Dhammaadkii Luulyo 1954 tii ayaa Danjire Maxamad Kamaaludiin Saalax oo ka mid ahaa saddex danjire (Masar, Koolombiya, Filibbiin) oo ay Qaramada Midoobay (UN) u soo dirtay Soomaliya 1949 kii si ay Talyaaniga u la ogaadaan sida Tobankaa sano loogu diyaarinayo koofurta Soomaaliya si ay u hanato dawladnimadooda.
Danjire Kamaaludiin wuxuu u soo jeediyey xisbiyadii Soomaalida in ay samaystaan calan ka wada dhexeeya, oo la dhinac suro kan Qaramada Midoobay iyo kan Talyaaniga ee ka taagnaa Guriga Dawladda ee Xamar. Muran badan ka dib waxaa la qaatay kii uu soo jeediyey Maxamad Cawaale Liibaan oo ah kan aan maanta haysanno.
Bilowgii Sibtembar ayaa golaha wadatashiga dalku waxay gaareen go’aan taariikhi ah, oo ah jiritaanka calanka astaanta u ah Soomaalida; waxaa la oggolaaday xeerka calanka iyo in uu yahay astaan dad isku dal, dhaqan iyo dan mideyso oo walaaleysaa leeyihiin- iyada oo aan lagu kala soocin siyaasad, af, isir, hiddo, diin iyo midab. Waa astaan jiritaankeedu tilmaamaayo dawladnimadooda iyo madaxbannaanidooda oo dadku jeelkiisa iyo jiritaankiisa nafta u huro.
Calanka qaranka Soomaaliyeed ee golaha loo soo bandhigay wuxuu midabkiisu ahaa lafcir (buluug) fudud oo qaabkiisu yahay laydi ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shan geesood oo siman leh, oo astaan u ah Soomaaliweyn.

Calanka qaranka Soomaaliyeed waxa la soo shaacbixiyey 12 kii Oktoobar 1954 tii, maalin Isniin ah saacadduna sagaalkii gelinka hore ahayd. Ciidan booliis ah oo ka kooban lixdan askari oo uu hoggaaminayo Xiddigle Muxamad Ibraahim Muxamad (Liiqliiqato), labada horimood oo ay kala hoggaminayeen Kormeere Aadan Cabdi (Kuukay), iyo Kormeere Cabdi Jeelle ayaa salaan sharaf sarta xarunta dawladda korkeeda dhanka bidix ku saaray calanka qaranka Soomaaliyeed, iyada oo dhexda uu ka taagnaa kan Qaramada Midoobay, midigta na kan Talyaanigu.
Dadweyne fara badan ayaa goobtaas isugu soo baxay iyaga oo raynrayn badani ay wajigooda ka muuqato, dhacdadaas calan saarka ahayd wuxuu curiyey abwaan Cabdullaahi Qarshe heeskiisii caanka noqday ee:
“qolaba calankeedu, waa caynoo
Innaga na keennu, waa cirkoo kale e
Aan caad na lahayn, ee caashaqay ee”
Calankaas oo madax bannaan waxa laga taagay markii u horreysay beerta xurriyadda ee Hargeysa 26 juun 1960kii, waa markuu abwaan Timacadde tiriyriyey gabaygiisii caanka ahaa:
“Sarreeyow ma nuqsaamow
Aan siduu yahay eegnee
Kaana siib kanna saar”


Alle waxan ka baryayayaa intii ka qaybqaadatay dhacdooyinkaas in uu u naxariisto oo webiyada Janna Firdowsa ka waraabiyo, aamiin.
Raadraac
- Wareysigii guddoomiyihii hore ee golaha ummadda Sheekh Mukhtaar, uu la yeeshay wargeyska Kasmo.
- Buugga”Dalkii flka weynaa ee Bunt” ee uu qoray S/Guuto Maxamed Ibraahim Muxamad (Liiqliiqato)
WQ: Ustaad Muxamed Cabdullaahi Jaamac
Tixgelin: sawirrada Calanka ee Muqdisho, via Qoraa Muxamed Trunji, sawirrada Calanka ee Hargeysa, via Safia Aidid.