Home / Abwaan / Maatar (matter/المادة)

Maatar (matter/المادة)

Aqoonteennu inta ay gaadhsiisan tahay uunku waxa uu ka samaysan yahay maatar iyo tamar. “Wax kasta oo cuf iyo culays leh oo meel bannaan buuxin kara”[1] ayaa maatar lagu magacaabaa. Si kale haddii aan u dhigno, wax kasta oo aad taaban kartid waxaa la dhihi karaa waa maatar. Sidaas awgeed, dhagaxa, ciidda, geedka, dadka, xoolaha, hawada, biyaha iyo wixii la mid ahiba waa maatar. Maatarka waxaa ka soo horjeeda Tamar (Energy). Tamartu ma laha culays meel bannaanna ma buuxin karto. Tusaale ahaan, iftiinku/ilaysku iyo codku waa tamar, mana laha cuf ay meel bannaan ku buuxiyaan iyo culays toona.

Saddexda weji iyo biyuhu qaadan karaan iyo muuqaalkooda. Biyaha caadiga ahi waa hoor, marka la bayliyana waxay isu bedelaan uumi (neef). Haddii se aad loo qaboojiyo waxay noqdaan baraf (adke).
Saddexda weji ee biyuhu qaadan karaan iyo muuqaalkooda. Biyaha caadiga ahi waa hoor, marka la bayliyana waxay isu bedelaan uumi (neef). Haddii se aad loo qaboojiyo waxay noqdaan baraf (adke). Xigasho Wikipedia Commons [Public Domain/ CC BY 2.0]

Maatarku saddex xaaladood middood (states/phases of matter) ayuu ku sugnaan karaa: adke (sida dhagaxa iyo barafka), dareere (sida biyaha iyo saliidda) iyo neef ama hawo (sida hawada aan neefsanno). Adkuhu (solid) waxa uu leeyahay qaab (shape) iyo mug cayyiman. Halka dareeruhu ma laha qaab cayyiman laakiin mug cayyiman ayaa uu leeyahay, waxa uuna qaataa hadba weelka uu ku jiro qaabkiisa. Dhanka kale, neeftu ma laha qaab iyo mug cayyiman toona. Waxa ayna qaadataa qaabka weelka ay ku jirto.

Waxaa dhici karta in walax keli ahi ay saddexdan xaaladood marba mid ku sugnaato. Biyaha haddii aan tusaale ahaan u soo qaadanno, caadi ahaan biyuhu waa dareere laakiin haddii aad loo qaboojiyo (0oC) waxa ay isu bedelaan adke (baraf), haddiise la bayliyo (100 oC) waxa ay isu bedelaan neef (uumi, qiiq). Dhowaan ayaa saynisyahannadu qeexeen xaalado kale oo maatarku yeelan karo laakiin ma aha kuwo caadi ahaan u dhaca. Tusaale ahaan, waxaa jirta xaalad kale oo lagu magacaabo balaasma (plasma) oo uu maatarku qaato marka si xad dhaaf ah loo bayliyo/kululeeyo.

Maatarku waxa uu ka samaysan yahay waxyaalo aad u yaryar oo aan ishu qaban karin oo lagu magacaabo Atam (atom). Atamku waa eray Af-Giriig ah oo macnihiisu yahay walax aan la goyn karin, taas oo ka dhalatay fikradda ah in haddii shayga la jar jaro ugu dambayntii la gaadhi doono qayb aan la sii kala goyn karin, taas oo ah waxa asaaska iyo unugga u ah maatarka oo dhan. Tusaale ahaan, biyuhu waa maatar dareere ah kana samaysan laba atam oo kala jaad ah, kuwaas oo kala ah: oksijiin iyo haydorojiin.

Maatarka Madoow

Markii la xisaabiyey cufisjiidadka koonka ka jira iyo culayska loo baahan yahay si cufisjiidadkaasi u suuragalo, waxaa xisaab ahaan ku soo baxday in waxyaalaha aan koonka ku aragno oo dhan aysan buuxinaynin 5% dhismaha koonka! Koonku wixii uu ka samaysnaa 95% wax ay yihiin iyo meel lagu sheego toona la ma garanayo ilaa hadda. Saynisyahannadu waxay qiyaaseen in 95% ka maqan ilaa 27% ay tahay maatar aan muuqanin, waxayna u bixiyeen maatar madoow (dark matter), halka ilaa ku dhowaad 68% ay ka samaysan tahay tamar madoow (dark energy)[2].

Dhulkan aan ku noolnahay iyo waxaa xiddig cirka ka muuqda iyo in kale oo fogaan darteed aynaan isha ku arki karinba way ka yaryihiin boqolkiiba shan waxa koonku ka samaysan yahay. Alle ayaa og inta kale waxay tahay iyo meesha ay ku sugan tahay. Waxaanse ogsoonnahay in ay jiraa waxyaalo iyo abuur badan oo innaga qarsoon. Waxaa jira 7 samo iyo dhul oo aynaan arkin, janno, naar, kursiga iyo carshiga Alle oo aad iyo aad u weyni badan.

Koonka cibro iyo waanoqaadasho ayaa innoogu sugan.

 Xigasho

[1] Qaamuuska Soo Maal, fiiri erayga MAATAR, Daabacadda 1aad. 2013. Jabuuti.

[2] http://science.nasa.gov/astrophysics/focus-areas/what-is-dark-energy/

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Cirjiidh (Jupiter)

Waa meeraha shanaad, uguna weyn bah qorraxeedka. Toddobada meere ee kale oo la isku daray ...

Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)

Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *