Home / Abwaan / Sakaatul Fidri (Fidro) (زكاة الفطر)
CC BY-SA 3.0 via Wikimedia Commons

Sakaatul Fidri (Fidro) (زكاة الفطر)

Qofka Muslimka ahi marka uu dhammeeyo soonka Ramadaan, waxaa laga rabaa in uu bixiyo sakaatul fidri, haddii uu awoodo. Awooddaasi ma aha in uu hodan ahaado, ee waa in uu haysto wax dheeraad ka ah masruufka naftiisa iyo ehelkiisa maalinka ciidda ah. Sakaatul fidriga waxaa laga rabaa dadka oo dhan: rag iyo dumar, ilmo iyo qof weyn ba. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu sheegay in ay qofka soonkiisii ka daahirinayso gefkii iyo dhacdhicii intii uu soomanaa, dhanka kalena ay masaakiinta u tahay cunto[1].

Fidradu waxa ay waajib noqonaysaa qorraxdu marka ay dhacdo maalinta Ramadaanka ugu dambaysa, waxaana la bixin karaa ilaa inta salaadda ciidda laga aadayo. Salaadda haddii la tukadana, wakhtigeedii wuu dhammaaday waxa ayna iska noqonaysaa sadaqo caadi ah[2].

Maxaa la bixinayaa? Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu faray in la bixiyo hal suus (saac) oo ah cuntada deegaanka, sida qamadida, bariiska, burka, iyo wixii la mid ah (Soomaaliya). Saacu waa afar mud, meesha mudku yahay inta ay qaadaan laba sacab oo dhexdhexaad ah. Nin sacabadiisu aysan aad u weynayn, aadna u yarayn, haddii inta uu labadiisa sacab isku qabto uu ka buuxiyo bariis afar jeer, waa saac[3]. Kiilo ahaan waxaa lagu qiyaasaa 2.5-3 kiilo inta u dhaxaysa, waxaana badbaadadu ku jirtaa in saddex la bixiyo, si shakhiga looga baxo. Waana sida ay goysay hay’adda fatwooyinka ee Sucuudiga[4]. Waxaa khilaafka keenay laba sacab oo bur ahi la mid ma aha laba sacab oo bariis ama galleey ah.

Qofku waxa uu ka bixinayaa naftiisa iyo inta nafaqadoodu ku waajibto ee uu masruufo, sida ilmihiisa, xaaskiisa iyo waalidkiis. Qof aan masruufkiisu waajib kugu ahayn waad ka bixin kartaa sakaatul fidriga laakiin waa in uu ogyahay kuuna ogolaado[5].

Lacag ahaan ma loo bixin karaa? Culumada Islaamka intooda badani waxa ay qabaan in aan lacag ahaan loo bixin karin. Laakiin, waxaa jira culumo qaba in ay bannaan tahay haddii dantu kallifto. Tusaale ahaan, haddii qofka deegaankiisa aysan joogin masaakiin uu cuntadii siiyo, waa la ogol yahay in uu lacagta bixiyo, si masaakiin meel kale joogta cunto loogu gado. Laakiin lama ogola in miskiinkii lacagta la siiyo. Qiimaha lacagtu waxa ay ku xidhan tahay hadba meesha qofku joogo, waana lacag goysa ilaa 3 kiilo oo cuntada deegaanka ah.

Sidaan sheegnay, waxa ay waajib noqonaysaa qorrax dhaca maalinta Ramadaan ugu dambaysa, afurka kadib. Waxaa se ugu fadli badan in la bixiyo subaxa ciidda salaadda ka hor. Way se bannaan tahay in la bixiyo bilawga Ramadaankaba sida uu imaam Nawawi sheegay[6]. Ibnu Cumar- radiyal Laahu canhu– waxa uu sii bixin jirey ilaa laba maalmood ciidda ka hor, isaga oo u dhiibaya dad amiirku u xilsaaray oo inta ay ururiyaan masaakiinta u qaybin jirey[7].

Xigasho

[1] Xasan. Abuu Daawuud (1609) iyo Ibnu Maajjah (1827) iyo Xaakim (1/409).

[2] Xasan. Abuu Daawuud (1609) iyo Ibnu Maajjah (1827) iyo Xaakim (1/409).

[3] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 6/90. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[4] Fataawooyinka Guddiga Joogtada ah, Qaybta Labaad, 8/265.

[5] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 6/101,112. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[6] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 6/87. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[7] Fatxul Baarii, Ibnu Xajar al-Casqalaanii, 4/381. Taxqiiqqa Nadar al-Faaryaabii. Daar Daybah. 1426H/2005. Riyaad.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In ...

Gud-Yicib

“Adaa karis iyo kulayl ku cunee Kalmoon Yicib kayd ma leeyahay?” Magacyada Af soomaali: Yicib. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *