Home / Fiqh

Fiqh

Caashuuraa’

Caashuuraa waa maalinta tobnaad ee bisha Muxarram, waana maalin aad u fadli badan. Markii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallama- tagey Madiina ayaa wuxuu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinkaas. Markii uu waraystayna waxay u sheegeen inuu yahay maalintii Alle uu Nebi Muuse- calayhis salaam- iyo dadkiisii ka badbaadiyey Fircoon. Nebigu- ...

Read More »

Adaan (الأذان) [aadaan, eedaan, addin] iyo Iqaamah

Adaanku waa “dhawaaq iyo baaq dadka loogu sheego in salaadda wakhtigeedi galay”[1], waxa uuna ka kooban yahay “Erayo la isla ogyahay oo kooban oo ay Diinta Islaamku goysay in dadka loogu sheego in salaadda wakhtigeedii galay.”[2] Eray bixinnadaas aan ka soo xigannay qaamuuska Afsoomaaliga ee Soo Maal, waxa ay ta ...

Read More »

Udxiyah (الأضحية)

Udxiyadu waa Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– oo dartiis xoolo (geel, adhi, lo’) loo qalo maalinta Ciidul Adxaa iyo maalmaha ka dambeeya. Udxiyadu waa astaan ka mid ah astaamaha Islaamka, diintuna innagu boorrisay in aan ku dedaalno, waana halka Ciidul Adxaa ay ka qaatay magaceeda, oo waa Ciiddii Udxiyada. In kasta ...

Read More »

Sakaatul Fidri (Fidro) (زكاة الفطر)

Qofka Muslimka ahi marka uu dhammeeyo soonka Ramadaan, waxaa laga rabaa in uu bixiyo sakaatul fidri, haddii uu awoodo. Awooddaasi ma aha in uu hodan ahaado, ee waa in uu haysto wax dheeraad ka ah masruufka naftiisa iyo ehelkiisa maalinka ciidda ah. Sakaatul fidriga waxaa laga rabaa dadka oo dhan: ...

Read More »

Ciid (العيد)

Ciid waa eray Afcarabi ah oo tilmaamaya ayaamaha dadku u farxaan diin ama dhaqan ahaan[1]. Asal ahaan waxa uu ka yimid erayga alcawd (العَوْد) oo macnihiisu yahay soo noqnoqosho, maxaa yeelay waa farxad sannad walba soo noqnoqotaa[2]. Sharciyayntii Ciidda Islaamka ka hor, reer Madiinah waxa ay lahaan jireen laba maalmood ...

Read More »