Tifaftireyaasha Abwaan

Caashuuraa’

Caashuuraa waa maalinta tobnaad ee bisha Muxarram, waana maalin aad u fadli badan. Markii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallama- tagey Madiina ayaa wuxuu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinkaas. Markii uu waraystayna waxay u sheegeen inuu yahay maalintii Alle uu Nebi Muuse- calayhis salaam- iyo dadkiisii ka badbaadiyey Fircoon. Nebigu- …

Read More »

Taariikhda Calanka Soomaaliya

Dhammaadkii Luulyo 1954 tii ayaa Danjire Maxamad Kamaaludiin Saalax oo ka mid ahaa saddex danjire (Masar, Koolombiya, Filibbiin) oo ay Qaramada Midoobay (UN) u soo dirtay Soomaliya 1949 kii si ay Talyaaniga u la ogaadaan sida Tobankaa sano loogu diyaarinayo koofurta Soomaaliya si ay u hanato dawladnimadooda. Danjire Kamaaludiin wuxuu …

Read More »

Abaalmarinta Nobeelka (Nobel Prize)

Waa abaalmarin sannadle ah oo loogu magac daray Alfred Nobel oo ahaa ninkii aas-aasay. Alfred Nobel wuxuu ahaa saynisyahan iyo muhandis u dhashay dalka Sweden. Wuxuu lahaa warshad hubka samaysa, waana ninkii hinsiday walaxda qaraxda ee dhaaynamaayt (miino), oo lagu jabiyo dhagaxa iyo wixii la mid ah, sida marka ceelasha …

Read More »

Unug (Cell; الخلية)

Waa Maxay Unuggu? U fiirso sawirka gidaarkan. Waxaa innoo muuqata in uu ka dhisan yahay bulukeeti la isdulsaaray oo isku dheggan. Haddiise aad ka fog tahay ma arki kartid in uu ka samaysan yahay bulukeetiyadan yaryar’e, waxaa kuu muuqanaya gidaar taagan. Sidaa si la mid ah, ayeynaan u arkin waxa …

Read More »

Atam (Atom, الذرة)

Maatar–ku waxa uu ka samaysan yahay saxarro aad u yaryar oo lagu magacaabo Atam. Hal tin ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ballaadhkeedu yahay hal milyan oo atam. Atamka qudhiisu waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood: borotoon, niyutroon iyo elektoroon. Atamku waxa uu leeyahay badhtame ama bu’ halkaas oo ay …

Read More »

Maatar (matter/المادة)

Aqoonteennu inta ay gaadhsiisan tahay uunku waxa uu ka samaysan yahay maatar iyo tamar. “Wax kasta oo cuf iyo culays leh oo meel bannaan buuxin kara”[1] ayaa maatar lagu magacaabaa. Si kale haddii aan u dhigno, wax kasta oo aad taaban kartid waxaa la dhihi karaa waa maatar. Sidaas awgeed, dhagaxa, ciidda, geedka, …

Read More »

Adaan (الأذان) [aadaan, eedaan, addin] iyo Iqaamah

Adaanku waa “dhawaaq iyo baaq dadka loogu sheego in salaadda wakhtigeedi galay”[1], waxa uuna ka kooban yahay “Erayo la isla ogyahay oo kooban oo ay Diinta Islaamku goysay in dadka loogu sheego in salaadda wakhtigeedii galay.”[2] Eray bixinnadaas aan ka soo xigannay qaamuuska Afsoomaaliga ee Soo Maal, waxa ay ta …

Read More »

Udxiyah (الأضحية)

Udxiyadu waa Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– oo dartiis xoolo (geel, adhi, lo’) loo qalo maalinta Ciidul Adxaa iyo maalmaha ka dambeeya. Udxiyadu waa astaan ka mid ah astaamaha Islaamka, diintuna innagu boorrisay in aan ku dedaalno, waana halka Ciidul Adxaa ay ka qaatay magaceeda, oo waa Ciiddii Udxiyada. In kasta …

Read More »

Sakaatul Fidri (Fidro) (زكاة الفطر)

Qofka Muslimka ahi marka uu dhammeeyo soonka Ramadaan, waxaa laga rabaa in uu bixiyo sakaatul fidri, haddii uu awoodo. Awooddaasi ma aha in uu hodan ahaado, ee waa in uu haysto wax dheeraad ka ah masruufka naftiisa iyo ehelkiisa maalinka ciidda ah. Sakaatul fidriga waxaa laga rabaa dadka oo dhan: …

Read More »

Ciid (العيد)

Ciid waa eray Afcarabi ah oo tilmaamaya ayaamaha dadku u farxaan diin ama dhaqan ahaan[1]. Asal ahaan waxa uu ka yimid erayga alcawd (العَوْد) oo macnihiisu yahay soo noqnoqosho, maxaa yeelay waa farxad sannad walba soo noqnoqotaa[2]. Sharciyayntii Ciidda Islaamka ka hor, reer Madiinah waxa ay lahaan jireen laba maalmood …

Read More »