Home / Abwaan / Udxiyah (الأضحية)
By Joran Bosscher [CC BY-SA 4.0] via Wikimedia Commons.

Udxiyah (الأضحية)

Udxiyadu waa Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– oo dartiis xoolo (geel, adhi, lo’) loo qalo maalinta Ciidul Adxaa iyo maalmaha ka dambeeya. Udxiyadu waa astaan ka mid ah astaamaha Islaamka, diintuna innagu boorrisay in aan ku dedaalno, waana halka Ciidul Adxaa ay ka qaatay magaceeda, oo waa Ciiddii Udxiyada.

In kasta oo aad la isugu adkeeyey udxiyada, culumadu waxa ay u badan yihiin in aysan ahayn waajib[1], , ee ay tahay sunnah la adkeeyey (sunnah mu’akkadah)[2] sida culumadu u badan yihiin. Sidaas ayaana laga soo sheegay Abuu Bakar iyo Cumar, Bilaal, Cabdullaahi ibnu Cumar iyo saxaabo kale[3]. Imaam Bukhaarina in ay sunnah tahay ayaa uu ku tilmaamay saxiixiisa[4]. Waxaa kale oo la sheegay in Abuu Bakar iyo Cumar aysan mararka qaar udxiyo qali jirin, iyaga oo ka cabsanaya in dadku u qaataan in ay waajib tahay, haddii ay markasta qalaan[5].

Imaam Abuu Xaniifa iyo imaamyo kale ayaa qaba in ay waajib ku tahay qofkii awooda ee aan safar ku jirin, ama aan xajinayn[6]. Daliilladooda waxaa ka mid ah xadiis uu werinayo Abuu Hurayrah- radiyal Laahu canhu– oo sheegaya in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– yidhi: “Qofkii awooda ee aan udxiyeysani, yaanu u soo dhowaan meeshaan ku tukanayno (musallahayaga)”[7]. Xadiiskan culumadu waa ay isku khilaafeen in uu yahay hadalkii Abuu Hurayrah (mawquuf) iyo in uu yahay hadalkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– (marfuuc). Ibnu Xajar waxa uu tilmaamay in uu saxiix yahay laakiin ay u badan tahay in uu yahay hadalkii Abuu Hurayrah. Waxa uuna ka soo xigtay imaam Daxaawi oo ka mid ahaa culumada waaweyn ee xanafiyada, isaga oo ku daray in xadiisku wixii uu ahaadaba aysan ku caddayn in udxiyadu waajib tahay[8]. Sidaas oo kale, waxa uu ku sheegay Buluuqul Maraam[9] in imaamyo badani ay ku tilmaameen in uu yahay hadalkii Abuu Hurayrah (mawquuf) ee uusan odhanin Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam-. Tirmidina waxaa laga sheegay in uu yidhi: sida saxda ahi waa in uu yahay hadalkii Abuu Hurayrah (mawquuf)[10].

In kasta oo loo badan yahay in aysan waajib ahayn, haddana waxa aan shaki ku jirin in ay aad muhiim u tahay, oo qofkii awooda laga rabo in uusan ka tegin, maxaa yeelay waa sunnah la adkeeyey, Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam– wuu joogtayn jirey, xittaa safar isaga oo ah kama uusan tegin[11].

Xigasho

[1] Fatxul Baarii, Ibnu Xajar al-Casqalaanii,12/541. Taxqiiqqa Nadar al-Faaryaabii. Daar Daybah.

[2] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 8/352. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[3] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 8/354. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[4] Saxiixul Bukhaarii, Kitaabul Adaaxii, Baabu Sunnatil Udxiyyah. Fatxul Baarii, 12/541

[5] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 8/356. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[6] Fatxul Baarii, Ibnu Xajar al-Casqalaanii,12/542. Taxqiiqqa Nadar al-Faaryaabii. Daar Daybah.

[7] Axmed (2/321), Ibnu Maajjah (3123), Xaakim (2/389).

[8] Fatxul Baarii, Ibnu Xajar al-Casqalaanii,12/542. Taxqiiqqa Nadar al-Faaryaabii. Daar Daybah.

[9] Buluuqul Maraam, Kitaabul Adcimah, Baabul Adaaxii.

[10] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 8/355. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[11] Bukhaari (5548). Fatxul Baarii 12/545.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In ...

Gud-Yicib

“Adaa karis iyo kulayl ku cunee Kalmoon Yicib kayd ma leeyahay?” Magacyada Af soomaali: Yicib. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *