Waa abaalmarin sannadle ah oo loogu magac daray Alfred Nobel oo ahaa ninkii aas-aasay. Alfred Nobel wuxuu ahaa saynisyahan iyo muhandis u dhashay dalka Sweden. Wuxuu lahaa warshad hubka samaysa, waana ninkii hinsiday walaxda qaraxda ee dhaaynamaayt (miino), oo lagu jabiyo dhagaxa iyo wixii la mid ah, sida marka ceelasha iyo baraagaha la qodayo. Hindiseyaashiisii iyo farsamooyinkii uu curiyey wuxuu ka helay hanti aad u badan.
Geeridiisii ka hor ayuu dardaarmay in hantidiisa lagu abaabulo abaalmarrinno la siinayo dadka waxtar weyn ku soo kordhiya aadanaha. Geeridiisii kaddib ayaa la aas-aasay hay’ad gacanta ku haysa hantidiisii oo qabanqaabisa abaalmarinnadaas. Aas-aaskii Abaalmarinta Nobeel wuxuu ahaa sannadkii 1895 miilaadiga, abaalmarintii koowaadna waxaa la bixiyey 1901 miilaadiga.
Abaalmarintani waa mid aad loo qadariyo, helitaankeeduna ka turjumayo heerka aqooneed ee aadka u sarreeya iyo qiimaha waxtarka uu soo kordhiyey qofka la siiyey. Waa abaalmarinta ugu darajada sarraysa ee aqoonyahan helo, kuwo badanina wakhti iyo dedaal aad u badan ku bixiyaan sidii ay ku heli lahaayeen.
Abaalmarintan waxaa la siiyaa aqoonyahannada waxtar saamayn weyn leh ku soo kordhiya Suugaanta, Kimistariga, Fisigiska, iyo Hab-shaqaynta jidhka iyo Caafimaadka. Mar dambe ayaa lagu daray Nabadda iyo Dhaqaalaha.
Abaalmarinta Nobeel waxaa laga bixiyaa caasimadda Sweden ee Stockholm, aan ka ahayn Abaalmarinta Nobeel ee Nabadda oo laga bixiyo caasimadda Norway ee Oslo.
Qofka ama hay’adda ku guuleysata (nobel laureate; nobeel looriyat) waxaa la guddoonsiiya billad dahab ah, shahaado, iyo lacag gaadhaysa $1.1 milyan oo doolar. Abaalmarinta haddii dhowr qof qaybsadaan, lacagtana waa loo qaybiyaa.
Guddiga xulashadu waxay sameeyaan baadhitaan iyo dabagal dheer si ay u soo doortaan dadkii la abaalmarin lahaa sannad walba. Aqoonyahanno iyo hay’ado aad u badan ayaa ka qaybqaata magacaabidda musharraxiinta, iyaga oo qeexaya sababta ay ku doorteen. Guddiga ayaa kala saara musharixiinta kaddibna u codeeya ciddii abaalmarinta ku guulaysan lahayd.
Abaalmarinta fisigiska, kimistariga, iyo caafimaadka aad loogama murmo, laakiin inta badan muran iyo dhaleecayn badan ayaa ka dhasha kuwa suugaanta, dhaqaalaha, iyo nabadda; gaar ahaan ka nabadda oo inta badan aad loo dhaleeceeyo go’aanka gudiga.