Home / Tifaftireyaasha Abwaan

Tifaftireyaasha Abwaan

Aw Jaamac Cumar Ciise

Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uu ka mid ahaa hormuudka taariikhyahannada Soomaaliyeed, waxa uuna caan ku ahaa uruurintii iyo qoristii taariikhdii iyo suugaantii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Daraawiishtiisi. Dadkii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Cali Dhuux, Cabdi Gahaydh, Cadnaan Qamaan Bulxan, iyo boqollaal kale. Isaga oo ka ...

Read More »

Jaamacadda Camuud

Dooxada Camuud (Amoud Valley) ee dhacda bariga magaalada Boorame waxa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee laga dhisay dugsi sare gobolkii uu Ingiriisku gumaysan jiray ee dhulka Soomaalida. Si middaas la mid ah, isla dooxadaasi waxa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee jaamacad laga hirgaliyay kaddib burburkii dowladdii dhexe ee ...

Read More »

Imaam Axmad

Imaam Axmad Ibnu Xanbal (164H-241H, Baqdaad, 88 jir): Abuu Cabdallah, Axmad ibnu Muxammad ibnu Xanbal. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Xanaabilada oo xilligeennan ku badan Sucuudiga. Waxa uu ku dhashay magaalada Baqdaad sannadkii 164H, aabbihiina waxa uu geeriyooday isaga oo saddex jir ah, waxaana korisay hooyadii. Barashada xadiiska waxa uu ...

Read More »

Imaam Shaafici

Imaam Shaafici (150H-204H, Qassah/زّ-Qaahira, 54 jir): Abuu Cabdallaah, Muxammad ibnu Idriis, ash-Shaaficii. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Shaaficiyada, oo ku badan Yaman, Shaam, Indunuusiya, Malaysiya, Bariga Afrika, iyo waddamo kale oo tira badan, ahna mad-habka ummada Soomaaliyeed inteeda badani haystaan. Imaam Shaafici waxa uu ku dhashay Qassah (Falasdiin) sannadkii ...

Read More »

Imaam Maalik

Imaam Maalik (93H-179H, Madiinah, 86 jir): Abuu Cabdallaah, Maalik ibnu Anas ibnu Maalik. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Maalikiyada oo ku badan Galbeedka, laga bilaabo Suudaan ilaa Marooko. Waxa uu ku dhashay Madiinah taariikhdu markii ay ahayd 93H, waana sannadkii uu geeriyooday saxaabigii weynaa ee Anas ibnu Maalik. Imaamku ...

Read More »

Abuu Xaniifah

Abuu Xaniifah (80H-150H, Kuufah-Baqdaad, 70 jir), Nucmaan ibnu Saabit/ ث. Asalkiisu wuxuu ka soo jeeday Kaabul, Afqaanistaan. Waa imaamkii aasaasay mad-habka Xanafiyada oo ku badan dalalka Aasiya iyo Turkiga. Imaam Abuu Xaniifah aad ayaa uu u caqli iyo cilmi badnaa, waxaana lagu tiriyaa dadkii adduunka ugu caqliga badnaa. Waxa uu ...

Read More »

Hijri (Xilli-tirsi)

Xilli-tirsiga Hijriga loo yaqaanno ee Muslimiintu ay adeegsadaan waxa uu ka bilowdaa sannadkii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- u hijrooday Madiinah. Ereyga ‘hijri‘ waxa uu ka yimid hijrah. Xilli-tirsiga hijriga ah waxaa dejiyey khaliifkii labaad ee Muslimiinta, Cumar ibnul Khaddaab- Alle ha ka raalli ahaado e-. Sababtana culumada taariikhdu ...

Read More »

Muxarram

Muxarram waa bisha koowaad ee sannadka hijriga ah. Waxa ayna ka mid tahay afarta bilood ee xurmada leh (الأشهر الحرم). Xilligii Cumar ibnul Khaddaab- Alle ha ka raalli noqdo e- markii taariikh-tirsiga hijriga ah la dejinayey ayaa ay Muslimiintu ku heshiiyeen in ay Muxarram noqoto bisha sannadku ka bilowdo, maadaama ...

Read More »

Bilaha Xurmada Leh

إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِندَ اللَّهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا فِي كِتَابِ اللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ ۚ فَلَا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنفُسَكُمْ ۚ وَقَاتِلُوا الْمُشْرِكِينَ كَافَّةً كَمَا يُقَاتِلُونَكُمْ كَافَّةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ. إِنَّمَا النَّسِيءُ زِيَادَةٌ فِي الْكُفْرِ ۖ يُضَلُّ بِهِ الَّذِينَ كَفَرُوا ...

Read More »

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In kasta oo uu aad u weyn yahay, cuf badan ma laha oo dhulkaa 8 jeer ka cuf weyn. Biyahaa ka cuf weyn, sidaas awgeedna waxaa la yidhaahdaa haddii la sameeyo baaf biyo oo meerahan qaadi ...

Read More »