Home / Abwaan / Adaan (الأذان) [aadaan, eedaan, addin] iyo Iqaamah

Adaan (الأذان) [aadaan, eedaan, addin] iyo Iqaamah

Adaanku waa “dhawaaq iyo baaq dadka loogu sheego in salaadda wakhtigeedi galay”[1], waxa uuna ka kooban yahay “Erayo la isla ogyahay oo kooban oo ay Diinta Islaamku goysay in dadka loogu sheego in salaadda wakhtigeedii galay.”[2]

Eray bixinnadaas aan ka soo xigannay qaamuuska Afsoomaaliga ee Soo Maal, waxa ay ta hore ka hadlaysaa macnaha erayga adaan (الأذان) ku leeyahay Afcarabiga oo ah: baaq (الإعلام), ta labaadna waxa ay tusinaysaa shareecada Islaamku macnaha ay u adeegsato erayga adaan.[3]

Taariikhda Adaanka iyo Iqaamada

Intii Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– joogay Makkah salaadda looma addimi jirin[4]. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waa kii Madiinah u hijrooday, isla markiina ka dhisay masjid. Xilliyadan hore saxaabadu aad uma badnayn qof walibana xilliga salaadda ayuu qiyaasan jiray oo uu jamaacada isku soo beegi jirey. Markii la batay ayaa laga fekeray sidii dadka loo ogaysiin lahaa in salaadda wakhtigeedi galay. Markaas ayaa laga fadhiistay oo talo la isdhaafsaday. Saxaabadii qaar ayaa soo jeediyey in buun la afuufo xilliga salaadda sida Yuhuudda, qaar kale waxa ay soo jeediyeen in gambaleel la garaaco sida Nasaarada (Kiristaanka), qaar kalena in dab la shido sida Majuusta dabka caabudda. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– intaa midna ma jeclaysan oo gaalada in uu ku dayno ayuu necbaa, laakiin waxaa la sheegay in uu dhanka gambaleelka Nasaarada u janjeedhay. Cumar ibnul Khaddaab- radiyal Laahu canhu– isagu waxa uu soo jeediyey in la diro nin dadka salaadda ugu baaqa marka wakhtigeedu galo.

Asxaabtii nin ka mid ah oo la dhihi jirey Cabdullaahi ibnu Zayd ibnu Cabdirabbih (عبدالله بن زيد بن عبد ربه) ayaa arrintii aad u taabatay oo xitaa markii uu habeenkaas gurigiisii tegay cuntadii diiday. Welwel iyo welbahaar ayuu la seexan waayey sidii uu uga fekerayey arrintii. Isaga oo laamadoodaya oo aan soojeedin hurdinna ayuu ku riyooday nin xidhan laba maro oo cagaaran, gacantana ku sita gambaleel. Ninkii buu la hadlay oo uu weydiiyey[5]:

Abdullaahi: Ma iibinaysaa gambaleelkan?

Ninkii: Oo maxaad ku samaynaysaa?

Abdullaahi: Salaadda ayaan ugu baaqaynaa.

Ninkii: Wax ka khayr badan ma ku tusaa?

Abdullaahi: Oo muxuu yahay?

Ninkii: Waxaad dhahaysaa:

الله أكبر الله أكبر ، الله أكبر الله أكبر ، أشهد أن لا إله إلا الله ، أشهد أن لا إله إلا الله ، أشهد أن محمدا رسول الله ، أشهد أن محمدا رسول الله ، حي على الصلاة ، حي على الصلاة ، حي على الفلاح ، حي على الفلاح ، الله أكبر الله أكبر ، لا إله إلا الله

Allaahu akbar Allaahu akbar, Allaahu akbar Allaahu akbar , Ash-hadu allaa Ilaaha illal Laah, Ash-hadu allaa Ilaaha illal Laah, Ash-hadu anna Muxammadar Rasuulul Laah, Ash-hadu anna Muxammadar Rasuulul Laah, Xayya calas Salaah, Xayya calas Salaah, Xayya calal Falaax, Xayya calal Falaax, Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Laa Ilaaha ilal Laah.

Waxa uu ku daray: marka aad aqimtana waxaad tidhaahdaa:

الله أكبر الله أكبر ، أشهد أن لا إله إلا الله ، أشهد أن محمدا رسول الله ، حي على الصلاة حي على الفلاح ، قد قامت الصلاة قد قامت الصلاة ، الله أكبر الله أكبر ، لا إله إلا الله

Allaahu akbar Allaahu akbar, Ash-hadu allaa Ilaaha illal Laah, Ash-hadu anna Muxammadar Rasuulul Laah, Xayya calas Salaah, Xayya calal Falaax, Qad qaamatis Salaah, Qad qaamatis Salaah, Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Laa Ilaaha ilal Laah.

Markii uu waaberistay ayaa Cabdullaahi u tegay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– oo uu riyadii u sheegay. Markaas ayaa Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– yidhi:

” إنها لرؤيا حق إن شاء الله ، فقم مع بلال فألقها عليه فليؤذن بها، فإنه أندى صوتا منك

“Waa riyo xaq ah inshaa Allaah, Bilaal la istaag oo bar ha ku baaqee, [maxaa yeelay] isaga ayaa kaa cod dheere/kaa cod macaane.”

Cumar ibnul Khaddaabradiyal Laahu canhu– ayaa maqlay adaankii Bilaalradiyal Laahu canhu-, oo isaga oo ordaya u yimid Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– una sheegay in uu isla riyadaas arkay. Markaas ayaa Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– yidhi:

“فلله الحمد”

“Alle ayaa mahad leh”

Sidaas ayuu Bilaal ku noqday muaddinkii ugu horreeyey Islaamka, uuna ku addimayey ilaa geeridii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Waxa uu caado u lahaa marka uu salaadda subax u addimo in uu Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– u yimaaddo oo uu toosiyo. Mar uu yimid ayaa lagu yidhi Nebigii- sallal Laahu calayhi wasallam– wuu hurdaa. Markaas ayuu Bilaal- radiyal Laahu canhu– kor u dhawaaqay laba jeer:

الصلاة خير من النوم

Salaadda ayaa hurdada ka khayr badan

Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam– wuu jeclaystay. Sidaas ayaana loogu daray adaanka hore ee salaadda subax[6].

Sannadkii siddeedaad hijrada kaddib (8H) markii laga soo laabtay duullaankii Xunayn ayaa dhalinyaro reer Makkah ahi ay ciidankii Muslimiinta soo dabagaleen. Inta ay meel ciidanka xoogaa u jirta joogsadeen bay ku jeesjeesayeen Bilaal- radiyal Laahu canhu– oo adimaya. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– markii uu maqlay ayuu saxaabadii ku yidhi: mid cod fiican baa ku jiree iigu yeedha. Wiilashii waa la soo kaxeeyey. Markaas ayuu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– weydiiyey in ay adimaan si uu codkooda u fiiriyo. Toban bay ahaayeene kii ugu dambeeyey markii uu adimay ayuu ku yidhi kaalay, hortiisana fadhiisiyey, foodda ayuuna ka masaxay, saddex jeerna wuu barakeeyey, markaas ayuu adaankiina hal hal ayuu u baray. Kadibna waxaa laga dhigay muaddinka Makkah. Saxaabigan waxaa la yidhaahaa Abii Maxduura (أبي محذورة), Adaanka uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– barayna wuu ka yara duwan yahay kii Bilaal ku adimi jirey (15 jumladood), oo waxa uu ka kooban yahay 19 jumladood, maxaa yeelay shahaadooyinka ayaa hoos loo dhahayaa intaan kor loo dhihin, waxaana loo yaqaannaa tarjiic (ku celcelin):

  1. الله أكبر
  2. الله أكبر
  3. الله أكبر
  4. الله أكبر
  5. أشهد أن لا إله إلا الله [hoos baa loo dhahayaa]
  6. أشهد أن لا إله إلا الله [hoos baa loo dhahayaa]
  7. أشهد أن محمداً رسول الله [hoos baa loo dhahayaa]
  8. أشهد أن محمداً رسول الله[hoos baa loo dhahayaa]
  9. أشهد أن لا إله إلا الله
  10. أشهد أن لا إله إلا الله
  11. أشهد أن محمداً رسول الله
  12. أشهد أن محمداً رسول الله
  13. حي على الصلاة
  14. حي على الصلاة
  15. حي على الفلاح
  16. حي على الفلاح
  17. الله أكبر
  18. الله أكبر
  19. لا إله إلا الله

Iqaamada uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– baray Abii Maxduurah waxay la mid tahay adaanka Bilaal, oo waa laba labo.

Kala Duwanaanta Madaahibta

Shaaficiyada iyo Maalikiyadu waxa ay qaateen adaanka Abii Maxduurah- radiyal Laahu canhu– ee tarjiica leh (shahaadooyinka laba jeer hoos loo dhahayo inta aan kor loo qaadin)[7]. Laakiin, Maalikiyadu takbiirta hore (الله أكبر) laba goor uun bay dhahaan ayaga oo adeegsanaya xadiis uu weriyey Imaam Muslim[8]. Culumada Islaamku waxa ay u badan yihiin in takbiirta hore tahay afar, waxa ayna daliishadaan isla xadiiskaas oo ay werinayaan Imaam Axmad, Abuu Daawuud, Nasaaii, Tirmidi, Ibnu Maajjah[9].

Xanafiyada iyo Xanaabiladu waxa ay qaateen adaankii Bilaalradiyal Laahu canhu– ee 15ka jumladood ka kooban.

Sidaas oo kale iqaamada way ku kala duwan yihiin.

Culumada inta badani waxay qabaan in iqaamadu tahay hal hal, wixii aan ka ahayn qad qaamatis salaah oo labo ah. Taas waxaa khilaafay Maalikiyada oo iqaamada oo dhan hal hal ka dhigay. Dhanka kale, Xanafiyadu iqaamada oo kale way laba labeeyeen, sida adaanka Bilaal.

Mad-hab Adaan Iqaamah
Bilaal Abii Maxduurah Bilaal Abii Maxduurah
Xanafi
Maaliki √ (Hal-Hal)
Shaafici
Xanbali

 

Xukunka Adaanka iyo Iqaamada

Adaanku waxa uu ku kooban yahay shanta salaadood ee faradka ah, wixii aan intaa ka ahaynna looma addimo[10], arrintaasna wax khilaaf ahi kama taagna.

Haddii dad meel deggani ay isku raacaan in ay adaanka joojiyaan, waa lala dagaalamayaa, maxaa yeelay waa calaamad Islaam oo aan la ogolayn in laga tago[11].

Ayada oo ay taasi jirto, ayaa culumadu isku hayaan in adaanka iyo iqaamadu ay yihiin waajib iyo in kale[12]. Shaaficiyadu mad-hab ahaan waxa ay qabaan in ay sunnah yihiin adaanka iyo iqaamadu, laakiin qaar ka mid ah ayaa mad-habka arrintaas ku khilaafsan. Xanafiyadu sida Shaaficiyada ayey sunnah u arkaan.

Maalikiyada, Xanaabilada iyo qaar shaaficiyada ka mid ahi waxa ay qabaan in ay yihiin fard kifaayah (haddii dadka qaar sameeyaan inta kale way ka dhacayaan oo ku dambaabi maayaan). Waxaa kale oo jira qaar qaba in adaanka salaadda Jimcahu fardul kifaayah yahay inta kalena sunnah yihiin[13].

Caadi ahaan waxaa la ogsoon yahay in masaajidda laga addimo. Laakiin sunnada Nebigu-sallal Laahu calayhi wasallam- waxa ay tusaysaa in qofka keligiis ah ama socdaal ahi uu addimo. Sidaas oo kale waxaa loo addimayaa salaaddii tagtay ee la qallaynayey. Haddiise hal salaad ka badan la qallaynayo, ama salaadaha la isku darayo (jamcinayo), hal mar ayaa la addimayaa mid kastana gaarkeedaa loogu aqiimayaa[14].

Muaddinku waa in uu yahay Muslim, wax kala garanaya oo lab ah. Khasab ma aha in uu weyso qabo, laakiin way fiican tahay in uu daahir ahaado. Sidii aan soo aragnay waa in uu cod dheer oo quruxsan leeyahay, yahayna qof qumman oo lagu kalsoon yahay (cadl). Waxaana fiican in uu meel sare ka addimo si codku dadka u gaadho, ama la adeegsado wixii wasiilo ah ee suuragelinaya in codku baaho (sida maaykrafoonka). Waa in uu taagan yahay qibladana u jeestaa[15], in kasta oo khilaaf ka jiro in ay khasab tahay in iyo kale. Laakiin sidaas ayaa ilaa xilligii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– lagu adimayey oo la soo kala dhaxlay. Waxaa sunna ah in muadinku uu dhagaha faraha geliyo markuu adimayo, marka uu dhahayo xayya calas salaah iyo xayya calal falaax na uu wejigiisa u leexiyo midig iyo bidix.

Ajiibidda Adaanka

Qofka adaanka maqlaya waxaa laga rabaa in uu ka daba dhaho muaddinku erayga uu leeyahay, aan ka ahayn Xayya calas Salaah iyo Xayya calal Falaax, oo uu gadaashooda dhahayo Laa Xawla walaa Quwwata illaa Billaah.

لا حول ولا قوة إلا بالله

Xeelad iyo Awoodba waxaa iska leh Alle oo keliya

Marka uu dhammeeyo adaanka waa in uu ku salliyaa Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, dabadeedna waxa uu dhihi karaa:

أَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ رَضِيتُ بِاللَّهِ رَبًّا وَبِمُحَمَّدٍ رَسُولاً وَبِالإِسْلاَمِ دِينًا

Ash-hadu allaa Ilaaha ilal Laahu waxdahuu laa shariika lahuu wa anna muxammadan cabduhuu wa Rasuuluh, radiitu bil Laahi Rabban wa bi Muxammadin Rasuulan wa bil Islaami diinan

Sida xadiiska Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ku suganna qofkii sidaas dhaha waa loo dembi dhaafaa[16].

Kaddib waxaa sunnah ah in la yidhaahdo:

اَللَّهُمَّ رَبَّ هَذِهِ اَلدَّعْوَةِ اَلتَّامَّةِ، وَالصَّلَاةِ اَلْقَائِمَةِ، آتِ مُحَمَّدًا اَلْوَسِيلَةَ وَالْفَضِيلَةَ، وَابْعَثْهُ مَقَامًا مَحْمُودًا اَلَّذِي وَعَدْتَهُ،

Qofka dhaha kolka uu adaanka maqlo:

Allaahumma Rabba haadihid dacwatit taammah, wassalaatil qaa’imah, aati Muxammadanil wasiilah wal fadiilah, wabcath-hu maqaaman maxmuudanil ladii wacadtah.

Allihi dhawaaqan dhammayska tiran iyo salaaddan taagan lahaayoow, sii Muxammad al-wasiilah (darajo jannada darajooyinkeeda ka mid ah oo hal qof keliya uu ka helayo), dheeraad iyo siyaado Allaw sii, Allaw jooji oo istaaji mawqif lagu mahadiyo oo khalqiga oo dhan ay ku ammaanaan ee aad ugu yaboohday.

Qofka sidaa dhaha waxaa u xalaaloobaysa oo uu helayaa oo uu mudanayaa shafaacada Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– maalinta qiyaame in uu u shafaaco qaado.[17]

Kaddibna wixii dheeraad ah ee uu rabo ayuu qofku ku ducaysan karaa. Waxaana axaadiis saxiix ah lagu weriyey in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– yidhi:

Ducada u dhaxaysa adaanka iyo iqaamada wa mustajaabe ducaysta[18].

Adaanka iyo Fadligiisa

Adaanku aad ayuu u fadli badan yahay, Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam– xadiisyo badan ayuu ku ammaanay.

Xadiis uu werinayo Abuu Hurayrah- radiyal Laahu canhu– ayaa Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– ku yidhi:

لو يعلم الناس ما في النداء والصف الأول ثم لم يجدوا إلا أن يستهموا عليه لاستهموا

“Dadku haddii ay ogaan lahaayeen waxa fadli ku jira adaanka iyo safka hore, oo ay qorituurad mooyaane si kale ku waayaan, way qori tuuran lahaayeen”[19].

Xadiis kale waxaa ku sugan in jin iyo insi cid kasta oo maqasha adaanka ay muadinka u shafeeco qaadi doonaan maalinta qiyaame[20]. Sidaas oo kale, Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu sheegay in maalinta qiyaame muaddiniintu ay dadka ugu qoor dheeraan doonaan[21]. Muaddinka waxaa loogu dembi dhaafaa inta codkiisu gaadho, waxaana u rumeeya wax kasta (mid qoyan iyo mid qalalanba) oo maqla adaankiisa, waxa uuna leeyahay ajar u dhigma ajarka inta la tukata[22].

Adaanka koowaad ee Maalinta Jimcaha

Markii magaaladii Madiinah ballaadhatay dadkiina bateen ayaa khaliifkii Muslimiinta, Cusmaan ibnu Caffaanradiyal Laahu canhu– uu keenay in wakhtiga xoogaa ka hor suuqa laga addimo si dadka loo ogeysiiyo in salaaddii Jimce soo dhawaatay, si ay masjidka u tagaan. Maxaa yeelay, salaadaha kale adaanka iyo iqaamada waxaa u dhaxeeya wakhti dadku ku diyaargaroobi karaan. Laakiin salaadda jimcaha waxaa adaanka ku xigta khudbaddii oo la rabo intaan la bilaabin in ay dadku joogaan. Waxaa laga addimi jirey daar suuqa ku taalla oo la dhihi jirey Az-Zawraa’ (الزَّوراء)[23].

Salaadaha aan adaanka lahayn

Waxaa loo adimaa shanta salaadood ee kala ah: Subax (fajr), Duhur, Casar, Maqrib, Cishaa’. Salaadaha kale, sida ciidaha, qorax madoobaadka, dayax madoobaadka, janaasada iyo wixii la mid ah looma addimo.

Adaanka iyo Shaydaanka

Waxaa xadiiis muttafaqun calayhi ah lagu weriyey in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– yidhi:

“Marka uu adaanka maqlo (shaydaanku) wuu cararaa isaga oo dhuuso isku qarinaya si uusan u maqlin adaanka. Marka adaanka la dhammeeyo ayuu soo laabtaa. Haddana marka la aqimo ayuu cararaa. Marka iqaamada la dhammeeyana wuu soo laabtaa si uu qofka u waswaasiyo oo uu u yidhaahdo: waxaas xusuuso, waxaas xusuuso….[24]

Mu’addiniintii Rasuulka- sallal Laahu calayhi wasallam-

Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu lahaa afar muaddin oo kala ahaa[25]:

  1. Bilaal ibnu Rabaax: muaddinkii Islaamka ugu horreeyey ayuu ahaa.
  2. Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum: inta badan salaadda subax adaankeeda dambe ayuu addimi jirey.
  3. Sacad Alqarad (سعد بن عائذ القَرَظ): xilligii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu muaddin u ahaa Masjid Qubaa’. Geeridii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– wakhti kaddib ayaa Bilaal joojiyey adaankii uu ka addimi jirey Masjidka Nebiga, waxaana booskiisii galay Sacad.
  4. Abii Maxduurah: waa muaddinkii Masjidul Xaraam, Makkah.

 

Adaanka iyo Shiicada

Shiicadu waxyaalo dhawr ah ayey ku dareen adaanka. Haddii aad u fiirsato adaanka hoos ku qoran waxaad arkaysaa in shahaadada kaddib ay ku daraan in Cali yahay waliyul Laah, iyo in uu yahay Amiirul Mu’miniin ilmihiisuna (Xassan iyo Xuseen) yihiin macsuumiin iyo xujjadii Alle. Laakiin waxa ay sheegaan in aysan khasab ahayn in adaanka lagu daro arrimahan- mustaxab-.

Xayya Calal Falaax kaddib waxa ay ku daraan xayya calaa khayril camal.

الله أكبر الله أكبر، الله أكبر الله أكبر، أشهد ان لا إله إلا الله، أشهد أن لا إله إلا الله، أشهد ان محمدا رسول الله، أشهد ان محمدا رسول الله،(أشهد أن عليا ولي الله،أشهد أن عليا ولي الله) حي على الصلاة، حي على الصلاة ، حي على الفلاح، حي على الفلاح، حي على خير العمل، حي على خير العمل، الله أكبر الله أكبر، لا إله إلا الله، لا إله إلا الله. –اللهم صل على محمد وآل محمد.

Allaahu akbar Allaahu akbar, Allaahu akbar Allaahu akbar, Ash-hadu allaa Ilaaha illal Laah, Ash-hadu allaa Ilaaha illal Laah, Ash-hadu anna Muxammadar Rasuulul Laah, Ash-hadu anna Muxammadar Rasuulul Laah, (Ash-hadu anna Caliyyan waliyul Laah،Ash-hadu anna Caliyyan waliyul Laah), Xayya calas Salaah, Xayya calas Salaah, Xayya calal Falaax, Xayya calal Falaax, Xayya calaa Khayril Camal, Xayya calaa khayril Camal, Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Laa Ilaaha ilal Laah.

Marka uu muaddinku dhammeeyana waxa uu kor u dhahayaa

Allaahumma Sali calaa Muxammad wa Aali Muxammad.

Hoos ka dhagayso adaanka shiicada.

Adaanka iyo Afturkiga

Sannadkii 1932dii ayaa madaxweynihii “Turkiga” oo la odhan jirey Kamaal Ataaturk uu mamnuucay in lagu addimo Afcarabi, wuxuuna u bedelay Afturki. Muaddiniin badan ayaa diiday in ay adaanka bedelaan laakiin waa la xidhay, ama ciqaabay, xattaa qaarkood waxaa la geeyey meelaha dadka waalan lagu hayo ayada oo lagu dullaynayo! Waxaas oo dhanna waxaa loogu samaynayey maxaad Afcarabi ugu adimaysaan ee aad Afturki ugu adimi weydeen.

Sidaas ayaa Afturki loogu addimayey ilaa sannadkii 1950kii kaddib markii uu doorashada ku guulaystay Cadnaan Mendariis, kaas oo soo celiyey in Afcarabiga lagu adimo taariikhdu markii ay ahayd 16kii Juun 1950kii, oo ku beegnayd 1dii Ramadaan 1370H[26]. Isku day in aad qiyaasto farxadda dadku dareemeen marka maalintii ugu horraysay Ramadaan ay dib u maqlaan adaankii saxda ahaa, oo ay soonkoodu ku xidhaan kuna affuraan.

Waxaa la yaab leh, wax laga murugoodana ah in madaxweyne Xassan Shaykh uu booqdo qabrigii Ataaturk ubaxna dhigo isaga oo qiiro ka muuqato.

Adaanka iyo Ilmaha Dhasha

Axaadiistu waxa ay sheegtay in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– uu Xassan ibnu Cali dhegtiisa midig ku adimay tiisa bidixna ku aqimay. In kasta oo axadiistan lagu sheegay daciifnimo haddana waa lagu dhaqmay.

Ibnul Qayyimraximahul Laah– markii uu arrintan kaga hadlay kitaabkiisa uu ka qoray axkaamta ilmaha dhashay la xidhiidha, waxa uu sheegay in sababtu ay noqon karto:

Ujeeddada ka dambaysaa waxa ay tahay- Allaahu aclam– in waxa ugu horreeya ee ku dhaca maqalka insaanku uu noqdo erayada adaanka, kuwaas oo xambaarsan weynida Alle, iyo shahaadada oo ah waxa ugu horreeya ee Islaamka lagu galo. Taasina waxa ay ka dhigan tahay laqinid loo laqinayo shicaarka/calaamadda Islaamka marka uu dunida soo galo, sida erayga tawxiidka loogu laqinayo markii uu dunida kasii baxayo. Mana aha wax lala yaabo in adaanka raadkiisu gaadho qalbigiisa saamaynna ku yeesho, yuusanba dareemine. Ayada oo islamarkaana ay ku jirto faaiido kale oo ah: in shaydaanku ka cararo erayada adaanka, awalna wuu sugayey inta laga dhalayo si uu ula socdo oo qareen ugu ahaado- mixno ahaan- sidii uu Alle qadaray, sidaasna waxa uu shaydaankiisu ku maqlayaa wax wiiqa awooddiisa kana cadhaysiiya marka ugu horraysa ee uu ku xidhmaba.

Faaiidada kale ee ku jirtaa waxa ay tahay in ilmaha oo loogu yeedho Alle iyo cibaadadiisa ay ka hormarto yeedhitaanka shaydaanka….iyo xikmado kale [oo ku jira][27].

Dhegayso

Adaanka Xaramka Makkah

Adaanka Masjidka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam

Adaanka Masjidul Aqsaa

Adaanka Shiicada

Adaankii Afturkiga

Xigasho

[1] Qaamuuska Soo Maal, fiiri erayga AADAAN2, 2013. Jabuuti.

[2] Qaamuuska Soo Maal, fiiri erayga AADAAN3, 2013. Jabuuti.

[3] Fatxul Baarii, 2/77. Dabcada asSalafiyyah, Riyaad.

[4] Fatxul Baarii, 2/79. Dabcada asSalafiyyah, Riyaad.

[5] Albidaayah wan Nihaayah, 3/514-515. Daar Ibni Kathiir, Dimishiq-Bayruut.

[6] Musnad Axmad, 4/43 (tirada xadiiska: 16042). Sidoo kale fiiri Buluuqul Maraam, Baabka adaanka, xadiiska 1aad.

[7] Minhaaj adDaalibiin. Imaam Nawawi: 92-94. Dabcadda Daarul Minhaaj, Jiddah. 1432H.

[8] Saxiix Muslim, tirada xadiiska: 379.

 

[9] Musnad Axmad (3/409), Sunan Abuu Daawuud (502), Sunan anNasaaii (2/4-5), Tirmidi (192) iyo Ibnu Maajjah (709)

[10] Minhaaj adDaalibiin. Imaam Nawawi: 92. Dabcadda Daarul Minhaaj, Jiddah. 1432H.

[11] AlMajmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 3/89. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

 

[12] AlMajmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 3/88. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

 

[13] AlMajmuuc Sharxul Muhaddab. Imaam Nawawi. 3/83. Dabcadda al-Irshaad, Jiddah.

[14] Minhaaj adDaalibiin. Imaam Nawawi: 92. Dabcadda Daarul Minhaaj, Jiddah.1432H.

[15] Minhaaj adDaalibiin. Imaam Nawawi: 93. Dabcadda Daarul Minhaaj, Jiddah. 1432H.

[16] Saxiix Muslim (tirada: 386)

[17] Saxiixul Bukhaarii (tirada: 614). Fiiri sharraxa Buluuqul Maraam, Sheekh Shariif Cabdinuur, cajalka 10aad (37:40 daqiiqo).

 

[18] Saxiixul Jaamic asSaqiir, (tirada: 3405)

 

[19] Saxiixul Bukhaarii (tirada: 590), Muslim (tirada: 437).

[20] Saxiixul Bukhaari (tirada: 584).

[21] Saxiix Muslim (tirada: 387).

[22] Nasaaii (tirada:646), Musnad Axmad (4/284).

[23] Fatxul Baarii, 2/505-508. Dabcadda Daarus Salaam, Riyaad.

[24] Saxiixul Bukhaarii (tirada: 608), Saxiix Muslim (tirada: 389).

[25] Zaadul Macaad, 1/124. Dabcadda Mu’assasat Arrisaalah. 1994.

[26] http://www.alarab.qa/mobile/details.php?issueId=1704&artid=202894

[27] Tuxfatul Mawduud bi Axkaamil Mawluud, 37-38. Dabcadda Mujammac al-Fiqh al-Islaamii, Jiddah, 1431H.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In ...

Gud-Yicib

“Adaa karis iyo kulayl ku cunee Kalmoon Yicib kayd ma leeyahay?” Magacyada Af soomaali: Yicib. ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *