Ciid (العيد)

Ciid waa eray Afcarabi ah oo tilmaamaya ayaamaha dadku u farxaan diin ama dhaqan ahaan[1]. Asal ahaan waxa uu ka yimid erayga alcawd (العَوْد) oo macnihiisu yahay soo noqnoqosho, maxaa yeelay waa farxad sannad walba soo noqnoqotaa[2].

Sharciyayntii Ciidda

Islaamka ka hor, reer Madiinah waxa ay lahaan jireen laba maalmood ay ciidaan. Waxaa la sheegaa in uu ahaa dhaqan uga yimid dhanka Faarisiyiinta, waxaana loo yaqaannay nayruuz iyo mahrajaan[3]. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– markii uu Madiinah u hijrooday kaddib, ayaa uu weydiiyey waxa ay yihiin labadan maalmood, waxa ayna ugu jawaabeen: waa laba maalmood oo aan ciyaari jirney xilligii jaahiliyada (Islaamka ka hor). Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ku yidhi:

إن الله قد أبدلكم بهما خيرا منهما يوم الأضحى ويوم الفطر

Alle waxa uu idiin ku bedelay laba ka khayr badan: maalinta adxaa iyo maalinta fidriga[4].

Sidaas ayaa laba ciidood ee ciidul fidri (soonfur) iyo ciidul adxaa (carafe) ay kaga mid noqdeen shareecada Islaamka, laguna bedelay ciidihii hore. Hadalka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– saxaabadu waxa ay ka fahmi in la joojiyo ciidihii hore ee Islaamka ka horreeyey, kutubta taariikhdana laguma hayo in markaas kaddib ay jirto cid u dabbaaldegtay labadaas ciidood.

Waxaa la sheegay in ciiddii ugu horraysay ee uu tukado Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– ay ahayd ciidul fidriga sannadkii labaad hijrada kaddib[5], waana sannadkii la waajibiyey soonka bisha Ramadaan.

Ciidul Fidri (soonfur)

Ciidda hore waa Ciidul Fidri ama Ciidda Yar ama Ciidda Soonfur sida dadka qaar u yaqaanaan, waxaana la ciidaa marka ay dhammaato bisha Ramadaan, iyada oo la soo soomay 29 ama 30 maalmood. Waa farxad weyn oo Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– loogu mahadcelinayo in uu innoo suurageliyey gudashada waajibkaas weyn, ee ka mid ah shanta tiir ee Islaamka. Sidaas oo kale waxaa Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– loogu mahadcelinayaa in uu inna haleeshiiyey fadliga iyo barakada bisha Ramadaan. Ciiddani waxa ay ku beegan tahay koowda bisha Shawwaal ama Soonfur, oo ah bisha tobnaad ee sannadka hijriga ah.

Haddii maalinta 29aad qorraxdu marka ay dhacdo la arko bishii Shawwaal (Soonfur), maalinta ku xigta waa ciidul fidri. Haddii se la arki waayo bishii, Ramadaan ayaa 30 la dhammaystirayaa, kaddibna waa la ciidayaa. Muran aad u badan ayaa sannad walba ka dhasha aragtida bisha iyo xilligii la ciidi lahaa. Khasab ma aha in waddan gaar ah la raaco, ee Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu inna faray in aan ku soonno aragtida bisha Ramadaan, kuna affurno aragtida bisha Shawwaal, haddii la arki waayana bil walba soddonkeeda loo dhammaystiro[6].

Waxaa se lagama maarmaan ah in lagu dedaalo midnimo Muslimiinta, oo aan qolaba mar iska ciidin, ee la wada ciido, lana muujiyo midnimo iyo isku duubnaan. Nebigana- sallal Laahu calayhi wasallam– waxaa laga weriyey xadiis macnihiisu yahay: ciidul fidrigu waa maalinka dadku affuraan, ciidul adxaana waa maalinka dadka udxiyada qalaan. Kaas oo laga fahmayo in loo ciido si wadar ah, ee aan la kala qaybsamin, gaar ahaan dadka isku deegaanka ah.

Sakaatul Fidri

Qof kasta oo Muslim ah oo haysta wax dheeraad ka ah masruufka naftiisa iyo ehelkiisa maalinka ciidda ah, waxaa ku waajibaysa in uu bixiyo sakaatul fidri. way ka siman yihiin ragga iyo dumarku, qof weyn iyo ilmo yar ba. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- waxa uu sheegay in ay qofka soonkiisii ka daahirinayso gefkii iyo dhacdhicii intii uu soomanaa, masaakiinta ay u tahay cunto[7], si ay maalinkaas baryada uga raystaan umaddana ula farxaan.

Halkan ka akhri faahfaahinta Sakaatul Fidriga

Ciidul Adxaa (carafo)

Ciidda labaad waa Ciidul Adxaa ama Ciidda Carafo. Waxaa kale oo loo yaqaannaa Ciidda Weyn, waxa ayna ku beegan tahay tobanka bisha Dul-Xijjah ama Carafo, oo ah maalinta ka dambaysa maalinta carafo ee xujjaajtu ay taagan yihiin banka carafah. Waa maalinta ay u dhaqaaqaan Mina, si ay dhagaxa u tuurtaan (jamaraat), kaddibna waxa ay aadaan Xaramka si ay u dawaafaan. Sidaas oo kale waxa ay xiirtaan timaha, qofkii hadyi wadaana maalintaas ayaa uu qalaa, halkaas oo ay ka qaatay magaca ah Yawmun Naxri ama maalintii qalitaanka. Waa maalinta la qabto hawlaha xajka inta ugu badan.

Udxiyada

Ciidul Adxaa waxa ay magaca ka qaadatay udxiyada oo ah xoolaha la qalo maalinkan. Qofkii awooda waxaa lagama maarmaan ah in uu ugu yaraan hal neef (geel, lo’, adhi) Alle dartiis u qalo, oo uu wax ka cuno masaakiintana qayb ka siiyo.

Halkan ka akhri faahfaahinta Udxiyada

Farxadda Ciidda

Maalinta ciiddu waa maalin farxadeed, oo la rabo in Muslimiintu damaashaadaan oo dabbaaldegaan. Waxaana xaaraan ah in la soomo, ee waa in nafta la nasiyo loona raaxeeyo. Taasna loogama jeedo in xaaraan lagu dhaco, oo la sameeyo wax aan Alle raali ka ahayn, iyada oo ciidda lagu marmarsiiyoonayo. Caa’isha- radiyal Laahu canhaa– waxa ay sheegtay[8] in maalin ciid ah uu guriga ugu soo galay Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam-. Xilligaa waxaa la joogey laba gabdhood oo qaadayey heeso ay isu tiriyeen labadii beelood ee Madiinah deganaa (Aws iyo Khazraj) mar ay dagaallameen, durbaanna waa ay tumayeen. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxba kuma uusan odhanin ee furaashkiisa ayaa uu iska tegay, oo inta uu sii jeestay go’ madaxa saartay. Heestii iyo durbaankii oo socda ayaa waxaa yimid Abuu Bakar- radiyal Laahu canhu-. Markiiba canaan ayaa uu ku bilaabay gabadhiisii Caa’isha oo waxa uu yidhi: “Ma codkii shaydaankaad guriga Nebiga keenteen”!. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– inta uu go’ii madixiisa ka qaaday oo uu soo jeesday ayaa waxa uu yidhi: “Iska daa gabdhaha, Abuu Bakaroow qolo kastaa ciid ayey leedahay tanina waa ciiddeenii.” Dhacdadani waxa ay tusinaysaa in farxadda ciidda ay soo gelayaan in la iska hees heeso oo durbaan la tunto. Laakiin, waa in aysan la soconin muusiko aysanna ahayn erayo qofka dareenkiisa kicinaya oo u horseedi kara xaaraan[9]. Waxaa kale oo mudan in aan xusno, Caa’isha way caddaysay in gabdhahani aysan ahayn dumarka heesa ee lagu yaqaanno, shaqadoodana ay tahay. Waxa ay ahaayeen gabdho iska damaashaadaya. Sidaas oo kale, durbaanka booskiisa ma gelayaan kabanka iyo wax la midka ah, oo kuwaasi waa xaaraan[10].

Waxaa kale oo ay werisay Caa’isha[11]radiyal Laahu canhaa– in maalin ciid ah ay niman Xabashi ahi ku dhex ciyaarayeen masjidka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Waxa ay tidhi: “Ma kala xasuusto in aan weydiiyey iyo in uu igu yidhi Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam-: ‘Ma xiisaynaysaa in aad fiirisid?’”. Waxa ay sheegtay in ay haa tidhi, dabadeedna inta ay isku beegtay oo dhabarkiisa istaagtay, ayaa ay ku tiirsatay garabkiisa, dhabankana dhabanka u saartay. Halkaasayna ka daawanaysay ciyaarta, taas oo ay raggu ku ciyaarayeen waranno iyo gaashaanno. Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam– waa uu dhiirigelinayey oo waa uu u jiibinayey si ay ciyaarta u wadaan. Waxaana la sheegay in Cumar inta uu yimid oo quruurux dhulka ka qaatay uu nimankii ku tuuray si ay masjidka ciyaarta uga daayaan! Laakiin Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ayaa ku yidhi: “Cumaroow iska daa”.

Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– wuu sugayey intii ay Caa’isha ka boganaysay ciyaarta, markii uu arkay in ay daashay ayaa uu ku yidhi: “Intaasi ma kugu filan tahay?”, haa ayey ku jawaabtay, kaddibna meeshii wuu ka dhaqaaqay. Dhacdadan dambe ayadana waxaa ka muuqata in farxadda ciidda ay ka mid tahay in la ciyaaro, hadba sidii dhaqanka bulshadu yahay, maxaa yeelay ciyaartani ma ahayn wax reer Madiina samayn jireen, ee waxaa caan ku ahaa Xabashida. Shareecaduna waa ay tixgelisaa dhaqamada kala duwan ee bulshooyinka, haddii aysan ku jirin wax diinta ka hor imanayaa.

Xukunka salaadda ciidda

Culumada islaamku waxa ay isku raacsan yihiin in salaadda ciidda la iska rabo, aysanna haboonayn in laga tago. Maxaa yeelay waxa ay ka mid tahay astaamaha (shacaa’irta) Islaamka ee waaweyn. Waxa ayna muujinaysaa isku duubnaanta Muslimiinta. Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam– marnaba kama tegin. Raga iska dhaafe, waxa uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– faray xattaa dumarka aan tukanayn, caruurta, iyo makhabbiyadaha guriga aan ka soo bixin, in la soo saaro oo ay yimaaddaan goobta, khayrkana ka qayb qaataan[12].

Iyada oo ay taasi jirto, ayaa waxa ay culumadu isku khilaafeen xukunka ay salaadda ciiddu qaadanayso. Waajib miyaa sida shanta salaadood ee kale? Mise waa sunnah?

Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– habeenkii la dheelmiyey (laylatul Israa’i wal Micraaj), Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– waxa uu ku soo waajibiyey konton salaadood, kuwaas oo markii dambe la yareeyey oo laga dhigay shan salaadood (Subax, Duhur, Casar, Makhrib, iyo Cishe). Waxaa kale oo jira xadiis ay Bukhaari iyo Muslim ka weriyeen saxaabiga Dalxah ibnu Cubaydillaah, oo sheegaya in nin reer baadiye ahi u yimid Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– oo uu Islaamka wax ka weydiiyey. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu u sheegay in laga rabo shan salaadood maalinkii iyo habeenkii. Ninkii waxa uu yidhi: wax kale miyaa la iga rabaa? Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ugu jawaabay: “Maya, in aad ajar badsanayso mooyaane (sunnah)”. Sidaas oo kale, waxaa jira xadiisyo salaadaha waajibka ah ku koobaya shantan salaadood[13].

Iyaga oo xadiisyadan daliishanaya ayaa culumada shaaficiyadu waxa ay qaateen in salaadda ciiddu aysan ahayn waajib. Laakiin, haddiiba uusan marnaba ka tegin Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– uuna faray xattaa gabdhihii aad caadi ahaan soo bixi jirin in la soo saaro, waxa ay noqonaysaa sunnah la adkeeyey (sunnah mu’akkadah). Sidaas oo kale waxaa qaba mad-habka maalikiyada, waana sida culumadu u badan yihiin (aljumhuur).

Dhanka kale, xanafiyadu iyaga oo fiirinaya sida uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– ugu dedaali jirey, ee uusan marnaba uga tegin, waxa ay qaateen in ay sida salaadda jumcada waajib u tahay (fardu cayn) oo laga rabo cid kasta oo jumcadu ku waajibto (nin, aan safar ahayn, iwm). Halka xanaabiladu ay leeyihiin waa fardu kifaayah, oo macnaheedu yahay in ay dadka oo dhan waajib ku tahay, laakiin haddii qaar sameeyaan inta kale uu waajibku ka dhacayo. Ibnu Taymiyah iyo Ibnu Cuthaymiin, in kasta oo mad-hab ahaan ay xanaabilah yihiin, haddana waxa ay qabaan in ay tahay fard cayn oo qof kasta laga rabo, sida xanafiyada.

Takbiir Waa sunnah ah in la takbiirsado ciidaha, ayada oo weliba takbiirah ciidul fidrigu ay adag yihiin. Maxaa yeelay, Alle markii uu soonka Ramadaanka inna faray, uuna sheegay in tirada bisha la dhammeeyo, waxa uu ku xejiyey in la takbiirsado:

وَلِتُكْمِلُوا الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُوا اللَّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Al-Baqarah: 185

Takbiiraha ciiddu waa laba nooc: mid guud oo qofku meel kasta oo uu joogo uu iska takbiirsanayo, iyo mid gaar ah oo ka dambaysa salaadaha. Haddii aan kala qaadno labada ciidood, takbiirta ciidul fidrigu waxa ay bilaabataa qorrax dhaca habeenka ciiddu soo gelayso, ee Ramadaan dhammaatay. Waxa ayna dhammaataa marka imaamku salaadda u istaago. Ciidul fidrigu ma laha takbiirta salaadaha ka dambaysa. Halka ciidul adxuhu wato takbiirta guud ee meel kasta laga qaadayo- taas oo ka bilaabata dhalashada bisha Dul Xijjah-, iyo takbiirta salaadaha ka dambaysa oo laga bilaabayo salaadda subax ee maalinta carafah. Labada takbiirood ee ciidul adxaa waxa ay ku dhammaadaan casarka maalinta 13 aad ee ugu dambaysa Ayyaamut Tashriiqqa[14].

Hab go’an oo takbiirtu leedahay ma jiro, laakiin waxaa la jeclaystaa, gaar ahaan shaaficiyada, in la yidhaahdo:

Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Laa Ilaaha ilal Laah, Wal Laahu akbar, Allaahu Akbar, wa lil Laahil Xamd. Allaahu Akbar Kabiiraa, wal xamdu lil Laahi Kathiiraa, wa subxaanal Laahi bukratan wa asiilaa. Laa Ilaaha ilal Laahu wa laa nacbudu illaa Iyyaahu, Mukhlisiina lahud diina wa law karihal kaafiruun. Laa Ilaaha ilal Laahu waxdahuu, sadaqa wacdahuu, wa nasara cabdahuu, wa hazamal axzaaba waxdahuu, Laa Ilaaha ilal Laahu wal Laahu Akbar.

الله أكبر الله أكبر الله أكبر لا إله إلا الله، والله أكبر الله أكبر ولله الحمد.  الله أكبر كبيرا والحمد لله كثيرا وسبحان الله بكرة وأصيلا ،لا إله إلا الله ولا نعبد إلا إياه مخلصين له الدين ولو كره الكافرون، لا إله إلا الله وحده صدق وعده ونصر عبده وهزم الأحزاب وحده، لا إله إلا الله والله أكبر.

Subaxa Ciidda

Ciiddu waxa ay ka mid tahay astaamaha (shacaa’ir) waaweyn ee shareecada Islaamka. Sidaas awgeed waxa ay mudan tahay in la qadariyo oo la weyneeyo. Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– Qur’aanka waxa uu ku sheegay in shacaa’irta Alle oo la weyneeyaa ay tusinayso taqwo iyo Alle ka cabsi qofka qalbigiisa ku jira:

ذَٰلِكَ وَمَن يُعَظِّمْ شَعَائِرَ اللَّهِ فَإِنَّهَا مِن تَقْوَى الْقُلُوبِ

Al-Xajj: 32

Sidaas awgeed, waa in si fiican loogu diyaargaroobaa oo la is qurxiyaa. Waxaana habboon in qofku qubaysto, xidho dharka ugu fiican ee uu haysto, udugna marsado, gebin ahaanna bilicdiisu quruxsanaato[15]. Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– waxa uu inna faray inaan diinta kaga dayanno Suubbanihii- sallal Laahu calayhi wasallam-, oo aan raacno sunnadiisii. Haddaba, hoos waxaa ku xusan habkii salaadda ciidda loo tukanayey iyo qaar ka mid ah sunnooyinkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ee ciidda:

Affur (Ciidul Fidri) Ciidul Fidriga (Soonfur) Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– inta uusan salaadda aadin, waxa uu sii cuni jirey timir, sida uu sheegayo xadiis uu weriyey Anas ibnu Maalik- radiyal Laahu canhu-, waxa uuna ka cuni jirey tiro isdheer (1,3,5,7, iwm)[16]. Culumadu sababo kala duwan ayey u sheegeen xikmadda ka dambaysa arrintan, waxaana dhacda in ay tahay adkayn la sii adkaynayo in ay xaaraan tahay in la soomo maalinka ciidda ah, oo aan lagu sii xidhiidhinin Ramadaankii.

Af-xidhnaan (Ciidul Adxaa) Ciidul Adxada waxaa sunnah ah in aan waxba la cunin ilaa salaadda laga soo laabto. Maadaama la rabo qofku in uu qalo udxiyadiisii salaadda kaddib, waxaa la rabaa in waxa ugu horreeya ee uu cunaa uu noqdo hilibka uu Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– dartiis u qalay.

Salaadda oo lagu tukado bannaanka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– caadadiisu waxa ay ahayd in uu bannaanka dadka ku tujiyo salaadda ciidda; musalle, haddii se uu jiro roob ama cudurdaar kale, waxa ay ku tukan jireen masjidka.

Lugayn Waxaa sunnah ah in goobta salaadda oo lugeeyo[17], lagana soo lugeeyo, haddii aysan jirin duruuf keenaysa in gaadiid la adeegsado.

Salaadda Salaadda ciiddu ma laha Adaan iyo iqaamo iyo wax kale oo dadka loogu dhawaaqayo toona[18]. Mana sugna in xilligii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– la dhihi jirey assalaatu jaamicah, ee waxa ay u badan tahay in uu bilaabay Mucaawiyah ibnu Abii Sufyaan- radiyal Laahu canhu[19]. Waana laba rakcadood oo aan lahayn sunnah ka horraysa iyo mid ka dambaysa toona[20].

Rakcadda hore waxa ay leedahay todoba takbiirood oo aysan ku jirin takbiirta salaadda lagu xidho (takbiiratul ixraam). Rakcadda labaadna waxa ay leedahay shan takbiirood oo aysan ku jirin takbiirta sujuudda lagaga soo kacayo, akhrinta Qur’aankuna waxa ay ku xigtaa takbiirta[21]. Sida uu soo saaray Muslim, Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu akhrin jirey suuradaha Qaaf iyo Iqtarab (Al-Qamar)[22].

Khudbadda Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ku bilaabi jirey salaadda, kaddibna dadka inta uu hor istaago ayaa uu u khudbayn jirey iyaga oo safafkoodii fadhiya; wixii uu farayo ayaa uu fari jirey, wuu waanin jirey, wuuna la dardaarmi jirey. Kaddibna goobta ciidda ayaa uu ka tegi jirey, isaga oo u laabanaya gurigiisii[23].

Guri u laabasho Marka uu ku laabanayo gurigiisa, Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu sii mari jirey jid aan ahayn kii uu ku yimid goobta salaadda[24].

Isu hanbalyeyn waa maalin farxadeed, waxaana lagama maarmaan ah in la farxo oo la isu hanbalyeeyo, farxadda dadka la wada gaadhsiiyo. Habka la isugu hanbalyeynayo iyo erayadu la adeegsanayaa waxa ay ku xidhan yihiin dhaqanka bulshada ciidaysa. Saxaabadu marka ay maalinka ciidda kulmaan waxa ay isugu hanbalyeyn jireen: taqabbalal Laahu minnaa wa minka (Annaga iyo Adigaba Alle ha innaga aqbalo)[25].

تقبل الله منا ومنك

Soonka lixda Shawwaal Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ku yidhi xadiis saxiix ah: “Qofkii sooma Ramadaan, haddana raaciya lix ka mid ah Shawwaal, waxa ay ka dhigan tahay soonka sannadka dhan”[26]. Maxaa yeelay xasanada waxaa la labanlaabaa toban jeer, 36 lagu dhuftay 10 waa 360 oo ka dhigan sannadkii. Waa ajar aad u weyn oo ay tahay in aan la dayicin. Imaam Nawawi markii uu sharxayey xadiiskan waxa uu sheegay, in Shaaficiyadu ay qabaan in sida fadliga badani ay tahay, in maalinta ciidul fidriga ku xigta la bilaabo oo lixdaba la isku xejiyo. Laakiin, xadiisku waxa uu sheegay lix maalmood oo Shawwaal ka mid ah, mana faahfaahinin. Sida culumo kale sheegeenna, bisha markii la doonaa laga soomayaa, khasabna ma aha in la isku xejiyo.

Xigasho

[1] Qaamuuska Soo Maal, fiiri erayga CIID3, 2013. Jabuuti.

[2] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 5/5. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[3] Cawnul Macbuud, bogga.361. Muxammad Shamsul Xaq al-Cadiim Aabaadii. Daarul Fikr. 1415H/1994.

[4] Saxiix. Waxaa weriyey Abuu Daawuud (1134) iyo Nasaa’ii (3/179-180).

[5] Muqnil Muxtaaj ilaa macrifati macaanii alfaadil minjaah, 1/462, Shamsuddiin Muxammad ibnul Khadiib ash-Sharbiinii. Daarul Macrifah, Bayruut. 1418H/1997.

[6] Muttafaqun Calayhi. Bukhaari (1900) iyo Muslim (1080).

[7] Xasan. Abuu Daawuud (1609) iyo Ibnu Maajjah (1827) iyo Xaakim (1/409).

[8] Bukhaarii (949, 952).

[9] Fatxul Baarii, Ibnu Xajar al-Casqalaanii, 3/263. Taxqiiqqa Nadar al-Faaryaabii. Daar Daybah. 1426H/2005. Riyaad.

[10] Fatxul Baarii, Ibnu Xajar al-Casqalaanii, 3/264. Taxqiiqqa Nadar al-Faaryaabii. Daar Daybah. 1426H/2005. Riyaad.

[11] Bukhaari (950).

[12] Muttafaqun Calayhi. Bukhaari (324) Muslim (890).

[13] Bukhaari (46), Muslim (11).

[14] Al–Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 5/36-49. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah; Al-Minhaaj, Nawawi, 142. Daarul Minhaaj. 1432H/2011. Jiddah.

[15] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 5/10-12. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[16] Bukhaarii (953).

[17] Al-Majmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 5/14-15. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[18] Abuu Daawuud (1147), Bukhaarii (962), Muslim (886).

[19] Fatxul Baarii, Ibnu Xajar al-Casqalaanii, 3/289. Taxqiiqqa Nadar al-Faaryaabii. Daar Daybah. 1426H/2005. Riyaad.

[20] Bukhaarii (964), Muslim (884), Abuu Daawuud(1159), Nasaa’ii (3/193), Tirmidi (537), Ibnu Maajjah (1291) iyo Axmad (1/340).

[21] Saxiix. Abuu Daawuud (1151). Ibnu Xajar waxa uu ku sheegay Buluuqul Maraamka (Kitaabka Salaadda: Baabka Salaadda Ciidaha) in Tirmidi yidhi: Bukhaari saxiix ayuu ka dhigay xadiiskan.

[22] Muslim (891).

[23] Bukhaarii (956), Muslim (889).

[24] Bukhaarii (986).

[25] Fatxul Baarii, Ibnu Xajar al-Casqalaanii, 3/268. Taxqiiqqa Nadar al-Faaryaabii. Daar Daybah. 1426H/2005. Riyaad.

[26] Muslim (1164).

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In …

Gud-Yicib

“Adaa karis iyo kulayl ku cunee Kalmoon Yicib kayd ma leeyahay?” Magacyada Af soomaali: Yicib. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *