Home / Saynis

Saynis

Farraarre (Mars)

Farraarre waa meeraha afraad ee bah-qorraxeedka, waana meeraha dhulka ugu dhow, baaxad ahaanna waxa uu le’eg yahay qiyaastii dhulka badhkii, oo dhexroorka Dhulku waa 12,756 km, ka Farraarrena waa 6,787 km. Oogadiisu waxay leedahay midab casuus ah sida dhulka hawdka ah, waxaana lagu naanaysaa Meeraha Cas. Gibilka hawo ee ku hareeraysani ...

Read More »

Dusaa/ Cudaarid (Mercury)

Waa meeraha ugu dhow qorraxda, uguna yar siddeedda meere ee bah-qorraxeedka. Xilliga la arki karaa waa uu kooban yahay oo badanaa qorraxdhaca wax yar kaddib ayaa uu isaguna dhacaa. Waxyar ayaa uu ka weyn yahay dayaxeenna, laakiin oogada waa ay isaga egyihiin. Dusaa ma laha gibil hawo (atmosphere) oo ku ...

Read More »

Diinta iyo Sayniska

Alle- kor ahaaye– markii uu uunkan sameeyey waxa ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. Markii Aadan- calayhis salaam– la abuurayna waxaa la baray dhammaan magacyadii waxyaalihii jirey. Isaga iyo Xaawo ba- calayhas salaam– waxaa loo kala sheegay dhirtii ku hareeraysneed kuwa dheefta u leh iyo kuwa dhibta u keeni ...

Read More »

Madoobaad

Dayuxu wuxuu ku meeraa dhulka, isaga oo halkii wareegba qaadanaya ilaa 29 maalmood. Halkii wareeg wuxuu ka dhigan yahay hal bil. 27-28 habeen ayuu dayuxu muuqdaa, habeen kastana meel gaar ah ayuu joogaa. Soomaalidu meelahan waxay u yaqaanaan midkiiba GOD (wadar: GODAD. 28 ka god magacyadooda hoos ka akhriso). Marka ...

Read More »

Unug (Cell; الخلية)

Waa Maxay Unuggu? U fiirso sawirka gidaarkan. Waxaa innoo muuqata in uu ka dhisan yahay bulukeeti la isdulsaaray oo isku dheggan. Haddiise aad ka fog tahay ma arki kartid in uu ka samaysan yahay bulukeetiyadan yaryar’e, waxaa kuu muuqanaya gidaar taagan. Sidaa si la mid ah, ayeynaan u arkin waxa ...

Read More »

Atam (Atom, الذرة)

Maatar–ku waxa uu ka samaysan yahay saxarro aad u yaryar oo lagu magacaabo Atam. Hal tin ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ballaadhkeedu yahay hal milyan oo atam. Atamka qudhiisu waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood: borotoon, niyutroon iyo elektoroon. Atamku waxa uu leeyahay badhtame ama bu’ halkaas oo ay ...

Read More »

Maatar (matter/المادة)

Aqoonteennu inta ay gaadhsiisan tahay uunku waxa uu ka samaysan yahay maatar iyo tamar. “Wax kasta oo cuf iyo culays leh oo meel bannaan buuxin kara”[1] ayaa maatar lagu magacaabaa. Si kale haddii aan u dhigno, wax kasta oo aad taaban kartid waxaa la dhihi karaa waa maatar. Sidaas awgeed, dhagaxa, ciidda, geedka, ...

Read More »