Home / Abwaan / Caashuuraa’

Caashuuraa’

Caashuuraa waa maalinta tobnaad ee bisha Muxarram, waana maalin aad u fadli badan. Markii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallama- tagey Madiina ayaa wuxuu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinkaas. Markii uu waraystayna waxay u sheegeen inuu yahay maalintii Alle uu Nebi Muuse- calayhis salaam- iyo dadkiisii ka badbaadiyey Fircoon.

Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi anigaa Muuse idiin ka xaq leh oo idiinka dhow, wuuna soomay, Muslimiintiina wuxuu faray in ay soomaan. Waxaa sunne ah in lagu daro maalinta ka horaysa ama ta ka dambaysa. Sida xadiisku sheegayana, waxaa lagu dhaafaa dembigii sannadkii la soo dhaafay.

وَصِيَامُ يَوْمِ عَاشُورَاءَ أَحْتَسِبُ عَلَى اللَّهِ أَنْ يُكَفِّرَ السَّنَةَ الَّتِي قَبْلَهُ

 1162 رواه مسلم

“Soonka maalinta caashuuraa waxaan Alle kaga rajaynayaa in uu ku dhaafo sannadkii ka horreeyey”

Waxaa weriyey Muslim: 1162

Waa maalin weyn oo ay tahay in la weyneeyo. Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- waxa uu weyneeyo oo la weyneeyaana waxay tusinaysaa taqwada qofka qalbigiisa ku jirta.

Markii ay taariikhda hijrigu ahayd 61, maalintii Caashuuraa ayaa magaalada Karbalaa lagu diley Xuseen ibnu Cali- Alle ha ka raalli noqdo e-. Waana dhacdada ay Shiicadu murugada ku xusaan maalinta Caashuuraa iyaga oo jidh-dil isku samaynaya. Dhanka kale, dad ayaa dabbaaldeg iyo ciid ka dhigtay. Laakiin sunnada Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- midna ma jidaynin’e waa in la soomo oo Alle loo cibaadeysto, iyada oo dembi dhaaf laga rajaynayo.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *