Home / Abwaan / Atam (Atom, الذرة)
muuqaal tusinaya dhiska atamka. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.

Atam (Atom, الذرة)

Maatarku waxa uu ka samaysan yahay saxarro aad u yaryar oo lagu magacaabo Atam. Hal tin ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ballaadhkeedu yahay hal milyan oo atam.

Atamka qudhiisu waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood: borotoon, niyutroon iyo elektoroon. Atamku waxa uu leeyahay badhtame ama bu’ halkaas oo ay ku sugan yihiin borotoonnada iyo nuyutroonnadu. Bu’du waxay le’eg tahay hal sentimitir (——) oo tirilyan (1 000 000 000 000) qaybood laga dhigay qayb ka mid ah. Bu’da waxaa ku hareeraysan oo ku meera elektoroonnada, laakiin aad ayey uga fog yihiin bu’da. Fogaantaasi waxa ay keentay in atamka intiisa badani ay madhnaanaato. Tusaale ahaan, haddii bu’du le’ekaan lahayd kubbad, iyada iyo elektoroonka ugu dhow waxaa u dhaxaynaysa ilaa 800 oo mitir (0.8 km/ half a mile). Haddaba atammada qofka jidhkiisu ka samaysan yahay oo dhan haddii la isku cadaadiyo ilaa bu’da iyo elektoroonnadu istaabtaan, qofka dhani waxa uu le’ekaanayaa xabbad yar oo milix ah, lixda bilyan ee qof ee adduunka ku noolina waxay leekaanayaan xabbad tufaax ah!.

Haddaba, maxaa isu haya bu’da iyo elektoroonnada ku mareeya? Waxaa jirta astaan maatarku leeyahay oo la dhaho jaarj (charge) ama danab marka la Soomaaliyeeyo. Tusaale ahaan, baytariga waxaad arkaysaa in dhinac ay kaga qoran tahay calaamadda +, dhanka kalena ay kaga qoran tahay calaamadda -. Labadan calaamadood waxay ka turjumayaan jaajka ama danabka dhinac walbaa leeyahay, korontaduna waa danab qulqulaya oo danabka taban (–) ayaa raadinaya danabka togan (+). Danabka togan (+) iyo danabka tabani (–) marka ay isu yimaaddaan way isjiitaan. Dhanka kale, laba danab oo isku mid ahi (sida + iyo + ama – iyo -) way kala firdhaan/cararaan. Tan waxaa la mid ah birlabta oo labada dhinac ee isku jaadka ahi iskuma dhegaan wayna kala didaan, laakiin labada kala duwani way is-qabsadaan. Su’aashii haddii aan ku laabanno, atamka bu’diisu way togan tahay (+) maxaa yeelay borotoonnada ayaa wata danabka togan (+). Halka niyutroonadu aysan ka lahayn danab. Elektoroonnada bu’da ku hareeraysani way taban yihiin (–), taasina waxa ay keentaa in borotoonnadii tognaa (+) iyo elektoroonkii tabnaa (–) ay isjiitaan, sidaana isku haystaan.

Atam kastaa tiro cayyiman oo borotoonno, niyutroonno iyo elektoroonno ah ayuu leeyahay, caadi ahaanna way isle’eg yihiin tirada borotoonnada iyo elektoroonnadu danabkooduna wuu isu dheelitiran yahay oo atamku danab malaha. Tirada niyutroonadu way isbedeli kartaa mana bedesho nooca atamka, kaas oo ku xidhan tirada borotoonnada ku jira bu’da atamka. Tusaale ahaan, atamka dahabku waxa uu leeyahay 79 borotoon, halka atamka maartu ka leeyahay 29 borotoon. Atamyada intii tirada borotoonka wadaagtaa waa isku jaad waxaana loo yaqaanna curiye (element). Sidaas awgeed, dahabku waa curiye, maartu waa curiye, xadiidku waa curiye, oksijiintu waa curiye, qalinku waa curiye, alamiiniyamku waa curiye, kaalsiyamku waa curiye, aayadhiintu waa curiye, yuuraaniyamka hubka nuyukliyeerka laga sameeyaana waa curiye. Ilaa hadda waxaa la sheegay in ay jiraan 118 curiye in kasta oo aan dhawr ka mid ah weli la hubin baadhitaanna ku socdo. Caadi ahaan waxaa la helaa in ka yar 100 curiye oo bii’ada ku sugan. Inta kale dad baa sameeyey mana xasiloona oo si fudud ayey ku kala daataan. Curiyaha 92 waa yuuraaniyam iyadaana ugu culus inta caadi ahaan bii’ada looga helo.

Taxanahani waxa uu muujinayaa curiyeyaasha la daahfuray ilaa hadda. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Taxanahani waxa uu muujinayaa curiyeyaasha la daahfuray ilaa hadda. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Atammadu keli-keli uma joogaan ee way is urursadaan waxayna sameeyaan xidhiidh. Marka laba atam iyo ka badani ay xidhiidhsamaan waxaa loo yaqaannaa molikuyuul (molecule).

Waxaa isweydiin mudan sida waxyaalaha kala duwan ee uunka ku sugan ay uga samaysan yihiin in ka yar 100 curiye. Alif-ba’da farsoomaaligu waxa ay ka kooban tahay 26 xaraf, laakiin erayada laga samayn karaa xad malaha. Sidaas oo kale ayaa israacraaca iyo iskudarka tirada kooban ee curiyeyaashu ay u suuragelin kartaa cajaa’ibka aan ku aragno uunka Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– uu abuuray.

Tusaale ahaan, biyuhu waxa ay ka samaysan yihiin labada curiye ee oksijiin (oxygen) iyo haydorojiin (hydrogen), oo laba atam oo haydorojiin ah iyo hal atam oo oksijiin ah ayaa xidhiidha oo sameeya hal molikuyuul oo biyo ah. Dhibic yar oo biyo ah waxaa lagu qiyaasaa in ay ka samaysan tahay ilaa 139 000 000 000 000 000 000 000 oo molikuyuul oo midkiiba saddex atam ka samaysan yahay. Halkii litir waxaa lagu qiyaasaa in uu ka kooban yahay 24 000 oo dhibcood. Haddaba, tiradii hore waxaa ku dhufataa 24 000. Maxaa kuu soo baxay? Imisa litir baad ku qubaysataa? Amase imisa atam oo haydorojiin iyo oksijiin ah ayaad ku qubaysataa?

تبارك الله أحسن الخالقين

 

Jidhkeenna intiisa badan wuxuu ka samaysan yahay saddex atam: oksijiin, kaarboon iyo haydrojiin.
Jidhkeenna intiisa badan wuxuu ka samaysan yahay saddex atam: oksijiin, kaarboon iyo haydrojiin. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Waxaa la qiyaasaa in jidhka Banii Aadamku uu ilaa boqolkiiba lixdan (60%) ka samaysan yahay biyo. Biyuhuna sidii aan soo aragnay waxa ay ka samaysan yihiin oksijiin iyo haydorojiin. Oksijiinta waxaa kale oo laga helaa borotiinka, baruurta, sonkorta. Sidaas awgeed culayska jidhkeenu boqolkiiba 65 waa oksijiin. Curiyaha kaarboon ee ay ka samaysan yihiin dhuxusha iyo dheemantu waa asaaska nolosha, noole ka madhanna ma jiro, jidhkeenana ilaa 18% ayaa kaarboon ah. Haydorojiin waa 10% culayska jidhkeenna. Naaytrojiin 3%. Kaalsiyam 1.5%, Fosforas 1%, iyo 1.5% oo curiyeyaal kale ka samaysan.
Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Cirjiidh (Jupiter)

Waa meeraha shanaad, uguna weyn bah qorraxeedka. Toddobada meere ee kale oo la isku daray ...

Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)

Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *