Home / Abwaan / Unug (Cell; الخلية)

Unug (Cell; الخلية)

Waa Maxay Unuggu?

U fiirso sawirka gidaarkan. Waxaa innoo muuqata in uu ka dhisan yahay bulukeeti la isdulsaaray oo isku dheggan. Haddiise aad ka fog tahay ma arki kartid in uu ka samaysan yahay bulukeetiyadan yaryar’e, waxaa kuu muuqanaya gidaar taagan. Sidaa si la mid ah, ayeynaan u arkin waxa jidhkeenna iyo ka noolaha kale ba ka dhisan yihiin. Laakiin haddii aynu soo dhowayno (weynayno) waxaa innoo soo baxaya sawir u eg gidaarka bulukeetiga ah. Oo ma bulukeeti baynu ka samaysan nahay?!

bulukeeti
Gidaar bulukeeti ka dhisan.

Jidhkeennu wuxuu ka dhisan yahay waxyaalo yaryar oo la yidhaahdo unugyo (keli. Unug). Bakteeriyada aan ishu qabanin, innaga dadka ah, dhirta, ilaa nimiriga weyniga badani waxay ka dhisan yihiin hal unug ama unugyo badan oo isu tagey. Sawirkani wuxuu tusinayaa unugyada xuubka basasha, waana muuqaal aan wax badan kaga duwanayn unugyada maqaarkeenna.

onion_stained_PA021960x400
Unugyada basasha oo la midabeeyey. U fiirso sida ay ugu egyihiin gidaar bulukeeti ah.

Aqoontan unugyadu waxay innoo daahfurantay kaddib markii la sameeyey qalabka weyneeyaha  qarnigii 17 aad ee Miilaadiga. In kasta oo ay doodi ka taagan tahay ciddii ugu horraysay ee samaysay weyneeyaha, waxaa loo badiyaa in saynisyahan Ingiriis ahaa oo la odhan jirey Roobert Huuk (Robert Hooke) uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee daahfuray jiritaanka unugyada. Weyneeye uu sameeyey ayaa wuxuu ku fiirinayey waxyaalo kala duwan oo leh cayayaan iyo dhirba.

RobertHookeMicrographia1665
Sawir-gacmeedkii uu sameeyey Roobert Huuk.

Sawir-gacmeedkan midigta ka muuqda wuxuu sameeyey kaddib markii uu weyneeyaha ku eegay buushka geed dhintay. Waxay ula ekaatay qolal yaryar, taas oo uu ka keenay eraybixinta “cell”, oo uu ka soo ka soo qaatay afka Laatiinka cella” – macnaheeduna yahay “qol yar”. Eraybixintani waxay ka turjumaysaa muuqaalka unugyada, laakiin eraybixinta Af-Soomaaliga ah ee unug” ayaa si fiican u cabbiraysa hawsha unuggu qabto.

Weyneeyeyaashii hore awood badan ma aysan lahayn, unugga gudihiisana faahfaahin badan kama aysan bixin karaynin. Markii teknooloojiyaddii samaynta weyneeyuhu horumartay, oo ay awooddiisii korodhay, ayaa adeegsigiisi batay. Waxaana la ogaaday in noolahu ay ka siman yihiin ka dhisnaanta unugga, oo qaarkood ka kooban yihiin hal unug- hal unugley, sida bakteeriyada- halka kuwo kalena ka dhisan yihiin unugyo aad u fara badan- unug badanley.

Dabadeed waxaa dhalatay Aragtida Unugga (Cell Theory) oo loo aaneeyo M.J. Schleiden (Sh-lii-dhen) iyo Theodore Schwann (Tiya-dhoor Shwaan) (1839), muddo laga joogo ilaa 174 sano markii Huuk faafiyey buuggiisii Maaykrogaraafiya iyo sawirkii unugga. Horumarka aadanuhuna intiisa badan waa sidan oo hadba in baa ku darsanta, lagana yaabee in labada tallaabo ee isku xiga ay u dhaxeeyaan sannado badan. Aragtida unuggu waxay dhismaysay wakhti dheer, hadba waxbaa ku sii kordhayey, waana gundhigga bayoolojiga cusub. Qodobbada aragtidani ay ka kooban tahay waxaa asaas u ah saddex:

  1. Nooluhu wuxuu ka samaysan yahay unug(yo).
  2. Unuggu waa gundhigga nolosha, dhisme ahaan iyo hawl ahaanba.
  3. Unugyada cusubi waxay ka yimaaddaan (abqaalaan) unugyo hore u noolaa.

Maanta waxaan ogsoonnahay in unuggu yahay gundhigga iyo asaaska noolahu ka samaysan yahay. Waana waxa ugu yar ee laga helo astaamaha nolosha, islamarkaana fuliya hawlaha nolosha. Bakteeriyada ilimaqabatayda ah, cayayaanka, geedaha, xoolaha, dadka, ilaa nimiriga weyniga badani waxa ay ka wada samaysan yihiin unugyo isu tagey. Noolaha waaweyn waxaa jirkoodu ka kooban yahay unugyo aad u tiro badan; unug badanleydani waxay leeyihiin unugyo kala jaad ah, oo ay kala duwan yihiin hawlahooda, jimidhkooda iyo qaabkooduba. Dhirta iyo xayawaanku waa unug badanley. Noolaha hal unugleyda ah waxaa ka mid baktiiriyada.

Bakteeriyada iikoolaay (E-coli).
Baktiiriyada iikoolaay (E-coli). Baktiiriya walbaa waa hal unug oo gaarkiisa u taagan.

Qiyaastii, dhibicda dhiigga ah waxaa ku jira ilaa 5 000 000 (shan milyan) oo unugyada dhiigga ee cascas ah, halka irbadda caaraddeedu ay qaadi karto ilaa toban kun (10 000) oo unug. Sidoo kale, maskaxdu aadanuhu waxay ka kooban tahay qiyaastii ilaa boqol bilyan (100 000 000 000) oo unug. Halka dadka dunida ku nool lagu qiyaaso ilaa todoba bilyan oo ruux. Qofka dhexdhexaadka ah jidhkiisu wuxuu ka kooban yahay ilaa 100 tirilyan oo unug (100 kun oo bilyan; 14 286 jibbaar dadka adduunka ku nool). Halkaa waxaa ka cad in unugyadu aad u yaryar yihiin. Caadi ahaan, baktiiriyada baaxaddeedu waxay u dhaxaysaa 0.5-10 μm, halka unugyada xoolaha iyo geeduhu yihiin 50-150 μm ama ba ka sii weyn yihiin. Unugyada ugu waaweyni waa ugxanta shinbiraha, ishaana caadi loogu arki karaa.

Qaabdhismeedka Unugga

Sidee ayaa unug baaxaddiisu ay sidaas u yar tahay ugu suuragashay in uu qabto hawlaha suuragelinaya nolosha? Muxuu ka samaysan yahay?

Qaabdhismeedka unugyada canka.
Qaabdhismeedka unugyada canka.

Unuggu wuxuu leeyahay soohdin ka soocda waxyaalaha ku hareeraysan ee dibadda ka ah. Soohdintani waa xuub ku dahaadhan unugga oo qaradiisu ay aad u yar tahay, laguna magacaabo xuubka unugga. Xuubka unuggu wuxuu u taliyaa (hormeeyaa) waxa gala iyo waxa ka baxa unugga; oo waa xuduudda unuggu la leeyahay, kana soocda walxaha ku hareeraysan. Xuubka marka laga gudbo, gudaha unugga waxaa loo qaybin karaa labo: saaytobalaasam ka hoosaysa xuubka, iyo bu’da oo dhextaalla saaytobalaasamka.

Bu’du waa xarunta unugga looga taliyo ee xukunta hababka nololeed ee unugga. DNA (dhii-en-ey) da unugga inteeda badani waxay ku jirtaa bu’da. Sidaa awgeedna, unugga noociisa iyo hawsha uu qabtaaba waxay ku xiran yihiin farriimaha iyo amarrada ka soo fula bu’da. Haddii unugga laba qaybood laga dhigo oo bu’da middood la raacsiiyo, waxa noolaata oo qur ah qaybta bu’da wadata. Caadi ahaan DNA-du iyada oo miiqyo ah oo ku dhafan borotiinno ayey ku dhex daadsan tahay bu’da. DNA-du marka ay qaabkan tahay waxaa loo yaqaannaa koromatin (chromatin). Unuggu marka uu qaybsamayo ayaa koromatinku isu beddelaa koromosoomyo (chromosome). DNA-da waxaa ku jira hiddesideyaasha (genes; jiinis) xukuma qaabka iyo hawlaha noolaha, waana  waxa ay ilmuhu ka dhaxlaan waalidkood ee u ekaysiiya.

Saaytobalaasamku waa dareere isjiidanaya sida xabka ukunta, oo ka kooban biyo, cusbooyin, borotiinno (sida insaamyo; enzymes), cunto, iyo walxo kale. Saytoobalaasamku waa halka ay ka dhacaan inta badan hawlaha unuggu qabto, maxaa yeelay qaybihii unugga ee hawlahaas u xilsaarnaa ayaa dhexyaalla. Haddii aan unugga ku tusaalayno warshad, xuubku waa gidaarrada, bu’duna waa xafiiska maamulaha, halka saaytobalaasamku yahay qaybta hawlaha warshaddu qabato lagu fuliyo. Saatobalaasamku waxay ka kooban tahay ilaa 80% biyo, kuwaas  oo suurageliya falgallada kiimikaad ee halkaas ka dhaca.

Qaadhismeedka iyo hawlaha unugyadu way kala duwan yihiin. Halka noolaha hal unugleyda ahi ka kooban yahay hal unug oo fuliya dhammaan hawlaha nolosha, unug badaleydu waxay ka dhisan yihiin unugyo kala takhasus ah oo qaybsada fulinta hawlaha nolosha. Unugyadu waxay leeyihiin astaamo u gaar ah oo ka kaalmeeya gudashada hawshooda. Maadaama hawsha inteeda badan ay qabtaan xubinyareyaashu, nooca unugga laga dhex helo iyo tiradooduba waxay ku xidhan yihiin hawsha unuggu uu qabto. Unugyada muruqu waxay leeyihiin qaab u gaar ah waxaana gudahooda ku badan xubinyaraha maaytokondiriyada, oo dhalisa tamarta muruqqu adeegsado.

Unugyada dhiigga ee cascas (guduudan) oo hawshoodu tahay inay oksijiinta iyo kaarboon laba-oksaaydhka u kala qaadaan sambabada iyo unugyadu ma laha bu’, booskaa bannaanaadayna wuxuu kordhiyaa neefta ay qaadi karaan. Sidaas oo kale, waxay awoodaan in ay beddelaan qaabkooda oo ay isku laabmaan si ay uga gudbaan meelaha cidhiidhiga ah, taas oo qaabdhismeedkooda goobada ahi uu qayb ka qaato. Unugyadani waxay wataan molikuyuullo ku gaar ah oo aysan la’aantood qaadi karin neefahaas. Sidaas awgeedna waxaan dhihi karnaa waxay ku takhasuseen qaadidda neefaha (oksijiinta iyo kaarboon laba-oksaaydhka).

Unugyada dhiigga ee cascas (guduudan).
Unugyada dhiigga ee cascas (guduudan).

Guud ahaanna, qaabka iyo hawsha unuggu way isku xiran yihiin, oo unugga qaabkiisu wuxuu tusinayaa hawsha uu u xilsaaran yahay, hawshiisuna waxay saamayn toos ah ku leedahay qaabkiisa.

Jidhka aadanuhu wuxuu ka abuurmaa hal unug oo keli ah, oo ah unug ugxaneedka la bacrimiyey ama oofam (ovum). Bacriminta kaddib unuggaasi wuu tarmaa wuxuuna sameeyaa kubbad unugyo ah. Taas baana hab kala soocis ah (differentiation) ku samaysa qiyaastii 200 oo nooc oo ay u kala baxaan unugyada jidhku ka dhisan yahay, kuwaas oo ku kala duwan  qaabdhismeedka iyo hawshaba. Unugyadani iskuma dhexqasna ee way habaysan yihiin waxayna leeyihiin ururro kala heerar ah.

Unugyo kala geddisan iyo qaababkooda.
Unugyo kala geddisan iyo qaababkooda.

Heerarka Habaynta

Koox unuygo ah oo isku mid ah, shaqo gaar ahna wada qabta ayaa lagu tilmaamaa nud (tissue; tish-yuu). Nudo kala jaad ah oo isu yimidna waxay sameeyaan xubin. Xubintu waa dhis jidhka ka mid ah- caloosha, wadnaha, kellida, iyo maskaxda, iwm- oo qaabilsan qabashada hawl(o) gaar ah, waxayna ka samaysantaa nudo isu tagey oo wada shaqaynaya. Wadnuhu hawshiisa si fiican uma gudan karo isaga oo aan la shaqaynin xubno kale. Wadnuhu marka uu buufiyo dhiigga, wuxuu u baahan yahay xididdo dhiiggaas qaada oo jidhka intiisa kale gaadhsiiya. Sidaas oo kale, wuxuu u baahan yahay maskaxda iyo xubno kale oo jidhka ka mid ah.

Xubnahaasi haddana koox-koox ayey isugu yimaaddaan si ay u sameeyaan habdhisyo. Habdhisku waa koox xubno ah oo isku urursan qabtana shaqo guud oo ka dhaxaysa, oo ka mid ah shaqooyinka lagama maarmaanka ah ee jidhka, tusaale ahaan, habdhiska dareenwadka oo ay shaqadiisu tahay in uu noolaha la socodsiiyo waxa ka dhacaya gudihiisa iyo dibaddiisaba, iyo habdhiska dheefshiidka oo dheefshiida (burburiya) cuntada si dhiiggu uu u qaado, iyo habdhiska neefsashada oo oksijiinta gaadhsiiya unugyada jidhka, kana soo saara kaarboon laba-oksaaydhka. Habdhisyada oo dhan waxaa ka dhexeeya isgaarsiin iyo xiriir joogto ah, sidaa darteed, habdhisna hawlgalkiisa ugama maarmi karo habdhisyada kale ee jirka. Habdhisyada oo dhani way isu tagaan si ay u sameeyaan jidhka aadamiga/ noole dhammaystiran.

Heerarka habaynta jidhka aadanaha.
Heerarka habaynta jidhka aadanaha.

Heerarkan habayntu waxay ka turjumayaan hawl-qaybsi ay samaynayaan qaybaha kala duwan ee jidhku, si ay u fuliyaan hawlaha nololeed ee uu u baahan yahay nooluhu.

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Cirjiidh (Jupiter)

Waa meeraha shanaad, uguna weyn bah qorraxeedka. Toddobada meere ee kale oo la isku daray ...

Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)

Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *