aad rabto in aad wax qortid, ka feker baahida dadkaaga; maxay u baahan yihiin? Maxaad ka qaban kartaa? Qoraalkaagu yuusan noqon mid jaahwareersan oo aan xaaladaha lagu jiro la soconnin. Iyada oo geel loo heesayo, yuusan gorayo u heesin. Islamar ahaantaana, yuusan dameeri dhaan raacday kaa noqon.

***
“Gabay aan abuuraa hadduu, aniga ii muuqdo
Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan abbaaraaye
Ayaan kale astaan lehe waxaan, arar ku faalleeyey
Ruuxii aftahan loo yaqaan, ama abwaan sheegtay
Wax if jira wax aakharo jiriyo, waxaan la eeganba
Waa inuu ogaadaa sidii, uur-ku-baallaha e
Aadmiguna siduu aawilaa, dhaaxba la arkaaye
Amin soo socdaa wuxuu ahaan, waan odorosaaye”

Dhoodaan: Ogeysiis

***

Baahida bulshadaada, wanaagga aad la rabtid, iyo xaajada aan damacsan tahay in aad ka hadashid ku dedaal in ay iswaafaqaan intii aad awooddo. Sidan Abwaan Dhoodaan sheegay, hal-abuurka la curinayaa waa in uu abbaarayo meel ugub ah oo aan hore salkeeda loo soo taaban. Waa in uusan laf cad toobin ku hayn. Wanaag adduun iyo mid aakhiro wixii dadka dani ugu jirto abbaar. Sheeko kale oo jacayl ah, oo “anna waa i kan” ah, ka fogoow iyada oo dadkaagi musiibooyin kale rifayaan. Taas waxaa la mid ah in aad wax ka qortid wax wanaagsan oo aysan dadkaagu hadda baahi badan u qabin, sida qaabka loo dhiso daaro dhaadheer oo wada muraayad ah! Amni, wadanoolaansho, waxbarashada iyo tayeynteeda, dhaqaalaha sida loo kobciyo, ka faa’iideysiga khayraadka dhulkeenna, akhlaaqda wanaagsan, horumarinta shakhsiga/ nafta, nolosha qoyska, iwm, ayaa maanta lamahuraan innoo ah. Ma joogno xilli aynu ku mashquulno “maxaa la innoo abuuray?”, iyo “irbadda caaraddeeda imisa jinni baa ku dul ciyaari kara?”.

Maanta masuuliyadda ugu weyn ee qoraaga Soomaaliyeed saarani waa ururinta iyo kaydinta sooyaalkeenni iyo dhaqankeenna sii lumaya, ee dadkii xambaarsanayaa maalinba midi aakhiro la aadayo intii uu yaqaannay iyada oo aan cidi ‘maxaad haysaa?’ odhan. Dhalinayro wadaa ‘Qoraa’ ahina baraha bulshaday hadaltiro isku maaweelinayaan. Maanta waxa aynu in badan u aynay isxilqaankii dhawr nin oo dhalinyaranimadoodii u huray in ay kaydiyaan aqoontii iyo sooyaalkii ay soo gaadheen ee sii baaba’ayey. U fiirso dhaqanka, aqoonta, murtida iyo suugaanta Muuse Galaal kaydiyey, iyo taariikhda Aw Jaamac uruuriyey. Dhammaan qaamuusyada af Soomaaligu waxa ay tixraacaan qaamuuskii Yaasiin Cismaan Keenadiid. Intani waa tusaalayn e, waxgarad badan oo dedaalay waa ay jiraan. Maantana dedaalkoodii baa aynu dheefsanaynaa. Waxa aadse mooddaa in innaga la innagu tacab khasaaray, oo aynu kaalinteennii gabnay.

In aad mawduuc wax ka qortaa khasab kaaga dhigi mayso in aad tahay khabiir aqoon dheer u leh. Waxaa kugu filan danayn, u kuurgal, dedaal iyo garasho fiican, iyo aqoon guud oo aad u leedahay sida wax loo qoro. U fiirso maansoyahanka Soomaaliyeed. Isaga oo aan khabiir ku ahayn baa uu ka maansoodaa waxa uu rabo. Curinta maansada ayaa uu khabiir ku yahay, xaajada uu ka maansoonayana waxa uu ku sameeyaa dabagal iyo u fiirsi qotodheer. Waxaa kale oo uu leeyahay aqoon guud oo ku saabsan afka, dhaqanka, hiddaha iyo sooyaalka dadkiisa iyo degaankiisa. Intaas ayaa u suuragelisa in uu maanso ka curiyo wax kasta oo dadkiisa iyo degaankiisa xidhiidh la leh. Xitaa mawduucii uu furfuri kari waayo, qaab kale oo uu wax uga dhaho ma waayo. Sidaas si la mid ah ayaa la gudboon hal-abuurka qalinmaalka ah. Waa in uu ka dhisan yahay aqoonta guud, leeyahay garasho fiican oo uu wax ku faaqidi karo, iyo farshaxannimo qoraal.

Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- waxa uu yidhi,

بلِّغوا عني ولو آية

“Iga gaadhsiiya [diinta] hal aayadna ha ku ahaato e.”

Bukhaari baa weriyey.

***

إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ وَأَهْلَ السَّمَوَاتِ وَالْأَرَضِينَ حَتَّى النَّمْلَةَ فِي جُحْرِهَا وَحَتَّى الْحُوتَ لَيُصَلُّونَ عَلَى مُعَلِّمِ النَّاسِ الْخَيْرَ

“Alle, malaa’igtiisa, inta samooyinka jooga iyo inta dhulalka jooga, xataa qudhaanjada godkeeda ku jirta, iyo kalluunkuba waxa ay u ducaynayaan qofka dadka khayrka bara.”

Tirmidi ayaa weriyey, Albaanina saxiix ayaa uu ku tilmaamay.

***

Maqaal kooban oo dadka faa’iido u leh ka bilow. Haddii aad ka badan awooddana waxba ha ka hagran dadkaaga. Waarimayside war ha kaa hadho. Aakhiradaada wax u sii hormarso. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- waxa uu sheegay in qofku marka uu dhinto camalkii loo qorayey uu joogsanayo, aan ka ahayn saddex ay ka mid tahay aqoon uu ka tagey oo la dheefsado. Qoraal faa’iido leh oo aad qortay, ayaa adiga oo qabrigaaga ku jira xasanaad lagaaga qorayaa. Laakiin waa in ay la socotaa niyad wanaagsan oo Alle dartii ah. Si kasta oo uu u qiimo badan yahay oo looga faa’iideysto, haddii ay istusnimo iyo ha-lagaa-sheego kaa ahayd, aakhiro waxba kuma lihid, sida uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- innoo caddeeyey. Maalinta Qiyaame dadka ugu horreeya ee Naarta lagu tuuri doono waxaa ka mid ah qof Qur’aanka aad ugu fiicnaa dadkana bari jirey, iyo mid jihaad ku dhintay, iyo mid hanti badan lahaa oo sadaqo badan bixin jirey. Saddexdaba istusnimo ayaa ay ka ahayd, oo midi waxa uu rabey in dadku yidhaahdaan waa qaari’, midna in geesi lagu tilmaamo, kan kalena in la yidhaahdo waa deeqsi. Intii ay rabeen waa loo yidhi abaalmarintoodiina adduunkay ku heleen, ka dibna Naarta lagu tuurayaa!Suubbanuhu- sallal Laahu calayhi wasallam- waxa uu yidhi,

إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى

“Camalladu waxa ay ku xidhan yihiin niyada, qof kastaana waxa uu leeyahay waxa uu niyeystay.”

Bukhaari ayaa weriyey.

***

Khayr iyo Alle dartii niyeyso. Qabweyni, anaaniyad iyo rabitaanka in dadku kaa hadlaan oo lagu ammaano iska ilaali.

***
“Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara-ku-hayntiisa
Weligaa ha sii deynin
Sisin iyo ku beer muufo
lyo laanta saytuunka,

Ku qotomi sugnaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda
Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay
Dadkan tobanka saamood leh

Weligaa ha tumin seefo
Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla

Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.

Heedhee Sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi

Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.”

Hadraawi: Sirta Nolosha.

***

Tixraac
Aw Jaamac, Diiwaankii Gabayada Sayidka.
Doollo.com
George Orwell, Why I Write.
Hal-Abuur, Xirmo I, Tr.2&3, Dayr/Jiilaal 1993/94. b.17.
Ibnu Cabdirabbih, al-Ciqdul Fariid, bb.4/271-272.
Ibnu Khalduun, Muqaddimah. bb.3/1103-1107.
Maxamed Baashe, Hal Aan Tebayey.
Maxamed Baashe, Hal Ka Haleel.
Mustafe X. Ismaaciil, Afka iyo Suugaanta (Maxaadiro).
Muuse Galaal, Perspectives on Somalia, p.13.
Tafsiir Ibnu Kathiir.
Tafsiirka Sh. Cumar Faaruuq.


“Nin lagu seexdoow ha seexan.”

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Qoritaanka Curiska- Guudmar

Waa Maxay Curisku? Curisku waa qoraal habaysan oo ku saabsan hal mawduuc. Curisku waa uu ka ...

Qaybaha Buugga

Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *